Beeruhu waa jiritaanka aassaasska noloshada aadamaha, xoolaha iyo xayaawanada, wax-beeristuna waa habka abuurida, taranka, korintaanka, xanaaneynta  iyo soo saarida dhirta laga helo cuntada, daawada, dharka iyo hoyga ay ku tiirsan tahay nolosha dadku.

Wakhti hore waxa jiray nin beeralay ah oo ku noolaa Tuulo yar oo aan aad uga fogayn caasimada dalka Jamhuuriyada Somaliland,   inkastoo ninkaasi uu ahaa nin karti iyo dadaal badan dhinaca tacabka beeraha, haddana waxa uu ahaa nin aan daryeeli jirin beertii uu tacabka galiyey, waxaana beertaas cuni jiray shimbiraha, cayayaanadaa, xamaaratada  iyo xayawaanada kale.

Xillli ka mid xilliyada waxa dalaga beertii uu ku tabcay ka soo go’day midho aad u tiro yaraa oo aanay ka muuqan dadaalkii badnaa ee ay galiyeen qoyskiisu, ka dibna, waxa uu abaal marin ugaga dhigay inuu ku wareejiyo wiil uu dhalay oo uu aad u jeclaa oo ku dhashay beer-falida.

Wiilkaas waxa uu aad u jeclaa yaanbada dhulka lagu qodo, dhisitaanka kanaalada waraabka beeraha, barashada hanaanka cimilada iyo barashada cilmiga bacriminta, in ka badan intaas oo dhan waxa uu ka sii jeclaa midhaha ka soo’go beeraheena ee aynu beerano, waanu cuni jiray, waxa uu ahaa khabiir dhinaca cilmiga beeraha ah aad ugu xeel-dheeraa.

Markii uu bilaabay qorshayaal uu ku horumarin lahaa tayada iyo tirada beertaas, waxa ka hor-yimid caqabad weyn, taasoo ahayd,  in beertii uu falan lahaa oo dhameyd cabirkeedu 21-qoodi ay hoy u noqotay dhamaan waxa bahal beerka ku siqa oo dhan ee loo yaqaano xamaaratada iyo duur-jog kale, ka dib, waxa uu go’aan ku gaadhay inuu beerta dhexdeeda ka sameeyo qiyaas dhan 1-qoodi  shabagyo koob-kooban ah oo aad u qurux badnaa, waxaanu ku  ku soo ururiyey dhamaan wixii bahal ku noolaa beertaas oo uu miciyihiina uu ka guray,  halka uu 9-kii qoodi ee kale uu ka beeray midho la goosto.

Waxa kale oo uu culays ku saaray naftiisa inuu maalinkiina uu ka shaqeeyo, habeenkiina dhex-seexdo beerta, taasina waxa ay ku keentay inuu u kaco wax kasta oo dhulka ku soo dhaca, waxa uu ahaa nin naftiisu tababaran tahay oo maalintii hal-wakhti wax cuni jiray oo aanay ka muuqan inuu ka daalay jidhka iyo maskaxdaba.

Muddo yar ka dib, waxa ay beertiisii noqotay beerta xayawaanka ee loo soo dalxiis tago, waxaana kasoo gali jiray dakhli aad u badnaa marka loo eego wakhtigaas, isla-wakhtigaasna  waxa inta badan soo booqan jiray beeralayda kale si ay uga bartaan farsamooyinka cusub ee galayda, hadhuudhka, khudaarta, da’deeda,  kaydinteeda, tumideeda iyo sida midhaha looga saarayo, mar ay beeralaydaas wax ka weydiiyeen sida uu ku gaadhay in beertiisa u noqotay beer loo soo daawasho tago, waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi:, haddii uu calafku kugu dhaco u badalo midho macaan oo aad goosato.

Nin ay jaar ahaayeen oo tuuladaas degenaa, ayaa waxa uu ahaa nin xoog ah, jidhkiisuna uu xoog yahay, guushiisuna ay xoog tahay, hamigiisu  uu ahaa inta badan xoog, oo guusha haadana lahaa, oo tacab badan beer uu lahaa galiyey si uu u helo  wax-soosaar iyo faa’iido, isla-markaana, ahmiyadiisa koowaad ay ahayd, siduu wiilkaas ugula tartami lahaa gobolka ay degenaayeen, waxa kale oo uu dadaal badan galiyey sidii uu wax ugaga baran lahaa nidaamka iyo xirafaha gaarka ee uu isticmaalayo wiilkaas.

