Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan Af-hayeenka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee somaliland ayaa Gaashaanka Ku Dhuftay Dacaayado Raqiisa Oo Xisbiga Wadani U soo Jeediyeen Wasiirka Maaliyada Marwo Zamzam Cabdi Adam.

Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlay wasiirka maaliyada somaliland kaas oo uu ciwaan uga dhigay “Marwo ZamZam Cabdi Aadan Dun Xariir Ah Iyo Dabayl Caafimaad Oo Somaliland Deeqday”, qoraalkaas oo u dhignaa sidan:-

“Hablo talada goyn kara

Garta madal ka niqi kara

Gobannimana hanan kara

Garashana iskaga mid ah

Geeskeenna mooyee

Geyi kale ma joogaan!”

Maalmihii u dambeeyay waxa saxaafadda ku soo noqnoqonayay dad siyaalo kala duwan tafsiir uga bixinayay hadal ay dhowaan marwo Samsam Cabdi Aadan ka jeedisay magaalada Burco. In badan oo dadkaa ka mid ah markii aan hadalladooda dhuuxay waxa ii muuqatay inaanay aqoon shakhsi ah badidoodu u lahayn Wasiir Samsam. Halkan waxaan doonayaa inaan ku iftiimiyo aqoonta shakhsiga ah ee aan u leeyahay marwo Samsam.

In muddo ah ayaannu ka wada mid ahayn kaadirkii Xisbiga Kulmiye. Waxay ahayd halgamaa haladag. Waxay ka mid ahayd xubnihii halganka dheer u soo galay, ee naf iyo maal ba u huray sidii uu Madaxweyne Siilaanyo u fuuli lahaa kursiga ugu sarreeya dalka.

Saamaynta culus ee ay Samsam ku lahayd saaxaddii mucaaradka Somaliland waxaad ka garan kartaa sidii loo beegsanayay ee ay bartilmaameedka ugu ahayd xukuumaddii wakhtigaa jirtay, ilaa aakhirkii albaabbada loo laabay ururkeedii SHURO NET. Waxa ka tirsanaa xukuumaddaa oo ay jifo hoose isku ahaayeen Wasiirka arrimaha gudaha iyo badhasaabka gobolka Hargeysa, kuwaas oo dhammaantoodba ku hawlanaa sidii ay marwo Samsam dhufayska uga saari lahaayeen, laakiin taasi marnaba kama ay duwin himiladeedii ahayd in dalka isbeddal la mahadiyaa ka hirgalo. Sidaas si la mid ah, wakhtigan xaadirka ah cid kasta oo Samsam hadalhaynteeda ku mashquushaa wax saamayn ah kuma yeelan karaan habsami u socodka hawlaheeda.

Markii ay Xukuumaddu talada dalka la wareegtay waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo lagu tilmaamo wasaaradaha ugu shaqada badan ee dalka. Wakhtigaa waxa aan macallin ka ahaa Wasaaradda Waxbarashada aniga oo muddo afar sanno iyo badh ah oo ay Wasaaraddan hoggaaminaysay si dhow ula soo shaqeeyay. Wasaaradda waxbarashada waxay ku wadday dul, dad-isku-wad, diblomaasiyad, maamul-wanaag, iyo dareen feegigan oo garasho, dadnimo iyo dadnimo ku dheehan tahay. Goob kasta oo dalka ka mid ah oo aan hore dugsiyo uga jirin waxay ka hirgalisay adeegyo waxbarasho. Muddadii ay xilka haysay waxa kordhay tirada macallimiinta iyo tirada ardayda. Macallimiintii waaweynayd ee dalka u soo shaqaynaysay muddada dheer ayay markii ugu horraysay siisay xuquuq aan qasnadda qaranka iyo tan dawladda midna laga soo saarin. Mabda’eedu waxa uu ahaa Somaliland oo horumar gaadha iyo qarannimada Somaliland oo taabbagasha. Taa waxa kuu muujinaya munaasibaddii ay xilka Wasaaradda waxbarashada ku wareejinaysay iyo saamayntii ay shaqaalaha wasaaraddaa ku lahayd.

Waxay wareejisay wasaarad rejo, ulasho iyo himilo wanaagsan leh. Muddadaa ay wasaaradda joogtay laguma arag eex, qaraabo-kiil iyo wax la mid ah, xataa lagagama caban. Taasi waxay keentay xusuusta aan duugoobin ee ay ilaa maanta ku leedahay shaqaale-weynaha Wasaaradda Waxbarashada.

Samsam maanta waa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, waana markii ugu horraysay ee qof dumar ahi xilkaa qabato. Samsam waxaan u aqaannaa qof qarannimadu ku weyn tahay oo qabiilka ka madhan. Haddii Samsam ay tahay qof taab gaaban ama qolo nacayb, qolo jacayl iyo curfi qabiil ku beeran yahay halkaa may soo gaadheen. Taasi waxay muujinaysaa inay tahay qof hawlkar ah, hal-adag, isla markaasna daacad u ah dalka, dadka iyo dawladda intaba.

