Guud ahaan dalka Somaliland waxaa looga dareeray 13-kii Bishan Noofember oo ahayd subax isniin ah doorashada Madaxtooyada Somaliland oo lagu soo dooranayay Madaxweynihii shanaad iyo Madaxweyne ku-xigeenkii lixaad ee dalka hoggaamin lahaa shanta sano ee soo socda waxaana u tartamay lix musharax oo ka  kala tartamayay xisbiyada qaran ee UCID,KULMIYE iyo WADDANI

Tartan olole oo muddo u soo socday asxaabta ka qaranka kadib waxaa maalintaa kor ku xusan loo dareeray dhiibashada codka uu ku soo baxayo madaxweynaha qaran ee dalka hoggaamin doona iyo xisbiga guulaysanaya ee noqon doona xisbi xaakimka Somaliland.

Markii codbixnta doorashadu soo xidhantay laba xisbi ayaa mid waliba dhankiisa guul fishay isla markaana u doonyaystay in uu noqonayo xisbi xaakimka Somaliland waa KULMIYE iyo WADDANI.

Waxaa kaloo dhacday in tirinta codadka dadku dhiibteen lagu raago oo muddo dadka dhegtu taagnaato,waxaa kaloo soo baxay cabashooyin is daba joogay oo uu qabay xisbiga WADDANI oo ay komishanka u gudbiyeeen.

Waxaa magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ka dhacay shaqaaqooyin kooban oo ka dhashay markii Xisbiga WADDANI uu ku dhawaaqay in uu joojiyay wada shaqayntii gudiga doorashooyinka, waa marka cadawga Somaliland uu qaatay durbaanada isla-markaana uu doonay in uu soo kala dhex galo bulshada reer Somaliland isagoo isu ekaysiinaya dadka reer Somaliland oo sheegaya in xisbi la dhacay iyo in xoog lagu kala qaatay codadkii la dhiibtay.

Laakiin, waxaa taa aad uga feejigan oo ka horumaray siyaasiyiinta Somaliland ee dadkooda codka waydiistay waxaanu cadawga Somalland qorsheeyay in marka lagu dhawaaqo  natiijada hordhaca ah ee doorashada Madaxtooyada Somaliland in uu dadka reer Somaliland miino dibedda laga soo abaabulay  in uu ku soo dhex tuuro oo uu yidhaahdo natiijo aan la isku waafaqsanayn ayaa lagu dhawaaqay oo xisbi hebel ayaa lagaga shubtay.

laakiin waxaa taa u quus gooyay labadii musharax Madaxweyne ee lagaga guulaystay tartanka doorashada oo si deg deg ah u aqbalay natiijada hordhaca ah isla markaana caalamka tusay in aanay Somaliland goblan ahayn oo tartanku  yahay mid dad iyo dal qudha lagu wada doonayay in lagu hoggaamiyo hadba ka guulaystaana dalka oo dhan u wada taliyo waxaa kale oo u si quus gooyay hadalkii ugu horreeyay ee uu jeediyay madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi  ee ahaa mid dalka iyo dadkaba isu keenaya oo aan xisbiyo iyo kooxo u kala qaybinayn.

Haddaba cadawga Somaliland waxaa la gudboon inay Jamhuuriyadda Somaliland wax ka bartaan oo ay danahooga ku foofaan isla markaana ka koraan xaasidnimada iyo  dad iyo dal tashaday inay  wax u kordhaan in ay ka xumaadaan hana ogaadaan Somaliland in ay dhaaftay in cid kale isku disho oo madaxa isu geliso dhiigoodana ay daadin karto.

Guusha madaxweynaha la doortay waxay guul u wada tahay dhammaan Somaliland yar iyo weyn rag iyo dumar, mucaarid iyo muxaafid waxaana laga wada midaysan yahay in Somaliland hore u socoto, dib u laabashana ma jirto.

Ugu dambayn, guushu maaha dagaal, Somaliland-na maaha Goblan. Mar kasta oo ay cadawgu Qarankan jallaafooyinka la rabaa ay is yidhaahdaan imikay wax idiin suuragalayaan oo ay isku dhacayaan ayay Somaliland ugu wanaagsan tahay waanay taqaanaa sida loogu midoobo ee la isugu kaashado danta guud iyo wada jirka qaran iyo wada ilaashiga waxa la wada leeyahay.

Somalilandna maaha dal  cadawgu isku dili karo dadkeeda, waxaanan wada hambalyaynayaa lixda musharax ee  wada tartamay ee isu hanneeyay qarankana meel uga soo wada jeeda, labada guulaystayna waxaan ALLE uga baryayaa in uu ku asturo xilka loo igmaday.

waxaan ku soo afmeerayaa erayo ka mid ah hees uu curiyay Abwaan sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen oo ay qaadaan kooxda Gaashaan

Caqligii gun-dheeriyo.

Garashaa ku jeceloo.

Shacbi guusha hanashada.

Go’aan mida ka yeeshoo.

Guubaabo dhaxal-gala.

Kula garab socdaa jira

Gobanimooy Gobanimooy.

