Sida aan wada ogsoonahay waxa bulshada Somaliland ku habsaday sicir barar iyadoo lacagta shilling Somaliland uu qiimaheedu hoos u dhacay tan iyo waqtigii xukuumadda xisbiga kulmiye talada la wareegay.ee 2010, iyadoo marwalba marka ka danbaysay lacagtu sii qiimo dhacaysay ilaa markii la soo daabacay lacagta noodhka 1000 $ 5000 kun ee shiling Somaliland iyadoo ay dabar go’day lacagtii noodhka ahayd ee 5,10,20,50.100 shilling Somaliland.

Badanaa waddan kasta dawladdiisu   waxay culayska saartaa  siday lacagtooda u tayayn lahaayeen, waddamada hore u maray ee  warshadaha iyo wax soo saarka  dhaqaalaha  leh way ku dhacdaa in sicir barar ku dhaco iyagoo Waddamada iyo daafaha dunida u dhoofiya alaabada kala duwan sida dalalka Japan, Egland, Russia, China iyo Nigeria.

Waddamo badan oo qaaradaha Adduunka ka mida maaha  sicir bararku mid ku cusub  dunida iyo Somaliland toona, waddamada wax soo saarka dhaqaalaha Leh  siyaabaha ay ula  tacaalaan  sicir bararka ee lacagta qiimo loogu yeelaa waxa tahay

  1. sell foreing exchange assets and buy their own currency, markaa lacagahaa qalaad ee ay iibiyaan waxay sababtaa inay qiimaha lacagtooda kor ugu soo qaadaan hoosna u ridaan lacagta dollar ka ah
  2. Higher interest rates, waddamada hore u maray waxay had iyo goor central  bankoodu kaantaroolaa dhaqdhaqa lacagta waddanka, iyagoo kaydiya si ay kor ugu soo qaadaan kobcinta dhaqaalaha dalka, iyagoo wax soo saar badan ( productivity growth economic and political stability ) sameeynaya,  runtii siyaaba badan ayay loola tacaala  sicir bararka taasi oo central bank ku  joojiyo in wax lacaga soo daabacdaan.

Anigoo kusii dheeraanayn waddamada hore u maray, aan u soo laabto Somaliland maanta warshado  wax soor leh oo  ay Adduunyada u dhoofiso malaha waynu wada ogsoonahay in sicir bararka lala taacalo oo lacagta noodhka shilling Somaliland la isticmaalo waxay inoo tahay sharaf lacagteenana qiimo u yeelno.

Dawladdii siilanyo ee maamulkii hore ayaa sabab u ahaa sicir bararka Somaliland ka dhacay markii lasoo daabacay lacagta noodhka   dabargooyay noodhkeedii hoose laha, Xukuumadda maanta ee  Madaxwaynaha u yahay Mudane Muuse Biixi Abdi  looma nisbayn karo arimahan sicir bararka, laakiin waxa lagu wareejiyay dal aan waxba dhex oolin oo madhan iyo  ummad midnimadoodii daciiftay oon isku duubnayn, haddii qofka masuul looga dhigo guri madhan oo u baahan in la qalabeeyo muddo ayay ku qaadanaysaa, Marka horta Madaxwayne Muuse Biixi waxaan  ilaahay uga Rajaynayaa in Xilkaa   ilaahay ku Asturo Hawlaha Qaranka Somaliland ilaahay u fududeeyo,  waa qof wanaagsan oo qalbi fiican oo Ilaahay Dulqaad siiyay jecelna in uu dalkiisa iyo ummadiisa wax ugu qabto. Haddaba waxaan Madaxwaynaha u soo jeedin lahaa dhibaatooyin badan ayaa xukuumaddii xisbiga kulmiye maamulkii hore kaa  horeeyay ee Madaxwayne Siilanyo maamulkiisii hoose ka tageen ayaa jiray,  in  Shirkadaha  waawayn ee ganacsatada  Somaliland ay kaga cabanayeen  qaarkood tusaale ahaan, iyadoo ay sida Shirkada Telesom ee Adeedga telefoonada gacanta bixisaa  ku cabanayeen Sanado badan in Cable-ka bada hoosteeda mara in ay beriga keenaan, runtiina cadaalad-daro ka tirsanayeen maamulka kulmiye ee Xukuumaddii Madaxwaynihii kaa horeeyay  sida uu Caddeeyay Wasiir ka Tirsanaa Xukuumadda hore  xisbiga Kulmiye Mudane Abdilaahi Geel-Jire inuu ka mid ahaa waqtigaa gudida hawshaa gashay sheegayna in cadaalad-daro jirtay markii loo diiday Shirkadda Telesom ayna xaq u lahayd sida muwaadiniinta  Shirkadaha  kale. Waxa hadda jirta in aad maalmahan aad loo hadal hayo hakinta xadiga lacagta la iskugu diro ee Adeegga Zaad ee Shirkadda Telesom & E-dahab ee shirkadda Somtel,  amaro cusub aad ka soo saartay Heshiisyana wada gasheen Shirkadaha bixiya adeegda kor ku xusan,  iyagoo fuliyay Amarkii Madaxeynaha iyo Guddoomiyaha Bankiga dhexe Mudane Maxamed Cabdi Dhoobale,  idinkoo dhamaan Xukuumad iyo Bank iyo Shirkadaha Telesom iyo Somtel ku dadaalayseen sidii sicir bararka looga bixi lahaa iskuna af garateen.

