Somaliland Rubuc qarni kadib waxay heshay daadihiye maaliyadeed oo ku haboon, Marwo Samsam Cabdi Aaadan oo hada ah wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa ah masuulkii kaliya ee sameeya waxyaabo badan oo soo jiita indhaha bulshada kuwaasi oo dareeno kala duwan ka bixiya mashaaricda muuqda ee ay qabto Daadihisada Xoolaha dadwaynaha Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Ka Hor wakhtiyadii iyo sooyaalkii kala duwanaa ee ay soo martay marwo Samsam Cabdi Aadan waxa buuxa ee lagu xusi karaa in ay ka mid ahayd masuuliyiintii heeganka buuxa ugu jiray sidii ay u horumarin lahayeen bulshada gaar ahaan dadka aan codkooda la maqlin taasi oo in badan ka soo shaqaysay ururada maxaliga ah iyo kuwo caalami a, taasi oo ka mid ahayd dadkii bud dhiga u ahaa amaba asaasay xisbiga midnimada iyo horumarka ee kulmiye waxay guulo la taaban karo ka soo qabatay mudooyinkii uu xisbiga kulmiye loolanka adag ugu jiray sidii uu u hanan lahaa madaxtinimada dalka.

Wakhtiga maanta la joogo oo ay tahay masuul ku suntan waxqabad kana tirsan masuuliyiinta ay bulshada reer Somaliland sida gaarka ah ugu timaamaan in ay ka mid tahay dadka hir galiyey sidii wax wayn looga badali lahaa tubta loo marayo waxqabadka dalka taasina ay dhalisay in la helo wadooyin wanaagsan oo ay jeexday marwo Samsam Cabdi Aadan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada.

Ka hor wakhtigii loo magacaabay wasaarada maaliyada waxa ay soo qabatay wasiirka wasaarada Waxbarashada taasi oo samaysay qodobo badan oo taariikhda galay kuwaasi oo ay ka mid ahayeen tayeynta macalimiinta dalka, bixinta xaqa macalinka hawlgabka noqoda iyo dhisida dugsiyo kala duwan oo iskugu jira dugsiyo sare iyo kuwo hoose, wakhtiyadaa kala duwan ee ay soo martay xilalkaa kala duwan ee dawlada marnaba waxaan la hilmaami Karin in ay tahay masuul wax qabad oo meesha ay joogto ka dhigta muraayad ka soo dhex muuqata goobaha kale.

Daadihisada Xoolaha Umada Marwo Samsam Cabdi Aaadan geesta kale waxa ay kobac weyn gaadhsiisay dhaqaalaha dalka taasi oo samaysay mashaariic kala duwan oo dhanka maaliyadeed ah iyo sidii loo kobcin lahaa ilaha dhaqaale ee dalka, waxaana taariikhda ay ka gali doontaa baal dahab ah oo in badan lagu xasuusan doono sida wanaagsan ee ay u hirgalisay mashaariic badan oo dalku tabayey.

Dumarkiyo carruurtiyo middii dadab ka soo jeedda

Daba dhawga geeliyo midkii daylo celinaaya

Dukaanlaha wax iibshiyo midkii dad u xamaalaaya

Diktoorkiyo fannaankiyo haddaan darawal soo qaato

Dibjirkiyo nin liitiyo nimay dani waxyeelaysay

Dillaalkiyo mallaalkiyo midkii duunyo raranaaya

Sida dawlada loo maamulaa debec u sheegtaane

Digrii baa kuwada qaadateen dookh siyaasada e

……………………….” Abwaan Kayd M Cabdalla

Siyaasadda oo maanta noqotay shayga ugu hadal haynta badan ee gudaha Somaliland, ayaan kala lahayn dad u khibrad iyo takhasus gaar ah u leh iyo mid kaleba, halka kuwii khibrada iyo tacliinta u lahaa ee muddada badan waxbarashada iyo dedaalka ku bixiyey aanay si firfircoon uga qayb qaadan siyaasadda iyo arimaheeda.

Tanina waxay bulshadii ka dhigtay in ay indhahoodu eegaan oo keliya xisbiyadda iyo kuraasta loo tartamaayo, isla markaana ka hadlaan oo inta badan wakhtigooda geliyaan arintaas. Waddamada horumarka ka gaadhey dhinac kasta oo arimaha bulshada khuseeya intooda badan ma tix geliyaan dareen iyo muhiimadna ma siiyaan siyaasada iyo ololaha doorashooyinka midna. Tusaale “ Afar meelood marka loo qaybiyo bulshadda bulshada ku dhaqan dalka Maraykanku aqoon umalaha xisbiyadda ka jira dalkooda, isla markaana kama qayb qaataan olole iyo doorasho midna, sidoo kale in badan oo kamid ahiba aqoon umalaha madaxweynaha u taliya, halka qaar badanina ku baraarugaan uun xilyada madaxweynayaashu isbedelayaan”. Laakiin ayaandarida maanta haysta Bulshadeena ayaa ka dhigtay in fikiradoodii iyo maskaxdoodii oo dhami noqoto siyaasada, taas oo waxa ugu weyn ee ugu wacanina tahay Xisbiyada iyo ururada siyaasadda ee ku dhisan reeraha iyo qabiiladda.

