Siyaasi Iyo Saxaafad Aan Korayni Dalkii Waa Dib Dhigeen !! – W/Q: Xil. Maxamed Jaamac

Waxaan dhammaanteen mashquul ku nahay siyaasadda iyo dhegeysiga siyaasi oo inoo soo mariyo fariintiisa qaybaha kala duwan ee saxaafadda. Waxaa laga yaabaa in sababta aynu sidaas wakhtiga badan ugu siinay in ay tahay shaqo la,aanta iyo kala sooc la,aanta hawlaha dadkeenna oo aan runtii lagu qiimayn qof weliba wuxuu yaqaan.

Waxaan subax iyo habeenba akhrinaa joornaal iyo Websiteyo aynu ka raadino xogaha iyo wararka la xidhiidha maxaa xisbi hebel maan

Dawladnimada ku dhisan Nidaamka Asxaabta badan ee tartamayaa, wuxuu daawo ka yahay cidhib-xumada ka dhalata xukunka keli-taliska ah, hogaaminta u xidhan Koox khaasa oo aan cid kale taraxin iyo mushkiladaha ka abuurma qabyaalada iyo kala-qaybsanaanta Bulshada.

Nidaamkan oo dunidu siyaabo kala duwan ugu dabaqaan hab-dhaqanka Bulshooyinka iyo xaaladdaha gaarka ah ee Deegaan ee ay yihiin, qaarkoodna ay xataa dhinaca diinta hogaan uga dhigaan, si aanay isaga hor iman Xeerarka sharciga xukunka iyo Diintu,ayaa waxa laysku waafaqsan yahay inuu hab-dawladdeedka Dimuquraadiyada iyo tartanka xorta ah ku dhisani uu yahay nidaamka ugu wanaagsan ee laga dhaxlo degenaanshiyo siyaasaddeed, mid dhaqaale iyo nabad ku taagan dhaabad adag, wallow Bulshooyinka tirada yar ee aan tartanka noocaas ah isku bixin karin aanu waxba uga duwanayn siyaasadaha qalafsan, haddii aanay helin awoodo kale oo cod ama cudud ku badhitaarra.

Habka asxaabta badan, waxa dhaqan u ah loollan adag iyo doorasho Bulsho oo ku timaadda qanneecad hawaa’i ah iyo xulasho xaalad ku ullatay oo ay danta akhtiyaariga ahi hagto hirdanka hogaamiyeyaasha iyo hilaadinta guusha maalinba xisbi ka gaadho u tartamida xukunka.

Isweydiin iyo dood ayaa ka taagan nidaamkan oo ay reer Galbeedku ugu yeedhaan Dimuquraadiyada inay iyaga laftoodu ugu dhaqmaan sida ugu wanaagsan ama wadamada kaga dayday ay u saameyso, hase ahaatee waxa xaqiiqo ah in magac kasta haloogu yeedhee Doorashada shacbigu tahay fursada kala haadisa hogaamiyeyaasha xun iyo kuwa wanaagsan, taasoo ay dadku kaga go’aan gaadhaan masiirkooda iyo mustaqbalka fiican ee ay ka arkaan dannahooda guud.

Kala-doorashada tartameyaasha iyo gooreynta muddo-xileedkuna, waa xaalad haddii boob iyo khiyaamo kasta dhacaan lagaga baaqsado bur-bur iyo rejjo la’aan. Waay o? tanaasulka siyaasiga laga guulaysto waxa qayb ka ah inuu lexejeclo ku saabsan fursad dambe uga kaaftoomo inuu qas iyo dhibaato sameeyo.

Haddaba Somaliland oo nidaamkan qaadatay sannado kaddib, markii ay xoriyaddeeda la soo noqotay, laguna ammaano habka ay isugu maamusho iyo bisaylka siyaasaddeed deg dega uga hana-qaaday, dadkeeduna ku adag yihiin ilaalinta Qaranimadooda, isla markaana aanay marnaba raali ka noqon dib-u-dhac iyo dil-dilaac siyaasaddeed oo dalka saameeya, waxa beryahan dambe isa soo taraya qabyaalad iyo Kooxaysi ku dhisan cadiifad oo ku lamaan xilfaatanka Xisbiyada waddanka ka jira.

dadka ka fayow cudurka qabyaalada, ayaa ku dhego-barjoobay dhawaaqyada durbaano qolo-qolo iyo jifo-jifo loo tumanayo, kuwaasoo si weyn u millay midabyadii iyo magacyadii asxaabta loogu yeedhi jiray.

