!!
5:00 galabnimo ayey si kadisa u kulmeen khaalid iyo hoodo, islamarkaa waxay ku kulmeen goob hotel ah oo uu khaalid ka shaqayn jiray wuxuna ka ahaa (witer) mudalab.

khaalid wuxu ahaa wiil aad u wanaagsan wuxuna ka mid ahaa aradayda loogu jecelyahay jaamacada, khaalid waa bulshaawi xadaari ah, khaalid waa danyar balse kama muuqato oo qalbiga ayuu qani ka yahay, khaalid galinka hore wuxu tagaa jaamacada galinka dambana wuxu ka xoogsadaa hotelkan, hoodo marnaba kamay filayn inay halkan oo kale ku aragto, balse waxay u khushuucday siduu iskugu kalsoonyahay una ilaashanayo shaqadiisa iyo waxbarashadiisa inkastoy markii hore qalbiga iskala hadashay oo ay is tidhi khaalid muu iska kaa qariyo.

Khaalid wuxu aad ugu farxay aragtida hoodo wuxuna u arkayey inay tahay fursad dahabi ah, sababtoo ah wali qalbiga khaalid muu soo ban dhigin ujeedadiisa uu ku doonayo hoodo, khaalid wuxu isku dayey inuu hoodo u sheego inuu arin muhiima u leeyahay balse waxa jaaniskii uu quud-daraynayey ka dhicisaysay gabadh habaryar u ah hoodo oo la socotay oo uu meel uu ka maro waayey, fursadaasina halkaasay ku dayacantay.

Hoodo waa gabadh khaaligu ku manaystay qurux oo jidhkeega laga ilaaliyey xubin la noco, hoodo waa gabadh xishood badan oo hadal gaaban isla markaana waalidked ku soo koriyeen tarbiyad wacan taas oo dhalisay inay noqoto gabadh had iyo jeer asturan, waana hablaha dhifka ah ee ugu ixtiraamka badan jaamacada.

koox uu khaalid ka mid yahay waxay abaabuleen in ardaydu u baxdo dalxiis, sidaa darteed professor aadan arintaa wuu ansixiyey waanuu ka ogolaaday dalxiiskaa.
Abaaro 5 subaxnimo ayuu khaalid u kacay tabaabushe iyo is diyaarin uu isku diyaarinayo dalxiis la magac baxay (dalxiiskii caashaqa ) waa koox dhalinyaro ah isla markaana ku bahoobay jaamacad ay wada dhiganayeen, waxayna ka koobnaayeen 15 wiil iyo 10 hablood, waa dalxiis si farshaxanimo leh loo soo diyaariyey, waxa kooxda dalxiisaysa hogaaminaya professor ka mid ah macalimiinta jaamacada.

dhamaan kooxadani aad ayey u xiisaynayeen dalxiiskan, waxayna in badan sugayeen wakhtiga la baxayo oo ku beegnayd 14/6/2010 waana maalin salaasa ah, qof kasta oo ka mid ahaa dalxiisayaashu aroor horaba wuu is diyaariyey, xiisaha iyo xamaasada ay u hayaan awgeed, waxa isna diyaar ahaa gaadiidkii ay raaci lahaayeen oo kala ahaa bas iyo lankaruusar.

Wakhtigu waa gu’ dhulkuna aad ayuu u roobanyahay, goobta dalxiiska loo tagayaana waa dhul badanaa dadku u dalxiis tagaan, waxayna caan ku tahay bad, buuro, durduro iyo dhul cagaaran oo geedo leh.

saacadu markay maraysay 6 subaxnimo wuxu qof kastaa heegan ku ahaa kursiga gaadhiga, professor aadan markuu hubsaday in ardaydu dhantahay ayuu fadhiistay kursigii loogu talo galay, 6:30 subaxnimo ayey ka ambabexeen magaaladii ay joogeen.

Dhamaan dalxiisayaashu waxay sitaan sahaydoodii, aad ayey ugu faraxsanyihiin dalxiiskan, intay jidka ku sii jireen waxay gudaha baska ka bilaabeen hadalo kaftan ah, dhamaan waa dhalinyaro waxa farxadooda u dheereyd labiska quruxda badan ee ay xidhan yihiin, muddo 3 saacadood ah ayey ku qaadatay inay gaadhaan meeshay u socdeen.

Markay dhamaantood dhulka cagaha soo dhigeen waxay indhaha la raaceen muuqaalka yaabka leh ee dhulkani leeyahay iyo neecawda macaan ee ka dhacaysa, waa goor barqo ah jawiguna aad u macaan yahay, professor aadan wuxu ardayda ku war galiyey inay fasax u yihiin bilowga dalxiiska wuxuna uga digay meelaha khatarta ah, kadib ardaydii iyagoo isku qaybiyey dhawr kooxood ayey koox waliba jiho u dhaqaaqday.

Khaalid wuxu ka mid ahaa ardayda ugu mudakarsan jaamacada, isla markaana wuxu ka mid ahaa xubnihii fikrada keenay in dalxiis loo baxo, balse khaalid maalintani waxay u ahayd maalin ka duwan maalmaha kale, sababtoo ah waxa maalintan ku cusbaa dareen xiiso galiyey naftiisa, oo markuu baska ka soo dagay indhihiisu waxay si toos ah ugu dhaceen hoodo, oo intay ardaydu dhulka daawanaysay isagu wuxu ku jeeday gabadhan, falaadhaha cadceeda iyo laydha macaan, jawiga xasiloon iyo labiska qurxoon ee ay hoodo wadato iyo farxada ka muuqata, ayaa mar kaliya iskugu beegmay, waxa halkaa ka dhalatay in khaaalid uu dareemo xiiso iyo kalgacal saayid ah.

Maadaama ay hoodo tahay gabadh aad loo ilaaliyo waxa maalintana la socotay habaryarteed, waxana adkaatay siduu khaalid ula kulmi lahaa hoodo, Waxa galinkii hore la soo wareegaba waxay gaadhay duhur, islamarkaa waxa dalxiisayaashii lagu war galiyey inay dhamaantood iskugu yimaadaan geed damal ah oo aad u wayn hadhkiisuna wanaagsan yahay, si loo qadeeyo, khaalid wuxu codsaday inuu isagu qaybiyo cuntada waayo wuxu wali raadinayaa fursad uu kula hadlo hoodo, khaalid wuxu cuntadii qaybiyaba wuxu soo gaadhay bartay fadhiday hoodo wuxuna la kulmay hoodo iyo habaryarteed iyo wiil kamid ah dalxiisayaasha oo gooni u fadhiya, isagoo qalbiga ka naxay ayaa waxa dhagihiisa ku soo dhacay hadalo ay is waydaarsanayeen 3 qof oo ah (habaryar wiilkan inaad aqbasho ayaan kula jecelahay) !!!!!

