Qaaradda afrika inaan ku dhashana waxay aheed nasiib kale! Balse inaan soomaali ka dhasho kuna dhasho dhulkii udgoonka waxay aheed hadiyad qaaliya oo ilaahay iigu deeqay.!

Ma garanayo dalkeyga bedkiisa mana garanayo tirada dadkeyga mana garanayo somali qofkan ka ahay.

Waxay dhahaan dadkeeygu waxaad tahay ubaxii dalka iyo mustabalkii berrito, waxaad tahay rajadii iyo riyadii la sugayay ee soomaaliyada cusub.

Ubaxu wuxu u baaahan yahay biyo lagu waraabiyo si uu dhaqsi u koro looguna il doogsado. Aniguna waxaan u baahnaa naxariis,aqoon iyo dal-jaceyl in la igu waraabiyo! Balse nasiib daro waxaa la igu waraabiyay dhawaqa rasaasta iyo dhiiga jirkayga ka qulqulaya!.

Ilmada indhahayga ka da’aysaa maahan cabsi aan hada ka qabo wixii ii gaaray balse waaa cabsi aan ka qabo mustaqbalka dalkeyga.

Erayadu ma sharxi karaan xanuunka iyo welwelka aan dareemayo hadda. Si fiican ii fiiri kama wado qoraalka fiiri ee waxaan ula jeedaa sawirkayga si fiican u eeg, Kama wado indhahaaga igu eeg waxaan ula jeedaa indhaha qalbigaada igu eeg. Weliba indhahayga fiiri waxaad ka aqrisan doontaa fariin ciwaaankeedu yahay

“Maxaa la iiga ooysiiyay oo la ii dhaawacay”?

Bal fiiri walal waxaan jirkayga ka taagan waa dhumuc rasaas, Ma ahan al-alaabadaydii aan ku cayaari jiray, Tani waa wax xanuun badan oo hilibkayga gubaysa!.

Dhaawaca jirkayga gaaray waxaa iiga naxdin badan, Dhaawaca gaaray qalbigayga iyo rajadaydii ifaysay. Waayo waa laga yaaba inaad biyo la’aan maalmo noolaato, Laakiin qof-na rajo la’aan ma noolaan karo maalin.

Anigu waxaan xaq u leeyahay inaan ku noolaado nolol qurxoon iyo nabad aan ku nasto, Waxaan xaq u leeyahay in la i siiyo farxad iyo naxariis, si la mid ah carruurta dhigaygaa ee ku nool washington iyo Riyaadh.

Ma jirto cid aan dembi ka galay, Mana jiro qof aan waxyeelayay, Ma garanayo sababta la i dhaawacay, Mana garanayo cida dhibkaan ii geysatay.! Ma garanayo waxa la iiga ooysiiyay anigoo og in ilmadaydu ay ka qaalisan tahay dheeman ka aduunka yaal!.

Wax walba ilaahay qadartiis waana ku qanacsanahay, Waxa kaliya oo aan hubo ayaa ah in allaah uu san i dayici doonin hadii dadkaygii i dayaceen. Waan hubaa inkastoo aan hada aan murugaysanahay, Weli waxaa ii muuqanaya mustaqbal dhoolacadeynaya.

Waan ogahay inaad ila xanuunsanaynso adigu! Waxaan ka wadaa adigaan hada aqrinaya hadalkayga. Waad ku mahadsan tahay sidaad iila qaybsatay murugada!.

Nin kaluumeysato ah Ayaa Maalin Maalmaha Ka Mida Soo Maray Qasrigii Ku Yaal Tuulada Isaga oo Sita Kaluun Weyn oo uu Soo Dabtay , Wuxuu u Soo Bandhigay Boqorkii Tuuladaas Boqorkiina aad ayay u cajabiyay Kaluunkaa Hilibka Badan leh Waxaanu Amar Ku bixiyay in ninkaas La Siiyo Afar Kun oo Dirham (4000 Dirham).

Waxa Ka cadhootay amarkaa boqorka Gabadhiisii oo ahayd boqorad Waxaanay ka dalbatay in uu iska celiyo , Boqorkiina dalabkeedii ayuu raacay waanu ka aqbalay siday rabtay ayuu u yeelay.

waxa qanci waayay oo ka jawaabay ninkii kaluumeysatada ahaa oo yidhi :- Sifahaa aad u dhaqmaysaa Boqorkaygiiyaw Maaha Sifihii Boqortooyo !! Boqorkiibaa inta uu Khajilaad Yaraaday Ayaa wuxuu amar ku bixiyay in la siiyo afar kun oo dirham (4000dirham).

