Qof kasta oo xil iyo masuuliyad ummadeed qaadaa waxa uu ku jiraa imtixaan natiijadiisa laga daalacan doono diiwaannada taariikhda, kaas oo uu qofna ku guulaysto, midna guuldarraysto.

Imtixaankaa waxa lagu qiimeeyaa xil-gudashadiisa, xilkasnimadiisa, waxqabadkiisa, mawaaqiiftiisa, daacadnimadiisa, hoggaamintiisa, iyo hibooyinka la xidhiidha xallinta mishkiladaha iyo maaraynta duruufaha hadba soo fool yeesha. Waa laga yaabaa in dadku ku kala aragti duwanaado qiimaynta qodobbadaa, hase yeeshee waxa aakhirka ka marag furta taariikhda oo ah jire markhaati ah.

Toddobadii sanno ee ay jirtay Xukuumadda Kulmiye, masuuliyiin badan ayuu Madaxweyne Siilaanyo xilal u igmaday. Qormadan waxaynnu ku eegi doonnaa aragtidii aan ka qaatay laba masuul oo aan marar kala duwan la kulmay. Waa Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska JSL Sarreeye-Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Maxamuud Xaashi Cabdi:- Ka hor Xukuumadda Siilaanyo, Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu soo noqday Maayarkii ugu horreeyay ee magaalada Burco (oo uu 27-jir ku noqday) iyo mudane ka tirsan Golaha Wakiillada JSL. Magaciisu waxa uu mar kale saaxadda siyaasadda ka muuqday 2010 oo ku astaysan curashadii guusha Kulmiye iyo dhismihii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

5 sanno oo ka mid ah muddo-xileedka Madaxweynaha waxa uu ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada, iyada oo lagu xusuusto waxqabadkii ballaadhnaa ee uu ka hirgaliyay madaarrada Hargeysa iyo Berbera, isaga oo gaadhsiiyay heer ay diyaaradaha Adduunka ugu muctarifsani ku soo hirtaan. Labadii sanno ee u dambeeyay waxa uu Wasiir ka ahaa Wasaaradda Madaxtooyada oo muhiimad iyo miisaan gaar ah u leh qaranka, maadaama oo uu yahay qofka ugu dhow ee gacanyaraha u ah Madaxweynaha. Wasaaraddan, si gaar ah ayay bulshadu isha ugu haysaa. Maxamuud waxaan la kulmay muddadii uu Wasiirka ka ahaa Madaxtooyada.

Maadaama ay suuqa ku jirto in han hoggaamineed oo heer qaran ahi ku jiro Maxamuud Xaashi, ayaan xoogga saaray inaan u fiirsado sida uu wax u wado muddadii aan la joogay.

Kulankayagii kadib waxa iiga baxay inuu yahay nin deggan, oo si miyir leh u guta xilka uu qaranka u hayo, isla markaana masuuliyiinta kale ee xukuumadda ku ixtiraama xilalka ay dalka u hayaan. Waxa kale oo iiga baxay in aanu ahayn nin qab weyn oo isla kibirsan ee uu yahay qof wax dhegaysanaya, qof walbana qiimihiisa ku ixtiraamaya. Waxa iiga baxay inuu yahay nin war cad oo hadduu ballan kula galo sidiisa u fuliya. Ugu dambayn, Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaan u arkay nin ka culus xilka uu hayo, oo aan xilku isaga ka cuslayn.

Madaxweyne Siilaanyo waa macallin iyo rug-caddaa siyaasi ah oo samir badan, qofka ka ag dhowaada ee u samraana kuma qado ee wuu ku faa’iidaa sida Musharrax Muuse Biixi ba uga faa’iiday wada-shaqayntii naf-hurka lahayd ee Madaxweynaha.

Sidaas darteed, Maxamuud Xaashi laftiisa kuma qadi doono haddii uu is waafajiyo ka midho-dhalinta hammigiisa mustaqbal iyo hirgalinta geeddiga siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye maanta ku beegsanayo inuu talada dalka mar kale haaneedo.

Cabdillaahi Fadal Iimaan:- Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa uu ka mid ahaa ballaysinkii ugu horreeyay ee lagu aasaasay ciidanka Booliska JSL.

