Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaan leeyahay Nin weyni xantii ma mooga’e wax badan ayay Warbaahinta Internet-ka iyo Baraha Bulshadu ku wada xidhiidhaa baahinayeen Warar been abuur ah oo lagu sheegayo Dagaalkii Ceel af-weyn waxa ka dambeeyay Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, balse Qof kasta oo Damiir garasho iyo mid Islaamnimo lehba wuxuu Wararkaa u arkayey hurin colaadeed oo lagu sii kala fogeynayo, Beelaha Walaalaha ah ee Colaaddu ku dhex martay deegaanka degmada Ceel af-weyn ee Gobolka Sanaag. Haddaba Wasiirka Madaxtooyada waxaan leeyahay Adiga iyo wax-garadkii hawl-galay Colaaddii Beelaha Walaalaha ah ee Ceel Af-weyn, Alle ha idinka abaal-mariyo gurmadkii iyo gunaannadkii colaaddaasi oo xilli adag iyo abaaro guud ku soo beegantay.

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu labada Beelood ee Walaalaha ah ka dhex abuuro nabadgalyo iyo wada-jir ay ku negaadaan.

Sidoo kale, waxaan Wasiir Xaashi ku bogaadinayaa Gurmadkii iyo dhamaystirka Colaaddii Beelaha Walaalaha ah ku dhex martay Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Dharkeyn-geeye, waxaan leeyahay Alle nabaddaa ha ugu wado Beelahaa Walaalaha ah ee la soo afjaray Colaaddii dhex taallay, waxaanan kula dardaarmayaa inay nabaddooda ilaashadaan, kana hor-tagaan wax kasta oo keeni kara inay mar kale isku dhacaan.

Qof walba waxa uu jecel yahay in uu noqdo mid soo jiidasho leh. Tani waxa ay dadyowga qaar ka dhigtay kuwo u sameeya ficilo aan wacnayn sababo ah in ay noqdaan kuwo soo jiidasho leh, kuwaas oo qofkaas ka dhiga mid aan soo jiidasho lahayn; ugu danbayna ku rida qofkaas niyad jab iyo cabsi xooggan.

Halkan waxa aan  kaga hadli doonaa qoddobo ka caawin kara qof walba in uu soo jiito dadyowga ku xeeran, tan macnaheedu maaha qof walba se waa qaar ka mid ah dadka si aad iyaga ugu noqoto mid ay ku hirtaan.

1: Noqo Mid dabacsan: In aad noqoto qof dabacsan dabeecad ahaan, habdhaqan ahaan iyo waliba qofnimo ahaan waxa ay kuu sahlaysaa in ay dadyow badan ku soo hirtaan shaqsiyadaada; taas oo ay kuu qaadi doonaan dareen ka helis oo jeclaystaan in ay kula kulmaan sheeko wadaagna kula noqdaan. Dabacsanoow macnaheedu maaha in aad noqoto mid hadal badan ama u muuqda qof nacas ah se waa in aad noqoto qof lagu soo dhici karo.

2: La Wadaag aqoon iyo talo wax ku ool ah: Dadyowga badankooda waxa soo jiita qofka ay bidayaan aqoonta ama khibrada nolosha, kaas oo ay rajeynayaan in ay ka faa’idaan wax noloshooda anfcaaci u leh. in aad dadka la wadaagto Aqoontaada iyo waayo aragnimadaada talo ahaana u siiso, waa mid kaa dhigi karta qof hanta quluubta dadyow badan.

3: Horumari luuqad jidheedkaaga: Dadyowga inta badan isticmaala luuqad jidheedkooga sida Gacmaha iyo muuqaal dareemeedyada ( Facial Expressions) kala duwan ee wajiga uu qofku sameeyo waxa ay ka dhigaan mid xiiso leh oo soo jiidasho leh, tani waa qayb ka mid ah xaragada hadalka iyo sheekada, waxaana ay macno badan u yeesha qofka hadalkiisa.

4: Dhagayso in ka badan inta aad hadasho: Marka aad qof la tahay sheeko wadaag waxa waajib kugu ah in aad la wadaagto dhagahaaga si aad u xiiso galiso qofka kula jooga una dareensiiso inaad danaynayso.

5: Noqo mid kaftami kara: In aad mararka qaarkood kaftanto waa muhiim adiga oo ilaalinaya anshaxa kaftanka; waa in aad ku kaftami kartaa wax aan dhaawacayn qofka aad doonayso in aad ka qosliso kagana qosli wax dhab ah, adiga oo isticmaalaya kalmado ama jidhkaaga sida indhahaaga, wajigaaga ama gacmahaaga.

La soco qaybta danbe…..

Xamse Tudhaale:  Tabobare Nololeed iyo Qoraa ka faallooda horumarinta habfikirka Aadamaha.