Inta badan dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan xisbiyada iyo qaabka ay ku kala horrorsanayaan mujtamaca, ayaad moodaa inay ka leexatay manjarihii fiicnaa ee maslaxada iyo midnimada lagu ilaalinayey.

Maqalka magacyada Beellaha oo ku suntan wajiyada hore ee Xisbiyada qaar iyo biladaha baadi-soocda loogu kala samaystay reeruhu, waxay muujinaysaa legdan-xumo iyo liciifnimo qaran dil ah oo haddii aanay Bulshadu ka foojignaan natiijada ka dhalata aan la mahadin doonin.

Hab-dhaqanka caynkaas ah waxa abqaalay oo iminka waliba sii qurxinaya Hogaamiyeyaasha Xisbiyada, siiba Murrashaxiinta u taagan Madaxtinimada oo si fiican looga dheehan karo xeelladaha ay isticmaalayaan qaybin ay  Ardaa Ardaa ugu qaybinayaan Beelaha, taaso ay ku carbiyaan Shacbiga.

Hogaamiyeyaasha qaar ama siyaasiyiinta ku hareeraysan ee baalasha u ah, ayaa halkii ay barmaamujyo siyaasaddeed iyo aragti hufan taageerada Shacbiga ku raadin lahaayeen, tubtan qabyaaladda iyo qabiil hebel raadi door mooday,taasina waxay lugooyo ku tahay horumarka Dawladnimo iyo hayaanka dalkani ku doonayo inuu ku gaadho ka mid noqoshada Qaramada adduunka ee la aqoonsanyahay.

Arrintan, waxa markhaati u ah dhacdooyin xambaarsan qadafyo iyo qardoofooyin goob-joog loo wada ahaa iyo fagaareyaal loo agaasimay qaab qabyaaladdeed oo ay xisbiyaddu qabteen, dhacdooyinkaasoo indhaha Bulshada tusay heerka uu gaadhsiisan yahay isku millanka Siyaasada iyo Qabyaaladdu.

Waxa kale oo aynu arrintan si dhab ah u dareemi karnaa markaynu derisno dooddaha iyo faallooyinka ka socda goobaha lagu kulmo oo ay dadku qof iyo qabiil xisbiyada ugu qaybsan yihiin, iyadoo waxyaabaha nasiib-darada ah ee bannaanka u soo baxay ay ka mid tahay in shakhsi loo aanaynayo inuu la qolo yahay Murrashax xisbi toos loogu abtiriyo ama loogu cumaamado inuu ka turjumayo Musharaxa ay isku qabiilka yihiin.

Haddaba, su’aashu waxay tahay ma is-qaban karaan loollan siyaasaddeed iyo tartan qabyaaladaysani?. haddiise xaalku sidan ku sii socdo maxay dambarsan doontaa?, saameyn intee le’eegbayse ku yeellan kartaa Doorashada arrintaasi? Ama Dimuquraadiyada iyo Qabyaalad ma is qaban karaan?.

ta yidhi ama hebel oo hadlay maxaa kasoo kordhay.

Nasiib daroo waxaa markiiba kuu soo baxaya bogaga hore oo ay ku xardhan yihiin, CALI GUREY OO KABAHA LA DUL MARAY MUSHARAXA WADANI, XIRSI OO KARBAASHAY MUUSE BIIXI, ISMAACIIL YARE IYO ABIIB OO SI XUN U CAAYEY MUUSE IYO MARWADA, Waa tusaale uun. Markaad sii akhridid adigoo ah dadkii ay xisbiyadu rabeen in ay kasbadaan codkaaga, waxaad ka dhex helaysa ciwaankaas, waxa aan kaa farxinayn waxna ka tarayn wixii aad ku xulan lahayd cidii dalkan iyo dadkan hogaamin lahayd.

