Waxaa muddadii u dambeysay saameyn wayn ku yeeshay bulshada iyo ganacsatada go,aamadii ay guddida loo xil saaray sicir bararka ee xukuumadda Somaliland ay ka soo saareen adeegyada telefoonada gacanta iyo sarifka lacagaha qalaad, iyada oo ay xukuumaddu ka duulayso la dagaalanka sicir bararka badeecadaha kala duwan si ay u dhalato suurto galnimada in la dhiiri geliyo in la adeegsado noodhka ama shillinka Somaliland wax ku iibsigiisa iyada oo loo adeegsanayo dhamaan qaybaha kala duwan ee ganacsiga iyo iibkiisaba .

29 January 2018, waxay gudidaasi go’aamisay in la kordhiyay cashuurtii hore looga qaadi jiray shirkadaha qaadka ka ganacsada halka ay go’aamiyeen in adeegyada shirkadaha isgaadhsiinta ee lacagaha dolarka ah la isugu diri jiray in loo bedelo kuwo loo adeegsado shilinka Somaliland.

Haddii Masaladaa loo eego si cilmiyeysan waxa Somaliland ku soo fool leh dhaqaale xumo si wayn u saameyn doonta una dhigan sida :-

71% heerka waxa kala iibsi iyo iibineed guud ahaan Somaliland uu ahaa January ilaa February 24 keedii adeegyada Zaad iyo E-dahab 40% , halka sarifka shilling Somaliland 20% uu ahaa dollar kuna 12% .

55% uu iibku ahaa February 27 keedii ilaa 19kii March ,  wax kala iibsiga adeegyada Zaad iyo E-dahab waxa uu ahaa 33% , halka lacagta adag shilling ka Somaliland 7% oo sidoo kale dollar ku ahaa 5% , sariifka lacagaha isku bedelkooduna ahaa 10%

Wuxuu noqday  March 25 keedii iyo bilaha soo socda guud ahaan iibku  27% , adeegyada zaad iyo edahab 7% , sarifka shilling ka 13% , dollar 7%.

Haddii iibku sidaa ku sii socdo bilaha April iyo May waxay saameyn xooga ah ku yeelan doonta dhamaan maceeshada bulshada Somaliland oo ay dhinacyo badan taaban doonto haddii lagu sii socdo go’aamadii aan wax ku oolka ahayn ee Xukumaddu la gashay ganacsatada, waxaa iyaduna qayb ka qaadan doonta kordhinta biyaha caasimada oo markii hore 1 mitir kuyuub lagu cabi jiray 9500 shilling Sl uu haatan noqday 1 halka mitir kuyuub 14500 shilling Sl gebi ahaanteedna ka dhigi doonta ku noolaanshaha caasimada jamhuuriyada Somaliland magaalo nolosheedu adag tahay oo aan danyarta kuwooda ugu liitaa aanay kuba noolaan karin .

Waxa iyaduna saameyn laxaad leh ku yeelan doonta guud ahaan dhamaan isu socodka badeecadaha iyo wax kala iibsiga badeecadaha go’aamadii laga gaadhay shirkadaha Maamula Haamaha Kaydka Shidaalka ee Ganaaxa la saaray, maaddaama oo lagu eedeeyay inay shidaal xun Waddanka keeneen, kuwaasi oo ay ka mid tahay Shirkadda Red Sea patroulem oo si gaar ah loo ganaaxay, arrimahaasi waxay saamayn ku yeelan doonaan Gaadiidkii loo adeegsanayay inay qaadaan badeecadaha kala duwan, maaddaama oo lagu jiro bishii barakeysnayd ay iyaguna la kulmeen wakhtigan in ay kor u kacaan ascaarta shidaalka gaadiidka oo ahayd saddex bilood ka hor 5 litir ee patrol ka ahi 27,500 shillinka Somaliland ah, halka uu haatan ka yahay 55000 kun oo shillinka Somaliland .

