Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ilaa hada talaabooyinka uu ku talaabsaday iyo odhaahyadiisii hore ee wakhtigii ololaha adag uu ku jiray intuba waxay tusaale u yihiin in uu diyaar u yahay sidii uu dalkan uu madaxweynaha ka noqoday uu u gaadhsiin lahaa iskufilnaansho iyo horumar aanu hore u gaadhin gaar ahaan dhinacyada Cadaaladda iyo maamul wanaaga, intaasi waa daacadnimadda keliya ee uu afka kasheegay, hirgelintoodana looga fadhiya, iyada oo ay sidaas tahay hadan Soomalidu waxay ku maahmaahdaa “Far keliyi fool ma dhaqado”, taas oo macnaheedu yahay in aanu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo kuxigeenkiisuba aanay keligood waxqabad muuqda la iman Karin ama aanay waxba qaban Karin ilaa la helo dad kale oo si wada-jir ah ay iskula kaashadaan, dadkaasina waxay noqodeen Golaha Wasiirada ee uu magacaabay ama soo doortay Madaxweynuhu in ay la shaqeeyaan.

Hadaba Madaxweyne Muuse Biixi wuu soo bandhigay sida uu rabo in uu dalka ku maamulo, iyo halka uu rajeynaayo in uu gaadhsiiyo dalka iyo dadka labadaba, laakiin su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah “ Yaa noo damaanad qaaday in ay si daacadnimo iyo wadaninimo ka muuqato ay golaha wasiiradu dalka wax ugu qabataan?” ilaa hadda ma jiraan, hadii ay jiraana waa mid iyo laba, wasiirado si toos ah ula hadlay shacabka isla markaana siiyey damaanad ah in ay daacad u yihiin maamulka iyo masuuliyada culus ee loo doortay, taasina waa mida keliya ee shakiga iyo malaha ku abuurtay bulshada iyo muwaadiniinta masaakiinta ah.

Tan iyo Xukumadii ugu horeysay ee Madaxweyne Cabdiraxmaan tuur, Wasiiradda iyo ku-xigeenadoodu waxay ahaayeen kuwa ugu badan ee bulshadu dhaliisho, halka labadii xukumadood ee ka horeeyey xukumadan Madaxweyne Muuse Biixi, ay wasiiradu gashadeen isla markaana si toos ah warbaahinta uga muuqdeen iyaga oo kudhex jira arimo musuq-maasuq iyo hanti lunsasho kadhan ah qarankan soo koraaya.

Meel kasta iyo wakhti kasta waxaa si weyn  looga hadlaayey sida qaar kamid ah wasiiradaasi u xaraashayeen hantidii qaranku wada la’ahaa, kuwo kamid ahina waxay la safteen reerihii ay kasoo jeedeen oo waxay meel iska dhigeen qaranimada iyo midnimada umada, waxayna aamineen in ay reer keliya u yihiin wasiiro, taas oo bulshada ku abuurtay cuqdad iyo qabyaalad hor leh.

Mudane madaxweyne Muuse Biixi, waad noo cadaysey mawqifkaaga iyo in aad sinaan iyo cadaalad dalka ku maamuleysid, laakiin shacabku ma hubaan kumana kalsoona Goolahaaga fulinta oo inta badan loogasoo joogay in ay iyagu dalka iibsadaan, kedibna beri kamaalin ka dhoofaan, haddaba miyaanay qurux badnayn in golaha wasiiradu mid-mid shacabka usoo horfadhiistaan ka hor inta aanay xilalka la wareegin, isla markaana muujiyaan in ay la mawqif yihiin madaxweynaha, oo aanay qadeyn talaabadii kuwii hore ee xukumadihii Siilaanyo iyo riyaale.

Mudane madaxweyne waa in aad ogaataa in wasiir kasta oo aad adigu magacawday uu khiyaamo qaran iyo musu-maasuq la yimaado in ceebta iyo sharaf dhucu ay adiga kugusoo horeynayso, isla markaana hadal hayntaadu ay suuqyada iyo warbaahinta ku faafeyso, berina wasiirkaas dhaqan xumada kukacay uu si fudud dalka uga dhoofi doon.

Dalalka dunida saddexaad qaarkood waxa laga helaa khayraad dabiici ah oo faro badan sida: Shidaalka, noocyo macdanaha ka mid ah, dhul beeraha hodan ku ah, xeebo dhaadheer iyo wabiyo aan gudhin; kuwo kalena ma laha khayraad lagu tilmaami karo, islamarkaana masaaxad ahaan waxay aad uga yar yihiin Somaliland, hase ahaatee waxay ka horumarsan yihiin dawlado waaweyn oo khayraadka dabiiciga ah qani ku ah, waxay se waayeen hoggaan daacad ah oo ku haga horumarkii loo baahna ama caqligii khayraadkaa ka faa’iidayn lahaa.

