Xallay Waxaan Ku Riyooday Itoobiya Oo Soomaaliya u qabsatey sida Yuhuudu u qabsatey Qaza, Waxaa kale oo aan riyaddii xalay kasii xasuustaa in dad badan oo aan ku jirey sida falastiiniyiinta u shiitamayeen, Itoobiyaankuna Kaaraha iyo Dabaabaadka duula ay digadda inagaga dhigayeen,Mar waxaan is weydiinaayey hadii ay Soomaaliya qabsadeen ileen Soomaalilaan baad tihiine oo waa idinkii iskaashiggu idinka dhexeeyey ee maxay idinkasoo dooneen, laakiin waxaan ilawsanaan in Soomaalilaan aanay weli aqoonsi helin iyaguna aanay ina aqoonsan, midii layaabka badnayd waxay ahayd markii Maraakiib dagaal dhanka xeebta madaafiic inagagasoo garaaceen halkii aan ka moodaayey qaar Soomaali leedahay uun la yidhi waa Itoobiyaankii xagan bay kasoo galleen wadankii, 1 daqiiqo kadibna waxaan is arkay anigoo furaashkaygii dhex galgalanaaya, shaydaankaan iska naarray kadibna hurdo macaan ayaan dib u galay.

Mudo yar kadib riyo kale oo lama filaan ah ayaa igusoo degtay, Waa Soomaaliddii oo Farmaajo iska eriday, waa xaaladii oo isbedeshay, Madaxweyne cusub oo cod shacab kusoo baxay, waa dhamaan maamul goboleedadii jiray oo daaqadda ka baxay, nabad, deganaansho iyo hormar aanad maleysan karin oo Koonfur ka bilaamay, Daqiiqaddo kadibna shir weyn oo lugu qabtay Hudheel weyn oo kuyaal Masalaha Hargeysa oo aad u weyn oo aanan magaciisa hadda xasuusan ayaa waxaa lugusoo dhaweeyey Madaxweynihii cusubaa ee Soomaaliya, Waxaana soo dhaweeyey Madaxweynihii Somaliland imaka ma xasuusto magaciisa laakiin sansaanta Muuse Biixi buu lahaa, wada-hadal qurux badan oo Tilifiishanadii duubaayey aan Aljazeera Iyo CNN kasii xasuusto ayaa ka qabsoomay, labadii madaxweyne markii uu shirku dhamaadday labadda gacmood ayey is qabsadeen oo laabta is geliyeen, inyar kadibna Hambalyo ayaa la iigusoo diray E-mailkagya, aniga oo ku sugan halkii labadda madaxweyn ku shirayeen, waa riyo iyo dabeecadeede goor aan hoolkii shirka kasoo baxay waan garan waayey, ileen goobtu waa Masalaha Hargeysee, magaaladii ayaan dusha sare kasoo eegay mise Nalalka midabada kala duwan ee wakhtiyada damaashadka la rido ayaa dhina kasta ka qarxaaya, buuq iyo mushxaraddana way wehelinayeen, daqiiqado kadibna waxaan ogaadey in madaxweynihii Soomaaliya ee shacabku doorteen uu Soomaalilaan ugu bushaareyey in uu aqoonsadday, Waxba yaanan hadal kugu daaline daqiiqadihii xigayba waa Soomalilaan oo ciidan xoog badan iyo diyaarado dagaal yeelatay, Waa Soomaaliya oo iyadduna kuwaas kuwo lamid ah oo kasii badan yeelatay, Waa Jabuuti oo dhankaas Galbeed iyaduna ciidan iyo aaladdo dagaal soo saftay, Waxaaba isla daqiiqadii xigtay la dhisay ciidan Soomaalilaan, Soomaaliya iyo Jabuuti ka kooban oo magacooduna yahay SOM-JA-SOM (SJS), Ciidamadii huwanta ahaa waxay dagaal aad u culus ku qaadeen Itoobiya iyo Kenya, waxayna isla daqiiqadii xigtayba xayndaabka Soomaalida soo geliyeen Soomaali galbeed (Ogaadeeniya), Soomaalida NFD.