Khaalid isagoo ka biyo diiday wiilkan hoodo loo sasabayo ayuu cuntadii u dhigay, marku dib u laabtay ayey la hadashay hoodo waxayna ku tidhi walaal waxba maad cunine nala fadal, khaalid intuu yidhi mahadsanid ayuu iska dhaqaaqay, markii la qadeeyey ayaa waxa la bilaabay sheekooyin iyo kaftan goos goos ah, balse khaalid kamuu qayb galin, goor ay casarkii tahay ayaa loo dareeray dhulkii lagu dalxiisayey, balse khaalid kamuu qayb galin wuxuna kaligii joogaa baabuurta agtooda, hoodo waxay dhalintii ka dhex wayday khaalid waxana loo sheegay in khaalid ku sugan yahay baska dhexdiisa, hoodo intay habaryarteed ku tidhi waan soo noqonayaaa ayey khaalid oo kaligii ah u timid.

Khaalid isagoo isla maqan ayey hoodo ku soo jeedisay cod dabacsan, khaalid wuu farxad naxay waxa madaxa ka fuqday qolof wayn tin iyo cidhibna wuu jidhidhicooday, kadib waxay hoodo su’aashay waxa dadka ka reebay, isagoon jawaabin ayey hadana waydiisay dhawr su’aalood, balse khaalid intuu qalbiga iskala hadlay ayuu go’aansaday inuu badheedhihiisa cadeeyo, wuxuna yidhi: Walaal hoodo muddo sanad ahba waxaan rabay inaan kula hadlo balse iimay suuro galin, hayeeshee waxaan maanta kuu sheegayaa inaan aad kuu jeclahay, waan ogahay inaad wadanka ka dhoofayso, waxa kaloon ogahay in reerkiinu doonayaan inay kuu dhisaan wiilkii aad qadada wadaagayseen, hase ahaatee waxaan ahay qof kuu boholyoobay oo ilaa xad ku jecel, balae go’aanka adigaa iska leh, hoodo waxa ku duxay hadalada khaalid iyo kalgacaylka uu la hoos joogo, isla markaa hoodo kumay dagdagin go’aankee waxay khaalid usoo jeedisay inuu sheekadaa dib u dhigo oo uu ka qayb qaato dalxiiska.

Khaalid waxa qalbigiisa saaqay dareen farxadeed wuxuna ka ogolaaday inuu dalxiiska ka qayb qaato.

Khaalid iyo hoodo way wada socdaan, socod qabaw ayey ku laafyoonayaan, waxayna is waydaarsanayaan kaftan kalgacayl ka muuqdo, iftiinka cadceeda oo jihada galbeed ka xigta iyo dhulka cagaaran iyo jawiga xasiloon iyo neecawda macaan ayaa muujiyey shacnigooga, oo midba midka kale ayuu hoosta ka eegayaa, waxa kusoo lug daray koox ardaydii ka mid ah oo aad ugu khushuucay siday iskugu soo baxeen, markiiba waxa lala boobay sawiro, farxada iyo qosolka iyo raynraynta ka muuqataa waa mid saa’id ah, wiil ka mida ardayda ayaa si kaftana u yidhi dalxiiskeena waxa aad u nuuriyey khaalid iyo hoodo, inta la qoslay ayey gabadh kalana tidhi wacnaan lahaydaa haday lamaano noqdaan, waxay tamashleeyaanba waxa meel gaaban kaga soo baxday hoodo habaryarteed iyo wiilkii lala rabay, waxayna dareemeen in labadan xidhiidh ka dhexeeyo.

Wiilkii hoodo lala doonayey wuxu isku dayey inuu hoodo gaar ula baxo balse intaanuu la hadal ayey ardaydii su’aalo kala hor tageen wiilkii, waxayna waydiiyeen ka waran siday iskugu nuurayaan khaalid iyo hoodo? isagoon jawaabin ayaa arday kale ku yidhi saaxiib haday lamaane noqdaan sideed ugu hambalyeyn lahayd? wiilkii markuu arkay halkay xaaladi marayso ayuu si dhab ah u qancay, wuxuna yidhi farxadiinu waa farxadayda.

Ardaydii oo farxadoodu xadka dhaaftay, khaalid iyo hoodana dhoola cadayn isku jaleecaya, ayaa abaaro 5:30 galabnimo professor aadan dhamaantood ku war galiyey inay si dagdaga u diyaar garoobaan, isla markaana baabuurta fuulaan.

waxa goor habeenimo ah ay soo galeen magaaladii, qof waliba isagoo farxad la il daran ayuu gurigiisii tagay, khaalid laftiisuna isagoo kolba xasuusanaya farxadii dalxiiska, isla markaana is waydiinaya jawaabta kasoo bixi doonta hoodo ayuu gurigoogii tagay.

balse hoodo waxa markiiba su’aashay habaryarteed waxayna waydiisay waxa labadooda ka dhexeeya, hase ahaatee hoodo may jawaabin, markay guriga fooda galisayna waxa lagu salaamay in fiisihii usoo baxay oo 3 cisho dabadood baxayso, hoodo wax waliba kadis bay ku noqdeen, waxayna wayday wakhti ay go’aan ku gaadho.

Ardaydii markay markay maqashay in hoodo wadanka ka dhoofayso waxay abaabuleen xaflad sagootin ah, oo lagu macasalaamaynayo hoodo, khaalid wuxu ku go’aansaday inuu caawa war cad kasoo qaado hoodo, aad ayuu u labisanyahay wuxu gacanta ku sidaa ubax guduudan iyo hadiyad uu ugu talo galay hoodo.

Hotel ayaa layskugu yimid ardayduna way dhantahay hoodana kama maqna, laakiin waxa la sugayaa khaalid oo ahaa shakhsi aad loo taageero, cabaar markii la sugayey aadna loo raagsaday, ayaa lagu tashaday in xaflada la bilaabo wakhtiga oo yar awgeed, hoodo u qaadan waa ayuu ku noqday maqnaanshaha khaalid, sababtoo ah waxay doonaysay inay khaalid go’aan cad ku kala tagaan oo ay hubsato inuu caashaqu ka dhab yahay, maadaama ay bariba 10 ka subaxnimo diyaarada ku qoran tahay.

Xafladii way dhamaatay waxayna ardaydii si meeqaam sare leh ku sagootiyeen hoodo, waana lagu kala dareeray.