Si kastaba ha ahaatee 27-kii sannadood ee u dambeeyay waddamada bariga Afrika waxay ka soo kabanayeen xukun militari, dagaallo sokeeye, maamul xumo iyo saamayntii dagaalkii qabooba ee u dhexeeyay quwadihii bariga iyo galbeedka oo midba dhinac u jiidayay, hase ahaatee waxa u kacay hoggaamiyeyaal daacad ah oo caqli badan oo xasillooni ku soo dabaalay iyo dib u habayn dhaqaale oo midho dhalay, waxay waddamadaasi gaadheen horumar aan hore u soo marin, waxa kordhay dakhligii dadweynaha(Per Capita income).

Haddaba bal aynu mid mid isku dul taagno madaxdii Geeska Afrika ee saamaynta togan ku yeeshay nolosha dadkooda ee taariikhda galay:

Meles Zenawi:- Ra’isal wasaarihii hore ee Itoobiya isaga oo arday ah wuxuu ku biiray jabhaddii TPLF ee dagaalka kala soo horjeeday rajiimkii Mengistu Hailemariam. Guul qiimo sare ugu fadhida shicibka Itoobiya kadib wuxuu talada dalka qabtay isaga oo da’diisu yar tahay oo aan waayo aragnimo u lahayn siyaasadda iyo maamulka dawladnimo, sidaa daraadeed lagama filayn in uu isbedel baaxadda leh ku samayn karo dhaqaalaha Itoobiya oo dib u dhacsana boqolaal sannadood.

Yoveri Museveni:- Madaxweynaha Yugaandha wuxuu ahaa macallin ka hor intii aanu madax ka noqon jabhaddii hubaysnayd ee Uganda, guul kadib wuxuu madaxweyne ka noqday dal baaba’ay oo ay isaga dambeeyeen laba kali taliye: Idi Aamiin iyo Milton Obote. Wakhtigaa dhaqaalaha Uganda wuxuu ka liitay dhaqaalaha Somaliland ee maanta laakiin, muddo gaaban kadib dhaqaalaha dalkaasi wuxuu gaadhay heer tusaale u noqon kara madaxda Geeska Afrika oo ay wax ka baran karaan.

Paul Kagame:- Madaxweynaha Rwanda darajada ciidamada wuxuu ka gaadhay laba xidigle, wuxuu hoggaaminayay jabhaddii dalka qabsatay xasuuqii 1994 kadib. Wuxuu madaxweyne ka noqday dal lagu kala yaacay iyo wabiyo dhiiggu qulqulayo markii 90 maalmood gudahood 100,000 qof qudha laga jaray, waxa se indhaha beesha caalamka soo jiitay waddan dhul ahaan qiyaastii leeg gobolka Maroodijeex oo aan lahayn khayraad sidaa u buuran sida ay uga soo kabteen xanaftii xasuuqa iyo sida ay Ruwandha u noqotay dalka ugu dhaqaalaha wanaagsan Afrikada Madaw marka laga reebo Koonfur Afrika iyo Botoswana.

Ismaaciil Cumar Geelle:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti wuxuu ahaa sarkaal da yar oo ka tirsan ciidamada sirdoonka intii aanu noqon gacan yaraha madaxweynihii hore marxuum Xasan Guuleed. 1999-kii markii loo doortay madaxweynaha dhaqaalaha dalku wuxuu ahaa fadhiid wax mashaariic ah oo ka socdayna ma jirin xattaa waxa cidhiidhi ku jiray mushaharkii shaqaalaha. Madaxweyne Geelle kaliya wuxuu abuuray jawi soo jiidan kara ama lagu aamini karo dalkiisa in la maalgashado. Maanta Jabuuti waxay ka mid tahay dawladaha gobolka ee dhaqaalahoodu sida xawliga ah u korayo, islamarkaa waxay kaalin muhiim ah ka qaadata arrimaha caalamka.

Haddaba madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi dhammaantood wuu ka waayo aragsan yahay madaxda kor ku xusan, da’diisuna way ka wayn tahay markii ay qabteen talada dalalkooda sidaas daraadeed miyaanu isaguna samayn Karin isbedellada iyo guulaha ay gaadheen? sidooda oo kale miyaanu noqon Karin hoggaamiye la mahadiyo oo dhaxal ka taga, Isaguna bulshada magac weyn iyo maamuus ka hela?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here