Haddii sida ugu dhakhsaha badan wax laga qaban waayo waxay noqonaysaa in Somaliland ay gasho marxaladii ugu adkayd dhinaca dhaqaalaha ee aanay soo marin 27 kii sanadood ee ay jirtay .

aalmihii Guumeystihii ingiriis uu haystay dhulkii Hindiya la isku odhan jiray ayaa sarkaal ka tirsanaa ciidankii mustacmaradii ingiriis ayaa dhirbaxay nin Hindi ah, se ninkii Hindiga ahaa dhirbaaxadii wuxuu ugu beddelay feedh inta xooggii ah oo uu dhulka ugu tuuray sarkaalkii Ingiriiska ahaa.

Sarkaalkii wuxuu isla-markiiba u orday dhankii Taliyihii ka sareeyay si ninka Hindiga ah  loogu xukumo dil, oo ay ku cibra-qaataan cid kasta oo isku dayda inay ku ficil celiso saraakiisha isticmaarka, laakiin  Taliyihiisii wuxuu kala kulmay wuxuu filayay wax ka duwan waxaanu u dhiibay 50,000 Rubbi (Lacagta Hindiya) waxaanu ku amray in uu siiyo ninkii Hindiga ahaa isaga oo u muujinaya inay tahay xaal-marin ama raali-gelin.

Ninkii Hindiga ahaa ee faqiirka ahaa ayaa ka aqbalay xaal-marintii kana qaatay lacagtii waxaanay qadarkaa lacagta ahi noqotay tii u horseeday ninkii Hindiga ahaa inuu noqdo dadka ugu taajirsan Waddanka Hindiya.

Muddo ka dib, Taliyihii ayaa u yeedhay Sarkaalkii waxaanu ku amray in uu ku soo booqdo Qasrigiisa ninkii Hindiga ahaa ee taajirka noqday oo uu waliba mar kale ugu celiyo oo uu ku hor-dhirbaaxo dhammaan shaqaalihiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah isaga oo aan wax hor-dhaca u muujinayn.

Sarkaalkii wuu fuliyey amarkii la siiyay, hase-ahaatee wuxuu Askarigii Ingiriiska ahaa aad ula yaabay ninka uu dhirbaaxay oo dhoolla-caddeeyay markii ay ku dhacday Dhirbaaxadiisu,  waxaanu ku soo noqday Taliyihiisii, una sheeg wuxuu kala kulmay Ninkii uu dhirbaaxay mar ka labaad iyo akhlaaqdiisii oo is-beddeshay .

Taliyihii ayaa si xikmadaysan ugu yidhi Askarigiisii “Markii hore ninkaasi muu haysan wax aan ahayn karaamadiisa oo keentay inuu is difaaco, balse markan dambe oo aynu ku iibsanay karaamadiisii 50,000 Rubbi waxa uu yeeshay ganacsigiisa iyo masaaliixdiisa oo uu difaacayo isaga oo ka fog karaamo iyo wixii la mid ah.

Anigoo Magacaygu yahay Mowliid Aadan Cumar, waxaan halkan ku beeninayaa Maqaalka ku soo baxay Wargeyska Hubaal Cadadkii Sabtidii Shalay (28/04/2018), kaasi oo wax lagaga sheegay Masuuliyiintii hore ee Baanka dhexe ee Khamiistii xilka wareejiyey iyo kuwii ka sii horreeyay ee uu ka mid ahaa Jaamac Cali Cilmi iyo Shaqaalaha Baanka oo lagu sheegay in qaarna lacago la siiyey, qaarna la dallacsiiyey.

Waxaan leeyahay, Qalinkayga iyo garashadayda mid caado uma ah inaan ka daba hadlo Masuul xilka laga qaaday iyo Shaqaale aan ka mid ahaa muddo dheer oo bahdayda ah, sidaasi awgeed inta ku faraxday, inta ka naxday iyo kuwa suuqa Madow Magacayga geeyayba waxaan leeyahay Maqaalkaasi wuxuu ahaa Been Abuur cad oo loo adeegsaday Magacayga iyo Muuqayga.

Ugu dambayn, Wargeyska Hubaal oo uu Maqaalkani ku soo baxay Cadadka Isniinta ayay ku caddayn doonaan Cidda been abuurkan samaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here