Wiil iyo gabadh ardayda ka mid ahaa ayaa is waydiiyey maqnaanshaha khaalid waxayna tageen gurigii khaalid balse dadkii guriga joogay waxay yidhahdeen khaalid intuu labistay ayuu fiidkii naga baxay, labadii arday waxay damceen inay baadidoonaan laakiin meel ay u dhaqaaqaan ayey garan waayeen.

khaalid cid ka warhaysaa ma jirtee qadarbaa ku dhacay, oo fiidkii isagoo xaflada ku soo socda ayuu la kulmay laba nin oo budhcad ah oo isku dayaya inay gabadh xoogaan, khaalid damiirkiisa ayaa siin waayey inuu iska dhaafo miskiintan budhcadu heshay, wuxuna ka damqaday dhawaaqa kasoo baxaya gabadhan oo ah (ala walaal iga qabo) khaalid wuxu bilaabay inuu difaaco gabadhan, aad ayey u dagaalameen, laakiin khaalid waxay madaxa kaga dhufteen dhagax, wuxuna ku dhacay dhulka waanuu miir doorsoomay, budhcadii markay aragtay in aanuu far dhaqaajinayn ayey baxsadeen iyagoo ka baqday in naftuba ka baxdo, khaalid waxa halkii ka qaaday niman ay u yeedhay gabadhani waxana la dhigay dhakhtarka.

3 habeenimo ayuu indhaha kala qaaday khaalid oo uu soo miiraabay, wuxu isku dayey inuu kaco balse kalkaaliyihii dhakhtarka ayaa ku yidhi waa saqdhexe waanad dhaawacan tahay ee intuu waagu baryayo ma bixi kartid, 5 tii subaxnimo waxa khaalid u yimid gabadhii uu daraadeed halista u galay oo ay la socdaan dad badani, markay xaaladiisa arkeen inuu nool yahay ayey gabadhii waydiisay khaalid reerkooga iyo meel lagala xidhiidho, laakiin khaalid wuxu gabadhii ka codsaday inuu fariin u dhiibo, fariintaas oo ku socota hoodo, way ka aqbashay waxayna u dhaqaaqday gurigii hoodo oo uu usoo tilmaamay.

Waxay raadisaba goor ay 8 dii aroornimo tahay ayey aragtay guri baabuur hor taagan yahay oo gaadhiga alaab lagu gurayo, waxayna waydiisay dadkii gabadh hoodo la yidhaa, waxa lagu yidhi gudaha ayey ku jirtaaye hore u soco.

gabadhii markay gudaha gashay waxay isha ku dhufatay laba hablood oo wada hadlaya, midi waxay leedahay ninkaasi waa beenaale oo way cadhaysan tahay, mida kalana waxay leedahay walaal hoodo shaydaanka iska naar, laakiin gabadhii fariinta siday ayaa tidhi idinkoo raali ah hoodo waatee, intay labadooduba soo jeedsadeen ayey hoodo tidhi waykan, gabadhii waxay tidhi isma garanaynee fariin ayaan kuu sidaa !!!!

Hoodo ayaa tidhi yaa kuu soo dhiibay???? gabadhii ayaa tidhi wiil khaalid la yidhaa ayaa iisoo dhiibay, hoodo markii horaba way cadhaysnayd markay magiciisii maqashayna waxay tidhi ma arki karo mana maqli karo ee u celi fariintiisa, balse hoodo saaxiibadeed ayaa tidhi hoodo waa ku sidee ma adoon waxba hubsan ayaad cadhoonaysaa, hoodo iyadoo cadhaysan ayey saaxiibadeed ku hor akhriday fariintii, waxana ku qornayd (walaal hoodo hadaan ku calfan waayey waa nasiibe ducaan kugu ogahay) hoodo markay kalmadaasi dhagaheega ku dhacday ayey qalbiga ka naxday, daqiiqado markii la aamusnaa ayey gabadhii fariinta siday isku dayday inay iska noqoto, laakiin intayna dhaqaaqin ayey dib usoo jeedsatay waxayna tidhi walaal hoodo khaalid iimuu sheegin gurigooga ee kiina ayuumbuu ii tilmaamay ee ma ii tilmaami kartaa, si dadkoogii uga war helaan waayo dhakhtarku wuxu sheegay in qaliin dagdaga lagu samaynayee, mar labaad ayey naxday hoodo, hadalna wuu kasoo bixi waayey oo shoog ayaa qabsaday, laakiin hoodo saaxiibadeed oo iyaduna naxsan ayaa tidhi walaal waxa dhacay maad noo sheegtid, gabadhii way u warantay siday wax u dheceen iyo xaaladuu ku suganyahay imika, iyo siduu hoodo uga warwarayo.

Hoodo jacayl oodihiisa wataa dabarka ku soo goostay, wuxu beerkeegu hayn waayey waxa la sheegayo, kalgacayl aan yaraynbaa ku habsaday, tin iyo cidhib dhidid baa qooyey, kal iyo laab jidhidhico jacaylbaa isku jabisay, indhahana ilmo aan xad lahaynbaa kasoo daadatay.

Hoodo iyadoon dhana eegin ayey dhakhtarkii gashay, waxay aragtay ardaydii jaamacada oo dhamaan wada jooga oo aad u murugaysan, waxay is tidhi malaha wuu dhintay, oo qof ay wax waydiiso ayey garan wayday, balse professor aadan ayaa si dagan ula hadlay, wuxuna u sheegay inuu noolyahay balse qolka qaliinka uu ku jiro.

Hoodo iskadaa diyaarad iyo dhoofe nafteedii ayey ilowday, habaryarteed oo ka daba timid una sida fiisihii iyo baasaboorkiina intay ka qaaday ayey halkii ku googoysay.

nasiib wanaag khaalid wuu soo kacay waxa usoo galay ardaydii oo dhan waxa ag fadhida hooyadii, hoodo farxad iyo yididiilo ayaa gashay, laakiin waxay wayday awood ay qolkii ku gasho, balse professor aadan ayaa niyada u dhisay oo ka caawiyey in mar uun indheheegu qabtaan.

ugu dambayn waxay noqdeen lamaane nolosha qaybsada isla qaybsada, waxa u bilaabantay nolol cusub, sanad walbana waxay u dalxiisi jireen goobtii la magac baxday (dalxiiskii caashaqa)


;30 habeenimo aniga oo socdaal caafimaad ku tagey magaalada Addis ababa, halkaas oo aan si kadisa ula kulmay saaxiibkay Deeq oo ahaa wiil dhalinyaro ahaa ,oo farxaana laguna asteeyo furfurnaan, iyo waji hillac,

hasayeeshee waxa deeq bariinsaday oo bahdii iyo barkii kala baxay kalgacal facwayn oo ku fogaaday dhaamaan feedhaha iyo waxaayaha jidhkoo idil, taasna waxa sababay jacayl dhiiranaa oo si kal iyo laab ah loogu qaabilay kalsooni badan oo niyad sami ku dheehantahay, waxaana caashaqaa ku abuurmay oo sida midhaha geedaha ku abqaalay kuna beeray gabadh la yidhaah ifraax, gabadhaasi oo sida waqalka uga heelaacday wadnihiisa bidix, horaa loo yidhi

“JACAYLKU DAACAD IYO HADDII UU HELO DARYEEL MA DUUGOOBEE OGAW”.