 

Arrinta Burco ee ay ka hadashay na, haddii la dhibsaday iyo haddii la soo dhoweeyay ba, waxay u hadashay sidii aan u aqaannay, waayo, waa qof had iyo jeer ka badheedha waxa ay aaminsan tahay oo aan marnaba qarinnin. Haddii ay gaashaanbuuraysi siyaasadeed oo beelaysan ka hadashayna, been maaha in beesha Samsam ay naf iyo maalba u hurtay in Madaxweyne Siilaanyo talada haaneedo. Sidoo kale ceebi kuma jirto haddii ay maanta beesha Madaxweynaha ku tidhaahdo xilka madaxtinnimo nagu taageera.

Aniga oo aan ka gudbayn xuduudkii Madaxweynaha qaranku u dhigay shaqaale-weynaha dawladda ee ahaa inay dhex ka ahaadaan arrimaha xisbiyada, haddana, marka aan hadalkii Samsam ee Burco fahamkayga ku eego, waxaan u fahmay: ma jirin qof keli ah oo ka mid ah beelaha Somaliland dega oo Axmed-Siilaanyo lagu ballamiyay, sidaas si la mid ah ayay muhiim u tahay in aan Muuse Biixi na loogu ballamin, maadaama oo uu yahay Mujaahid mudan in la qiimeeyo. Beytal-qasiidka hadalkeeda sidaas ayaan u fahmay.

Dhammaanteen hal reer ayaynnu nahay. Waxaynnu nahay reer Somaliland. Sidaa darteed ma mudna in hadal qof yidhi laga dhex baadhno naxli, buqdi, iyo xiqdi. Sidoo kale maaha inaynnu habeen walba Tv-yada isla soo taagto hadallo cunfi ah oo aan adduun iyo aakhiro midna waxtar lahayn.

Ugu dambayn, Wasiir Samsam waxaan leeyahay hankaagii iyo himiladaadii wanaagsanayd halkii ka sii wad, hana dhegaysan hadallada makasta iyo dhengagaalaha. Waxaan ku soo afmeerayaa qormadan tuducyo ka mid ah tixda Daahyaley ee Abwaan Hadraawi.

“Cadowgaagu duurkiyo

Hadduu doogga cawskiyo

Dareemada ka badan yahay

Adiguna dab baad tahay.

Damal adag hadduu yahay

Adna danab dhacaad tahay.

Baaruudda duushiyo

Dubbe culus hadduu yahay

Derbi soo ceshaad tahay.

Mugdi lagu dayoobiyo

Gudcur dama’ hadduu yahay

Qorrax duluca furatiyo

Dayax buuxsamaad tahay.

Hadduu aw dillaaliyo

Qalin duurre faashiyo

Yahay fiqi dammiinana

Cilmi durugsan baad tahay.

Dulin dhiigga miirtiyo

Dulmi hilan hadduu yahay

Xaq dillaacay baad tahay.

Nin qabiil dafkiisiyo

Sita daramalkiisoo

Ku dan qaba hadduu yahay

Qaran dawladaad tahay.

Inta dunidu raarkiyo

Deyrka hoose leedahay

Qof dulmani ku nool yahay

Ilays daaran baad tahay.”

Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan

Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada JSL

Ibraahim Axmed Raabbi, waa Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka Somaliland ee loo yaqaanno (NDA).

 

Ibraahim oo xilka uu hadda hayo ka hor Muddo gaaban ahaa Xoghayaha Maamulka ee Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah Waxqabadkiisa Muddadii uu Dawladda hoose ka ahaa Xoghayaha Maamulka, maaddaama oo aynu u baahan nahay in Dadkeenna wax qabta laga barto Dadka intiisa kale, si Masuuliyiinta kale ee Xilalka hayaa ugu deydaan, uguna dhiiradaan inay Ummaddooda ugu shaqeeyaan si daacad ah, si ay Taariikhda waxqabadka u galaan.

 

Ibraahim Axmed Raabbi oo Toddobaadkii hore ka Shahaadadii labaad ee Jaamacadda ka qaatay Machadka Tababbarka Shaqaalaha Dawladda ee CSI, ayaa Muddadii uu Dawladda Hoose joogay waxa waxqabadkiisii Nidaamka Maamul-Daadejinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ololeyaasha Lix biloodka ahaa ee ururinta Cashuuraha kala duwan.

 

Waxaase arrinta ugu mudan ee Ibraahim Axmed Raabbi weligii lagu xasuusan doono isla-markaana lagu amaani doono ka mid ah in isagoo kaashanaya Maayarka Hargeysa uu ku guuleystay in muddadii uu Xoghayaha Dawladda hoose ahaa uu keenay Warshadda Dhismaha Waddooyinka ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taasi oo dhawaan lagu bilaabay dhismaha Waddooyinka.