Xilli ka mid ahaa xilli- wakhtiyeedkii abuurka la bilaabi lahaa, waxa uu dadaal badan galiyey inuu dhamaan cayayaanka dhirta ee ku noolaa beeraha deegaanka uu degenaa ka soo ururiyo beertii uu falan lahaa, isla-markaana ay u noqoto beer loo soo daawasho tago, taasoo uu ugu magac daray beertii cayayaanka, sidaas baanay ku ba’day beertiisaasi oo aanu waxbaba ka dheefin.

Ninka saddexaadna waxa uu ka mid ahaa beeralaydii degenayn tuuladaas, waxaana lagu tilmaami jiray inuu ahaa nin aad dadaal badan oo tacab badan galin jiray beer uu lahaa oo uu beeran jiray, laakiise, ay beertiisaasi ay ka ba’day dhowr jeer oo uu beeray, inkastoo ay gacan qabteen beeralaydii kale ee ay isku deegaanka ahaayeen, haddana muu noqon mid wax ka bartay habka kobaca beeraha, laakiinse, mar uu isku dayey inuu wax ka badalo damaciisa, isagoo wax ka bartay wiilkii beeralayda ahaa, ayuu   go’aan ku gaadhay in uu naftiisa culays ku saaro inuu ka shaqeeyo beertiisa maalintii,  habeenkiina dhex-seexdo, taasoo ku keentay inuu u kaco wax kasta oo dhulka ku soo dhaca, waxaanu wax cuni jiray maalinkii afar-wakhti, marka intaas oo dhan laga yimaado, haddana waxa lagu tilmaami jiray in aanu ahayn nin u tababaran dhinaca shaqada iyo cilmiga beer-faloshada.

Laakiinse, waxa uu wax ka bartay maamul daadajin shaqada, isla-markaana ay keeno xanuunada raxo la’aan ee sababa daalka maskaxda iyo jidhka, si uu xanuunkaas ugaga badbaado waxa uu sameeyey shaqaale xirfad iyo aqoon u lahaa habka beerista midhaha beeraha.

Markii la gaadhay wakhtigii la shiniyeyn lahaa beertii oo aad u qurux badanayd ayey lexo jeclo qabatay, waxaanu go’aan ku gaadhay inuu kala diro shaqaalihii xirfada iyo aqoonta u lahaa habka beer-falashada, ka dibna, abuurkii ugu horeeyey shinidaas waxa uu u istcimaalay midho khaayisay oo yaalay hoygii uu ku noolaa, sidaas baanay beertiisii mar-saddexaad ku ba’day.

Waxa muddooyinkii u dambeeyey si aad ah ugu soo batay dhammaanba xaafadaha kala duwan ee caasimadda Hargaysa wiilal yar-yar oo xiliyada habeenkii, gaar ahaan waqtiga fiidka ah dadka ka booba amma ka xooga telefoonnada gacanta (Mobiles), iyagoo eegta marka ay telefoonka ku hadlayaan, isla markaana ay marayaan meelaha madaw. Boobkan amma tuuggaddan caddaanka ah ayaa si ba’an isu-soo taraysay tan iyo intii ka dambeysay bishii Ramadaan ee ina dhaaftay, waxayna dhallinyaradan ku mamay xaqa bani’aadamku ay marba marka ka sii dembeysa sii casriyaynayaan qaadashada mobillada, tabaha iyo xeeladaha ay iminka soo kordhiyeen ayey ka mid tahay inay laba laba ama ilaa afar ama shan kala dembeeya isku bidhaansadaan, kadibna marka qofka socotada ah uu dhexdooda marayo ayay kuwii dhaafay ku soo jeedsanayaan oo qofka markaba hareeraynayaan, kana qaadanayaan telefoonka iyo kolba wixii ay ka helaan.