Haddaba, Madaxwayne kolay waad ogsoontahay in dollar dalka soo gali jiray yaraaday iyo sida lacagtii dollarka ahayd ee kasoo noqon jirtay  Xoolaha   Dalka Yemen loo dhoofin jiray aanay jirin iyo lacagta Dekedda ka soo xeroon jirtay waayadii hore, iyadoo hadda gacanta ku hayso Shirkadda DP.World dollar Dekedda ka soo baxa.

Haddaba iyadoo yaraanta dollar soo gali jiray Dalku haddana in badan  ku dadaasheen sidii ummada reer Somaliland sicir bararka uga yarayn lahaayeen  Bulshada iyagoo suuqa dollar u iib gaynayaan si qiimaha shilling kor ugu soo qaadaan, laakiin uu ka awood batay Bank Guddomiyahaa Bangiga dhexe Mudane Maxamed Abdi Dhoobale iyo Agaasimaha Guud mudane Abdilahi Xasan Aden, iyagoo ganacsatada kale duwan ee  Somaliland la kaashaday, iyadoo Bulshada danyarta ah ay dhibtu taabatay inta abaaraha iyo sicir bararku ku habsaday, waynu wada dareemi karnaa xanuunka, ilaahayna ha inaga saareee dalkuna wuxuu u bahan yahay  in laga shaqaysiiyo lacagta waddanka qiimaheeda, idinkoo la kaashanaya Cid kasta oo aad ku tuhmaysaan inay wax idin kala qaban karto.

lacagta Somaliland haddii la kaydsato oo suuqa laga yareeyo oo qiimaha dollarku hoos ayuu u dhacayaa, waa haddii la helo lacag dollar ah oo lagu soo xareeyo, wax soo saar malaha Somaliland oo shay kasta waddamada dibadaha ayaan ka soo iibsanaa, waxa ugu yar ee xataa aan beeran karno sida khudrad hadday tahay kalluun, milix ayaa dollar lagu soo iibiyaa, Markaa Madaxwayne dalkan Somaliland waa ( Barwaaqo Baahan ) run ahaan  Isticmaalka labada Adeeg ee Zaad & E-dahab waxay danyarta reer Somaliland u fududaysay gurmadka deg-degga ah oo qof kasta faa’idadeeda iyo faa’iida daradeeda waxa dareemaya  Bulshada baahan  ee danyarta ah, hadday miyi iyo magaalaba joogaan, waad ogayd siday Abaarihii Dalka soo maray Gurmadka loogu gaadhsiin jiray Adeegga Shirkadaha Telefoonadu bixiyaan ee lacagaha la iskugu diro, markaa waa adeeg loo baahanyahay ilaa hadda oo aan Bulshada Somaliland ka marmayn, markaa waxaan kaa sugaynaa in aad  Boogihii hore ee maamulkii tagay aad  dhaydo oo sinaantii, midnimadii iyo wada jirkii ku soo celiso Dalka, laakiin  ha raad-raacin Wasiiradii hore amarada iyo  cabudhinta  Xukuumaddii hore Ganacsatada reer Somaliland qaar ku  hayeen , Mudane Madaxwayne  Shirkadaha dalkana hoos u eeg oo dhegayso cabashadooda oo  waxay tabanayaan si loo helo Xal.

Qalinkii: Naasir Saleebaan (Naasir-gargaar)

Hargeysa-Jamhuuriyaddaha Somaliland iyo Jabuuti, waa laba dal, Dawladdood, deegaan oo jaar, dhaqan iyo Af-wadaag ah.