Hal daqiiqo kadib shir lugu qabtay Muqdisho waxaa ka qayb galay sadexda Madaxweyne ee Soomaaliya, Soomaalilaan iyo Jabuuti, iyo laba madaxweyn maamul oo kala ahaa Ka Soomaali galbeed iyo ka Soomaalida NFD, waxaana dawlado loogu dhisaayey labadaas gobol ee Kenya Iyo Ethiopia lagasoo kala qaadey, isla markiiba waa loo dhisay waa SHAN soomaali, Anigu meelnaba intii xaaladuhu isbadallayeen kamaan maqnayn ilaa halkan shirku ka dhacaayo ee shanta Soomaali la iskugu yimi.

Markiiba waxaa maskaxdeyda kusoo dhacday Maansadii Cabdi Iidaan Faarax, ee uu ku furay silsiladii Shiinley, tududucyo kamid ahaa oo odhanaayey,

” Shaxda nimaan aqoon lama dageen mana shu’aysteene

Shan soomaali oo wada-socodoo, calan ku sheekeeya,

Shilmaa la arkayaa, waa su’aal sharad ka yaallaaye?.

Anigoo ku cel-celinaaya sadexdaas tududuc ee Cabdi Iidaan, ayaan waxaan arkay maabkii Afrika oo Shan Soomaali-ah ka muuqato, farxaddii baa igusii korodhey, boodboodkaygana kolay jaarkii ila hurdey way ka yaabeen, hal daqiiqo kadibna waxaa igu dhacday haraati nin weyn, naxdintiina waxaa ii xigtay “Waar salaada u kac”, waaba mid ila hurday qolka oo biyo iisoo qaatey si uu iigu rusheeyo, mise waa aniga iyo furashkeygii yaraa iyo Salaadii subax oo ay gaadhey, Iyo Xaaladdii Soomaalidda oo sideedii ah, Ciil badanaa Xalay halkaan dhex-joogay iyo saaka wixii aan idaacada ka maqlaayey !!!

Todobaadkii la soo dhaafay maalmo ku taariikhaysan 19-kii iyo 20-kii Bisha 2018, Duufaan iyo roobab dabeylo wata ayaa ku dhuftay inta badan deegaamada Xeebaha Somaliland, Lawyo Cado ilaa Laas-qoray, kuwaasoo sababay dhimashada in ku dhow 50 Qof, dhaawac intaa ka badan oo dad ah, Caydh, baro-kac, bur-bur ku yimi Magaallooyin, Beero iyo dhamaan kaabeyaashii aasaasiga ahaa ee bulshada-na geystay.

Deegaamada ay duufaantu ku dhufatay qaar, waxay gadhsiisay khasaare kooban, marka la bar-bar dhigo kuwo ay dad ku laysay, xoollihii ku le’deen, midhihii Beeraha daadka iyo dabeyshu qaadeen, dumeen guryihii hoyga ahaa, dhismeyaashii  Ganacsiga, Ceelashii biyaha laga cabi jiray, xarumihii Caafimaadka iyo dugsiyadii Waxbarashada, kaddibna dadkii iyagoo faro-madhan naftooda ay badbaado kula eersadeen, halka qaarkoodna waa deegaamada Duufaantu ku dhufataye dhibaato culusi soo gaadhay, hase ahaatee aanay u baabi’in sida Lughaya iyo deegaamada hoos-yimaada xaalkoodu noqday.

Wali xog dhamaystiran iyo xaqiiqo cad lagama hayo sidii wax u dhaceen, miisaanka dhibaatada iyo meel walba khasaaraha u gaarka ah, waxaaase hubaal ah in bilow wanaagsan lagu waajahay samato-bixinta dadkii ku go’doomay deegaannada qaarkood.