Calaamadaha ay ku caan-baxeen waxa ka mid ah tooshash ay jeebadaha ku sitaan oo qofka la baadhanayo indhaha lagaga qabto, calaamadaha kale waxa ka mid ah inay istaagaan waddada baabuurta dhinaceeda ama daaqada gaadhiga oo ay aad ugu soo dhawaanayaan, iyagoo si dhibyar u caddaystay qofka gaadhiga wata ee telefoonka ku hadlaya in ay ka faro maroojiyaan, waxayna arrintani tahay mid aanay ilaa hadda dadkeennu ka taxadirin. Meelaha kale ee ay mid mid ama laba ugu badheedhaan qaadista telefoonka waa meel walba oo suryo ama luuq waddada ku dhaw oo markiiba ay ku cararaan.

Akhriste, xogahan la soo ururiyay waxay caddaynayaan in tuugtan amma dad dhibayaashani aanay ahayn tuug caan-baxday ee ay yihiin wiilasha ciyaala xaafadaha ah, waqtiyadii hore qofka tuugonimo u ban-baxa waxa uu ahaa qof nolosha ka dhacay oo qoyskooda iyo bulshaduba aanay naxriis u hayn.

Masiibadani waxay ceeb iyo danbi ku tahay Aabbaha iyo Hooyada amma waalidiinta hiirta waabari u jarmaadaya, una kalahaya si uu ugu soo helo qurus xallaal ah oo ubadkiisa uu ku koriyo, balse waxa nasiib-darro ah in wiilkiisii nasin lahaa uu ka noqdo booli iyo xaaraan-quute gurigooda nadiifta ah ku soo kordhiya cuqubo iyo habaar naftiisa badda luuf-luuf iyo shaki uu ku waasho oo kaga timaadda hooyo uur leh oo jilbaha u riday ama muruq-maal masaariif uu ku soo dhididay uu ka boobay. Dadka badnaa ee aan la kulanay waxa ka mid ahaa dumar, waalidiin, shaqaale, arday jaamacadeed iyo nin caruus ahaa oo hawshii arooska ku hawlan oo laga dhuftay telefoonkiisa.

Ugu dembeyn, waxaan si xishmad iyo qadarin ba leh uga codsanayaa waalidiinta, walaalaha, hablaha iyo inamada oo dhammaanteen mas’uuliyad innaga saaran tahay waajibaadka qoyska wanaagsan ee Diinteennu ina farayso, ayaa innaga oo ku baraarugsan waxay ila tahay inay ogaadaan walaalkooda ka yar ama ka weyn cidda uu raaco, halka uu ku maqan yahay iyo mobile-ka uu haysto halka uu ka keenay ama dhaqdhaqaaqa uu samaynayo.

Bulshada aqoonta leh iyo dadka masuuliyiinta ah waxa ku waajib ah in arrimahaa ay xil buuxa iska saaraan oo wax laga qabto dhibkaas ina taabtay, si aynu ugu gudbino hay’adaha nabadgelyada oo ay wax uga qabtaan ciyaalkan xaaraanta ku mamay, tallaabana looga qaado, isla markaana loo dhaqanceliyo dhallinyarada dhibaya dadka muwaadiniinta ah.

Inamada hawlahan ku jirana waxaan kula talin lahaa, maanta ayaad is-qabasho leedahay, haddii kale waxa aad u diyaar-garowdaa in aakhiro iyo iftiinkaba aanay waxba kuu oolin. Meelaha mobillada ama computers-ka la soo xado lagu jabinaya ee lacag ka qaata ama ka sii iibsada waa inay hay’adaha nabadgelyadu wax-ka-qabtaan, iyadoo sidoo kale aan kula taliyo ciidanka booliska inay sameeyaan askar iyo gaadiid roondo  ah oo mara xaafadaha caasimadda Hargeysa xilliyada fiidka ah oo ah waqtiga inta badan ay dhallinyaradu dadka dhibaan.

Tixdan waxa la yidhaahdaa  Maslaxo, maslaxo waxa ay ka mid tahay maansooyinka dhexdhexaadka ah ee silsilada miimlayda ah, tixdu waxay ugu baaqaysaa dhamaan dhalinyarada haldoorka ah ee ka qaybqaatay silsilda inay la yimaadaan xal wax ku ool ah oo lagula tacaalo dhibta jirta, tixdu waxa ay qiray saa in uu musuq jiro sikasta ba ha u jiree, balse taas macnaheedu maaha in waligeed ba lagu celceliyo musuq baa jira iyo wax baa la lunsaday intaa waligeen ba waa aynu maqli jirnay, hadii ay sidaa ku sii scoco tana waxaa bay u ekaanay saa dad aan is caqli dhaamin balse oo Eed aan dhamaanayn, ceeb iyo cay gurigooda taala ku asaraartamaya, sidaa awgeed tixdu waxay ka cod sanay saa dhamaan ka qayb-galayaasha iyo dadka kale ee caqliga u saaxiiibka ah inay so bandhigaaan wixii lagula tacaali lahaa musuqa. Maansaduna waxay ku bilaabmaysaa sidan:-