Muddo ku siman rubuc-qarni ayuu ka mid ahaa qodimmada ugu mudan ee amniga qaranka. Waayo-aragnimo dhammaystiran oo dhinacyo badan leh ayuu u leeyahay hawlaha amniga.

Shaqada kama uu bilaabin halka uu maanta ku magacaaban yahay, waxa uu se ka soo bilaabay meel aad u hoosaysa. Xukuumadda Siilaanyo ka hor waxa uu soo qabtay xilalka kala ah baadhe, taliye-xigeen saldhig, taliye saldhig iyo hoggaanka hawlaha ee ciidamada Booliska.

Marka ay sidaa tahay, waad dareemi kartaa in aanu ahayn qof ku soo booday xilka Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska, bal se uu yahay qofkii ugu habboonaa ee masuuliyadda nabadgalyada qaranka lagu aamini lahaa.

Muddadii uu Taliyaha Guud ee Booliska ahaa, waxa u suurtogashay in ciidamada Boolisku tiro ahaan iyo tayo ahaanba kordhaan, isla-markaana ciidamadu guulo waaweyn ka gaadhaan dhinacyada qalabka, tababbarrada iyo xoojinta hawl-gallada amniga guud ee qaranka.

Akhriste, waxa aad markhaati iiga tahay in aynnu dedaallada Ciidamada Booliska dhammaanteenba ku lednay. Sidoo kale waad dareemi kartaa culayska masuuliyadda nabadgalyada dal curdin ah oo nabdoon oo ku yaalla mandaqad ololaysa.

Dabci ahaan, waa nin deggan, feejigan oo fiiro dheer. Waxa uu wakhtigiisa inta ugu badan ku soo jeedaa sugidda nabadgalyada oo ah masuuliyad aan sinnaba loo dhayalsan karin.

Waa masuul baadhis qoto dheer iyo go’aan qaadasho hufan ku saleeya go’aamada xasaasiga ah ee shaqadiisa la xidhiidha. Inta aan ka arkay, waa masuul ka xor ah inuu ku go’aan-qaato qof-nacayb, caaddifad, cadaawad, iyo ciil-qab intaba. Dedaalladiisa iyo shaqadiisa waxa ka marag ah taariikhda.

Ugu dambayn, si loo badhi-taaro dedaallada ummadeed ee Sarreeye-Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxaan ku talin lahaa in Madaxweynaha Qaranku ku abaalmariyo shaqo-wanaaggiisa, isla-markaana uu laba derejo kor u dallacsiiyo, kana dhigo Sarreeye-Guud.

Waa goor gaaban, safarkayga hakad aan badnayn ayaa u qorshe ah, booqashaduna way tiro dhaaftay waxaan qalinka u qaatay inaan qabyo tiro qoraal kooban oo muddo igu jiray kaasoo aan jeclaaday inaan ku ladho qormooyin hore oo aan ka sameeyay magaalooyinka boorama,hargaysa iyo gabilay isla markaana aan si kooban xog ugaga gudbiyo caasimada boqran ee gobolka togdhgeer ee magaalada burco.

Sharraxa kelmadda (boqran) ee aan u xushay astaanta qoraalkaygan si aanad ugu mashquulin ila soco.

Halkani waa magaalada burco juquraafi ahaan waxay dhacdaa kala badhka somaliland meel u dhow,cimilo ahaana waa magaalo jawigeedu fiicanyahay dhul ahaana magaalada burco waa meel siman oo carro saafi ah leh, isla markaana hodan ku ah biyaha la cabbo.

Goleheeda degaanku waa 21 xubnood waana mid kamida magaalooyinka ugu koritaanka badan somaliland iyadoo sanadihii ugu danbeeyay si xawli ah u balaadhatay lana odhan karo xaga qorshaha way kaga fiicantahay magaalooyinka la olloga ah ee dalka.

Arimaha xiisaha gaarka ah wata ee magaaladani caan ku tahay waxaa ka mida inay ku suntantahay taariikhda lasoo noqoshadii madaxbanaanida somaliland iyadoo lagaga dhaqaaqay isla burco,waxaa iyana xusid mudan burco inay tahay degaan ay kasoo jeedaan in badan oo magac milgo iyo maamuusba ku leh dhaqanka,afka,suugaanta iyo masrixiyada inagoo waqtigan tusaale usoo qaadan karno labada jilaa ee caanka ka ah dunida ee SOORAAN IYO JAWAAN.

