A veteran politician who run for Somalia’s presidential elections in 2017 and served as the Somali Federal Minister of Planning, Dr. Said Abdullahi Mohamed better known as Said Abdullahi Dani has an edge in the race to become the next leader of the Somalia’s semi-autonomous region of Puntland, according to opinion polls and people familiar with Puntland voting system.

Dr. Saed Abdilahi Dani is favourite to become Puntland’s fifth president since it’s inception in 1998 by replacing the incumbent president Abdiwali Gas during Puntland’s upcoming presidential elections planned to be held in January 8, 2019.

Dogged by corruption and nepotism scandals, incumbent president Abdiwali Gas has lost supporters inside and outside Puntland and has put the veteran and well known politician Dr. Saed Abdilahi Dani in a comfortable position in Puntland’s upcoming presidential elections next year.

Born in 1967, Dr. Said Abdullahi Mohamed better known as Said Abdullahi Dani was educated in Somalia and Malaysia. During the collapse of Siyad Barre regime’s government in 1991, Dr. Saed returned to Somalia where he started to revive the country’s education sector by establishing a chain of primary and secondary schools known as Nawawi.  Also, Dr. Saed was also one of the founding members of Puntland state in 1998. Mr. Dani is also one the leading businessmen in the country, where has a large companies.

Dr. Said Abdullahi Mohamed was elected member of Somalia’s upper House of parliament in 2012 and served as Somali Federal government’s planning minister from 2014 to 2016 where he succeeded to implement the country’s first population census preliminary population census in over two decades.

Also during his tenure as the Somalia’s minister of planning, Dr. Saed Abdilahi Dani succeeded to establish Somalia-Japan bilateral cooperation where Japanese government put forth a $40 million funding package for the rehabilitation of Somalia’s police forces, relief services, and job creation opportunities.

Eventually, Dr. Said Abdullahi Mohamed was one of the leading contesters of Somalia’s presidential election race in 2017 where he narrowly lost to the current president Mohamed Abdilahi Farmajo.

Hadalhaynta heshiiska maalgashiga dawlada Somaliland iyo wadanka Imaaraadka Carabta ayaa si weey looga faaloonayaa maalmahan u danbeeyay waxaana arintan  soo cusboonaatay ka dib markii todobaadkii hore dawlada Jabuuti  wasiirkooda arimaha, dakadaha uu warbaahinta u sheegay in dalkiisa iyo Shirkada DP world oo maalgashi ka samaysay dalkooda ay is afgarad la,aan ka dhex jiro, kaas oo salka ku haya heshiiskii hore loo wada galay oo dawlada

Jabuutu saluug ka muujisay isla markaana dalbatay in wax laga bedelo,iyadoo shirkada Dp World ay  ka dhega adaygeen sida wasiirka dakadahu ku waramayo. Waxa kale oo uu sheegayin ay ka baxeen axdigaasi, dakadiina imika ay iyagu maamulkeeda gacanta ku hayaan.

Waxaa Iyana yaab leh in Raysal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre sheego in aan heshiiska Dp World ee ay dawlada Somaliland wada galeen aan waxba lagala tashan, waxbana lagala socodsiin iyaga Somaliya ahaan isagoo mawqifka xukuumadiisa ku sheegay, war ka soo baxay wasaaradooda dakadaha kaas oo sheegaya in waxii heshiis walba oo la gelayo oo masiiri ah oo ku saabsan deked bad, khayraad, dalka meelwalba ay u igmantahay dawlada uu ka tirsanyahay ee fadaraalka Somaliya sida hadalka uu u dhigay.

Somaliland oo 5 sibtember 2016 Shirkada Dp World ay kala sexeexdeen heshiis maalgashi ayuu heshiiskoodani ahaa mid loo maray hanaan sharci oo baarlamaanku ansaxiyay

Iyadoo guud ahaan dawlada Somalilnd ay wadankeeda si buuxda gacanta ugu haysato waana dal dadkiisu u codeeyeen aftidii laga qaaday bishii May 31, 2001 taas oo ay ku xaqiijiyeen 97.5% wax ka sareeyaa in dastuurka si madax banani ah loogu dhaqmo

wadanka Somaliland waa dal buuxiyay shuruudaha caalamiga ah waxaanu heshiisyo fiican la leeyahay wadamada jaarka, iyo beesha caalmaka waa dal ay ka qabsoomeen doorashooyin aan noocooda wadamada Afrika iyo aduunka qaar ka mid ahi aany wali gaadhin. Somaliland waxa ka jira golayaasha sharci dajinta, fulinta, iyo garsoorka oo ay ka dhexeeyaan isla xisaabtan iyo wada shaqayn.