boqoradii ayaa hadana Miir Doorsoontay cadho Awgeed iyada oo uu xiqdi badani ka buuxo oo eegaysa ninkaa kaluumeysatada ah lacagtaa la siinayo ayaa uu hal dirham (1dirham) Dhulka kaga dhacay dabadeedna ay Tidhi :- Boqoraw Bal Ninkaa eeg Bakhaylnimo Wuxuu Ka Qabo Dinaar Dhulka Kaga Dhacay Ayuu qaadanayaaye halkuu uga tegi lahaa wiil yaro baahan si uu uga daba quuto. !

boqorkiibaa Cadhooday oo Yidhi :- Waaryaahe Waa Ninkaagani Waxan oo Maala Ayaad haysataa Misana Madaxaagii Waxaad u foorarisay hal diinaar (1dirham) Dhulka Kaaga Dhacay Bal ii Sheeg Sabab Kaliya oo i Qancisa Waxa Kugu Kalifay ? … Waxaanan Kaa Balan Qaadayaa Inaan Ku Siiyo Dhamaan Waxa iigu Jira Khasnadayda oo Dhan Se Hadaad i Qancin Waydo Waxaan Kaa Jarayaa Kurta (Ku Dilaayaa).

Wuxuu Yidhii ninkii Kaluumeysatada Ahaa :- umaan Qaadin Qiimaha Dirhamkani lahaa ee waxaan u qaaday boqorkayga oo ah nin qiimo badan ayaan kala lex jeclooday maadama uu sawirkiisu ku sawirnaa dirhamkaas inay shaqaalihiisu cagaha la dul maraan aniga oo eegaya xurmada uu igu laha boqorkaygu. !

Boqorkii Ayaa Amakaagay , Wuxuuna Amray In La siiyo Dhamaan Wixii Maal Ku Jiray Khasnada Isla Markiibana Wuxuu furay Gabadhiisii Doqonta Ahayd Dabadeed Wuxuu Fadhiistay Isaga murugeysan oo Falasay (Waxba Haysan) Kursigiisii Waxaanu la Tashaday mid ka mida wasiiradiisii Wuxuuna Ku yidhi:- Boqorkaygiiyaw Maxaa La Murugoonaysaa Mushkiladaadu Waa Mid Sahlan oo La Xalin Karo oo Waxaad Haysataa Sawirkii Ama looxadii leonardo da vinci iibi si aad u soo ceshato maalkaagii oo dhan . Boqorkii Ayaa Inta uu jaleecay Yaabay oo Ku Yidhi :- Waar Ninkaagani maad iga maadsanaysaa Adna Doqonimadaada !!!? .

Wasiirkii Ayaa Ku Jawaabay :- Xaashaka Lilaah may Boqorkaygiiyaw Se Waxaan Aqaana Inuu Jiro Amiir Ku nool Dhul Inaga Fog oo aad u jecel sawirada far shaxaneedka ah ee leonardo da vinci walibana uu diyaar uu u yahay in uu inagaga iibsado nus milyuun Dinaar !

waa laga iibiyay amiirkii Sawirkii Waanay U farajtay Boqorkii Laakiin Wuxuu Ka Tanaasulay Boqornimadii oo Wuxuu Uga Tanaasulay walaalkii Waxaanu Go,aan Ku Gaadhay in uu Barto Habka Wax Loo Sawiro Iyo Farshaxankeedaba iyo in uu Ka Ganacsado iibka Sawir Farshaxaneedka .

Waxa aan la hadlayaa Madaxweynaha cusub iyo Xukuumaddiisa, waxaan leeyahay ‘maanta Xilku maaha siyaasi’

Arraar

Laga soo bilaabo sanadkii 2014-ka, waxa aan safarro shaqo oo kala duwan ku tegay Gobollada dalka badankooda, gaar ahaan Deegaamo badan oo hoos-yimaadda Gobolada Maroodi-jeex, Saaxil, Awdal iyo Togdheer, kuwaaasoo aan inta badan u tegay booqasho-howleedyo qayb ka ahaa xaqiiqo-raadintii gurmadka Abaaraha oo aan si mutadawacnimo ah deegaamo badan u tegay si aan xaallada Bulshooyinka ugu kuur-galo, ugana soo gudbiyo warbixinno.

Waxa kale oo jiray kormeerro Saxaafaddeed oo aan ku tegay Gobollada qaar markii ay Diwaan-gelinta codbixiyeyaashu socotay, ujeeddaduna waxay ahayd in aan xog ka hello sida Bulshada loogu wacyi-geliyey Diwaan-gelinta iyo fikirka ay shacbigu ka aaminsan yihiin Doorashooyinka.