Dheg ka maqal iyo dhaba-gal aan dhaafsiisnayn Hargeysa iyo dhambaal-wareedyadii ay soo gudbiyeen Masuuliyiinta Dawladda ee booqday deegaamadaasi, waxa ay tibaaxayaan in ugu yaraan nus-milyan Qof (650,000 ilaa 700,000 qof) ay mashaqadani saameysay,  kuwaasoo ay ugu daran yihiin kuwo waayey dad iyo duunyaba oo qof iyo laba ka badbaadeen, iyada oo ilaa kun Beerroodna (1000) ay meesha ka baxeen, saracii ku yaallayna daadku qaaday, isla markaana in xoolo gaadhaya toban kun oo Neef ay dhinteen (10,000).

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay mahlakada duufaanta, ayaa  sheegay “waxa ku dhintay 49 qof oo ay 5 Carruur tahay. Todoba qof ayaa la la’yahay inay badda ku dhaceen iyo in beriga Maydkoodii yaallo”ayuu yidhi isagoo intaa ku daray inay jiraan deegaamo wali go’doonsan oo aan gaadiid iyo lug toona lagu tegi Karaynin ilaa iminka.

Alle ha naxariisto intii ku dhimatay Nimcadaa nusqaanta yeellatay. inta ku dhaawacantay alle ha shaafiyo.kuwa ku caydhoobayna alle bedel khayr qaba ha siiyo, wixii ay waayeenna dad iyo duunyo Samir haka siiyo.

2.Gurmadka la sameeyey

Dawladda Somalilandiyo Jamhuuriyada Djibouti, ayaa maalin kaddib markii dhibaatadu dhacday wefti xaqiiqo raadin ah u diray deegaamada Aafadu ku habsatay, waxaana hogaaminayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, kuwaasoo Diyaarad ku tegay Lughaya jiidaha ku xeerran.

Maalintii xigtay waxa Mucaawimo raashin ah iyo diyaarado gurmadka lagu sameeyo u soo diray Somaliland Dawladda Imaaraadka oo noqotay dalkii labaad ee si toosa oo hagar la’aan ah gacan mugle uga gaystay jalka iyo dhiig-joojinta dhaawaca Qaranka ka soo gaadhay Duufaantaasi.

Inkasta oo warka ku saabsan tirada dadka lagu samata-bixiyey gurmadkii diyaaraduhu wali dhinaca Dawladda baaqi ku yahay, haddana waxa xaqiiqo ah in lixdii maalmood la soo dhaafay howsha gurmadku labada gelinba socotay, Warbaahintuna si kor ka xaadis ah oo aan dhaafsiisnayn taakuleyntii dadka halkaa warbixino uga soo tebinaysay.

Ma jirto ilaa hada Dawlad kale oo gurmad iyo gacan toona ka geysatay waxyeellada dhibaatadan dabeeciga ah eek a dhacday Somaliland, wallow ay Hay’addaha qaramada midoobay iyo Ururrada aan dawliga ahayn ee dalka ka shaqeeyaa ka dhex muuqdaan howl-galad socda.

Haddaba, Masiibo kasta, Mashaqo ku haleelsha iyo mushkilad walba alle ayaa qadaray. Qadarka allena malleha muran iyo maxay iigu dhacdaye? waxa kula gudboon maareynta wixii kaa soo gaadhay oo uu allle SWT  kuu dhib-yaraynayo markaad ku samirto, kuuna idmayo talaabo kasta iyo toobiye kasta oo aad kula tacaalayso xal u helida dhibaatadaas.

3.Maxaa la gudboon Qaranka Somaliland oo dhamaystiran si Kaalmo iyo ka soo kabasho loo gaadhsiiyo Kumanaanka Qoys ee ay dhibaatadu soo gaadhay?