Magaalada burco waxay ka mid tahay meelaha ugu dadka badan dalka kuwaasoo badanaa magaalooyinka kale ee somaliland dadka ku nooli ay ka aaminsanyihiin reer burco inay yihiin dad kaftan badan had iyo jeerna dhoolla caddeeya isla markaana la sheego inay sameeyaan naanayso iyo erey bixino luuqadeed oo u badan maadeys.

Geesta kale burco waxaa ka jira ururo bulsho oo kala duwan una badan dhalinyar kuwaasoo waqti badan galiya kor u qaadka iyo horumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka una hawl gala qaab mutadawacnimo iyadoo la xasuusto kaalintii ay ka qaateen la dagaalankii shubanka ee ka jiray magaalada burco.

Si guud hadaynu u eegno gobol ahaan TOGDHEER ma firfircoona dhinaca wax soosaarka beershadu waxaase xoog la saaraa dhaqashada xoolaha nool, waxaana dadka qaar oo aan la sheekaystay ay ii sheegeen in waqtigan la joogo xiligii la baran lahaa dalag beershada mar hadii abaaro baahsani dalka wada saameeyeen xoolihiina yaraadeen taasina ay dadku bilaabeen,sidoo kale maamulka gobolkana ay isna qorshihiisa ku jirto dhiirigalinta wax soo saarka.

dhinaca cuntooyinka iyo sharaabyada magaalada burco waxa aad loo xiiseeyaa shaaha iyo hilibka xoolaha waxaana ku yar noocyada hilibka cad sida kaluunka iyo kuwa soo raaca inkastoo waqtigan la isticmaalo.

Hadii aynu soo koobno magaalada burco marka la eego mustaqbalka dhaw waxay u baahantahay in loo dejiyo qorshe balaadhan oo caawin kara koritaanka xawliga ah ee ay ku socoto kaasoo wata kaabayaasha nolosha ee aasaasiga kuna cindanyihiin bilic,fayodhawr iyo magaalayn ku dhisan aqoon casri ah.

golaha degaankana waxaa la gudboon inay ka faa,iidaystaan firfircoonida bulshada reer burco isla markaana ay sameeyaan qorshe saxmadda lagaga yaraynayo magaalada laguna balaadhinayo oo lagu dayac tirayo jidadka burco iyadoo xoog la saarayo dhinaca bilicda iyo nadaafadda taasoo ka dhigi karta magaaladan mid laba jibaarta soo jiidashada xiisaha badan ee ay caanka ku tahay burco.

Golaha Guurtida Somaliland oo ku abtirsada SNM waxa uu Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ii sheegay in abaabulkiisa la bilaabay sannadki 1983kii. Wakhtigaasi waa xilliyadii la caleema-saaray Suldaan Xasan Bulbul oo ku suntanaa Suldaanka Beelaha Isaaq ee Itoobiya. Sidoo kale waxa uu Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ku sheegay in shirkoodii kowaad uu ka dhacay Dooxada Daahiir Maadhiin ee Rabaso 1984kii, waxaana kala qayb-galay Marxuun Ibraahin Meygaag Samatar oo ahaa ku-simaha Guddoomiyaha SNM.

 

Goluhu waxa ay sidoo kale shir qabsadeen 1985kii. Sannadihii 1986kii iyo 1987kii shirkoodu ma qabsoomin waxaana sabab u ahaa dilkii Marxuun Suldaan Xasan Bulbul. Sidoo kale waxa caqabad ahayd in odayaasha Somaliland ay badankoodu ku sugnaayeen gudaha dalka. Markii laga bara-kacay Hargeysa iyo Burco 1988kii ayaa dib loo abaabulay Golaha Guurtida waxaanu shirkoodu ka dhacay Cadaroosh 1988kii, sidoo kale waxa ay ku shireen Madaweyn 1989kii.