Warbaahinta maraykanka ee VOA iyo BBC ayay dadka qaar u arkaan in aan warar is leeg la baahin labadan dal ee kala go,ay sababtaasina ay tahay in shaqalaha idaacadahani u xagliyaan dhinaca  Soomaliya ama koonfurta, halka ay Somaliland ay ahayd meelahii Afrka idaacada BBC laga yagleelay iyado shaqaalhii xiliyadaasi ku can baxeen, warar iyo faalooyin dhexdhex  ah oo xaqiiqda ku qotoma kuwas oo raali galin jiray dadka afka somaliga ku hadla

Ugudanbayntii qormadan waxay ku baraarujinaysaa muwaadiniinta, aqoonyahnka, ardayda Jaamacadaha iyo saxafiyiinta iyo dhamaan cida ku abtirsata qaranka Somaliland ee la mahadiyay in ay difaacdaan oo dood iyo qoraalo, cadaymo xambaarsan, la yimaadaan si aan hadh loo saarin taariikhdooda xariirta ah ee dadka qaar xajiimaynayaa.

Marxuun Eng Xasan Jamac Caabi waxa uu ahaa foolaadka Xirfada farsamo ee idaacada Radio Hargeysa, waxa uu ahaa dadka uu alle hibada u siiyay farsameynta hawlaha warbaahineed ee loo gudbiyo ummadda waxa uu ku geeriyoodey Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee hargeysa laguna aasey Alle naxariistii janno ha ka waraabiyo.

Xasan Jamac Caabi waxa uu ahaa nin aanu muddo ka soo wada shaqeynaynay xayndaabka wasaradda warfaafint dhaqanka iyo wacyigalinta JSL anigu aqoon wanagsan baan u lee yahay shaqsiyada iyo qofnimadiisaba marxuun xasan jaamac caabi waxa uu ahaa qof dhawrsan samir badan daacad ah ixtiraam badan wanaaga jaceyl dadka isku soo dhaweeyay shaqada u guta si weyn oo uu u hagar baxo hawl qabadkiisa.

Marxuumka anigu ma arag waligii isagoo qof dhibayay ama ka cabanayay taasina waxey ku tusaysaa wanagiisa iyo fiicnaanta alle u dhaliyay sidoo kale waxa uu ahaa qof hab dhaqan u leh in uu dhiirigalin u muujiyo shaqsi kasta oo dadaal la yimaada.

Marxuumku alle ayaa ku manaystey

Dad la dhaqan wanaagsan oo ku muteystey quluubta bulshada ay is barteen ama wada shaqeyntu dhex marto.

Aniga waxa ii suurto gashey in an joob joog u ahaado meherkii xasan jaamac caabi oo ka dhacey burco arooskiisii oo ka qabsoomey hargeysa iyo jinaasadiisii oo ahayd xabaalaha xadrada ee xaafada october ee caasimada hargeysa intaasba waxa soo buux dhaafiyay khalqi tiro badan oo taageero weyn u hayaya Xasan jaamac caabi taasina waxay tusaale u ahayd wanaga iyo shaqsiyada marxuunku ku dhex lahaa bulshadiisa.

Radio hargeysa waxay wayday mid ka mid ah tiirarkii ay ku taagney ee dhidibada u qotoniyay guulaha ay ku talaabsatey in ka badan 30 sanno ayuu caqligiisa iyo cudiisa u hurey qarankiisa somalilan.

Dhalinyarada warfaafintu ma helayaan kaalintuu xasan jaamac caabi ugu jirey ee ahayd tilmaamin toosin huga tusaaley iyo talo siin iyo dhiiri galiye wanagsan buu ahaa

Ma jiro ayaan u maleynayaa sida xasan noo caawin jirey qof noo caawindo quluubteyda saameyn weyn ayuu ku lee yahay.

Anigu door weyn ayuu ku laha xirfadeyda saxafinimo waxa uu mrxuunku aha nin had iyo jeer i toosiya waxa iga dhimana ii sheega anigoo kaliya ma ahaa dad badan ayuu qalinka u soo qabtey oo uu barbaariyay xirfadooda saxafinimo isagoo lagu majeerto barbaarintiisii wanagsanayd ee uu dadka kale dheeraa.

Alle geeridiisa samir iyo iimaan ha inaga siiyo qoyskii eheladii iyo guud ahaanna bahda warbaahinta cawil khayr qaba ha noogu badlo.

Qalinkii, Ridwaan Caydiid Ismacii

“Saxaafaddu waa xidhiidhiyaha shacabka iyo Madaxda”

Dalka horumaray waxay saxaafadu u tahay tiirka afraad ee dawladdu ka kooban tahay, dawladdu waxay ka kooban tahay fulin, sharci dejin iyo Garsoor, waxa hadda lagu daraa oo kaalin weyn oo aan laga maarmi Karin noqotay warbaahinta oo awood aan la dhayalsan Karin ah.