Hase ahaatee, maaha laba dal oo isku dan ah oo  wadaagg arragti qudha oo ku wajahan masaaliixda u gaarka ah ee Siyaasaddeed, Dhaqaale iyo nabad-gelyo, inkasta oo marka laga hadlayo xagga nabad-gelyada muhiim ay u tahay labada dhinacba inay ka yeeshaan Iskaashi qoto dheer la-dagaalanka khataraha amniga saameeya oo dhan lagaga hortegayo, sida Budhcad-baddeeda, Argagixisada iyo degennaanshiyaha soohdinta u dhaxaysa.

Siyaasadda

Dhanka siyaasadda labadan Jamhuuriyaddood, waxa u dhexeeya farqi weyn oo lagu tilmaami karo inaanay isla jaan-qaadi Karin wakhti dhow, isku soo dhawaanshiyo ay  sameeyaanna  ku xidhan yahay hadba sida ay Dawladda Djibouti u aragto qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

Waayo? Dawladda Djibouti uma aqoonsana Somaliland dawlad ka madaxbanaan Soomaaliyadii ay iyadu ka badbaaday in lagu daro markii ay xoriyada ka qaadatay Faransiiska, balse waxa jirta inyar oo debecsanaan ah oo ay kula macaamisho hogaamiyeyaasha iyo qaybo kamida Bulshada Somaliland, taasoo iminka isu bedeshay  fal-gal taban oo siyaasaddeed oo Xukuumadda Djibouti ku beeratay gudaha Somaliland, iyadoo uga faa’idaysanaysa ilaalinta danaheeda khaaska ah (Dan-jireyaal qarsoon oo laba dhalasho haysta), kuwa ay isticmaalaysaana waa Siyaasiyiinta iyo hormuudka Somaliland qayb kamida.

Sidaasoo ay tahay, Inta badan Bulshada Somaliland way ka dheregsan yihiin halka ay Dawladda Djibouti ka joogto madaxbanaanidooda Qarannimo, waana arrin calaamatu su’aal saarnayd rubuc-qarni oo ay ku garaadaysteen aqoonyahanka iyo hormuudka iminka madaxa la galay hogaaminta Maamulka Dawladdu.

Haddana Shacbiga iyo madaxda Somaliland kuma canaantaan hiil iyo hoo wixii ay  ka hagratay Djibouti, waxaanay u arkaan Dad, dal iyo Dawlad walaallahooda oo aanay kala maarmi Karin, taasina waa hal-xidhaale  reer Jibouti horyaalla oo la sugayo aminta ay ka ka jawaabayaan, wayna dhici kartaa inay nabsi ka dhaxasho mustaqbalka dhow.

Ganacsiga iyo Dhaqaalaha

Dhaqaalaha iyo Ganacsigu waa arrimaha  udub-dhexaadka gulufka colaaddeed iyo xilfatanka Siyaasaddeed ee caalamka ka socda . Ma jiraan laba dal oo dunida kamida oo heshiis rasmiya ku ah masaalliixdooda dhaqaale iyo Ganacsi. Arrimaha lagu kala tagsan yahay waxa kamida helida Maal-gashiyada, dhoofinta Badeecadaha iyo wax soo saarka Wershadaha.

Tusaale ahaan, hirdanka ka dhexeeya Shiinaha iyo Dawladdaha reer Galbeedku iminka Qaarada Afrika wuxuu marayaa halkii ugu saraysay, waxaannu toos ula fal-gashan yahay siyaasaddaha dalalkaasi ee Khaarajiga.

Ingiriiska iyo Maraykanku isku dan kama aha Bariga dhexe iyo Afrika, haddana waa laba dawladdood oo wadaaga mabaadi’da guud ee ay ku waajahayaan dhibaatooyinka iyo dhaqdhaqaaqyada u sahlaya inay faro-gelin ku sameeyaan wadamada ay ka leeyihiin qorsheyaasha dahsoon ee Dhaqaale iyo Ganacsi ku salaysan.

Sidoo kale Sucuudiga iyo Dal Imaraadku, iyagoo ah laba dal iyo dawladdood oo carbeed midna midka kale ugama fasax qaato, la-tashina kalama yeesho xidhiidhka Ganacsi iyo Maal-gashi ee ay la leeyihiin Dawladdaha reer Galbeedka.