 

Mr. Raabbi oo hore uga mid ahaa Masuuliyiintii Shirkaddii Isgaadhsiinta ee Soltelco ee Magaalada Hargeysa, ayaa ah shaqsi daacadnimo u dhashay isla-markaana Waajibaadka Shaqo ee uu Qaranka u hayo u guta si Xil-kasnimo iyo Dal-jaceyl ku dheehan tahay.

 

Ibraahim Axmed Raabbi oo Xilkii xoghaye-nimo laga qaaday markii ay Dawladda hoose keentay Warshadda iyo Qalabka Dhismaha waddooyinka Casriga ah ee Caasimadda, ayaa Xildhibaannada Golaha deegaanka Hargeysa iyo Masuuliyiin badani ay ka biyo-diideen Xilka qaadistiisa, waxayna wakhtigaa Madaxweynaha iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha ka codsadeen in laga noqdo Xil-ka-qaadista, laakiin codsiyadaasi ma suurto-gelin, hase yeeshee muddo yar ka dib waxa loo magacaabay Guddomiyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano N.D.A.

 

Mr. Raabi wuxuu 2013-kii ka Qalin-Jebiyey kuliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Admas, waxaanu wakhtigaa uu Madaxweyne Siilaanyo guddoonsiiyey shahaadadii Jaamacadda.

Xisbiga Kulmiye Laantiis Cardiff Ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey Waxa hadheeyey khilaaf Ba’an oo ku saabsan cidii hogaamin lahayd laanta gobolka Wales ee dalk UK ee ay casiamda u tahay magaalada Cardiff ayaa haantan ku soo gabogaboobay in taageerayaasha Kulmiye ee laantaasi isk uafgartaan cidii hogaamin lahayd.

Khilaafka ayaan inta aan la soo gabobayeyn la sheegay mid ay saamaynt ugu weyn ku lahaayeen madaxda xisbbiga Kulmiye ee xarunta dhexe ama hogaanka guud, siiba gudoomiye ku xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed oo la sheegay in doonayey in uu u soo magacaabo xubin ay isku hayb yihiin oo uu dusha kaga keenayey laantan iyo sidoo kale loolan u dhaxeeyey xubnihii hore ee laanta xilal uga soo qabtay iyo xubno cusub oo la jaan qaaday gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ilaa iyo intii uu musharaxa xisbiga noqday.

Hase ahaatee gudidii loo magacaabay xisbiga Kulmiye laantiisa Wales ayaa kala ah sidan:

Khadra Ibrahim Warsame

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Wales

Mahdi Ibrahim Hassan

G/Xigeen 1aad

Ahmed Muse

G/Xigeenka 2aad Faysal

Isse Geljire  – Xoghaye

Ali Farah Xadhigle – Afhayeen

Haji Omar osman Hassan -Xidhiidhiye

Cabdulqadir Maxamuudd Jabuti

Khasnaji Mustafe Nadalo  Xoghayha Saxaafadda

Farhan Hussein  -Garabka Dhalinyarada

Amina Jama Mumin  – Garabka Haweenka

Kinsi Muse Hayan – Xubin

Yassin Isse Hassan –  Xubin

Libaan Nugaal-  Xubin

Maxamed Adan Jamaac -Xubin

Sida Hadhwanaagnews ay u sheegeen qaar ka mid ah xubnaha gudida , waxa magacaabista gudidan ay horseed u tahay in dardar dib loo galiyo xisbiga Kulmiye oo taageero laxaadle ku leh guud ahaanba dalka UK, magaalada Cardiff na ay tahay magaalada aan xisbi kale ugu iman.

Xaalada Xisbiga Kulmiye ee magaalada Bristol

Ka sokow dib isku habaynta taageerayaasha Kulmiye ee gobolka Wales ee UK, ayaa waxa taa badalkeeda magaalada Bristol oo ka mid ah gobolka England isla markana la daris ah magaalada Cardiff dhank deegaanada Koonfur Galbeed ee UK, ayaa waxa magaaladaas haatan ka taagan loolan horleh oo u dhexeeya laba garab oo kala jiidanaya hagista laanta Bristol ee Kulmiye.

Loolankan oo qaab aan hore u dhicin u jira ayaa ah mid ay keentay xuubsiibasho cusub oo laanta ku socota, taas oo dhinacyo darban oo midba midka kale ka riixanayo hogaminta laanta Bristol ay ku muransan yihiin.

Murankan ayaa gaadhay heer ay xubno gacanta iskula tagaan, iskuna geystaan nabaro. Xaalada xisbiga Kulmiye taageerayaashiisa Bristol ayaa ah mid aad u murugsan oo sida ay noo sheegeen qaar ka mid ahi u baahan gurmad si loo kala badbaadiyo xubnahay xisbaiga ee loolanka adagi ka dheexxyo iyo in uu ay laantu gasho xaaladii ay Cardiff ka soo kabatay, taas oo haddii aan hore wax looga qaban saamayn weyn ku yeelan karo dhismaha xisbiga ee UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here