Ifraax xiligaa waxay deeq u muujisay dabacsanaan iyo dareen, iyo xushmad wayn, dabadeed deeqna waxa uu u muujiyay gabaadhaa , dareen naxaaris, taas oo labadaba fagaaraha aakhyaarta looga yaqaanay mataanihii jacaylka,waxaana dhex yaalay miisaan jacayl oo xaqsooran, labaadaa qof oo isku indho kuulan jiray waxaanay ahaayeen ,

dhaayo iyo aragood, dhoola iyo qosolkood ,laf iyo dhuuxeed,

waayo waxay ahaayeen ul iyo diirkeed,,Deeq waxa uu jacaylku ku kalifay in uu naftiisa u hibeeyo ifraax una huro maankiisa iyo maskaxdiisa, taa dhigeedana ifraax ayaan dabyar shideyn oo keentay heer ilaa cuntada ay cunayaan ka dhigtaan isku mid.

Oo si kaftan kalgacayl ku dheehanyahay isku su,aala , manta ama caawa caloosheenu waa mid, sidaa darted aan anfaco isku mida quudano ee maxaad cunaysaa caawa, waliba xiliyada ay waqti kulan isku helaan, waxay ahaayeen laba qof oo labiska ama huga oo qudha ku kala duwan , dhar ahaan, balse muuqa iyo midabka iskaga mid ah, jacaylkaa gaaxday ee heerkaa halista ah gaadhay, ee hadii ayna is arag saacad midba dhibta uu dareemayo, dhalan gadiyayso ka kale,AYAA WAATII HORE LOO YIDHI DABAR IYO HOGAAN IYO DANI WAA SEETEE.

Iyadoo xaal halkaa marayo ayaa waxa dhoof u soo baxay ifraax, nasiibkaa mid udhawna waxa helay Deeq, oo waxbarasho jamacadeed u helay ADDIS ABABA, ifraax oo u socota Denmark iyo deeq oo jamacad u tagay adiis, ayaa labaduba safarkii gaadhi ugu baqoolay meel labadaba dantoodu ku xidhnayd.

waxa ay noqdeen laba nafood oo isku mid ah, oo isku milmay,daymada indhahaa isku doogsade, sababtoo ah DHAAYIHII IS JECELBAA DHAB AHAAN IS RAADSHO DHAYAL UKALA JEEDSAN.

intii jidka lagu jiray qooraansi eegmada indhihii ayaa qaloocday, naf wax jecel ag joogta waa u nasiib iyo naruuro, xawaaraha u jaraayo gaadhiga ay saran yihiin waxa barbar socda, xawaaraha uu jaraayo wadnaha iyo dareenka deeq,waayo? Deeq waxa uu u ogyahay safarkiisa inuu ku eegyahay adis ababa, balse ifraax tahay qof u dhoofaysa dal shisheeye iyo dibad fog, is aragii dhaayuhu ku doogsan jireen ku danbaynayo dhagaysi, qudheeda ifraax shidada iyo shawrka kalgacayl kuma yara, oo iyaduba waxay ka fakaraysa jacaylkan safarka galay balse socdaalkii dhawaa fogaanayo, waxay yimaadeen ADISABABA iyagoo umal iyo urugo jacayl, midba gaarkii ula tiicayo,

hasa aahaatee may noqon laba qof oo xaafad wada daga, ifraax waxay dagtay booli, deeqna waxa uu la dagay adeerkii oo caruurtiisa dhoofinaayay oo dagan xaafada la yidhaah SHOOLA.

jacaylkii waxa durba soo food saaray duruufo lagama maarmaan ah. Ifraax waa qof safar kale laga sugayo , oo markiiba waxa loo dhaqaajiyay xaraynta foomka fiisaha iyo hawl safaaradeed, deeq laftiisa jacayl darani haku dagee, oo daruuro kalgacayl xambaarsan dhibica sida mahiigaan ha ugu asqeeyaane, isna hawl ayaa sugaysa oo ah inuu galo jamacada oo u baahan dariiq dheer, balse jacaylka uu u hayo ifraax ayaa ku kalifay intay tagayso in aanu waxbarasho bilaabin waayo?

Waxa aad ugu mudan aragtida ifraax, hase ahaatee ifraax safaarada qacanta kuma haysato, halka uu deeq maalinba waqtiga riixayo, oo uu adeerkii ku maawelinaayo jaamacad I qancisa ayaan raadsanayaa ee dagdagu ma wacna,

waxaanu taas u samaynayaa waa firaaqo aad u heshid yartan ifraax ee lagu beeray maskaxdiisa,ee sida geedka ka dhex baxday, ifraax dhankeeda dhibtu kuma yara oo waxay qaadaysaa oo ay ku sugantahay,AMA DHAMAC KALGACALBAA I DHALAALINAYSOO INTA’AAN LA DHOLANDHOLAY DHEXDU ILA YARAATAY.

Hase ahaatee, tagitaankeeda waxa qabanqaabinaya abtigeed iyo walaalkeed,kuna raad jooga ilaalinta iyo dhawarista ifraax, maadama dhulkani yahay mid shisheeye oo dhaqan ahaan kala duwanahay, waxa deeq uu ku guulaystay in uu helo taleefanka ifraax, waanu lahadlay salaam diiran oo kalgacayl dabadeed, waxa uu u sheegay in galitaankii jaamacda u darted u hakiyay, maadama mardanbe oo ale qadaro mooyee ay tahay aragii ugu danbeeyay, intaa markuu hadalkii marinaayo ayay tidhi, walaal waan qiiro ooyay ee halkee ayaan kugu imaadaa.

deeq ayaa si naxarisi ku dheehantay ugu jawaabay , walaal anaa ku imanayee iska joog, naf wax jeceli dhibanaa, deeq gaadhi ayuu kiraystay geeya xaafada ay daganayd ifraax.

jacayl waayo badanaa ifraax dibada ayay ku sugtay, waana ay kulmeen bariido qacmmeed, faraha la is dhaafsay waxay geeysay guri ay jaar ahaayeen, deeq waa lagu sii diday oo kaarkii caashaqa ayaa ku sii fiday, waxa uu qaadayaa JACAYLKAN DHULKAYGIYO HALKAN IGU DHIBAAYAAN DAL DHEER U DHOOFINAAYAA.

waw, ifraax lafteedu ma dhawa oo waxay maraysaa “sidii aan u laab kacay ladi waayay jiifkoo”, is warayste oo u sheegtay inay heshay fiisihii oo la siinayo laba todobaad oo ah 14 cisho, intaasna ay wada xidhiidhayaan deeq waa u farxad marna waa u naxdin waayo ?

jacaykisi ayaa helay nasiib wacan oo dhoof, marna waa uu murugo, oo ifraax xasuus uu qalbiga ka daawado mooyee isarag imika waa gabaabsi waxaase u leeyahay “dhawristeeda oo qudhaan ayaan dhawr ku qadayaa”, oo agjoogeedu guul iyo farxad ugu filan, waana uu ku hambalyeeyay waxaanu u sheegay in uu sugaayo, intaasna ay xidhiidh taleefan iyo netka kuwada noolaadan, maalinkastana inta ay joogto maagaalada u imanaayo si ILDOOGSI ugu noqoto, ifraax way ka aqbashay, waxaanay tidhi “ADIGA IYO JACAYLKABA IDIN ILAAWI MAAYO’OO WAAN IDIN TABAYAA”, maalintaa iyo maalmihii ka danbeeyaya waxay noloshooda ku qaateen dharaaro macaan, oo midba midka kale uu mabsuudo,

balse , maalmihii sida badda caariday oo soo buuxsantay ayay dagnaan iyo lama filaan ku soo idlaadeen, deeq caashaqu biyo dhig, dhinac walba kalgacaylku u dhaaf, ifraax way laqabtaa dareenkaa hasa ahaatee farahaa ilaahay masimee,waxa qadarin badan oo cishqigu ku wayn yahay waa deeq, waayo?