“Uf qabiilka anaa leh

wuxuunbaa ku adeegta

nin iskii kartidiisa

isagoon cid ku tiirsan

isku taagi kareynin

una haysta ateero

ayaantuu dambi geystana

laga hoos galo eeda

 -Ayid waad is xigtaaniyo

idinkaa isku reer iyo

aqligii lixdankii

maanta iib geli maayo

 -sidaan aaminsanahayna

abkuu doono ha sheegtee

wuxuunbaa ehel ii ah

dadka kaan af aqaano

ee si wax iila arkaaya

ee ina midayso ujeedo

 -waxaan laysku ogeyn

ninkii hoos ka unkaama

aftideyda ma haystoo

ansax maaha wixiisu”

…………….. Abwaan Gaariye 1993-Hargeysa (Ergo)

Waa erayo iyo tuducyo kamid ahaa Maansadii Ergo ee Abwaan Maxamed Xaashi dhamac gaariye, Rabi godka ha u nuuree, oo si dhab ah inoo dareensiinaysa Qabyaaladda iyo xumaanteeda, eryada abwaanka waxaan ku soo hal qabsaday qormadii tan ka horeysay ee aan u bixiyey  “Xisbiyada kudhisan reeruhu waa furaha qaran kudhisan Qabyaaladda”.

Hadaba aynu mid mid u dul istaago labada eray ee Siyaasadda iyo siyaasiga, oo mid kasta ay eegno sida loo isticmaalo marka lajoogo wadamada caalamka horumaray, isla markaana aynu isbarbar dhig ku samayno, Siyaasada gudaha Soomalida ka jirta ama tan Somaliland ee reeraha iyo qabiilada ku dhisan.

Siyaasad: Waa Maxay Siyaasadu?  Siyaasadu waa xirfad, hab isticmaalka xirfada siyaasadu waa mid ay ku kala duwanayihiin guud ahaan wadamada caalamku. Waana nidaam maamul oo ay leeyihiin isla markaana isku maamulan koox ama bulsho meel ku dhaqani.

Siyaasiyiinta caalamku waxay leeyihiin qodobo iyo xeerar xadida hab siyaasadeedkooda waana kuwo ay kudhaqmaan, siyaasigii meel mara ama ka talaabsada xeerarkaasina waxaa la mariyaa hab ciqaabeedka u yaal siyaasiyiinta caalamka, isla markaana waxa lugu tilmaama in uu jebiyey xeer ama qodob.

Qeexitaanadda kala duwan ee siyaasada ayaa dal kasta oo caalamka ku yaal midba si u isticmaalaa, laakiin waa mid hal u jeedo oo keliya leh taas oo ah “Maamulid bulsho iyadda oo lugu jihaynaayo ama lugu jeedinaayo hormarka dalka”, waana mida keliya ee lugu dejiyo xeerarka iyo qawaaniinta ama qodobada lugu kala hago bulsho ama dad meel ku dhaqan, iyadoo la amraayo qodobo halka laga xadidaayo ama laga reebaayo ku dhaqanka qodobo kale oo aan horumar lugu gaadhahayn.

Siyaasaddu waa hab qorsheed lugu xaliyo khilaafaadka, waana mishiinka keliya ee lugu dhaqaajo hormarka bulsho meel ku dhaqan.

Hadaba su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay, Siyaasadda gudaha Somaliland ka jirtaa ma tahay sida ta caalamka kale ka jirta?, Runtii jawaabtu waa maya, Siyaasaddu waa salaanka ama jaranjarta wadan ku gaadho horumar, Laakiin gudaha Somalilaland siyaasadda ka jirtaa waa mid lugu gaadho ama laga dhaxlo Xisbiyo reero leeyihiin oo aan loo dhamayn, isla markaana dib u dhaca iyo horumar la’aan ka dhex dhalisa bulshada, sida reer kastaa iskaga eegayo indhaha reer kale ee diinta, dalka iyo abtirsiintuba ka dhaxayso, taasna waxa ugu wacan siyaasiyiinta maanta oo ah qabiil kalkaal miidhan…………… Lasoco qaybta 3aad

Wabilaahi tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here