Dunida horumartay waxa horumarkaasi kaalin muuqda ka qaatay waa saxaafadda oo ay u jiheeyeen dhanka wanaagsan, saxaafadu waa laba seef dhan xun iyo dhan wanaagsanba way leedahay, laakiin hogaamiyaha wanaagsan waxa uu uga faa’iidaysta dhanka wanaagsan.

Hogaamiyaha musuqmaasuqa, eexda iyo qaraabo kiilka neceb, hogaamiyaha maamul wanaaga iyo inuu dalkiisa horumar gaadhsiiya doonayaa wuxuu soo dhoweysta saxaafadda oo uu ogsoon yahay inuu yahay dariiqa uu uu arrimahasi oo dhan ku gaadhi karo, hogaamiyeyaasha fahansan faa’iidadda warbaahintu waxa uu aqoontooda dhisaa oo uu tobabaro ay ku jiraan nooca loo yaqaan baadhitaanka warbaahinta (Investigate journalism ) oo ah saxaafada baadha ama waaxda dabagalka saxaafada oo baadha Musuqmaasuqa, maamul xumadda, dulmiga iyo awood maroorsiga mararka qaarkood ka dhaca madaxda qaarkood, waxaanay hogaamiyaha wanaagsan ka caawisa inuu wax saxo oo marka wax la soo bandhigo uu dabagal ku sameeya inay run tahay iyo in aanay jirin, waxa hogaamiyaha hiraal leh ka dhigtaan warbaahinta muraayad ay isku daawadaan oo uu isku saxo, waxaanay warbaahintu hogaamiyahaasi siisa talooyin ay kaga bixi lahaayeen malaayiin dollar oo lataliyeyaal kaga bixi lahaa.

Sida aan anigu aaminsanahay dal hadayna jirin warbaahin madax banaan waxa dhaca dulmi, ku takri fal awoodeed iyo isku xidhnaan la’aanta bulshada iyo dawladda oo mararka qaarkood waxa jira in madaxda qaarkood aanay udhaqmin inay dhaarteen oo ilaahay arkayo balse kaliya iska ilaaliya in warbaahintu soo bandhigto oo mararka qaarkood marka ay  ficil khaldan sameeyaan dib uga noqda ka dib marka warbaahintu iftiiiso khaladkiisa.

Tan iyo intii Somaliland ka goosatay Soomaaliya, waxa Somaliland la bilowday warbaahin madax banaan, waxaana si weyn ugu amaanayaa madaxweynihii hore ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo isagu fahansanaa doorka warbaahinta u leedahay dawladnimadda, inkastoo marar badan isku dhaceen warbaahinta haddana ma dhicin in xarun warbaahin la iska xidho way dhacday in wakhtiyo kala duwan tifaftirayaal la xidhay waana bani’aadan wariyuhu wuu khaldanaan kara ama waa lagu gafi karaa, laakiin marna muu samayn inta taariikhda aan ka hayo inuu xarun dhan xidho ama albaabada u laabo bal wuxuu isku dayi jiray in warbaahinta madax banaan intuu u yeedho si xor ah su’aalo loo waydiiyo, intaan ogahay wuxuu ahaa nin aad u akhriyi jirin jaraa’idka oo mararka qaarkood maqaalada isaga ku socda ka soo jawaabi jiray, hadii aad aragto madaxweyne warbaahinta la socda waxa uu la socda marxalada kala duwan ee dadkiisa oo maalin walba waxa la baahiyaa waa dhibaato dalka ka taagan oo loo gudbinayo cidii wax ka qaban lahayd oo ah xukuumada marka jirta.

Tusaale ahaan sida Buuga Duco Qabe ee madaxweyne Cigaal laga qoray waxa ku jirta wargeyska Jamhuuriya oo war ka qoray Cisbitaalka Hargeysa oo hooyo danyar ah oo aan lacag haysan markii lacag ay ku umusho wayday ee albaabka laga xidhay in cisbitaalka hortiisa ku dhashay, madaxweyne Cigaal markii uu aroortii warkaasi akhriyey markiiba wasiirkii Caafimaadka ayuu qoraal dheer usoo qoray uu leeyahay siday arrintaasi u dhacday iiga soo war bixi iyo sababta hooyada lacag loogu xidhay, isagoo wasiirka ku amrey in waraaqdaasi dhakhaatiirta ka hor akhriyo, isagoo dhakhaatiirta xasuusiiyey in markii ay qalin jabiyeen loo dhaariyey in qofka bugaanka ah ee horyaala aanay lacag waydiin ee xirfadda uu bartay ku badbaadiyo, marka madaxweynuhu hadii aanay dhacdadaasi warbaahintu soo tabin muu ogaadeen wasiirkana kuma amreen inuu waydiiyo siday arrintaasi foosha xun u dhacday.