Isagaa laga tagayaa waxaaba lagaadhay dhoofkii, ifraax bulsho uu ku jirro deeq ayaa sii galbisay,balse deeq meel uu maraayo isma oga, waxaabu ku sigtay inuu diyaarada balaasha qabsado marka laga eego, sida uu u foofay iyo badwaynta jacaylka ee lagaga tagay, waxaase niyada u dhistay ifraax oo tidhi, anaa kuu nool ee ha warwarin la isna maca salaamee

ifraax oyday ,deeqna ilmee dhiig caashaq, duushay oo diyaaradii kacday,deeqna isagoo dalanbaabiya ku soo noqoy halkuu daganaa, waagii bari, deeq qalbiga ayuu ka daalanyahay , intaan xalay moodaayay in uu hurdo,,waxa uu saarnaa diyaaradii ay ifraax raaxday, waa gataati dhac, xili barqo ah ayaan toosiyay, markuu indhaha kala qaaday ayuu yidhi iifraax inoo gee, anoo dareensan waxa ka hadlinyaa in uu yahay jacayl qoto dheer, oo qalbigiisa galay ayaan ku idhi

Saaxiib waataynu xalay anba bixinay markaasuu intuu soobaaday yidhi” alla waa runtaa sxb sideen ahaa “ waxan ugu jawaabay “waa jacayl iyo caadkii” sadex casho markay maqnayd ifraax ayay soo hadashay ayadoo kawaramaysa nabad qabkeeda waana ay wada hadleen

Number uu kala hadlo ayay siisay, waana uu kala xidhiidhi jiray ,

Deeq waxa uu joogaa adiss oo ah, halkii jacaylku kaga dhoofay , waxa ay markasta ishiisu qabataa , maalmihii ay wada joogeen dhulkay mari jireen , taasi hadaba waxa ay deeq kadhigtay , maxbuus qalbiga uga xidhan ifraax oo waxa uu qaadayaa

“ADIGOO DALDHEER JIRAAN HALKAN KAA DAREEMAA IFRAAX WAAN KU JECELAHAY”

Waxa uu bilaabay Tacliintiisii , hase yeeshee isaga ayaabay jaamacadi kafuran tahay beerkiisa

Oo waxa ka ifaysa ifraax , oo marka aanay lasoo hadal waaba bastii oo balo ayaa ka higle

Markuu la hadlana ma ah wiil buka oo waabu bogsadaa , waxaas oo dhana waxa sababay caashaq , jacayl , iyo kalgacayl is urursaday oo guluf ku haya isaga

LAABI LABA U LA hadaba ninkii isku kari waa tacliin iyo taleefan ku hadal , waa ifraax oo biixiyaha dhabarka howl yari ku baahday , waxa uu dhigay qalin kii qalbigana waxa uu ku xardhay ifraax oo kaliya , nasiib daro’se waxay tahay ‘siduu ugu lisay ugumay hambayn’

Ileyn waa gabadh yurub gashay oo jacayl kiiba way ka mashquushay

Isagiina ayada oo kaliya ayaabu ku mashquulsan yahay , maalinba maalinta ka danbaysa waxa sii yaraanayay soo hadal keedii , deeqna wuu sii karaar qaadanayay

Waxa hadaba ku sii kordhay Dhamac kalgacayl oo adkaysi u diiday waxaana qalbigiisa kadhex maaxaysa ifraax oo sida miiraale roob iyo weedhka hadba dhinac kaga meeraysanaysa maskaxdiisa

Gantaal jacayl ayaa siwayn ugu dhacay markii ay ifraax anba baxday , waxaanu noqday baal dabayli sidato iyo badwayn baaxaa dagaysa , waxa uu hadaba deeq hamuun iyo hiirtaanyo uqabaa Hadalka ifraax

Balse iyadu sidii ay u baqooshay way yaraysay hadalkii uu u jeelanaa , hadaba deeq waxa ku dhacay dareen cidlo

Waxaanu noqday maxbuus uxidhan gabadh aan xukun ku ridan oo dulman , Balse ilaa imika deeq waa uu kujiraa Jeel caashaq oo aan lahayn Loyar iyo Maxkamad u dooda Marka laga reebo aniga oo u caqli celin jiray Samir iyo dulqaadna fari jiray

Hase yeeshee ilayn waanadu madeeqdo Ruux jacayl ku wayn yahay Deeq iga diid waanadii Balse Jacayl ayaa dardaray oo waxa uu yidhi

ADAAN DOOG JACAYL IYO KALGACAYL KU DAARINE MIYAAN DUNIBA JOOGAA

SAAXIIB WAAN SILIC SOCDAAYE HADAL KAA IDAM QAAYEE IGADAA WALAAL

Markuu Halkaa marinaayay ayaan go aansaday inaan raadiyo ifraax si aan ugu sheego halka ay saaxib kay lamarayso dhibaatada jacay ee ku kaliyay satay

Nasiib wanaag waan helay ifraax , waxaan se odhaahdeedii kadareemay in uu jacaylkeedu ku ekaa eriboodka (airport) sidaan anigu u maleeyay

Markaa waxaa halkaasi aan kadareemay in jacaylkii deeq iyo kii ifraaxba ku kaliyaystay isla saxiib kay deeq marhadii lagaga tagay oon loo ogayn,

Hadaba ilayn lamaanahayni isjeclaa waxa kala fogeeyay war xuma tashiil , waxa ay nasiibdaradu tahay in ay ifraax rumaysatay warxuma tashiil kaasi soo weeraray

Saxiibkay deeqna waa uu lasocday in lakala fogeeyay hadaba wakhtigaa saxiibkay wuxu isku maaweelinayay hees aan midheheedii ka xasuusto,

