Somaliland Ictiraaf Ma heli karta?

Reer Sheekh Isaxaaq in kasta oo ay ka soo Dagaalameen Xaq-darro iyo Caddaalad-daro isla markaana ay ka Guulaysteen Dawladii uu hogaaminaayay Siyaad Barre, haddana markaad dawladnimada Somaliland u fiirsato waxaad arkaysaa inay xaq-darradii iyo caddalad-daradii Iyo waxyaabihii laga dagaalamay intuba maanta ay ka jiraan somaliland.

 

Waxaana Tusaale kuugu filan hab-dhaqanka Maamul iyo Dawladnimo ee kuraasta iyo Xilalka ugu sareeya dalka oo ku dhisan mid dhinac kararan Taasi oo ka fog cadaalada, milgahii, qadarintii Iyo sharaftii ay Hidaha+ dhaqanka u lahaan jireen Reer Somaliland.

 

Madaxda maanta ee somaliland waa qaar Sad-bursiimada Eexda qabyaalada iyo ku-takri-falka hantida ummada iyo awooda dawladnimo intaba xalaashaday oo u haysta in ay iyagu dhaxal u heleen oo aan cidi la lahayn.

 

Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! ayaa laga hayey AHN Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc. Sadbursiinta Mansabyada, xillalka, iyo hantida ay qaateen beesha dhexe markad ka tagto, tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal an sheegno:

TAALOOYINKA: Astaamaha taalooyinka ah ee laga sameeyey magaalada caasimaada ee Hargeysa hadaad eegto waa Diyaarada khayriyada, Kaaraha Bar Hargeysa, iyo taalada Gacanta Dhagaxtuurka ee Maxkamada. Hadii Taallo loo samayn lahaa Sayid Maxamed C. Xassan way badhxi lahayd, waxayna xoojin lahad Midnimada iyo Qarranimadana Somaliland.

MAGAC-BIXIN: Dadka loogu Magac-daray Dugsiyada, Xaafadaha, Waddooyinka, iyo Xarumaha Dawlada gebigooduba waa wada ISAAQ, iyagu dhexdooda si ay u kala badsadeen ba. waxaa xusid muddan raggan haldoorka ah ee Samaroon, Harti iyo Gabooye ba leh ee Somaliland usoo halgamay halkee lagu ilaabay:

1. Maxamed Saalax Nuur fagadhe.

2. Suldaan Jaamac Gooddaad.

3. Muj. Siciid Cali Giir.

4. Muj. Yaasiin Xaaji Nuur.

5. Fuaad Adan Cadde.

6. Gudoomiye. Axmed M. Qaybe.

7. Abwaan Xuseen Awfaarax Dubad.

ilaahay dhamaantood ha u naxaariistee raggan iyo rag badan oo kale oo aanan halkan ku xusin, hadii loogu magac-dari lahaa way badhxi lahaayeen, waxayna xoojin lahayd Midnimada iyo Qarranimadana Somaliland. AHN Axmed M. Qaybe oo ahaa Gudoomiyihii Gollaha Wakiilada ee Somaliland markuu dhintay waxay xukuumada Federalka ee Somalia ugu magac-dartay aqalka Wasaarada A. Dibbada ee Soomaaliya, xurmadaa wuu lahaa Marxuun Qaybe laakiin Somaliland waa tii uu AHN Abwaan Gaarriye sheegay ee yidhi “Aasid Og”.

Nin aanu saaxiib nahay oo Reer Laasqoray ah, ayaa maalin dhaweyd aanu kaftanay markaasuu igu yidhi “Xuseenow Somaliland ISAAQ ba kuma filna ee maxaad noogu yeedhaysaan ilmaadeerayaal”.

Wuxuu hadana raaciyey tusaale kale “ISAAQ baa Dawladnimadii Somaliland iyo wixii dhexyaalay ba qaatay oo haysta, intaa kumay joogine hadana nimankayagii Harti ee cabanayay bay na dhaceen, oo taariikhdii yareyd ee noo hadhsanaana ayey qaateen, Saldanadii Guunka ahayd ee Warsangali iyo Mujaahidiintii Daraawiish ee Dhulbahante wad la wareegteen, oo imika ISAAQ baa ah Suldaanka Guud ee Somaliland & Mujaahidiinta Somaliland SNM baa ah”

“Markaa horta haba joogto waxay ISAAQ bixiyaane, haday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan (Warsangali) ay u aqoonsadan Suldaanka Guud ee Somaliland, oo Dawaawiishna u aqoonsadaan Mujaahidiinta Somaliland, Waxaaba la aqoonsan lahaa Somaliland” Falaadhi gilgilasho kaagama godo waa run, arin xaqiiqa ah ayuu sheegay.