Waxaan dhegeystay Cali Gurey oo marar badan leh Cirro ma aaminsanayn qaddiyaddii SNM, dhiig uma shubin dalkan oo dharaarihii dhibta wuxuu u shaqaynayey Siyaad Barre. Muusena wuxuu ahaa rukumaddii dalka xoreeyey.

Muwaadinka codka bixinaya ee ay aafaysay shaqa la,aanta iyo sixir bararka ee caruurtii ka tahriibtay xikmad badan u samayn mayso wixii uu hore hebel u ahaa ee waxa xigmad u samaynaysa in uu dhegeysto dariiqad looga bixi karo dhibta haysata dalkan iyo barnaamij cad oo uu qodob qodob u akhriyo una aamino.

Waxaan dhegeystay Xirsi oo fagaare burco ah ka hadlaya oo leh musharaxa aan wadnaa waa farxaan qosol badan oo dabacsan, waxaa lagu xantaa jileec, ma jilicsana ee waa naxariis badan yahay, musharaxa Kulmiyena ma qoslo ee soo hela isagoo qoslaya, afkuu taagaa , waa nin aan dabacsanayn oo adag, musharaxa wadanina afka ma taago.

Wuxuu la hadlayaa shacabka Somaliland ee uu ka rabo codka. Xigmadu maaha in uu afweyn yahay iyo in uu af yar yahay musharuxu, in uu qosol badan yahay iyo in uu qosol yar yahay, ee xigmadu waa in uu mid kastaa leeyahay karti iyo aqoon iyo barnaamij cad oo ka soo fulay laamaha go,aan gaadhista ee xisbiga oo aan beri kula xisaabtamo. xigmadu waa in aan ammaano ku doorto. Reer Burco waxay u baahan yihiin madaxweyne dalka hore u dhaafiye halka uu maanta marayo, baahiyaha, bulshadana wax ka qabta sida biyaha caafimaadka, waxbarashada, tahriibka, horumarinta xoolaha iyo beeraha, la dagaalanka qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, soo celinta hantidii la lunsaday iyo xeerar la xidhiidha.

Marka saxaafaddu siyaasiga sidaas u hadlay sixi weyday ee ka dhigtay ciwaanka kana aan kor ku soo sheegay miyaan siyaasiga iyo saxafigu caqligaaga Muwaadin caayin.

Waxaan mar kale maalin dhaweyd dhegeystay xubno wadani hadda ah oo uu weheliyo musharaxu oo Allaybaday ka hadlaya.

Waxaa isoo jiitay ereya inta badan xubnihii Xisbiga kulmiye ka baxay ay adeegsadaan oo ah Musharaxa Wadani ee aan wadnaa wuxuu leeyahay cid idinka ka qabata, tasoo macnaheedu yahay xagga dhaqanka wuxuu leeyahay xidhe. Xidhe waa la yaqaan oo waa xigtadaada. Muusena helimaysaan cid idin ka qabata oo macnihii reerkoodu ma qaban karo. Ma cay baa ma amaan baa. Islaanta joogta Allaybaday uma baahna xidhe iyo fure ee waxay u baahan tahay tamaandhada yar ee ay beerto cid suuq iyo warshado iyo meelo ay ku kaydsato u samaysa, lacagta yar ee ay ku iibisana qiime ugu yeesha, macne uma leh in madaxweynuhu hoos eego iyo in uu kor eego.

Waxaan is weydiiyey tolow madaxweynaha haddaan muwaadin ahay oo uu igu xadgudbo ma dastuurkaan u baahnahay in uu iga qabto mise waxaan u baahnahay in reerkoodu iga qabtaan oo aan u tago gar iyo gardaraba.

Ma waxaan ku kala doortaa kan reerkoodaa kaa qaban doona kanna reerkoodu kaa qaban maayo, mise waxaan ku kala doortaa sida ay ugu dhaqmayaan dastuurka iyo wixii ummaddu dhigatay. Miyan cay ku ahayn caqliyada codka laga rabo.

Waxaan is weydiiyaa tolow ajendaha xisbiyadu ma cayda xubnaha ka soo hor jeedaa. Aragtida siyaasiyiintu goormay koraysaa oo dhaafaysaa hebel baa sidan ah iyo hebel waa farxaan.