Golaha Guurtida waxa xubin sharci ah loo ansixiyay shirkii Balligubadle ka dhacay 1990kii ee lagu doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Xasan Ciise Jaamac. Kal-fadhigoodii kowaad waxa uu ahaa Shirkii Boorama ka dhacay ee 1993kii lagu doortay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Haddaba golaha la sameeyay 1983-1984 sidee ayaa curintiisa loogu nisbayn karaa Muuse Biixi oo SNM ku biiray 1986kii? Ma tahay in taariikhda lagu xuso aasaaska dhacay 1984kii? Muuse Biixi Cabdi waa halgamaaga keliga ee magaciisa lagu xardhay buugga taariikhda fasalka afraad ee dugsiyada sare ee Somaliland. Dhiganahan oo uu ku jiro cutub ka sheekaynaya SNM, waxa la daabacay gug’gii hore ee 2016ka.

 

Diiwaankan waxa qore ka ahaa Axmed Cali Quulle Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, oo hayb ahaanna ay xigaal dhow yihiin Mujaahid Muuse Biixi Cabdi. Waxa ay dood adagi dhex martay tifaf-tireyaashii buugga oo reer Awal ahaa “Haddii SNM la yidhaahdo waxa ay noqonaysaa reer/beel. Markaa habkan aad u qortay waa mid aan u qalmin ummadda Somaliland oo dhan” ayay yidhaahdeen.

 

“Anigu in aan sidii saxda u ahayd u qoray ayaan u arkaa, waana halgan dhacay. Somalilandna waxa dhashay SNM” ayuu qoraagu ku dooday. Cabbaar kolkii hadalka la isku mari waayay ayaa uu Cabdillaahi Yaasiin Agaasimaha Waaxda Manaahijta Ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland uu yidhi “Isagu sidaas ayuu qoray, idinku wax-ka-beddel ku sameeya”. Sidaas ayaana lagu af-xidhay dood socotay laba saacadood oo aan goobjoog u ahaa. Murankaas awgii waxa uu buuggani ahaa kii ugu dambeeyay ee la daabaco.

 

Cabdillaahi Ibraahin Habbane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo 14kii Juun 2016ka ka hadlaya munaasibad uu Prof Axmed Ismaaciil Samatar kaga biiray KULMIYE oo Boorama lagu qabtay ayaa yidhi “Aragtida aasaaska Golaha Guurtida waxa lahaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaanu rayigan keenay 13kii Ogos 1988kii, sidaasna waxa ii sheegay Marxuun Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre”. Waxa aan u arkaa in aasaaska guurtida lagu saleeyay aragtidii Wasiirka.

Intimidation Is Taking Place In This Elections !

There is huge turning point in Somaliland election campaigns and international observers should be aware that there are some cells that has been implemented with in.

Freedom of expression is highly under constant watch because there is a shift of balance and the only way to deal with is to use all the necessary resources. The Government Party and The Party itself have big issues although they are the same but it seems that the party is taking advantage for its campaigns using indirectly all the governmental wrongdoings blaming already that DP World investments failed.

From here you can notice that the mayor of Berbera who was campaigning for Kulmiye candidate started to have a press conference saying that Berbera Port Authority service deliveries was getting low since it was handed over to Dp world. From the top when you observe it the government is backing up Kulmiye Candidate but the reality is they each other conspiring against each other. For instance Kulmiye campaigners logo words is ” The Government & The Party are two different things” meaning: all the governmental wrongdoings were only done by President Silaanyo and the Party & his candidate has nothing to do with it.

Those lame statements from Kulmiye campaigners highly offended The President and The First Lady. In conclusion this election has been twisted into so many ways creating confusions with it the populations and specially the Youth that has been divided and as you have been observing our Parliament is cracking and multiple other cracks started along as well and there is a great commonly shared worries about this election.

Anigoo ah yuusuf saleebaan ducaale maansadan waxaan curiyey taariikhdu markii ay ahayd 27 July 2017. Maansadan waxa aan curiyey anigoo anbaqaadaya maansada miimleyda ee uu ibo furay Abwaan Xasan Daahir Weedhsame ka dib markaan dhagaystay hal abuur badan oo siyaabo kala duwan uga jawaabayaa maansadiisa iyo musuqmaasuqa baahsan ee uu tibaaxay abwaanku.