Daraasado badan oo la sameeyey ayaa daboolka laga qaaday in habka iyo dhinaca uu qofku u seexdo ay saamayn taban iyo mid toganba ku leeyihiin caafimaadka qofka, waxaana la soo jeediyeyi n qofkuk uu iska beddelo dhinaca uu u seexdo haddii caafimaadkiisa waxyeelo soo gaadhayso.

Haddaba, halkan waxaynu ku soo bandhigi doona dhawr dhinac oo dadku u seexdaan saamayntooda fiican iyo tax un ee ay qofka ku leeyihiin: 

Dhabarka-u-Seexashada

 Faa’iidada ugu horraysa ee uu leeyahay waa dhabarka oo loo seexda waa hab miisaan ahaan dheeli tiran, xubnaha jidhkana wax dhaqdhaqaaq ah kuma imaanayaan, waxaannu daawo ka yahay luqun iyio dhabar xannuunka, waxaana fiican in barkinta la iska qaado si jidhku u dheli tirmo.

Dhinaca kale, dhabar u seexashadu waxay leedahay dhibaato ah haddii qofku uu khuuriyo in ay kor u sii qaado khuuradiisa, isla markaana carqalad geliso dadka la hurda iyo hab-dhiska neefsigiisa, waxaana fiican in qofku uu marka dhinac u seexdo si aanu u neef-qabatinoobin.

Dhinacyo-u-seexashada

Qofku haddii uu si siman oo aan kala dheerayn ugu seexdo dhinacyadiisa waxa ka yaraanaya xannuunada lafaha dhabarka kala soo darisa amma ma haleelayo wax garaac ah oo dhabarka ka qabta, waxaana fiican in qofku barkinta si dheeli tiran madiixa u saaro.

Sidoo kale dhinaca loo seexda waxay yaraysaa in qofka wadnuhu ololo amma sameeyo garaac keena in heerkulka wadnuhu kor u kaco oo sidii wax dab ka kacaayo qofku dareemo.

Habkan waxa laga yaaba in uu laf-dhabarta m ararka qaar dhibaato soo gaadhsiiyo, waana haddii qofku uu si aan dheeli tiranayn u seexo oo uu gogol kala dheer ku seexdo.

Caloosha oo loo seexdo

Qofka haddii qaybta hoose ee dhabarku xannuunaayo waxa fiican inuu beerka u seexdo, waxaana hubaal ahi  in dad badan aad u jecel yihiin u seexashada dhinaca caloosha, balse waxay leedahay caafimaad darro kale oo ah, waxaannu Mr. Jonathan Fitz Gordon oo ku takhasusay hurda sheegay in habkan uu leeyahay dhibaatooyin ay ka mid yihiin inuu cadaadis saaro xididada neerfisyada, taasoo qofka madax-xannuun badan ku keenta, sidoo kalena waxa laga yaaba inuu luqunta dhaawac ka soo gaadho qofka.

Inta badan dadka dunida ku nool waxay isticmalan telefoonnada casriga ah, balse qof kasta lama socdo caafimaad darrada jidhka ay u geysan karaan iyo siyaabaha lagaga gudbo dhibaatada moobaylka.

Haddaba, khubaro caafimaado oo kala duwan oo wax ku daabaca wargeysyada caafimaadka ayaa dhibaatooyinkan iyo xalalkooda soo gudbiye, waxaanay u dhigeen sidan:

Indhaha oo Shiikha

Haddii qofku uu dareemo indhaha oo olal ka baxo marka uu qofku telefoonka eego, waxa hubaal ah in qofka ay ku soo fool leedahay xannuun indhaha kaga dhaca oo dhalin kara caabuq iyo olal badan.

Telefoonnada gacantu waxay si ba’an u saameeyaan indha carruurta, waliba dhibtay sababaan waa mid aan waligood ka hadhin.

Mr. Allon Barsama oo ah khabiir qalliinka indhaha kaga hawlgala Jaamacad cusbitaaleedak Kuton & Dunstable University Hospital ayaa sheegay in ubadka yar yare e aad u isticmaala telefoonku aragtidodu daciifto.

Sidoo kale cilmi la sameeyeen khubarada Jaamacaddan ayaa soo jeedisay in isticmaalka telefoonnada la yidhaa Smartphones qofka aragtida ka dilaan.

Xalka dhibaatadan: qofku waa inuu iska waaweyneeya qoraalka telefoonkiisa, waana inuu ka taxadira inuu si dhaygaga u eego muraayada moobaylka.

Sidoo kale, qofku waa inuu telefoonka ku isticmaala qol laydhkiisu dheeli tiran yahay, isla markaana aanu isticmaalin wax ka badan 15 daqiiqo markiiba.

Ugu bayntii, shaahadaha ubadku aadka u dawadaan waxay ku kelifta cudurro badan oo ay ka mid yihiin buurnida xad-dhaafka iyo wadno-xannuunka.