Beri dhawayd oo aan Ethiopia tagaynay aniga iyo Cabdifataax Rashiid Maxamed, ayaanu booqanay dugsi la yidhaa Genaral Wengate Polytechnico, waa dugsigii sare ee uu ka baxay Raiisal Wasaarihii hore ee Ethiopia Males Zenawi. Ninka na waday oo Ethiopian ah ayan weydiiyey taariikhda Genaral Wengate, anigoo is leh kolay waa halyey ciidan oo Ethiopian ah, wuxuu ii sheegay inuu Genaral Wengate ahaa Geranal ingiriis ah oo caawiyey Ethiopia waqtigii ay la dagaalamaysay Talyaaniga, sidaa darteed dugsigan loogu magac-daray.

Markiiba waxaa igu soo dhacay Dugsigii Axmed Gurey, Xuseen Giirre, Xallana, Gacan libaax iyo dugsigii Riis oo magacyadii laga badalay, isla markaana odayo Isaaq ah looga boobay. Waxaanan gartay in dadka taariikhdooda ilaalishada waddaniyadu ku jirto, Somaliland na waddaniyadii qabiil bay ku badalatay.

Hadaba waa suaale, Somaliland iyada oo sidan ah ICTIRAAF miyey heli kartaa? Mooyi, Bal adba! Hadal iyo dhamaan, Somaliland Protectorate-dii 1884 ee ingiriisku maxmiyada ka dhigtay hala doono, taas ayaa ICTIRAAF heli kartee waayo: Somaliland tii 1884 waxay ahayd Somaliland loo dhan yahay, bari ilaa galbeed. Somaliland ta 1991 waa Somaliland la kala leeyahay (ISAAQ-aysan) oo hadana Isaaq dhexdiisa isku haysto Reer hebel baa badsaday iyo Reer hebel baa badsaday.

Dhalinyarooy Balanteenu waa inaynu Somaliland hagaajisano, balanteenu waa dardaaran kii Abwaan Hadraawi inoogu sheegay Maansadiisa Gudgude.

Gubuxsiga maruun bay tirsiga meel kasoo geliye.

Gargaraacisteediyo hadayn geedka didinteeda

Waxaan ka qayb-galay Alle ha u naxariisto’e aaska 14 Jir Xaafidul Qur’aan ahayd oo Habeenkii Jimcuhu soo gelayey ILAAHAY oofsaday, ka dib Xanuun ay u jiiftay muddo laba Sannadood ku dhow.

Meydka oo aanu markii hore dooneynay in Muslimiintu ku tukadaan markay Salaadda Jimcaha ka baxaan, ayaanu dalab ka yimid khayr-faleyaashii Xabaasha diyaariyey awgeed ula deg-degnay Masaajidka Tabliiqiyiinta oo ku yaalla bariga Magaalada Hargeysa, oo Saacad walba ay ku sugan Dad ku filan inay Janaa’sada ku tukadaan Marxuumiinta la aasayo, waxaanuna qaadnay Sagaalkii Subaxnimo iyo wax la jira.

Waanu qaadnay oo waanu geynay Masaajidkii aanu dooneynay in lagaga Tukado, laakiin intii aanu jidka ku sii jirnay iyo intii aanu Masaajidka ku sugnaynba waxa dhacay dhacdooyin mudan in lagu Cibro qaato, kuwaasi oo aan jecelahay inaan idila wadaago.

Markii aanu qabsanay Waddada Masaajidkaba waxaanu jidka ku gaadhnay Gaadiid kale oo siday Meyd la doonayo in lagaga soo tukado Masaajidka aanu annaguna ku soconay ee Tabliiqiyiinta.

Alle Towbadda ha inna waafajiyo, intaanaan Gaadhin Masaajidka ee aanu Jidka ku sii jirnay waxaanu la kulanay Guri ay Dumar badan hor-fadhiyaan oo sida la noo sheegay Geeri ka dhacday. Balse, intaasoo keliya kuma goobna dhacdooyinka aan la kulmay Jimcihii inna dhaafay ee bisha Maarij ahayd 4-ta, Waayo. ? Masaajidkii aanu ku soconay waxaanu ugu tagnay Qof Saddexaad oo Meydkiisa loo geeyay si loogu Tukado, wallowse markii dambe hal mar lagu wada tukaday Meydka Marxuumaddii aan Dadka siday ka mid ahaa, kii aanu Waddada ku gaadhnay iyo Marxuumkii aanu Meydkiisa Masaajidka ugu tagnay.