Odhaahdan kor ku xusan waxa la yidhi waxay ku timid wakhti hore ayaa Suldaan Cabdilaahi oo ah Suldaan Maxamed Suldaan Cabdirqaadir Awoowgii (Waa Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye ee) ayaa waxa uu Suldaanku qaranka u hibeeyey qayb ka mida dhulkii Beetiisa si halkaasi looga dhiso Isguul iyo Garoon Cuurtu ay Kubadda ku Ciyaarto, hada gara oo dhulka Suldaan Cabdilaahi Ku Deeqay  waa goobta hada loo yaqaano Isguulka Riis ama  Dhulka uu ku fadhiyo Dugsiga  Isguulka Riis ee ka dambeeya ama dhinaca Koonfureed ka xiga  Saldhiga Rugta Kutubta (Saldhiga New Hargeysa) ee magaaladda Hargeysa.

Haddii aan u soo noqdo dhulkaasi Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye ku deeqay iyo Odhaahda Caan Baxday ee Ah   “CIYAAL CIYAAL AAN LA LA  CIYARIN AYAA JIRA” maxa isku keenay, waxay jawaatu tahay qisadan ayar, dhulkii uu Suldaanku ku deeqay waxa laga dhisay Dugsi waxbarasho oo ah Isguulka Riis waxa halkaasi ay Caruurtu ku ciyaari jirtay Kubad maadama oo garoon Kubaddeed uu ku yaalay, ka dib mid ka mida Caruurtii uu dhalay Suldaan Cabdilaahi oo Wiil ah, ayaa ay isku xanaaqeen Wiil kale oo ay Kubadda wada Ciyaarayeen, waxaana meeshi ku dhex maray Dagaal.

Ka Dib lays dil oo la kala teg, haseyeeshe waxa maqlay in Walaalkood ay Wiil qiyaastii markaasi ka yar weyn is dileen Inamo kale oo uu Suldaan Cabdilaahi Dhalay, Garoonkii Dugsiga Riis ku dhex yaalay ayey yimaadeen, ka dibna Albaabada ayey iskugu laabeen oo waa Xidheenba, Wiilkii ay islaayeen Inanka Suldaan Cabdilaahi dhalay, ayaa Aabihii u tegay waxaanu u sheegay dirirta dhex martay saaxiibkiisii ay Kubadda wada ciyaari jireen ee Ina Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, ka dib Wiilkii Aabihii isaga oo waaninaaya waxa uu ugu jawaabay “Aabe Idhegayso “Aboow CIYAAL CIYAAL AAN LA LA  CIYARIN AYAA JIRTA “Hadii Aad Wax Maqlayso Garoonka Dib Haw Tegin”

Hadaba Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) Maadama oo Sida aan Xogaha ku maqlaayo uu isagu ku lug leeyahay oo la sheegaayo in Shirkadda Dahabshiil Ka Iibiyey qayb ka mida Dugsiga RIIS, waxa uu u baahan yahay in loo sheego Odhaahda Caanka ee “CIYAAL CIYAAL AAN LA LA  CIYARIN AYAA JIRA ”  waxa kale oo haboon in uu ogaado Khasaaraha maanta ka dhici gaadhay Dhulka uu ku Fadhiyo Dugsiga RIIS ee la doonaayo in la Xaraasho hadii ay Shacabka reer Somaliland u guntadeen oo ay adbaadiyeen ogow Qoyskii dhulkaasi qaranka u Hibeeyey ee reer Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye wax u diidayaa ma jiraan hadiiba cid gaar ahi ku danaysanayso in aanay jirin wax u diidaaya inay dhulkoodii dib u la laabtaan ileen Jeebad shaqsi loo loogi maayo ee.

Buuhoodle Waa Deegaan taariikhi ah oo caan ka ah mandaqada geeska afrika waa deegaanada aadka looga tix galiso dhaqashada geella iyo suugaanta.

Bulshada jiidaha buuhoodle ku dhaqani waa xoolo dhaqato soo jireen ah aadna u jecel hidaha iyo dhaqanka Somaalida waa dad intooda badani ku xidhan tahay noloshoodu xoolaha nool dhaqashadooda iyo manaafacaasdigoodaba.

Buuhoodle markaad maqasho waxaad xasuusanaysaa Gabayada Somalidu isku tiri jirtey oo meelo badan ay kaga jirtey buuhoodle waxaana jiidahaas ku dhashey hal abuur mahadhooyin badan oo suugaan ah dunida kaga tagey.