Laf-dhabarta oo uu khatar ku keeno

Moobilada casriga ah waxay beddelaan dhaqdhaqaaqa xubno jidhka ka mid ah sameeyo, sababtoo ah jidhka bani’aadamku wuxuu la qabsada camada joogtada ah ee qofku samaynaayo sida ay xaqiijsiay Kirsten Lord oo ah khabiirad cudurrada jidhka ku dhaca ah.

“Waxaan ogahay in dad badan garaac ka soo wajaho luqunta iyo garbaha, dadku markay wax akhriyayaan waxay gacmahooda ku qabtaan dhabarka, tana waxa laga yaaba inay dhaawac u keento laf-dhabarta, neerfisyadanacadaadis saarto, natiijada ka dhalatana waxay noqota madax-xannuun iyo in qofku laf-dhabartu xannuunto, daalna uu dareemo,” ayey tihdi Kiristen Lord.

Xalka caafimaad: Kristen waxay soo jeedisay in qofku jimicsi badan sameeyo oo xagga muruqyada luqunta ah, dhaqdhaqaaqa badiyo inta uu ku jiro hawsha akhrinta si aan dhib caafimaad u soo gaadhin.

Cambaarta

Qofku marka uu muraayada telefonka in badan wejiga ku hayo ee uu muddo dheer qof la hadlo waxa ka soo yaaca dhidid sababa finan isu beddela cambaar.

Jariirada la yidha Which oo tijaabo arrintan ku saabsan ka qaaday 30 qof oo moobaylada aad u isticmaala ayaa caddeeyey in celcelis ahaan 18 jermis qofka ka qaado telefoonka uu muddada dheer ku hadlo.

Xalka caafimaad:  Haddii jidhkaagu u nugul yahay finanka sameecada dhegaha isticmaal amma telefoonka iskaga shub dareero milix leh si aanad cambaar u qaadin.

Dhaawac soo gaadha maqalka

In telefoonka lagu dhegaysto heeso aad u dalacan waxay sababaan in maqalka qofka dhaawac soo gaadho amma uu diciifo, sidoo kalene qofku markuu muddo dheer telefoonka ku hadlo waxa halis gala durbaanka maqalka codka, sida ay xaqiijisay Karen Finch oo ka tirsan Xarunta daryeelka maqalka ee Ipswich.

Xalka caafimaad: Iska dheeli tir codka telefoonka haddii aad ku hadlayso iyo haddii aad wax ku dhegaysanaysaba, si aan dhaawac u soo gaadhin maqalkaaga, sababtoo ah jabaqda kala duwan waxay halis gelisa dhegaha bani’aadamka.

Waxa Laga qaada hurdo la’aan

Telefoonnada, kombuyuutarada iyo qalabada kale ee shaashada ifaysa leh waxa bixiyaan shucaac iyio laydh waxyeela hormoonka Melatonin oo qofka ka caawiya inuu hurdo dareemo amma si dhakhso ah u seexda, kadib arrintaasina waxay sababtaa dhibaatooyin caafimaad oo qofka la soo daris noqda.

Xalka caafimaad: Cilmi-baadhis ay samaysay xarunta caafimaad ee la yidha Mayo Clinic oo ku taal magaalada Arizona ee dalka Maraykanka ayaa soo jeedisay in laydhka moobaylku uu yareeyo hurdada, gaar ahaan haddii qofku isticmaalo muddo dheer, balse waxa arrintan lagaga hortagi kara in aan qofku waqti badan isticmaalin telefoonka xilliyada uu hurdada u diyaar garoobaayo amma jiifo halkii uu seexan lahaa.

Telefoonku wuxuu saamayn ku yeesha xidhiidhka qofka

Telefoonnadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha fududeeya isgaadhsiinta bani’aadamka, balse sidoo kale waxay ka qaybqataan in lammaane aad isu jecla is furaan, hinaase uu sababo telefoonku dartii.

“Daraasadayadu waxay soo jeedisay in faceboook, Twitter iyo moobiladu dhib u keeni karaan xidhiidhka lammaanaha is jecel, lagana taxadiro in si badan loo isticmaalo,” ayuu yidhi Dr. Emma Short oo ka mid ah khubaro cilmi-baadhis arrintan ka samaysay oo ka tirsan Jaamacadda Bedfordshire.

Xalka: Iska xakamee amma sharci adag ka dhigo in aan waqtiyada aad xaaskaaga amma qofka aad jeceshay la joogto telefoonno badan kugu soo dhicin oo sababi kara in xidhiidhkiinu ku xumaado.

Moobaylku wejiga wuu bahdila

Isticmaalka badan ee telefoonku wuxuu waxyeeleeya wejiga, gaar ahaan daamanka oo uu kala dheereeyo qofka, isla markaana mararka qaar uu maqaarka ku keeno in finan badan ka soo baxaan sida ay sheegtay Dr. Sam Buntin oo ah khamiirad qurxinta dumarka ku takhasustay.

Xalka: Isku day inaad telefoonka aanad badsan amma aad u isticmaasho wax aan dhegaha iyo wejigaaga waxyeelayn sida sameecadaha oo aad codka u dheeli tirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here