Tusaaleyaashaas guud ee kooban, waxaan u soo qaatay inaan fahamno sida aanay isku danta uga ahayn arrimaha Dhaqaalaha xullafooyinka Siyaasaddeed ee caalamka iyo duwalka deegaan-wadaagta ahi, sababtuna waxay tahay dal waliba wuxuu raadinayaa fursad aanu haysan kan kale iyo inuu saylad u noqdo illo Ganacsi oo adduunka ku faafa.

Sidaas-darteed, Somaliland iyo Djibouti oo ah labada Wadan ee aynu kor ku sheegnay xidhiidhkooda Siyaasaddeed iyo Dhaqan, ma noqon karaan laba Dal oo dan qudha ka leh cilaaqaadka Ganacsi iyo Dhaqaale ee ay adduunka la yeelanayaan?. Jawaabtu waa Maya, laakiinse iyaga waxa dhexeeya oo ay yeellan karaan xidhiidh Ganacsi iyo Iskaashi dhaqaale oo shuruuc iyo heshiisyo adag ku dhisan, taasoo ka yeellanayaan ama wakhtigan ka leeyihiin is-dhaafsiga Baddeecadaha iyo Maal-gashiyada Wershadaha wax-soo-saarka iyo wixii la mida.

Sidaas marka ay tahay, dhawaan waxa heshiis saddex geesooda qallinka ku duugay Dawladdaha Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda Carbeed ee DP World. Heshiiskaas ayaa waxa ujeedkiisu yahay Maal-gelinta Dekedda Berbera ee Somaliland oo ay saddexda dhinacba Shuraako ku yihiin, mid waliba saami leeyahay.

Maal-gelinta Dekedda Berbera ee ay saddexda dhinac ku heshiiyeen waa fursad muhiim ah oo uu Dalka Somaliland helay. Mar labaadka waxa uu dan u yahay oo ka faa’idaysanaya dalka Itoobiya oo aan lahayn Bad uu wax kala soo dego. Mar saddexaadka Shirkadda qaybta ugu weyn Mashruucan ayaa faa’ido dhaqaale oo dhinacyo kala duwan leh ka helaysa, waxaana muuqata inay dhamaan Maal-gashadeyaashu ka najaxi doonaan Maal-gelinta Dekedda.

Dalka Djibouti oo ay hore ula macaamishay Shirkadda DP World, waddanka Itoobiya-na uu wax kala soo deggi jiray, waxa muuqata inay dawladdu walaac ka muujisay Heshiiskan cusub ee lagu daah-furay horumarinta iyo balaadhinta Dekedda Berbera.

sababtuna waxa ay tahay laba qodob oo in la fahmo u baahan, kuwaasoo kala ah;-

1.Baqo ay ka qabto Dawladda Ismaaciil Cumar Geelle  in dekedda Berbera ay naaqusto Dekeddaha Dalkeeda oo inta badan u camirnaa dalka Itoobiya.

2.qodobka labaad wuxuu yahay walaac ay ka qabto inuu fashilmo qorshe dawladda Djibouti ay ku doonaysay in dalkeedu uu noqdo buundada isku-xidha Afrikada Bari, Galbeed iyo Sayladaha Carbeed iyo gacanka cadmeed. Labadaa qodob darteed ayey Dawladda Djibouti uga biyo diidsan tahay Heshiiska Maal-gelinta Dekedda Berbera.

Helida labadan fursadood-ba waa kuwo ay Somaliland iyo, Djibouti-ba xaq u lahaayeen, hadba kii ku guulaystaana uu maali lahaa, iminkana Somaliland ayey guushu gacantooda soo gashay oo la filayaa inay rubuc-qarniga soo socda marti-geliyaan sayladda ugu weyn Geeska Afrika, taasoo isku xidhaysa Bari iyo galbeed Caalamka.

Sidaas-awgeed, Dawladda Djibouti, waxa la gudboon inaanay ku mashquulin sidii ay u carqaladayn lahayd  horumarka Somaliland ay ku talaabsanayso ee waxa haboon inay  u diyaar-garoobaan tartan dhanka Dekeddaha ah oo dhex mara Berbera iyo Djibouti, taasoo ah arrin dan u ah labada dal iyo labada Dadyow ee jaarka ah-ba.

Gabagabadii, Djibouti laga yeelli maayo ‘aan noolaado oo igu ag-dhimo’, Somaliland-na haka gudubto ‘Beerka jecli xaydha jecli’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here