Laakiin, Dadkii Saddexda Marxuum Salaadda Jinaasada ku tukaday oo aan kala dareerin, ayaa Meyd Afraad laga soo geliyey Albaabka Masaajidka oo Annagu aanu ka sii baxaynay. Intaasi waa inta aan Anigu goob-joogga u ahaa, laakiin imisa Qof baa Maalin walba ka guura Adduunyada oo Alle Oofsadaa.? Imisa Qof oo aad garanaysay baa Sannadkii dhammaaday Geeriyooday oo aan soo gaadhin Sannadkan aynu ku jirno.? Imisa jeer-baynu maqallay Hebel ama Heblaayo ayuu Wadnuhu is-taagay oo  Geeriyooday/Geeriyootay.

Naf walba way dhadhamin Geerida, laakiin Qofna ma oga Goorta la qaban iyo Goobta lagu qaban.

Walaalayaal, Qormadan kooban waxaan u soo gudbiyey inaynaan Geerida iloobin, iskuna hallaynin dhal-dhalaalka Adduunyada ee dhammaanaya, una shaqeysanno Aakhirada baaqiga ah.

Alle (SW) wanaagga ha inna waafajiyo, ee waxaan naftayda iyo Nafahiina kula dardaarmayaa inaynu Geerida Xasuusnaano, una diyaar-garowno Mustaqbalka fog. Maaddaama oo ILAAHAY Qur’aankiisa innagu leeyahay “Dadkii Ilaahay rumeeyayoow ha soo dhimanina idiinkoo Muslim ah mooyaane”, taasi oo aynu ka fahmayno inaynu u hoggaansanno Amarrada Alle iyo fulinta ujeeddadii uu inoo abuurtay.

Dulucda qoraalkaygan waxaan jecelahay inaan si kooban ugaga hadlo arrimaha maalmahanba taagnaa ee sicir-bararka naafeeyay bulshada Somaliland waxa u sabab ah, xukuumadda Somaliland ee maanta jirta.

Waqtigii uu xilka la wareegayay maamulka Madaxweyne SIilaanyo, waxay shaqaalaha dawladdu mushaharka ku qaadan jireen  lacagta shanta Shilin, Kontonka Shiling iyo Boqolka Shiling oo maamulkii Madaxweyne Riyaale ku wareejiyay dawladda talada haysa xilligan.
Sicir-bararku maanta u kow maaha Somaliland, balse wuxuu ahaa wax soo jireen ah oo tan iyo intii dalka la soo galayba jiray, inagumana cusba. Waqtigii Madaxweyne Cigaal dalka ka talinayay uu lacagta Somaliland soo daabacay Sicir-barar baa dhacay oo shirkado badan oo sabab u noqday in albaabada loo xidho, waqtigaas oo qiimaha halka doollar 700 oo Shilling Somaliland, sidii uu isku bedbedlayay ee maalinba maalinta ka dambaysa uu kor u dhaafay waqtigii xukuumaddii Daahir Rayaale uu ahaa 6200 oo Shiling.

Lacagi waxay qiimo yeelataa, marka uu Shilling-keeda u hooseeyaa shaqeynayo, waxa dhacday in muddo laba sannadood gudahood ah maamulka Siilaanyo ee talada hayaa sannadkii 2013 ay soo daabacday lacagta (Nord-ka) ee 1000 Shilling iyo 5000 ee Shilling oo aan cadadkeeda la garanayn inta ay ahayd, iyadoo muddooyinka 2013, 2014, 2015 iyo 2016 la soo daabacay lacag, taasina ay ku keentay inay dabar-go’do lacagtii Nord-kii yareyd ee hore ay u isticmaali jireen xukuumaddihii ka horeeyay.

Sidoo kale, waxay lacagtu qiimo iyo sharaf yeelataa, marka ay dadkeeda iyo dawladdeeduba ay aaminsan inay keyd u dhigtaan, laakiin marka maanta la eego marxaladda taagan waxay taasi gabi ahaanba hawada ka saartay in bulshadii Somaliland ay qasnadaha ku keydsan weydo lacagtoodii shillinka ahayd, halkay ku bedesheen Dollar.

Dal kastaaba lacagta uu leeyahay ayay bulshadiisuna isticmaashaa oo ay wax ku kala iibsataa, maanta marka la eego bulshadeena Somaliland waxay wax ku kala iibsataa lacagta dollarka ah, haddii guri la kireysanayo, haddii lacag iskuul la bixinayo (Fee), haddii bakhaar wax laga iibsanayo, haddii uu hudheel wax laga cuno, haddaad bacadlaha wax ka iibsanayso, xataa haddaad koob shaaha cabbayso waxa lagu iibiyaa Doolar, markaa waxa meesha ka baxay maamuuskii iyo qiimihii lacagta dalku lahayd.