Warbaahinta Somaliland waxay qayb ka ahayd hub ka dhigistii Somaliland, waxaanay shacabka bartay in intii qori uu isticmaali lahaa uu qalin isticmaalo oo halkii barigii hore dhici jirtay inuu qofku uu qori caaradii u adeegsan jirey ninka is hayaan ama uu wax ka tirsanayo in warbaahinta u bedeshay inuu qoraal isticmaalo oo tusaale ahaaan “qof shacab ah ayaa masuul xil haya awood dawladeed u adeegsaday dhul ama arrimo ay isku hayaan, halkii uu muwaadinkii qori usoo qaadan lahaa si uu dulmigaasii uu aaminsan yahay inuu awoodda dawlada wax ku fashanayo ugu jawaabi lahaa waxa loo bedelay inuu warbaahint ka hadlo oo cadhadii haysay marka uu warbaahinta ka hadlo ka degto, isla markaana ku ciil baxo oo uu ku ilaawo dulmigi uu tirsanayey, waxaad arkaysa nin cadhaysan oo marka uu qoraal kuu keeno uu qof ku maagayo marka aroortii uu jaraa’idka ku arko isagoo faraxsan aad arkayso kii hebel ma arkaysay dhulkaan la dhacee mar hadii aan dadka tusay dulmigi uu igu sameeyey imika nafisayaa, taasina waxay yaraysay gacan ka hadalkii qofka cadhooddaa qori uun isticmaali jirey.

Sidoo kale, waxa la ii sheegay in wakhtigi uu madaxweyne Cigaal xilka hayey inuu Idaacadda laga siidaayey hees lagu amaanayo, isla madaxweynihii inta uu idaacada tagay uu ku amray in aan mar dambe heestaasi la saarin, waxaanu u sheegay in dhirta iyo deegaanka ku fican tahay in la aamaano balse qof bani’aadam ah oo muddo gaaban xil haya hadhowna dhimanaya in heeso lagu amaana aanay fiicnayn, taasina waxay keentay in madaxdii ka dambaysay jidkaasi wada maraan oo warbaahinta laga saarin sida kalitaliyeyaasha heeso lagu amaanayo, waana sababtu dadku u neceb yihiin guul wadeynta waayo 21 sanno ayuu Soomaaliya dhakada ka haystay kalitaliye jecel amaanta, boqolkii heesood ee loo sameeyeyna isagay la dhinteen, sidaas darteed ma fiicna hees amaan ah oo qof muddo gaaban joogaya dunida  lagu amaano heestuna la galbato isaga.

Aan dib ugu soo noqdo mawduucaygii madaxweynah cusub waxa la gudboon inuu saaxiib dhow la noqdo warbaahinta oo aanu colaadsan,isla markaana uu fahmo inay isku ujeedo wada yihiin, oo laga wada shaqeeyo horumarka qarankan iyo sidii uu u gaadhi lahaa dalalka horumaray,isla markaana dawlad wanaaga iyo hadaladda madaxweynuhu ku hadli jiray wakhtiyadii ololaha ee la dagaalanka Musuqmaasuqa, cadaalad darada, eexda, faqriga, sharciga oo sareeya intaaba warbaahintu way kala shaqayn karaysa waana inta u badan ee warbaahinta wax ka qorto ama ka hadasho, waxa kale oo uu uga faa’iidaysan kara wacyigelinta dadka, wax soo saarka, jiheynta dadka, mideynta iyo hadba marxalada taagan ee wax lagu saxayo.

Way dhici karta wariye khaldan laakiin lama odhan karo way wada khaldan yihiin ama masaal lagama soo qaadan karo qof, sida uu siyaasi khaldan u jiro sida uu wadaad qalooca u jiro iyo sida ganacsade qalooca u jiro ayey iyaguna u yeelan karaan saxafi qalooca, marka qofkii qalooca tusaale uma aha inta ka badan, sidaas darteed danta qaranku wuxuu ku jira in hal ujeedo oo laga midaysan yahay jirto sida qaranimada looga wada midaysan yahay ayaa arrimaha bulshada muhiimka  u ah saxaafaddu ka midaysan tahay, saxaafadu kaliya waxay baadhaan ama eegta uun hadba wixi qalooca, hadii sharci jabin tahay hadii dulmi cid laga gallay tahay iyo haday dawladnimada cidi hagardaamo ku tahay intaaba dagaal bay kula jiraan.

Warbaahintunna waa habka kaliya ee dawladu fariimaheedda ku gaadhsiinayso, halka shacabkana fariimahoodda usoo marinayaan madaxda xukunta, waa halka shacabka warka ka helo, madaxduna warka shacabka xukumayeen ka helaan, sidaas darteed waxa loo baahan yahay uun la isla jaan qaado mar hadii dan guud uun la wada qabanayo wixii wada shaqaynta wax u dhimanayana laga qabto.

Barkhad-ladiif M. Cumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here