Bismilahi  Magacii
Mawluhu  la baxayee
Macbuudkeeni  waynaa
Milgihiisa  gaarka  ah
Muqiitow I dhaha  yidhi
Marka  xiga silsiladii
Weedhsame  maguujiyay
Cabdillahi marag kacay
Ee madal abwaaniyo
Barbaarteedii maansada
Ugu muuqa roonayd
Kala maanka aragtida
Miimka isku celiyeen
Mareegtaan  ka helayoo
Markii aan ma hiibsaday
Anna  mooradaydii
Miin ka naa ka soo baxay
Marag iyo muducigii
Isku  muusanaa boow
Runta  lama  maldaha oo
Been lama masruuf tee,
Idin koo  madluumkiyo
Matalaaya  maatada
Mashaqada la dariska ah
Tixdaad  ugu  miciinteen
Alla  magane  waahiil
Marna waa tilmaaniyo
Moogaha  wax  sheegii
Marna  waa  damiirlumay
Magacuu  dulaystiyo
Maalkuu  ku loo faray
Qaanshaag  ku maqaniyo
Milil  buuga  ugu yaal
Marna  miimku waa bade
Murti  weeye  meelmara
Ha  yeeshee  maxamadow
Miridh  kaynu joogniyo
Maalin  taan  garaadsaday
Subaxii  yimaada ba
Waxa  igu  maqaalo ah
Mansibaa  wax  lagu xaday
Musuq  seeto goys iyo
Murdisaa la sheegaa
Macaluusha  baahdiyo
Mugdig  iyo  abaartana
Maqdaralla  ha  joogee
Madaxdii  wax  lagasaar
Ha  yeeshee  maslaxadii
Hadii ay  murgacatiyo
Haday  mayrac  seegtaba
Misna  magac  xumaantiyo
Xaajada  maroortaa
Mooskayga dhaafayn
Mura muhu   xal  maahee
Mahuraan  ka  samahiyo
Wixii  maara  noqon kara
Maad  muhindisoo taan

Saameynta Taban ee Saldhiga Berbera uu ku yeelan doono Amniga, Degaanka, Bay’ada, dhaqaalaha, Siyaasada, dhaqanka iyo Diinta Ummadeena. qalinkii A/rahman fidhinle UK.

 

 

Fadhigii labada gole ku ansixiyeen Nuxurka Heshiika Saldhiga Berbera 12/2/2017 Wuxuu ahaa Sharci daro baal-marsan Dastuurka qaranka Qodobkiisa 38-aad farqadiisa 6-aad. Wuxuu ahaa heshiis muhmal ah oo fawdo ah, wuxuu ahaa Heshiis qarsoodi ah oo ku saleysan ku daneysi gaar ah. Heshiiskani in uu ahaa Khiyaamo qaran waxaa u markhaati ah kuma qeexna baaxada bad iyo beriba leh ee Saldhigu ku fadhiisan doono, kuma qeexna lacagta lagu kireeyey sanadkii, kumana saxeexna shasiyaadkii imaaraadka metelaayey.

1-  Bixinta Go’aamada Saldhiga Berbera waxay ku Saleysnaayeen sife aradan oo jujuub ah, garbo duub ah oo loo diiday in ay xildhibaanadu dersaan oo wax iska weydiiyaan

loomana marin haba yaraatee sife sharci ah sidaa daraadeed fulinta Heshiiskan iyo khasaaraha ka yimaadaba waxaa uqoolan intii ansixisay iyo intii daaha dabadiisa ku saxeexday.

2-Xukuumadu waxay ka baxday Xayndaabkii sharciga ahaa waxaana ay ilaa iyo hada ummadda ku qancin wayday in ay keento Heshiis dhameystiran oo macquul ah oo ay ummadda ku qanciso, Waxaana ay carabka ummadda ugu cel celisay kuna canqarisay Mashaariicdii shirkada  DPWorld ay hore ugu dhawaaqaday in ay dalka ku horumarinayso.