CAKU LABA ISBARATOO

ISKU BOGOO ISKALA BAXAY

BOQOLKU IYO DHEERAAD

MARKUU BAAHAY XIISUHU

KALGACAYLKII SOOBAXAY

BISILYAHAY LACUNI LAA

ISBARIIDIN WAAYOO

BINI AADAM KALA DILAY

Bal hadaba kadis kani layaabkale ee dhacay dadoow ufiirsada

Isaga oo deeq ku hawlan heestani oo maskax diisa iyo qalbigu isku jiibinayaan ayaa waxa soo dhacay taleefan aniga idoonaya saxiibkay deeqna uu I agfadhiyaa

Si dag dag ah ayaan u qabtay Waxanan ogaaday in ay tahay ifraax

Bariido aanu is waydaarsanay dabadeed waxa aan markiiba la boobay waano iyo canaan isu jira , intaa kadib waxa aan taleefan kii ugu dhiibay deeq

Hadaba markii aan u fidiyay gacanta taleefanka saxiibkay waxa aan wajigiisa kadareemay

Furfurnaan ,hididiilo , iyo rajo uu kadamacsanyahay soonoqodka ifraax intaa kadib maxaa dhici doona

Deeq oo si dag dag ah u hadlaya ayaa yidhi ‘ walaal is daji cid aan adiga aduunka kaa jecelahay majirto waxaa laguu sheegayna waa waxba kama jiraan ‘

Hase ahaatee iyadu dhag jalaq umay siin halkiina kama dabcin waxaanay ku adkaysatay in wax yaalahaa looga soo tabiyay oo ilayn show ahaa inuu gabadh kale la rafiiqay ay jiraan

Iyaduna fariintan ay waday ay ahayd uun inay kabaxday oo ay is fasaxaan

Intaas oo la is dhaafsaday kadib Deeq wajigiisu wuxuu isu badalay dhidid miidhan , murugo , iyo ciil kasoo if baxay wajiga saxiibkay deeq , waxaanu dirqi ku haleelay intii aanay dhigin telefonka

IBAD BAADI BEERKAAD LABAXDAA BUKOODEE

Markii arinku halkaasi marayay gabal ayaa u dhacay deeq waxaanu ku muusanaabay

WEHELKA WEHELKAYGA CAASHAQA

LAWADAAGI JIRAY BAAN

WALI U YEEDHA

WAKHTIGII WACNAAYEE

IWAYDAARTAY BAAN

WALI XASUUSTAA

Hadaba aniga iyo saxiibkay deeq halkii ayaanu ku kala tagnay habeen kaasi isaga oo aad u murugo iyo ciilba qaba

Waxa la isu soo noqday aroornimadii iyo fagaarihii asxaabtu ku kulmi jirtay

Asxaabtana waxa ku jiray qaybtii kashayqaysay isu dirka deeq iyo ifraax iyagoo ku hadaaqaya erayo laga soo xigtay ifraax oo sumcada iyo sharafta deeq ku tumanaysa , halka uu deeqna marka laga waraysto ifraax uu erayo wanaagsan iyo amaan kabixinaayay hase yeeshee markii ay erayadaasi dhawaca ku sii kordhinayay deeq hadhiwaayeen kalatagistii ifraaxna ay kalmadahaasi kaga dhib bateen

Ayaanu habeen qol isugu nimidnay aniga iyo saxiibkay deeq isagoo ay laabtiisa gubayaan kalmadihii warxuma tashiilku

Wax uu jiif iyo joog xamili waayaba , mar ay goor sheegtu (sacadu) ahayd cabaara 2:30 kii habeenimo goobtuna tahay Ethiopia (adis ababa) ayaa aniga oo hurda waxa aan ku toosay saxiibkay oo jiif iyo joogba xamili la oo kacaa fadhiisanaya

Deeq waxa uu markiiba qaatay Talefan I agyaalay waxaanan waydii yay cida soo jeeda ee uu xiligan garaacayo , waxaanu ii sheegay in uu garaacayo ifraax

Runtii aniga waxa ay igu noqotay layaab dhibaatada saxiib kay uu la baaxaa dagayo

Deeq waxa uu garaacay ifraax , Talefan kii ayaanay ka qabatay , waxaanu ku yidhi isaga oo cabsanaya

“ IFRAAX WALAAL WAA ANIGA WAA DEEQ, KUU MAAN SOO GARAACIN INAAN KAA NIXIYO WALAL, XILIGAN AAN KU SOO GARAACAYNA WALI WAXA AY KA TURJUMAYSAA JACAYL KA AAN KUU QABO, KUNA ILAAWI MAAYO INTA AAN NOOLAHAY WAXANAN RAJAYNAYAA HADII AAN IFKA ISU ARKI WAYNAY INAAN HOYGA AAKHIRO ISU ARAGNO, WAXAAN SE KAA CODSANAYAA INAAD IGA DAYSO CEEBTA IYO AFLAGAADADA TAASOO IGU KEENTA MARWALBA DHAAWAC KAWAYN KII KALA FOGAAN SHEHEENU I YEELAY , WAXAANAN KU FARXI LAHAA ADIGA OO AAN WEEDH SAN KAA MAQLO.

Intaa kadib deeq waxa uu isaga oon iyada jawaab kasugayn dhigay talefoon kii inta kali ah eegubaysayna ay ahayd intaasi uu u qodobeeyay ifraax

Hadaba aniga oo lasocday dhibaatada iyo baaxaa daga ku kali ah saxiibkay iyo sida uu xidhiidh koodu u kala go’ay , warxuma tashiilka weeraray ayaa waxa igu dhalatay maansadan oo aan ugu magac daray HAATUF CAASHAQ waxanay ahayd sidan .

1.

WAA HAATUF CAASHAQOO

HALKAAN U HOYDIYO

HEER KAAN KU SUGANAHAY

HAWRAAR KUUGU SHEGIYE

2.

KOLAY WAAN HUBAAYOO

HADIMADA KALGACALKA

ANIGAA LAHOYDOO

IFKA UGA HULEELEE

3.

KOLKAAD I HAGRATEED

IIGA HIILIN WAYDAY

HALISTAA JACAYLKEE

HALIIGAYSA BEERKEE

4.

OGSOONOW HABEEN QUDHA

HAMIGAYGA LAABTIYO

KAMAAD HADHIN BOGAYGOO

HALBAWLAHAAD KU NOOLAYD

5.

OO HANAQA IYO LAABTAAD

HADBA QAYB DAGTAAYOO

SIDA HILAACA KARANTII

KA HANQADHAA DUSHAYDEE

6.

SIDAN HAYB SIGAAGII

HABOONEEY DARAADAA

NAFTA KUUGU HURAYEEN

U HIBEEYAY AWGAA

7.

ADNA WAAD IHIIFTOO

MAAD HAGAAJIN QALBIGII

HANAQAAD JACAYL IYO

HOR ILAAH U TAAGNAA

8.

RUUX HOGA XABAASHIYO

IIL HOOSE TAGAYOO

ABID KAA HADHAYNOO

KUU HARAADAN BAAN AHAY

9.

HAYEESHEE IFRAAXEEY

HAMBALYIYO SALAAN IYO

HIBASHIYO XASUUS BAAN

KUUSOO HANEEYEE

10.