Miyaanay ceeb ahayn in saxaafaddu inagu mashquuliso hebel oo hebel caayey. Miyaanay ahayn nasiib daro in aanay siyaasiga weydiinayn shalaydiisii ee uu intuu wuxuu doono sameeyo hadana uu waji kale soo xidho oo uu haddana isagoo taariikh madow leh uu ku yidhaahdo maantana anigaa ku hogaaminaya, isagoo masuuliayddiisii shalay dayacay.

Xisaabtankii mee.?

Waxan soo jeedinayaa in musharaxiinta tartankooda laga dhigo dood dadka u furan oo garashadooda iyo aqoontooda hogaamineed lagu qiimeeyo. Cayda iyo kabahaa lala dulmaray laga gudbo.

W/Q: Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan Golaha Wakiillada JSL

Waqtigu waa raasamaalka ugu Qaalisan ee uu haysto Qofka bani Aadamka ahi, Waqtigu waa mid ka mid ah Nimcoyinka iyo hibooyinka Qaaliga ah ee illaahay Mooyaane aanay cid kale Bixin. waqtigu waa hanti Haddii u mar ku dhaafo aan dib loo heli karin, qiimaha waqtigu leeyahay Waxaa inoo caddayna in Allaah ku dhaartay meelo Badan oo kitaabkiisa Quraanka ka mid ah sida Habeenka, Aroortii, Barqada iyo casarka, shayga Allaah SWT ku dhaartay runtii waa mid qiimo badan.

Nebi Muxamed CSW waxa uu yidhi ka faa’iidayso shan Arimood hortood dhalinyarnimadaada inta aanad gaboobin, caafimaadkaaga inta aanad xanuusan, , dhaqaalahaaga inta aanad Xoolo beelin, firaaqadaada Inta aanad mashquulin iyo Noloshaada inta aanad Geeriyoon.

Xadiis kale Waxa uu yidhi nabi Muxamed scw ‘laba nimco Ayey dadka badankiisu Moogan yihiin, caafimadka iyo firaaqada’

Diinteena suubani aad ayey uga hadashay qiimaha iyo dhawrista waqtiga, maareynta waqtigu waxa ay keentaa Horumar iyo fikrado cusub, kuwaaso marka la isku soo Daro iskugu soo biyo shubta ka war qabka hadba noloshaadu heerka Ay marayso. Qofku marka Uu yahay qorshe dejiye Waxa uu leeyahay tayo sare oo ah dhinac wax qabad iyo Waqti badan oo kaydiyo Qofkaasi.

U fiirso sida illaahay SWT u nidaamiyey Adduunyada in shay kastaaba ku socdo qorshe iyo Xisaab,  sida illaahay kor Ahaaye inoogu sheegay Quraanka ( Qorraxdu uma Suurawdo in ay haleesho, Habeenkuna uma suurawdo in ay Maalinta ka hor marto mid Kastaana falaggiisa ayuu Dhex dabaalan) suuratu Yaasiin 40.

Shanta salaadood waxa ay ku barayaan nidaam iyo in Salaad kasta la tukado Waqti go’an bisha Ramadan Waa waqti macruufa oo Aayad iyo cibro ayaa ugu Filan isbeddelka waqtiyada. Inaad waqtigaaga nidaamiso waxaa ku xidhan himilada iyo hilaadka aad nolosha ka leedahay haddii aanad hadaf dhaw iyo mid fog toona lahayn wax macno ah kuu samayn mayso inaad nidaamiso ama maamusho Waqtigaaga.

Waxaan ku soo Gabagabaynaya xikmad uu Ka tagay sheekhii caalimkii Weynaa ibnu qayim waxa uu yidhi  “Waqtiga oo kaa Lumaa dhimashada ayuu Ka xun yahay, sababtoo ah Waqtigoo kaa lumaa waxa uu kaa fogeeyaa illaahay iyo aakhiro, dhimashaduna Waxa ay kaa fogaysa Adduunka iyo ehelka.”

Muhiimadda inaad waqtigaaga qaabayso micnaheedu maaha inaad Wax qabad aad samaysay, Maxaa yeelay waxaa taasi ka mudan inaad ku hawlan tahay tacab midho dhal ah iyo in Juhdiga iyo dedaalkaagu ku waajahan Yahay jihada saxda ah, kaas oo aakhiro iyo Adduunkaba ku anfacaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here