Guud ahaan socdaallaydaas oo ku jaan-go’naa xog-urruurin, xaqiiqo-raadin iyo wacyi-gelin, waxaan ka bartay dhowr arrimood oo aan filayo inaanay dadka badankiisu darreensanayn, waxaana kamid ah:

Inaanay Dawladnimadu si fiican u gaadhin, isla markaana uga shaqaynin Degmooyinka iyo deegaamada ka baxsan Caasimadaha Gobollada dalka

Inaanu wanaagsanayn ama aanu jirrinba xidhiidhka Dawladda iyo shacbiga reer guuraaga ah ama Beeralayda ah ee ka durrugsan magaalooyinka waaweyni, hadduu jirrona ahayn xidhiidh ku dhisan habkii loo baahnaa.

Inaan adeegyada dawladdu bixisaa dhaafin Magaalooyinka waaweyn, hadday dhaafaanna aanay ahayn kuwo tayo iyo tamar fiican leh.

Waxaan ogaaday in Dadka xoollo-dhaqata ahi Dawladda u yaqaannaan shay manficiisa Dadka xilalka hayaa ku nool yihiin, iyaguna waa dadka aanay dawladnimadu saameynne loo baahdo marka codka laga doonayo.

Waxaan ogaaday inaanay Bulshadaasi wax rejo ah ka qabin waxqabad dawladnimo oo dhaafsiisan Jiidh-jiidhka xilliga lagu jiro Ololleyaasha Doorashada.

Waxaan ogaaday in Hay’adaha Ajaanibka ah ee dalka joogaa kuwa Dawladda uga xoggogaalsan yihiin baahiyaha ka jira Deegaamada dalka qaarkood oo aad arkayso meello laga fuliyey mashaariic ay Hay’ado ajaanib ah hir-geliyeen oo aanay ka muuqan raadadkii dawladda dalka xukuntaa.

Waxaan ogaaday inaanay Hay’adaha nabad-gelyada iyo kuwa arrimaha Bulshada ee Dawladdu si fiican uga howl-gelin badi Degmooyinka iyo tuullooyinka dalka ee ay shaqadoodu ku kooban tahay Magaalooyinka waaweyn.

Waxaan booqday Magaalooyin go’doon kaga jira dalka intiisa kale oo aan Xafiis dawladdeed ka furnayn, dadkuna ii sheegeen inay cid dawlad ka socota arkaan marka Doorasho jirto oo qudha, waxaanan tusaale u soo qaadanayaa Tuulada la yidhaahdo DALLAW oo ku taalla Buuralayda Koonfureed ee Gobolka Saaxil, sidaan filayana hoos-tagta maamul ahaan Degmada Abdaal.

Deegaankaas waxa ku dhaqan  Bulsho Beer-xoollo dhaqato ah. Nawaaxiga Tuullada DALLAW waxa ku yaalla Beero badan oo khudraddu ka baxdo, waxaana aad uga baxa Cambaha iyo noocyada kale ee Khudaarta.

Gudaha tuulada waxa deggen Dad lagu qiyaasay laba kun oo Qoys, waana magaalo wakhti badan jirtay oo Ganacsi leh.

Sidaasoo ay tahay, Saldhig Boolis kuma yaallo Tuulada, Xafiis dawladeed oo kalena hadalkiisaba daa.

Dadka Tuuladu waxay ii sheegeen inay aaminsan yihiin inay Dawladda Somaliland u shaqayso Dadka deggen Laamiga iyo Magaallooyinka waaweyn “annagu Taakullo iyo Tacab kale toona kama helno Dawladda aad sheegayso…maalinta Doorashada ayuunbaanu aragnaa Dad cod naga doonaya” sidaas ayey ii sheegtay Haweenay Meherad yar oo bagaashka lagu Iibiyo ku haysata badhtamaha Magaaladaas.

Tobannaan Degmo iyo deegaan oo kale oo aan midka ugu yar saacado la sheekaystay Shacbiga ku nool, ayaan kala kulmay cabashooyin iyo cuqdad laga qabo Dawladda, iyadoo dhaliilshana marba Xisbiga xukunka haya ama Madaxweynaha la saaro.

Hambalyo iyo Bogaadin

Haddaba, anigoo ka duulaya xoggogaalnimadayda xaaladda dhabta ah ee ka jirta berriga ka baxsan Bandarada waaweyn ee iyagaba baahida aasaasiga ah laga cawdo, waxaan jeclaystay inaan Madaxweynaha cusub ee xukunka la wareegay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Gollihiisa Xukuumadda la wadaago talo-soo-jeedin kooban oo wax lagaga qabanayo arrimahaas.

