Maqaalkan waxa aynu kaga hadli Doonnaa 4-ta qodob ee ay noloshu ku noqoto mid dheelitiran; kuwaas oo qofka u horseedi kara in uu nolol wanaagsan ku noolaado Aduunka inta uu joogo, sidoo kalena uu u shaqaysto Aakhiradiisa oo ah noloshiisa danbe wax wanaagsan oo anfaca.

4-tan qodob waa kuwo uu u baahan yahay kana maarmaynin qof kasta oo raba nolol wadata farxad iyo horumar uu qofku u qaado dhanka wanaagsan, isaga oo aan seegayn in uu u shaqaysto noloshiisa danbena.

Qodobka 1aad: Diinta.

Qodobkani waa ka ugu muhiimsan isku dheelitirka isleegta nolosha, waana talaabada ugu horaysa ee uu qofku ku dheelitiri karo noloshiisa; halkaas oo ay ka bilaabmayso in uu ka soo baxay qodob muhiim u ah nolosha.

Diinta aynu ka hadlaynaa waa ta xaqa ah ee Islaamka, taas oo ah Diintii ugu danbaysay ee Alle ku soo dajiyo Aadmiga ugu danbeeya ee lagu soo afjarayo nolosha Dunida.

Nabi Muxamed-na Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee waxa uu ahaa Nabigii ugu danbeeyey ee Illaahay (S.W.T) u soo diray Ummaddiisa.

Qodobkani waa ka ugu horeeya uguna muhiimsan ee ay Dunidu ku dhisan tahay Allena (S.W.T) ugu talo galay in ay ka soo baxaan Khalqigiisa kala ah Jinka iyo Insiga.

Isaga oo Alle (S.W.T) inoo sheegaya ujeedka ugu weyn ee uu inoo abuuray inoona keenay Noloshan Aduunyada ayuu Quraankiisa sharafta leh ku yidhi:

﴿وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ﴾

“Jinka iyo Insiga Umaan abuurin wax aan ahayn in ay i caabudaan.”

[ سورة الذاريات الآية:56]

Aayadani waxa ay mar walba ina xasuusinaysaa in ujeedka ugu weyn uguna horreeya ee Alle (S.W.T) inoo abuuray ay tahay cibaadada oo soo hoos galaysa Diinta kaliya ee xaqqa ah ee waqtigan ka jirta Dunida oo ah Islaamka.

Marka aynu ka hadlayno isleegta nolosha oo ah isku dheelitirka meertada nolosha ee qofka; qodobkani waa ka ugu horreeya uguna muhiimsan, la’aantiina qofku dareemayo diiqad iyo xanuuno nafsiya, kuwaas oo ka imanaya Ruuxda qofka oo bukoonaysa marka ay xidhiidhin waydo Illaahay, kana soo bixi waydo waajibkii uu saaray oo ah Cibaado.

Dadyowga aan haysan Diinta islaamka ee buuxiyay shuruudaha kala duwan ee isleegta noloshu, waxa ay ku guul darraysteen qodobkan oo ah ka aanay la’aantii soconaynin noloshu, lana helayn farxad iyo degganaan qalbiyeed oo uu qofku raaxo ku dareemo noloshiisa, taas oo sababta in ugu danbyanta uu qofku isdilo ama uu la dhinto xanuuno uu ka dhaxlay warwar iyo walaac badan oo nolosha soo wajahay.

Tan ayay sababteedu tahay in aanu buuxin qodobkii ugu muhiimsanaa ee Alle (S.W.T) uu u abuuray oo ah in uu caabudo kuna caabudo Diinta xaqa ah (Islaamka) ee uu u soo dejiyay.

Waxa kale oo jira dadyow badan oo Muslimiin ah, kuwaas oo ka gaabiyay cibaadooyinka Alle ku waajibiyay oo ay ugu horayso Salaadu,  iyaguna sidoo kale waxa ay dareemaan ciqaabta cibaado la’aaneed ee ay ku dhaqmeen.

Bal u fiirso dadyowga ku xidhan Illaahay ee ku dhaqma Diinta Islaamka kana soo baxa cibaadooyinka lagu waajibiyay; sida ay noloshoodu tahay iyo farxadda nolosha ay ku sugan yihiin si kasta oo uu xaalkoodu yahay.

Bal iswaydii haddii aad maalmo kooban salaadda tukan waydo waxa aad dareento iyo sida ay noloshaadu u qasanto?

Haddii aad ka soo baxdo qodobkan oo aad sidiisa u fuliso, waxa hubaal ah in aad helayso ballan kaaga yimid dhanka Illaahay (S.W.T); kaas oo u balan qaaday Muslim iyo Muslimad kasta oo ka soo baxa waajibaadka cibaado ee uu saaray.

“مَنْ عَمِلَ صَالِحًا مِّن ذَكَرٍ أَوْ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَنُحْيِيَنَّهُ حَيَاةً طَيِّبَةً”  (97) Suratul Naxl

“Qofkii sameeya camal wanaagsan (Cibaadadii Alle faray sideeda uga soo baxa ee u oofiya) ee lab ah ama dheddig waxa aanu noolayn nolol wanaagsan”

Noloshan wanaagsan oo inta badan culimadu ku fasireen risiq xalaal ah oo wanaagsan, Qanaaco nololeed iyo waliba  degganaan nafsiyeed/qalbiyeedba.

Waxa aynu xaqiiqsan karnaa muhiimadda ay leedahay Diinteena Islaamku iyo waliba in ay tahay mid inaga ina dhawraysa inoona ah Dawo iyo dhufays aynu xumaanta inagu xeeran kaga gabban karno.

La soco qaybaha danbe…

Xamse Tudhaale: Qoraa ka faallooda horumarinta shaqsiyada iyo Tabobare Nololeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here