Ereyga  “ Guul-wade” wuxuu ka koobanyahay laba eray oo kala ah Guul iyo Wade .Waxa laga soo miin guuriyay “ Pioneer Movement” oo ahaa unugyo ka tirsanaa xisbaydii  shuuciga ahaa   “Soviet Communits Bloc.

“Waxay ahaayeen  kooxo dhalinyaro ah  xidha  “Red Scarfs” , una daacad ahaa   kacaanka , xisbiga hantiwadaaga iyo  Hogaanka Sare, Wax kasta oo lagu amro way ku dhaqaaqi-jireen. May ahayn dad u fakira  si maskax furan  oo maankooda la kaashadaan.Ereyga “ Guul-wade” waxa laga soo maan guuruuyay “ Pioneer Movement Sanadkii   1973, waxaana tarjumay  guddi la odhan jiray “Guddiga Erey Bixinta “ oo ay ka mid ahaayeen  Axmed Siilaanyo ;Dhunkaal; Axmed Caydiid; Wayrax iyo xubno kale oo ka tirsanaa hogaanka Kacaanka Siyaad Barre. Waxa  loo xilsaaray inay  soo curiyaan   ereyada  xafiisyada lagaga  shaqeeyo.

Erayada ay soo xuleen wax aka mid ahaa : Qorshayn; Maarayn;Jaangooyo;Tashiil; Wareegto ;Madaxtooyo ; Guul Wade; Sama Wade, Nabadoon iwm.

Xogagaga Guulwadayaasha  oo loo  xidhi jiray  “ Green Scarfs” ,waxay  qaadi jireen heesaha  kacaanka oo ay ka mid ahayd ‘ Guul-wadow Siyaad ,Aabahii Garashada  Geyigayagow “. May fadhiisan jirin, ilaa la yidhaahdo fadhiista. May aamusi jirin , ilaa la yidhaahdo aamua.

 

May seexan jirin, ilaa la yidhaahdo seexda.Waxay ahaayeen  maankooda  la  dhalan rogay “ brain-washed”.  Hadaba, waxa doorkan soo baxay koox kuwaas la mid ah  ama kasii liita. Waa rag waawayn , waayeel ah ,qaarkood Jaamacado kasoo qalan jebiyeen.

Waar qaar marka ay subaxii soo toosan  iyo marka ay habeenkii seexanayaan   min soddon jeer ku wardiya “ Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo ““ Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo ““ Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo ““ Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo “. Guulwadaha ugu hadalka badan uguna caqliga yar waxa lagu magacaaba “ Cadaani “.

Waa nin afartan sano qurbajoog ahaa oo aan waxba taransan, noloshana ka dhacay.Wuxuu Marxuum Ibrahim Gadhle yidhi :

Marantida haweenkana,

Hodan lagama maarmee,

Marba kii aroosiyo,

Ha maaweelin qayrkaa,

Adiguba marwada dumar,

Meher waad ku geydaa,

U Miinxiiska ruux kale,

Waxa kaaga magac-roon,

Ha laguu mashaxaradee,

Adigoo mid guursada.

Nolol La Xusuusto: Qalinkii Siciid Maxamed Gees

geesSarkaal Khawaaje ah: “Dawladda Ingiriisku khasaare ayey ku qabtaa joogitaanka dalkiina oo lacagta caashuurta ah ee laga qaado dadka Ingiriiska ayaa ku baxda dalkiina oo la geliyaa.”

Maax Dugsiiye: “Haddii aad ku khasaarteen dalkayaga maad iskaga dhooftaan maxaa idin dhigay”

Waxa la ii doortay Guddoomiyihii Guddiga Shaqaalaha Caafimaadka.

Beelaysiga waxa la isku khuukhiyaa inta aan la is-dhexgelin ee aan la is-baran, balse mar haddii la is-dhexgallo oo gacanta shaqo la wada geliyo waa sida Carabtu tidhaahdo waxa la noqdaa “Ceysh waa milix.” Waa dad aan kala maarmin, qofkii karti leh waa muuqdaa, aniguna waxa aannu ku qancinay Maamulkii Caafimaadka ahaa ee Khawaajaha, dacwado iyo dood badan ka dib in tababar joogto ah la siiyo shaqaalaha si kor loogu qaado aqoontooda, ka dibna imtixaan, dalacsiin iyo mushahar kordhin loo sameeyo ciddii ku gudubta imtixaanka.

Arrintaas oo guul u noqotay shaqaalihii oo dedaalkoodii iyo wax qabadkoodii kor-u-qaaday.

Waa sida qudha ee lagu horumariyo caddaaladda shaqaalaha dhexdooda ee lagaga hortago beelaysiga, qof jeclaysiga iyo maamul-xummadda.