Gobolka Buuhoodle waxa uu ka mid ahaa deegaanada Somaliland ee aanan arkin anigoo gaashaan qaad ah balse nasiibku waxa uu ii saamaxay allena ii suurto galiyay in aan u safro labaatankii  bisha Sagaalaad ee sanadkan (20/09/2017) Anigoo u tagey Geerida abtigey oo Magaaladda Buuhoodle ku geeriyoodey alle ha u naxariistii Marxuun Maxamed Cabdilaahi Ducaale oo ku magaca dheeraa MAXAMED GADHWEYNE Oo xaqii alle ugu yimi gudaha buuhoodle laguna aasey.

Buuhoodle waxaa deegaan ahaan ka soo jeeda abtiyaashey.

Wakhti ku beegaan 9-kii Habeenimo ayaa buubuur khaas ah ka kaxaysanay Caasimada Hargeysa anigoo u sii jeedna buuhoodle habeenkii oo dhan jidkaanu sii miranaynay waagu waxa uu noogu baryay duleedka bari ee magaalada Caynabo jidka dheer ee isku xidha burco ilaa laascaanood waxaanu kaga dagney meel u dhaxaysa deegaanadda OOG iyo GUUMAYS jidka rafka waanu ku jirney ku dhawaad lix saacadood Waxaanu buuhoodle gaadhney maalintii danbe 11 Duhurnimo taas oo ka dhigin in aanu Hargeysa iyo Buuhoodle u kala safreynay wakhti dhan 14 Saacadood oo xidhiidh ah.

Buuhoodle sidaa uma foga oo waa hawdka gobolka togdheer balse waxaa loo maraa jid dheer oo wareeg ah sababatuna waxay tahay waxaa xidhan jidka isku xidha degaanadda Qorilugud iyo Buuhoodle xidhnaanshiyahaas oo ay keentey Colaad dhex martey labada beelood ee deegaanada ku dhaqan.

Bulshada reer buuhoodle waxay ku jiraa xaalad  ay adag tahay marka loo soo safrayo khudrada iyo ganacsiga qawtal daruuriga ah Qaadka amaJaadka bulshadu isticmaasho waxaa u keenta diyaarada maadaama safarka dhulku wakhti badan uu qaadanayo taasina waxay kaantey in maceeshadu qaali noqoto.

Todoba maalmood ayaa joogey magaalada buuhoodle markaan bulshada u kuur galey waxaa iiga dhex baxay in sixir barar uu deegaanka ka jiro waxaana loo sababeeyaa sixir bararkaa colaada iyo abaarta deegaanka ku soo noqo noqota.

Buuhoodle waxaa laga qaataa dhawr nooc oo lacag ah sida Lacagta cadcadka loo yaqaan Dollar, Birta Ethopia-ka iyo Adeega Zaadka.

Intaas oo lacag ahi waxay sababaysaa kor u kaca sarifka lagaha oo xidhiidh wayn la leh ganacsiga aas aasiga ah.

Magaaladdu waa mara xadh wey dhisan tahay ganacsi xoogan baa ka socda buuhodle deegaanadda ay maamusho dhirta iyo deegaanka aad baa loo ilaaliyo oo kaymo jiq ah ayaa magaalada ku hareeraysan roobkuna wuu ka da’yay oo barwaaqo bilowgeed bay ku jireen.

Buuhoodle dadka aan arkini waxay aaminsan yihiin in ay tahay meel khatar ah oo dadka lagu laayo balse xaqiiqdu sidaa ma ah oo deegaan imika nabdoon oo xasilooni ay ka jirto dadkuna waxay kala aaminsan yihiin  siyaasado kala duwan.

Buuhoodle waad ka helaysaa adeegkasta oo bulsho aad u baahato Waloow ay jirto dib u dhac badan oo bulshooyinkaa haysta sida waxbarashada caafimaadka iyo horumarka guudba reer buuhoodle waxay u baahan yihiin in ay ku dadaalaan sidii ay bulshadooda horumra ugu horseedi lahaayeen ugana bixi lahaayeen nolosha imika ay ku jiraan.

Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Broad-ka (BOD) Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Agaasimihii hore ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, Maxamed Siciid Gees, Agaasimaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Mr. Maxamed Faarax Xirsi, Cumar Aadan Yuusuf, Maxamed Cabdi Cumar, Sahra Maxamud Isxal iyo Caasha Maxamed, Maxamed Baarjeex, Nafiisa Yuusuf, Xasan Guur, Maxamed Baaruud, Amran Cali Xiis, Haruun Yuusuf Qulubne, Maxamed Cismaan (Mu’adinka) iyo dhammaan Guddiga Hagayaasha (Broad-ka – BoD), shaqaalaha iyo dhammaanba asxaabta  Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland waxay tiraanyo leh u dirayaa, Golayaasha Qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyaanle) oo ku geeriyooday 27/09/2017 dalka Hindiya, waxayna marxuunak Illaahay uga baryeyaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin… Aamiin… Aamiin… Aamiin… Aamiin…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here