3- Saldhiga Berbera waxaa cadaan ah in ay Dawlada UAE u isticmaali doonto Dagaal gelin, Dulimaadyo Dagaal, Basaasnimo, Tijaabo hub cusub, iyo keydin hub khatar ah oo bay’ada iyo degaanka  ku reebi kara hawo xumo iyo falgalo kimiko ah oo dadka iyo duunyadaba wax yeeleeya.

4- Hadii Saldhiga Berbera lagaga Duulo Cadan iyo Yaman waxay si xun usaameynasaa isu socodka marin biyoodka Gacanka cadmeed taasoo isu socodka maraakiibta xamuulka ee Berbera imanayaa ay hakad geli doonaan  Ganacsiga iyo Dhaqaalaha dalkana saameyn taban ku yeelan doonta.

5- Dhamaan maangelintii iyo Horumarintii Dekedaha dalka oo dhami waxay mudo dheer oo 30 – 40 sanadood ah u xidhnaanayaan Heshiiska Saldhiga Berbera iyo shirkada DPWorld  ay dalkeena kula wareegeen muddadaa dheer.

6- Kuye Saldhiga Berbera wuxuu aduun inagu soo kordhinayaa lacag yar oo $1.2 Million dollar ah, halka Saldhiga yar ay dawlada Djabouti ay USA  kaga kireysatay lacag dhan $63 million dollar sanadkii  iyo weliba $70 million oo dollar oo mashaariicda arimaha  bulshada lagu horumarinaayo  sanadkiiba.

7- Tusaale ahaan Saldhig yar oo 2 mile oo isku wareega ah oo Dawlada China ka dhisanayso dalka Djabouti waxaa lagu heshiiyey in dalka China dalka Jabouti ka dhisto

7 Dekedadood oo caalami ah lacag kiro ah  oo gaadhaysa $12 million oo dollar ahna ay sanad walba bixiso dawlada China oo ay siiso Dawalda Djabouti.

Halka aynu inagu Saldhigeena xaqul qalinka yar siisanay.

8- Dawlada  Somaliland ee doog-dhabashada iyo doogsin cararka ku can baxday Waxba kameysan baran Heshiisyada 7-da Saldhig ee Dawlada Jabouti aduunka la gashay Saldhigyadaas oo ku fadhiya dhul kooban oo 30 mile ah. Waxaana arin lala yaabo ah in   Airportka Berbera oo dhameystiran oo ah ka Africa ugu dheer uguna istiraatijiyad fiican iyo Saldhig labaad oo baddeed oo ku fadhiya baaxad dhul iyo bad ah oo gaadhaya ilaa 70 -150 mile in Sife qeyrul-sharci ah oo bilaash ah lagu bixiyey mudo aad u dheer oo gaadhaysa 25- 30 sanadood.

9- Maadaama aynaan aheyn dal la ictiraafay Ciidamada UAE ee  huwanta ahi waxay xaalufin doonaan oo dhici doonaan kheyraadkeena bad iyo beriba gaar ahaan kaluunka iyo macdanta. Waxaana ay Ciidamadaasi qaadan karaan  hadii aanay dagaal ku foogneyn Qandaraasyo ay badeena iyo berigeenaba  ku aasaan Qashinka Nuclear ah.

10- Maadaama ciidamada imaaraatku ay 70 % yihiin calooshooda u shaqeystayaal darban oo dalabka ku shaqeeya waxay ku kici karaa dhaqano xun xun oo lidi ku ah Diinteena iyo dhaqankeena suuban. Marka la eego shuruucda Caalamiga ah ee Saldhigyada Ciidamada Aduunka Xad-gudub kasta oo Saldhiga dhexdiisa ka dhaca shuruucda Somaliland ma qabanayaan oo waxay doonaan ay saldhiga dhexdiisa ku sameynayaan.

Madaama aan Sife sharci ah loo marin ansixintii nuxurka heshiiska isla mar labaadkiina saxeexiisii aan sife caalami ah loo saxeexin, Heshiikan Saldhiga Berbera

Fulintiisu Waa Qayrul sharci oo Waajib ma aha in la fuliyaa, Waxaana aanu canbaareynaynaa Qaabkii Guracnaa ee loo ansixiyey loona bixiyey loona sax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here