Dhowaan wuxuu Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliland soo saaray Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Gaarka ah ee Xukumadda (Xeer-nidaamiye Lr.01/2018). Ujeeddada uu Madaxweynahu Xeer-nidaamiyahan u soo saaray waxaa lagu sheegay arrimaha ay kamid yihiin ka hortagidda is-dul-fuulka xilka iyo waajibaadka Haya’ddaha xukuumada iyo xaqiijinta in xilalka laysu raaciyey hab la maamuli karo oo ku dhisan xajmiga (culayska ama baaxadda) hawsha.

Hadda ba, ilaa markii uu Xeer-nidaamiyahan soo baxay, waxaa warbaahinta ku jiray dooddo ka dashay kaalintiisa sharci iyo sharcinimadiisa oo ay ku kala aragti duwanaadeen Garyaqaannada dalku. Sidaas darteed, markii aan arkay dooddaha soo noqnoqonaya ee ay Garyaqaannadu ka dhiibteen mawduucan, waxaan jeclaystay in aan wax ka idhaa kaalinta iyo sharcinimada Xeer-nidaamiyahan.

MACNAHA IYO KAALINTA SHARCI EE XEER-NIDAAMIYAHA

Garyaqaannada badankoodu waxay Xeer-nidaamiyahan ku sheegeen awooddii xeer-dejinta oo uu Madaxweynahu adeegsaday. Hadda ba Madaxweynahu ma xeer-baarlamaan (legislation) buu dejiyey? Sida caadiga ah, xeer kasta oo uu baarlamaanku soo saaraa wuxuu u igmadaa awoodda soo saarista xeer-nidaamiye faahfaahiya arrimaha khuseeya xeerka cidda ay khusayso. Waa igmasho uu baarlamaanku siiyo waaxda fulinta si ay u nidaamiso una maamusho arrimaha shaqadooda khuseeya. Sidaas darteed, doodda ah Madaxweynahu xeer ma sammeyn karo waa mid jaban! Madaxweynahu wuxuu soo saaraa xeerarka ay kamid yihiin Xeer-nidaamiye, Xeer-Madaxweyne (Decree) ee ay u igmadaan dastuurka iyo xeerarka dalka ee uu baarlamaanku soo saaray.

Hal mar maaha ee tira ba dhawr jeer ayuu dastuurku si cad u sheegay doorka ay Xukumadda ama Madaxweynahu ku yeelan karo sharci-dejinta. Tusaale ahaan, Qod. 36 (2) wuxuu dhigayaa “Xukuumaddu waa in ay dhiirri-gelisaa xeer na ka soo saartaa xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda iyo damiirkooda.” Sidoo kale Qod. 56 (5) ayaa dhigaya in Madaxweynahu uu Xeer-Madaxweyne ku soo saaro kala dirida Golaha Wakiillada. Qod. 92aad ayaa isna Madaxweynaha siinaya awoodda soo saaristaxeerarka degdegga ah. Qod. 90aad oo sheegaya awooddaha Madaxweynaha waxaa kamid ah marka laga yimaad kuwa qodobka ku xusan “awooddaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka dalka”. Awooddahan kale ee dastuurku sheegayo ee ay xeerarka dalku siiyeen waxaa kamid ah tan ku cad Qod. 14 (1) ee Xeerka Nidaamka Xukumadda (Xeer Lr. 71/2015) oo ah in Madaxweynahu soo saari karo xeerarka uu kamid yahay Xeerka-Madaxweyne oo ah xeerarka uu dastuurka ama xeer u igmaday soo saaristiisa. Ugu dambeyn, waan ku raacsanahay Garyaqaannada in Madaxweynahu aanu soo saari karin xeerar aanay dastuurka iyo xeerarka baarlamaanku u igman. Balse kuma raacsani marna ba awood uma laha soo saarista wax xeer la yidhaa.  Digreetadu ba waa xeer (decrees are laws). Sidaas darteed, waa khalad in xeer-nidaamiyahan laga dhigo xeer lamid ah kuwa baarlamaanku soo saaro oo uu Madaxweynahu ku xadgudbay awooddahii xeer-dejinta.

SHARCINIMADA XEER-NIDAAMIYAHA DHISMAHA XUKUMADA

Bishii labaad ee sannadkii 2016-ka, waxaa dhaqan-galay Xeerka Kala Xadeynta Nidaamka Xukumadda iyo Hay’addaha Madaxa-bannaan (Xeer Lr.71/2015). Xeerkan ayaa saldhig u ah aasaasidda hay’addaha Xukuumadda dhexe, xaddidaada xilka, waajibaadka, awooddaha iyo shaqada hay’addaha Xukuumadda dhexe iyo kala xadaynta hawlaha iyo xilalka laamaha Xukuumadda dhexe iyo isku xidhkooda. Xeerku waxaa ku cad 26 wasaaraddood oo uu mid walba xilkeeda iyo shaqadeeda qodobeeyey.