Maansadu sida aad ka dheehan karto tuducyada ay ka kooban tahay waxa ay tilmaamaysaa wakhtigan la joogo waxa loo raadsado mansab iyo musuqmaasuqa baahsan ee hantida dadweynaha iyadoo aanay jirin dabagal, isla xisaabtan iyo nidaam hanti dhawr oo lagula xisaabtami karo dadka mansabka siyaasadeed ka haya dalka.

Waxa kale oo wax laga yaqyaqsoodo ah in nidaamka ama shaqsi in la dhaliilo sida ay dad badani uga soo horjeedaan iyagoo ka horaysiinaya danta dadka iyo dalka tooda gaarka ah ama xidhiidhka ka dhaxeeya cid gaar ah, balse ay moogan yihiin in danta guud oo hagaagta ay uga wanaag badan tahay si kasta oo kale oo dantooda gaar ugu fulayso.

 Maansadan giraantee

Ninba meel u jeedshee

Muraadkeedii toosnaa

Maangaab saluugee

Ma hubsade ku miigtee

Maan booglayaashii

Malaxdii ka buuxdiyo

Mililkoodii damaqdee

Maadaysi laga dhigay

Ninka maanso yahankee

Qoraxdoo mudh soo tidhi

Sacabada ku moosee

Marshay waa habeenimo

Bal malee kaskiisoo

Maxay kuula eeg tahay

Musuq aan midkii galay

Ka Mildhaawin sheegii

Misna uu mudnaaniyo

Mihnad uu la gaaryiyo

Maamuus ku yeeshoo

Tolku kuba majeertaan

Ninka maro ku dadayee

Macne kale u yeelow

Mooganaani ka dheer

Waad se marin habowdee

Dadka maamul baa haga

Mareeya garashada

U macneeya waayaha

Muhashada kashoodiyo

Mililica ishoodiyo

Waxay male ku doonaan

Hindisaha u meel daya

Mututuulka dhaayaha

Sawir muuqda uga dhiga

Marin toosan mariyoo

Maalmaha qorsheeyoo

Kala miira aragtida

Milgahooda dhawroo

Mahuraan ka aayaha

Dhaxal muuqda uga taga

Maynu noqon kuwaasoo

Maalmayno joognaa

Inaad muruqa maashoo

Maal xalaala doontiyo

Inaad maal la sooftaba

Dadka kala macaan tahay

Mansab muran ku doonoo

Maamuus ku raadsoo

Magac weyn ku yeeloo

Maatida ku booboo

Madadaali shacabkoo

Afar aad masruuftoo

Dadka kuu macneeyoo

Mufti iyo masuul qaran

Mar la arag inaad tahay

Mahwiyada ka sheegoo

Miiganaynin beentoo

Marganaynin xaaraan

Meel uun ka doonoo

Maykrafoonka hororsoo

Xaflad uun maluugnow

Alalaas mashxaradeed

Maamuus ku doondoon

Hadba boqol macsuumoo

Qurba joogta muunee

Midhadh haybta guudiyo

Magta aad wadaagtaan

Maqaarsaar ka dhigo oo

Mansab aan hore u jirin

Iyo shaqo ninkii mudan

Male lagaga qaadiyo

Mashaariic la doondoon

Macal qabadka kaa qaadoo

Keligood macaash sii

Inta kale midh haw qaban

Ha ag marin muhiimkiyo

Hawlaha mudnaanta leh

Macaluusha hogashada

Iyagoo madluunoo

Haraad ay melaganyiin

Cudurana malgeen badi

Moodharada mukeefka leh

Ku mushaax dhexdoodoo

Marin jay ku saydh saydh

Marna gado ma guurtada

Ma huraanka yurub mood

Masiibada haleeshiyo

Balaayada maduurtiyo

Mashaqada duraysiyo

Ku maxaabso daranyada

Naar eebe mooyee

Mase lihid canaanoo

Sharka aad maleegtiyo

Maalkaad xadaysiyo

Beentaad maloostiyo

Mukurka iyo tiiqsiga

Maxastaad qoqobayseed

Qololo u moosteed

Damiirkooda maydhaa

Kugu simay muraadsiga.

 Dhammaad

Maansadan Waxa Curiyey Abwaan Yuusuf Saleebaan Ducaale 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here