  1. Waa in Madaxweyne Muuse magacaabaa Guddi ka kooban laamaha Dawladda oo xaqiiqo raadin ku samaysa baaxada Khasaaraha ka dhashay duufaanta, guddidaasoo marka ay xog dhamaystiran soo uruuriso, soona qiimeyso sida ay u kala muhiimsan yihiin baahiyaha aasaasiga ah, agaasinta sida Taakuleyn loogu fidinayo Dadka ku tabaaloobay waxyeellada Duufaantaas.
  2. Waa inay Guddidaasi marka u horaysa diyaariyaan wixii ay Dawladdu Qasnaddaheeda caawimo ka  bixin karto oo cad, kaddibna  kulamo deg deg ah la qaataan qaybaha Bulshada, sida Ganacsatada, Aqoonyahanka iyo Hormuudka kale ee Shacbiga, una sharaxaan mugga iyo miisaanka Khasaaraha dhacay iyo Kaalmada loo baahan yahay.
  3. Waa inay guddidu sameysaa Sanduuq deg deg ah oo lagu urruurinayo Qaadhaanka gurmadka Mashaqadaas, kaasoo wixii kharash iyo hanti Mucaawimo ah soo gaadha Qorshe lagu bixinayo, iyadoo laga duulayo xogtii la diyaariyey iyo sidii loo qaabeeyey ka jawaabista baahiyaha taagan.
  4. Waa inaanay Mucaawimadu noqon dookh ama doorasho iyo adduun meel fog laga doonayo oo Jal iyo jidiin maalmeed  ku koobane ee xoogga la saaraa sidii  Hu, Hoy iyo Hanti dib u xooleyn ah loogu heli lahaa, loona gaadhsiin lahaa Dadka caydhoobay ee Xoolihii ka dhinteen, si aanay ugu baro-kicin Magaalooyinka, ugana soo kabtaan Mushkilada kediska ah ee ku habsatay.
  5. Waa inay Culimada, Ururrada Bulshada rayidka ah, Madaxdhaqameedka iyo Ganacsatadu si madaxbanaan isugu abaabulaan Taakuleynta Dadkaasi, Dawladduna dusha kala socoto, diwaan-gelisaana wixii gurmada ee ay bixiso cid aan dawladda ahayni.
  6. Waa in Bulshada Xoolla dhaqatada ah ee Gobollada dalka oo dhan Xoollo nool laga soo uruuriyaa, si loo siiyo Qoysaskii Xoolluhu ka dhinteen, Dadka Magaallooyinka iyo kuwa Beer-falatada ahina Xaafad-xaafad iyo Degmo degmo isaga Uruuriyaan Raashin, Hoy, Hu iyo Siidh-beereed qolo walba waxa ay haynteedu tahay oo lagu shubaa Sanduuqa Gurmadka, iyadoo  arrintaas abaabulkeeda iyo howl-socodsiinteeda ay hogaaminayaan Maamuleyaasha Dawladda ee Degmooyinka oo kaashanaya Culimada iyo Waxgaradka Bulshooyinkooda.
  7. Waa in Qof waliba dareemaa ama la dareensiiyaa, mid dalka joogga iyo mid Qurbe joogg ahba, in kuwa ay dhibaatadu haysataa ay yihiin, Ubadkiisa, Walaalihii, Hooyadii, Abbihii, Awoowyaashii, abtiyaashii, eeddooyinkii iyo Ehelkii, Shay kasta oo uu bixin karo-na loo baahan yahay, isna ay u tahay Sadaqo If iyo Aakhiraba anfacaysa.
  8. Waa in Qoys kasta oo Maal-qabeen ah iyo mid Sabool ahba laga wada qayb-qaataa Caawinta Dadka dhibaatadu la soo deristay, iyadoo uu qof kasta iyo qoys waliba Karaankiisa bixinayo, halbeegna laga dhigtaa in hugeena iyo maacuunta Guryaheena taalla aynu wax ka siino walaaleheen, ruux kastaana fahmaa haddii uu laba dheri haysto inuu mid caawimo u bixiyo, isagoon meel kaleba wax ka doonin, oo qof waliba Dharka uu xidho ee uu iminka haysto badh la baxo, qofkii karayaana Hanti mood iyo Nool nooca uu haysto bixiyaa, iyadoo ujeedka iyo micnuhu uu yahay in la caawinayo hoy beelay, hanti beellay oo aan haysan Kab, Karin, waxay karsadaan iyo nool ay dhaqdaan midna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here