KOLKA AAD HALEESHEE

HADALQAAD KA WAAYAHA

HAASAAWAHAA GUUD

DADKU KUGU HAYBSHAAN

11.

HALKA AAN KAA XIGO

NAFTU KAMA HABAWDEE

HAWRAAR SAN TILMAANTAY

SI HUFAN U TABIYOO

12.

NAFTAA HIRDOOGLIYO

MALAB HIBITIQAAYA

U HAYSAN ABIDOO

BARYO KUGU SOO HADHGALIYE

Sheeko Jacayl ah Xusuus iyo Murugo Qalbigaaga ku….
Waa habeen xasuus mudan qofkasto oo ibnu aadan ahna uu ku qasban yahay in uu qoro ama uu xuso dhibatooyinka iyo qisooyinka ku dhaco , waxaan ahaa wiil somaliyed oo ka hela in uu is ticmaalo aalada INTER NET ka si daran waqtigiisana ku bixiyay aniga oo jeclesanaayo xariirka aan la samey nayo dad badan aniga oo ula
jeed kayga markaasina uu yahay in aan ka barto bulsho iyo asaxab qiimo leh ba.
waxaa habeen habeenada kamid ah, aan kula kulmay meelaha lagu shekesto ee aalada Net ka, aniga oo markasto jeclaa in aan galo qolol ka diiniga iyo tar tanka Qur’aan ka karim ka, ayaan waxaan kula kulmay, qol aan ku jiray ee paltalk gabar igacodsatay in ay i weydiiso su’aalo badan waana u ogolaaday, waxay i weedisay magaceyga iyo halka aan dunidan baaxada weeyn aan kaga noolahay, waxaana ku iri waxaan ku noolahay dalka Egypt, waxa ay i weeydiisay waxa aan ku haayo egypt, waxaan u sheegay in aan u joogo in aan ku dhamesto leeman, waxaa ay i wediisay wax xariir ah in aan lee yahay, waxaana sida runta ah uga waramay in aana leheen wax xariir iyo reerba, waxa ay iga codsatay in aan xariirno weliba aniga oo xaqiiqda ka hadlaayo, sida runta ah aniga ma ku xeel dheeri isticmaalka Chaat roomka iyo qaab kiisa shukaansi, mana ihi sida aan maantay ahay oo aan qisada daabacayo, sida markii aan is baraneeynay gabadha, waxaan meshii ku gaarnay go’aan kaas oo ahaa indho aan ayada eheen in aana yeelan waqti kastona aan kulano,
waxayna ii sheegtay magaceda oo ay itiri IDIlL iyo addres ka wadanka ay dagan tahay iyo weliba Tel keda, intaas kadib waxaan u bandhigay gabada, in aana xariir siin karin ilaa ay ayada soo bandhigto waxa ay codsaneyso in ay hesho, waxaana ku xujeeyay in ay isoo wacdo isoo xariiriso mar kasto, maadaama ayada ay horeyso intaa ka dib waxaa na dhex maray xariir maalmo socday, kadib waxaan u diroba waa ay sameysaa tilaabo kasto oo aan ka codsado in ay ii sameysana waa ay ii sameysaa, ayada oo sawiradeeda iyo hadiyado Romanceba iigu soo dirtay posto fariimo badan oo aan hada qori doonona iigu soo dhiiibto live ahaan, aqristoow gabadhu ilaah waa uu ka dhameestiray dhan walbo, indhihii mar eegaahina dib u ma jalee caan, dhibaatooyinkan ziyaada da noqday ee maantay jira iyo sida ay maantay beenta iyo dhibatoyinka ay u jiraan uma jirin xiliga aan la kulmaayo gabadhaas, mana aysan eheen dhalinta maantay sida ay ugu cayaaraan caashaqa iyo xariirkaba markaas aan aniga gabadha baranaaye,
aqristoow hadal badan haan ma buuxsho, waxaan gabadha kala kulmay, wado kasto oo rumeyneysa xariir keda, kana dhab shegeso qalbigeda, aqristoow, waxaa tahay ibnu aadan waxaad leedahay dareen, aan is celin karin mar hadaa hesho wax aad is ledahay anfac bay lee yihin, waxaan qalbiga si sugan oga soo gooyay in aan helay qofkii mustaqbal keyga, ayada oo aan dhan walbo ka eegay dibna aan u raacay dabcigeeda iyo qiimenteda, iimana soo bixin wax aan ehen 100 %, aqristoow, nin meelu u cadahay meelu ka madoow, wwaxaa si lama filaan ah iigu baaxay iiguna saaqay ka helitaan aan u qaaday gabadha, aniga oona jecleen marka ay iga soo dib dhacdo, isla markaana aniga aan galaayo waqtiga aan la balan sanahay sacad ama labasaac ka hor, mudo markii aan wada soconay, ayaa waxaan gaaray in aan dhibsado kista yarta ay iga soo daaheyso iyo mararka qaar oo card ka telfonka ay igu soo weceyso oo yaraanayo, ayadu waa ay danesataa, waa ay sahqeysata, waxna waa ay barataa, ana waa ii daney neysa , oo aniga dartay waxay u gooynyesa mararka qaar howleheeda, aqristow, waxaan si dhab ah u jeclaaday gabadhii, IDIL waqti kasto waxaan dul taaganahay INTER NET ka , miir aan IDIL eheen malihi, hadal aan idil eheena iguma socdaan , gabadhii aan arkaa ama aan maqlaa waxay iila muuqataa IDIL, aqristoow, waan seexanayaa oo weliba gam’ayaa waase su’aale miyey riyadeedu i deyn.? waa riyada mida aan ku farxo, mida aan ku salalo, habeen walba ku hadraayo,waqti walbo aan u dul taagnahay halkani, way i daashatay si aad ah weliba, xusuus, sheeko & hadal-ba ayada ayaa ii noqotay, waan ka fekeraa mar walba, aniga oo wax walba ka hormarinaya raali ahaanteeda waxaanse qalbigayga kula yaabanahay sida ay ugu weenaatay IDIL waxaan mar kasto oo aan u xiiso oon la har sanwaayo aana la hoyaadi waayo dabka ka shidan qalbigayga, waxaan isku sa sabaa ayada oo offline ah in aan Message u dhaafo aniga oo leh.
Ka: Tinish yare
Ku: qalbigayga nuur kiisa IDIL