Maamulkii Isticmaarka ahaa ee Maxmiyaddu waxa abuuray shir sannadle ah, oo uu ku magacaabay Somaliland Protectorate Advisory Council (Guddiga Wada-tashiga ee Maxmiyadda Somaliland). Waxa shirka sanadlaha ah ka soo qaybgeli jiray ergooyin ka kala socda: Madax-dhaqameedka, Odayaasha, Urrurada Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Madaxda Waaxaha Maamulka Maxmiyadda, aniguna waxa aan ka mid noqday ergadii shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka qaybgashay shirkii 1951 ee wada-tashiga.

Shirka waxa soo abaabuli jirtay xukuumadda, xubnaha ka qaybgeliya shirku waxay soo horumarin jireen qodobadda ay rabaan inay ka hadlaan oo ka koobnaan jiray: arrimo u baahan in laga dooddu iyo weydiimo la warsado xukuumadda oo ay ka jawaabayso.

Odayaasha Soomaalidu lama gabban jirin hadalkooda marka laga dooddayo arrimaha dalka; waxay ula dooddi jireen Khawaajaha sida laba Oday oo geed hoostii ku garamaya, si habrasho la’aan ah iyo isu-kalsooni dheeraad ah.

Haddaba, waxa xusid leh dood dhexmartay Oday Madax-dhaqameed ah oo la odhan jiray Maax Dugsiiye oo reer Boorame ahaa iyo Khawaaje ka tirsanaana Maamulka Maxmiyadda ee Ingiriiska ahaa. Doodaas oo aan goobjoog u ahaa oo sidan u dhacday:

Maax Dugsiiye: “Dawladdu wax la taaban karo oo horumar ah ma ka qabanin dalka ilaa maantadaa la joogo.”

Sarkaalkii: “Dawladda Ingiriisku khasaare ayey ku qabtaa joogitaanka dalkiina oo lacagta caashuurta ah ee laga qaado dadka Ingiriiska ayaa ku baxda dalkiina oo la geliyaa.”

Maax Dugsiiye: “Dalka waxa noo yimaadda Carab ganacsato ah, macdaaro (Dukaamo) ayey furtaan, cunto maalmeed ayey xaasaska ka iibiyaan, lacagta ayey ka macaashaan waxay u diraan dalkooda. Haddiise ay ku khasaaraan way iskaga dhoofaan oo ku noqdaan dalkoodii. Marka haddaad ku khasaarteen dalkayaga maad iskaga dhooftaan, maxaa idin dhigay?”

Khawaajihii hadal aannu filanayn ayaa ku dhacay wax uu ku jawaabo ayuu garan waayey, deeto af–kala– qaad ayaa ku dhacday; isaga oo cadhaysan ayuu ku dhawaaqay Sarkaalkii: “Shirku waa xidhan yahay.”

Waxa kale oo jira sheekooyin kale oo aan soo xigtay, balse goobjoog u ahayn oo ka warramaya doodo ka dhex-dhacday Odayaal Soomaaliyeed iyo Khawaajayaashii Maxmiyadda Somaliland maamulayey: Oday la odhan jiray Cali Ciiro oo Reer Ceerigaabo ahaa, ayaa shirkan sannadlaha ahaa doodi ka dhex-dhacday isaga iyo Sarkiil ka tirsan maamulka. Sarkaalkii ayaa xanaaqay oo yidhi; “Shirka waa xidhayaa.”

Oday Cali Ciiro: “Saab, su’aal ma idinka ayaa nal joogaa, mise annaga ayaa idinla joogna?”

Sarkaalkii waa ku adkaatay jawaabtii, dabadeed Badhasaabkii ayuu weydiiyey waxa uu ku jawaabi lahaa. Badhsaabkii waxa uu ugu soo jawaabay; “Inuu shirka ka yidhaahdo annaga ayaa idinla joogna.”

Sarkaalkii: “Annaga ayaa idinla joogna.”

Oday Cali Ciiro: “Marka marti ayaad tihiin, oo shirka ma xidhi kartid.” Sidii ayaa shirkii ku sii socday.

Waxa kale oo la sheegay in wefdi Odayaal Somaliland ah la geeyey London, si loo soo daawadsiiyo . Waxa waday nin Ingiriis ah oo Af-soomaaliga ku hadli jiray oo Soomaalidu odhan jirtay “Sheeri.” Markii la daawadsiinayey magaalada London ee Webiga weyn ee Teemis (Thames) uu dhexmaro ee buundooyinka badan ee waaweyni ku yaaliin; ayaa Oday Jaambiir Kaahin oo reer Hargeysa ahaa, weydiiyay Khawaajihii Sheeri: “Buundooyinkan (Bridges) ma waxa idiin sameeyey Maraykanka?”

Sheeri ayaa isaga oo xanaaqsan ugu jawaabay Jaambiir Kaahin “Mayee, annaga ayaa samaysanay.”