Garyaqaan Prof. Mubarik Ibraahim Aar oo ah macalinkaygii ayaa kamid ah Garyaqaannada ku doodday in Xeer-nidaamiyahu uu ka hor imanayo Xeerka Nidaamka Xukumadda isagoo ku sababeeyey “in Xeer-nidaamiyahu uu wax ka badeley tirada Wasaaraddaha iyo shaqooyinkooda oo uu Xeerka Nidaamka Xukumaddu qoondeeyey.” Annigu se, waxaan qabaa markay noqoto awoodda xadaynta tirada iyo shaqada xukumadda, in xeerku uu awood u siiyey Madaxweynaha. Qodobka 18aad ee Xeerka Nidaamka Xukumadda ayaa Madaxweynaha awood u siiyey qoondeynta xukumadda iyo laamaheeda shaqooyinkooda, waxaanu dhigaya in Madaxweynahu isagoo adeegsanaya awooddahiisa xeereed u hawshan fulinayo, isla markaana ay haggayaan arrimaha ay kamid yihiin: “muhiimada shaqadu u leedahay xukumadda, sida layskugu xidhayo iyada oo la tixgelinayo nooceeda, ka hortagga habacsanaan iyo kala daadsanaan ku timaada shaqada iyo hay’addaha xukumada, ka hortagidda is-dul-fuulka xilka iyo waajibaadka Haya’ddaha xukuumada, iyo xaqiijinta in xilalka laysu raaciyey hab la maamuli karo oo ku dhisan xajmiga (culayska ama baaxadda) hawsha.”

Sidoo kale, waxaa su’aal layska weydiin karaa tirada Wasaaraddaha xeerka ku magacaaban oo ah 26 iyo tirada Wasaaraddaha uu Madaxweynahu soo dhisay oo ah 23. Xeerku inkastoo uu Wasaaraddaha dhammaantood xusay shaqadooda, waxaa Qod. 26 ku cad in aan lagu khasbanayn in dhammaantood ay jiraan oo wuxuu qodobku leeyahay “Xukumaddu waxay yeelanaysaa Wasaaraddaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadeeda” macnaha intii loo baahdo uun bay yeelan kartaa. Faqradda 2aad ee Qodobkuna waxay dhigaysaa qaabka Wasaaraddaha loo mideyn karo ama loo qaabeyn karo, waxaanay odhanaysaa “Wasaaraddaha waxaa loo qaabaynayaa isla markaana loo hagayaa si ay u qorsheyn karaan, una fulin karaan xilkooda iyadoo laga duulayo siyaasadda guud ee Xukumadda.” Sidaas darteed, Xeer-nidaamiyaha ma khilaafsana kama na hor imanayo xeerka sababtoo Madaxweynaha laftiisa ayaa bu awood u siiyey inuu xaddido tirada Wasaaraddaha isla markaana qaabeeyo ama qoondeeyo shaqooyinkooda.

Ugu dambeyn, sida ay ku wanaagsanayd ayaa ah in mar haddii xeerku uu Wasaaraddo magac dhabay, qaabka qudha ee wax lagaga badeli karo tiradooda iyo shaqadoodu uu noqdo wax ka badel xeerka lagu sameeyo, laakiin mar haddii uu xeerku awooddaas bixiyey waxay ka dhigan tahay oo sharci ah in baarlamaanku uu hawshaas u igmaday Madaxweynaha. Sidaas darteed, ayuu Madaxweynahu isagoo gudanaya awooddahaas uu xeerku siiyey isla markaana ku dhaqmaya Qod. 106 ee Xeerka Nidaamka Xukumadda uu u soo saaray Xeer-nidaamiyahan Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Gaarka ah ee Xukumadda (Xeer-nidaamiye Lr.01/2018).

FG: Qoraalkaygu wuxuu khuseeyaa oo keliya kaalinta sharci ee uu Xeer-nidaamiyahu kaga jiro nidaamka sharci ee dalka iyo sharcinimada soo saarista Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Xukumadda, balse ma khuseeyo qodobbada uu ka kooban yahay Xeer-nidaamiyahu, waanay dhici kartaa haddii aad loo derso in qodobbada qaarkood ay xeer-dhaaf ku noqdeen awooddaha uu xeerku siiyey Madaxweynaha.

Haddii uu la kulmi lahaa madaxweyne Muuse Biixi ama uu si uun talo loo weydiin lahaa, kalamuu hadleen qaddiyadda ictiraaf raadinta Somaliland.

Sidoo kale lama uu soo qaadeen saldhiga millatari ee Imaaraadka iyo sidii loo maamulay xaqul-qalinkii heshiiskaas. Sidaas si la mid ah madaxweynaha wakhti kagamuu qaadeen maamulka hawadda ee toddobaadkii hore ay dawladda itaalka daran ee Soomaaliya la wareegtay.