Tusaale ahaan, Wasiirrada Somaliland, Baarlamaanka, Agaasimeyaasha iyo madaxda dalka, lacagta Somaliland ee ay mushaharada ku qaataan waxay ku bedeshaan doolar, halkii ay lacagta Somaliland gayn lahaayeen guryahooda ama ay ku keydsan lahaayeen Baanka dawladda iyadoo shilling Somaliland ah.

Anigu waxaan ahaa shaqsiyan waqtigii Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal talada dalka la wareegay ee baanka Somaliland la furay 1993, waxaan ahaa qofkii u horeeyay ee ku aaminay hal bilyan iyo laba boqol milyan (1,200,000000), isla markaana dhigay baanka dhexe ee Somaliland, taasoo aan u horseedayay si looga shaqaysiiyo baanka dhexe ee dalka, iyadoo waqtigaana hub-ka-dhigis lagu jiray, iyadoo aanay dadka intooda badanna aanay aaminsanayn dawladnimada, halka maanta wasaaradaha Somaliland ay baanan gaar loo leeyahay ay lacagtooda dhigtaan, iyadoo uu baanka dhexe ee Somaliland leeyahay qaybta la dhigto lacagta adag. Markaa waxa masuul ka ah qiimo dhaca lacagta Somaliland maamulka madaxweyne Siilaanyo, sababtuna waxay tahay inuu meesha lacagtii nord-kii shanta shilling, tobanka shilling, labaatanka shilling iyo kontonka shilling ee masuuliyadeeda ay ku wareejisay xukuumaddii ka horeysay ee uu hogaaminayay Daahir Rayaale, halka uu dembiga sicir-bararka iyo qiimo dhaca lacagta Shilling-ka shirkadaha bixiya adeegyada ZAAD iyo E-DAHAB laga saarayo, balse adeegga labadan shirkadood ay bulshada reer Somaliland u sahleen in tiro badan oo ka mid dadka danyarta ahi inay nolol maalmeedkooda kaga helaan eheladooda ku sugan dalka iyo dibaddiisaba, kuwaasoo si fudud, isla markaana waqti kooban ku hela hadba xadiga lacageed ee ay u baahan yihiin.

Sicir-bararka ayaa ah mid aan ku koobnayn Somaliland, isla markaana aan sabab looga dhigi karin shirkadaha bixiya adeegyada telefoonada ee la isugu diro lacagta, balse sannadihii u dambeeyay waxa si isdaba joog ah caalamka looga dareemayay sicir-bararka iyo kor u kaca lacagaha adag ee adduunka wax lagu kala iibsado.

Tusaale ahaan, waddanka Ingiriiska maalintii uu ka baxayay midawga Yurub (Brexit), waxa uu ahaa saacadihii lagu dhawaaqayay go’itaanka halka Pound 1.6, halka uu maanta marayo 1.25, taasi waxay muujinaysaa inaanay adeegyada loo nisbeeyay sicir-bararka dalkeena ka jira ee ZAAD iyo E-DAHAB aanay sababin, balse ay tahay mid guud ahaan saamayn ku leh caalamka, lagana dareemayo waddamada adduunka kuwooda ugu horumarsan ee leh warshadaha wax-soo-saarka, iyadoo uu dalkeenuna yahay mid aan waxba laga dhoofin, isla markaana aanay ka jirin haba yaraatee wax-soo-saar warshadeed.

Su’aasha is-weydiinta lihi waxay tahay, maaddaama oo ay amar xukuumaddu soo saartay ay shirkadihii aqbaleen, heshiisna aad wada gaadheen, qiimihii doolarka ee marayay halka doolar 8300 oo shilling, maantana uu marayo 7000 oo shilling, iyadoo adeegyadii ZAAD iyo EDAHAB aanay waxba iska beddelin?

Ugu dambayn, Madaxweyne dembi masuuliyadeeda ay leedahay xukuumaddu, may ahayn inaad saarto in aad shirkado muwaadiniin oo dalkooda maal-gashaday, isla-markaana hirgeliyay adeegyo casri ah oo fududeeyay nolosha bulshada danyarta ah.

Waxaan ku soo gebogabeynayaa, anigu waxaan ahay Muwaadin ka damqaday Xaaladda uu marayo Sicir-bararku, laakiin Shaqaale uma ihi ZAAD, E-Dahab iyo Dawladda Toona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here