Jaambiir Kaahin ayaa ku celiyey: “Alla Ingiriisku xaasidsanaa, oo maad dooxa Hargeysa hal buundo nooga samaysaan?” Sidaas ayey ula doodi jireen Odayaasha Soomaalidu Khawaajayaasha.

Nolosha reer guuraanimada ah ee qof waliba uu Boqorka isu yahay ee xukun dhexe iyo cid amar laga qaataa aanay jirin, ayaa abuurtay dhaqankaa habrasho la’aanta ah ee nin waliba uu kaskiisa hadlo isaga oo cidna u habranayn. Taasi waxay dib ku noqotay sidii dawlad dhexe oo amar iyo kala dembayn iyo ku dhaqan xukun sharci loo samayn lahaa.

Waxa kale oo dhaqankaasi dhaawacay xidhiidhkii Caalamka lala yeelan lahaa. Dawladuhu waxay isugu habradaan oo isku tixgeliyaan awood dhaqaale, awood ciidan iyo awood siyaasadeed. Sidaas ayaa loo wada dhaqmaa, ma aha laba Oday oo garamaya oo geed hoostii doonyeystay oo isku mid ah.

Jamhuuriyaddii Somaaliyeed oo saddex sanno keliya jirtay ayaa 1963 xidhiidhka u jartay Dawladdii Boqortooyada Midawday (United Kingdom ) ee guunka ahayd ee shanta dawladood ee dunida ugu awoodda badan ka midka ahayd; markii Aftigii Soomaalida Waqooyiga Kenya (NFD) laga qaaday ee 87% ay u codeeyeen inay ku soo biiraan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ay dawladda Boqortooyada Midawday (United kingdom) oo qabatay aftida ay haddana dhegaha xidhatay oo u daysay gobalkaasi inuu ka sii mid ahaado dalka Kenya oo ay ku lahayd dano siyaasadeed.

Sannadkii 1977 ayaa Dawladdii Soofiyeetka ee Shuuciga ahayd uga dhigtay Siyaad Barre iyo dawladdiisii inaanay ku duulin dalka Itoobiya. Dheg looma dhigin amarkii dawladdii labaad ee dunida ugu awoodda weynayd iyo xulafadeedii oo waa lagu duulay Itoobiya. Wixii ka dhacay waa la ogaa. Waatii afka ciidda loo daray ciidammadii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya.

Isla weynaantii ayaa weli la wada,oo dhaqankii reer guuraaga ayaa weli hagaya siyaasiinta Soomaalida.

 

Madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo safarkiisa uu ku tagay gobolka Awdal, siiba meelaha ay abaaruhu sida baahsan u saameeyeen ee ay ka mid ahayd deegaanka qolu-jeed oo ahayd meeshii uu ku dhashay madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Boqolaalka qoys ee u shalay madaxweynuhu soo arkay waxay noqon doontaa mid taariikhda gasha oo maanka dadka tabaalaysan aan marnaba ka bixi doonin oo raad ku reebi doonta.

Dadka reer Awdal markaan warbaahinta qaarkeed ka daawaday waxaan ma jeertay qaabka niyad samida leh ee ay u qaabileen madaxweynaha iyo waftiga uu hogaaminaayo, shucuurta caadiga ahi waxay dareemaysaa dareen aan qiyaas lahayn oo loo hayo madaxweynaha dadkiisii iyo dalkiisii la dareen wadaagaya.

Isku duubnida iyo wada jirku waxay abuuraan kalsooni iyo awood aanu cadaw kastaa soo higsan Karin, mana noqoto mid dhayal iyo dheeldheel lagu abuuro ee waxaa bixiya casiiska wayn waana mahad Eebe oo u baahan mar kasta lagu shukri noqo oo si ilaahay nimcooyinkaas joogto inooga dhigo.

Dadkayga waxaan leeyahay kalsoonida reer Boorama u muujiyeen madaxweyne Axmed Siilaanyo waa mid ka turjumaysa taageerada uu ka haysto shacabka reer Somaliland waxayna farrin cad u tahay gobolada kale ee madaxweynaha waxqabadkiisa laga dareemi karo waana mid ay reer Boorame ku amaanan yhiin.

Marka aynu isku naxariisano ayaa samada laynooga naxariistaa durba wakaa Ilaahay maraqa inooga furay raxmaadkiisii oo galbeed iyo koonfurba laga soo sheegayo roobab ka curtay ujeedaduna maaha madaxdiiba baxday oo roob ayaa da’ay taas yaan loo fahmin wax kastaaba xaga Rabbi ayey ku xidhan yihiin.

Waxaan maqaalkayga ku soo koobi lahaa samirka oo la waheshadaa waa qayb ka mid ah nolosha oo aad ku guulaysato, madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu ku guulaystay inuu jabiyo xayndaabyo badan oo ku wareegsanaa nolosha reer Somaliland waxaana ku ilhaamiyey Alle SWT oo garad siiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here