Haashin Maxamed Guuleed, oo 50 jir ah oo degan Magaaladda Hargeysa, waxa uu madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, haddii uu hor-fadhiisan lahaa uu ka codsan lahaa, inuu sannadkan cusub ee 2018 uu wax ka qabto sicir-bararka iyo qiime dhaca lacagta dalka.

Waxa kale oo uu u soo qaddimi lahaa inuu dalka ugu dedaalo sidii biyo ku filan loogu qodi lahaa degaannada Somaliland oo dhan.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa sannadka 2018 uu u curtay, isagoo 18 maalmood uun xilka haya, waxaa halbeeg u noqon doonta hoggaamintiisa siduu u kala horumariyo baahiyaha iyo hawlaha qaranka ee miiska u saaran.

Shirkii wadatashiga golaha wasiirrada oo Hargeysa uga socday muddo afar maalmood ah 23kii illaa 26kii Bishii December ee la soo dhaafay, waxa ka soo baxay 13 qoddob.

Wax ka qabashada sicir-bararku wuxuu ahaa qoddobkii 7-aad ee war-murtiyeedkii laga soo saaray gebo-gabadii shirkaas. Waxaanu u qornaa “In la sameeyo guddi farsamo oo ka soo talo bixisa xal u helidda Sicir-bararka.”

Madaxweyne, xaaladda sicir-bararku waa mushakilad ummaddu la soo nooleyd muddo toddoba sannadood ah oo aad ka dhaxashay dawladdii kaa horreysay. waxaana lama huraan ah inaad qaado talaabooyin waaweyn oo lagu dhayi karo boogtan bogsan wayday ee bulshada wadne qabadka ku ah, isla markaana ka dhigan dhiciskii bakhtiyi jiray inta birta loo soo sido!

Waxa kale oo indhaha lagu hayaa afarta bilood ama 120-ka maalmood ee ugu horreeya muddo xileedkaaga talaabooyinka aad qaadi doonto ee nolosha bulshada taabaynaysa ama wax ka beddeli karta sida maanta ay tahay.

Madaxweynaha shanaad ee Somaliland, ayaa magacaabay 14-kii December ee kal-hore golihiisa wasiirrada oo ka kooban 23 wasiir iyo 9 wasiir ku-xigeen.
Waxa la soo dhaweeyey inuu shaandhada ku reebay xubno waajibaadkii ay hayeen ku eedoobay oo ay ummadda hore isu seegeen.

Falanqeeyeyaashu, waxay aaminsan yihiin in golaha wasiirrada ee xukuumadda cusub ay jiraan laba ardaa oo 32-kii xubnood ee la magacaabay badsaday oo midna lix calafsaday, halka raaska labaadna shan xubnood ka heleen wasiirradii iyo wasiir ku-xigeennadii, oo haddii Boqolay loo beddelo saamigoodu kala noqonayo 18.7% iyo 15.6%.

Tiradaasi haasaawaha ka sokow, may nusqaamin filashada iyo yuhuunta togan ee ay bulshadu ka qabto xukuumadda dhalatay.

“Madaxweyne, waxa badh naga soo hadhi lahaa oo aanu ducanna kuugu dari lahayn , haddii aad fuliso saddex qoddob oo ku jiray balanqaadkaagii oo kala ahaa; inaad ka shaqeyn doonto sidii Somaliland ay u gaadhi lahayd isku filaansho la xidhiidha dhinaca raashinka iyo wax-soo-saarka, ”ayuu yidhi Axmed Maxmed Saleebaan, Aabe dhalay afar carruur ah oo degan caasimadda Hargeysa. “Qoddobka labaad oo ahaa jihayntii dhallinyarada iyo sidii loo gelin lahaa shaqo qaran. Waxa kale oo ka mid ah xakamaynta sicir-bararka iyo wax ka qabashada musuqmaasuqa oo ah tiirarka waaweyn ee aan kaa dhawrayno fulintooda.”

Ugu dambayn,waxa madaxweyne Biixi oo lagu amaanay hal-adayg iyo go’aan qaadasho uu wajahayaa inuu wax ka qabto dhibaatada Somaliland ay ku hayso shaqo la’aanta oo lagu qiyaasay inay ka badan tahay70%.

Waxaa lagu wadaa in madaxweynaha ay wakhti badan oo uu gelin lahaa aqoonsi raadinta iyo sidii uu waddanka ugu raadin lahaa maalgashi caalamiya uu kaga mashquuli doono sidii uu u hagaajin lahaa dhibaatooyinka maxaliga ah ee Somaliland ka taagan oo aan mid aan indhaha laga qarsan karin isla markaana wax u dhimi karta kalsoonida shacbigu ku qabaan qaranimadooda ay ku soo tabcayeen rubuc-qarnigii la soo dhaafay.
Waxaan ku soo ururinayaa ereyo ka mid ah heesta “Maarayso Noloshaada” ee uu tiriyey Abwaan Cali Bare Xuseen ee ay ka mid ahaayeen:
“Xoolahaaga Miyigee

Dadku kugu Majeertiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here