Sidaas-darteed marka hore,  Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada cusub waxaan leeyahay Hambalyo, xilalka Alle ha idiin fududeeyo.

Marka labaad Madaxweynaha waxaan ku hambalyeynayaa oo ay Bulshada inteeda badani ku bogaadinaysaa xubnaha uu u xushay Golaha Xukuumadda oo u badan dhalinyaro aan odhan karno waa dad xoggogaal u ah xaaladda dhabta ah iyo xaqiiqada ay la noolshahay Bulshada Somaliland.

Marka saddexaad, waxa Madaxweynuhu ammaan ku mudan yahay inuu Golaha Wasiirrada u magacaabay Ashkhaas aan Baasaaboorro kale haysan, isagoo meesha ka saaray qurbe-jooggii dalka qabsaday toddobadii sanandood ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo talada haysay.

Marka afraad, waxa Madaxweynaha in lagu bogaadiyo oo lagu hambalyeeyo mudan arrinta ku saabsan in Golaha Wasiirradu Hantidooda gaarka ah Diwaan-geliyaan, inta aanay xilalka la wareegin, waxaanan qodobkaa ku takiidin lahaa inay Bulshadu markhaati ka noqoto arrintaas oo qalabka Warbaahinta lagu soo bandhigo intii suurto-gal ah Hantida masuuliyiinta la magacaabay, si ay meesha uga baxdo saska iyo su’aasha laga qabo xatooyada ama musuqmaasuqa Hantida umadda, masuulka lagu qabto hanti-lunsinna hadhow Maxkamadda loo wada saarro.

Talo iyo Tilmaamo

Intaa markaan ka imaaddo, waxaan talo iyo tilmaamo uga dhigayaa Madaxweynaha iyo Golihiisa cusub qodobbadan soo socda;-

  1. waxa idiin taalla shaqo culus oo u baahan dedaal iyo deraasad hor leh.
  2. Wuu dhamaaday wakhtigii Siyaasaddu, waxa la gaadhay xilligii Shacbiga loo shaqeyn lahaa ee la fahmi lahaa micnaha dawladnimada ee uu Muwaadinku heli lahaa xaqiisa, isna baran lahaa xaqa lagu leeyahay.
  3. Shaqada dawladdu maaha Xafiiska oo la fadhiyo, Waraaqo la is dhaafsado iyo Mashaariic Hay’adaha laga dalbado, balse waa Abaabul, Wacyi-gelin iyo Jiheyn, taasoo ah dhabbaha lagu gaadhayo wax-qabsiga iyo isku-filnaanshiyaha dal.
  4. sidoo kale Shaqada dawladdu, waa ‘hoggaamin, heggid ,haggaajin iyo hir-gelin’.
  5. sidaas darteed, Wasiirrada cusub iyo masuuliyiinta kale ee Dawladdaba waxa laga rabaa inay dib ugu noqdaan bulshada oo ay xog-ogaal u noqdaan nolosha ay ku nooshahay ee looma baahna inay Xafiisyada fadhiyaan oo ku sugaan shaqada.
  6. Waxa laga rabaa inay dhamaantood noqdaan shaqaale u carbisan maamulka iyo hoggaaminta.
  7. Waxa laga doonayaa inay shaqaalaha Wasaarradahooda ku hoggaamiyaan fulinta adeegga ee looma baahna inay Hudheellada Bunka iyo Liinta ku cabbaan, sidii looga bartay ama dhaqanka u ahayd Masuuliyiin badan oo ka tirsanaa Xukuumadda xilka wareejinaysa.
  8. Waxa laga rabaa inay dawladda iyo dadka isgaadhsiiyaan oo Shacbiga lagu carbiyo bixinta Cashuurta iyo Tacabka, taasoo qayb ka ah hannaanka Maamul-daadejinta.
  9. Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa waxa looga fadhiyaa, lagana filayaa inay Shacbiga ku soo dabbaalaan dhaqanka suubban iyo Asluubta, lagana saaro qabyaaladda iyo fool-xumada sida Fayriska ugu fidday oo diciifiyey awooddii dadnimo iyo wada-noolaanshihii Bulsho.
  10. Madaxweynaha cusub waxaan kula talin lahaa inuu Laamaha Xisbigiisa ee Gobollada iyo Degmooyinka awood loo siiyo inay madaxda Xafiisyada Dawladda ee heer Gobol, Degmo iyo deegaan kula xisaabtamaan fulinta iyo ku shaqeynta Barmaamijka Xisbiga, taasoo keenaysa isla-xisaabtan iyo dar-dar gelin Dawli ah oo si togan oo la taaban karo u gaadha mujtamaca Somaliland oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here