iga gudoon salaan loo hago mida loo hanweyn yahay una horeysa hablaha maanta dunida jooga, habsami & wanaag, heybad & asluub, hanaan & qurux, hamuun & kalgacal middii aan u hayay, hubaashii waxaad tahay inan tusalaaha ku haboon, hareerta kale ka eeg, heerka sixadeyda waa hagaag, adigana sidaa iyo si ka haboon ayaan had & jeer rabbi kaaga baryayaa , salaan kadib honey marna ha u maleyn in, inta aad iga maqan tahay in aan moogahay xusuustaada, markaan ku garwaaqsadana waa damqashadii & halkeedii, qalbigeyguna waa qalbigii dunida oo idil kaa yaqiinay, waa qalbigeygii gacan saarka uusan igala tashan kula lahaa, waa qalbigeygii aad wax walba u aheyd,waa qalbigii had iyo jeer xiliga uu kuu xiiso aad xubnihisa ku saaqi jirtay waa qalbigii mar kasto oow niyada kugu qabto ku la kulmi jiray asiga oo wax kasto iyo hurdo kasto ka hor marinaayo kulan kaaga iyo balan kaaga ,IDIL gacaliso waxaan ku Jeclaaday, Jaceyl aan qof sidaa loo Jeclaan, waxaan kuu hibeeyay kalsooni mida ugu weyn oo uusan walaal u hibeyn walaalkii ama aabe uusan u hibeyn wiilkii, been kuuma sheegin weligey, naftuna waxay ku talax tagtay Jaceylkaagii oo mar walbo aan niyada ku haayo,aqristow, mudada aan IDIL la socdo waa mudo ku dhawaatay 1 sano intaasna weligey dib u dhac iyo been balan ka bax iyo wax keeni karo qilaaf kuma aana arkin, aniga majirto wey aan u dib dhicikaro maadaama nin wax jecladay aan ahay, isla markaasna maantay asiga aana awoodin in birta loogu dhifto, mar kastona waxaan ka dadaali jiray been iyo is badal in aniga la iga helo aniga oo kalsoni aan ayada ka sameysanaye siiyay baswer ka magaceyga iyo wax kasto oo INTER NET oon ka is ticmalo oon heysatyba aan farta ka saaray, si ay ugu cadaato in aan kili u ahay, anigana waxaan la ama kaag sanahay, riyada aan ku jiro iyo mar walbo sida aan ugu dhoho hadalada macan, si ay iigu dan qato, waxaana iraahdaa xili kasto waxa ay iga mudan tahay, aniga oo macaanka aan u qabo malinba malinta ka danbeyso oow igu sii kor dhaayo, aniga oo leh ,
IDILey dhaayahaaga buluugga ah dhabanadaada guduudan
timahaaga dhuxusha ah ilkahaaga dhalaalaya
dhabarkaaga toosan iyo dhexdaadan la qoraan
IDILeey la dheygagay dumarkaad wax dheertahay
dhismaha jirkaagaa dhaayihii mar arkaa
dhinac u jeeso oggoleyn hadal iyo dhamaantii
yey ila dhaqaaqin amaantoo adna aanan wax kuu dhimine
murtideyda ila dhuux , dhimbil baa igu dheggenoo
maalmahan idhibeysey , Jaceyl bey dhaawacoo
dhinacaaga iga helay , caashaqa dhibkiisana
qofka laguma dhaafo , dhaawaciisa culusaa
dhaqtarkiisu yaraa , dhimashadiisu fududaa ,
dhadhan waan ka go’ayoo, hurdo dhinac ma seexdo
adaan kuu dhararayaa ee dheyl warkayga hamoodin,
intaa iyo in ka macaanba kama daalo in aan la xariiro IDIL, isla markaana uu ugaaro xariir kena weynaantisa labada dhinacba, isla markaana aniga laftayda aana qabin wax shaki iyo dhib aan ku qabo xariirka IDIL, isla markana aysan jirin wax aniga xageyga ka imaado oo dhib ah, oo keeni kara in aan niyad jabo, run ahaanti mana awoodo in maantay dhib aan kala kulmo IDIL maxaayeelay waxaan ka jeclaaday wax kasto oo kasoo haray allaha abuuray adunkaan iyo rasuulka usoo dirsaday iyo kitabkisa ,
Idiley wad iyo calaf waxaan ahayn,inay nakala weeciyaan jacaylkeenaa kaweyn,waqtiga wuu soconayaaye,inaan wiigba ceyn ahaano jaceylkeena aa kaweyn, koley wadnayaal israacey,waxaa weerara was waas,wax kastoo oo nagu yimaado,ma wiiqaan jacaylka-oo,jac
aylkeenaa kaweyn, nafba waxaa u qaali ah qoftii ay jeclaatee, nin uu caashaq qalaayana sir maqarin karaayee, indhuhu quusan maayaan waanada maqaataan talo kuma qancaayaane , qallaa layga marayaa qiiq baa leygu shidayaa hadana waa qar qarayaa oo waa qaboo babahay , qeys baan ladiris ahay qabri baan ku dhawahay,
gacalisadaan jeclaayeey,guud ahaan adduunyada
adaan kaa garwaaqsaday,gaduudkaaga dhiinka ah baa
gebigeey isaaqay
axdigii hagarabmarin Guursanmaayo inan kale
god inaad gasho mooyee Ama aad igoysaa
garaadkey wuxuu isiiyey guur inaan yagleelnoon gurigeey ku geystoon
gogol kugula seexdo Ee gef miyaa gacalooy?
intaa hadal iyo af macaani ee aan gaarsiinayo, aqristoow is ma dhihin hal marna ma dhici karta in qofkaan aad cal fan weyso, ma dhici kartaa in aysan eheen mida aad kula dakeyn doonto dunida dusheeda, mar kasto oo aan dad aan ka maqlo naagu waa sir kaliya, waa dabin xun yihin, naftayda, waxaan ku sa sabaa, waxa beenta iyo boro bogan daha isku sheego e caashaqa beenta ahna isla dhiso in ay yihiin wax islaam nimada iyo imaan kuba uu ku yar yahay, xikmaduna waa tan oraneyso, Tilaabo aan loo dhalan lextaako ma dhaafto , sidaa darteed anigana waxaan aamin sanahay beentu in ay raad gaaban tahay, qof mudodaan aan is wadnona in aysan waqtigaas oodhan aysan been iyo lug gooyo aysan ku bixineen, sidaa darteedna aana dhag u dhigin dilaaya yaasha caashaqa oo markasto noqon karo afka saxibadaada iyo bulsha daada ayaga, oo inta badan ay jeceyl yihin in ay kaa booriyaan sida aad isku raacisay , lakin laba kala bariday kala warla , waxa aan dha dhan sanaayo, iyo macaanka aan qabo ma ay u jedaan hee!!!
ana kama daalo in aan maalin kasto diro E-mail kii la iiga bartay, aniga oo E-mail ka aan diro usan u ekeen kii shalay aan diray, waloo meel yar xitaa aysan iska soo galin, ee uu yahay maalin kasto Message aan diro mid kasoo go’ay qalbi macaan iyo dareen caashaq leh, waxaana iraahdaa markasto oo aan fariin u diraayona hadalo la jeclesan karo, hadaa aqrisana aadan is celin karin hadaa wax jecesha hay ama lagu jecel yahay,
Idiley dadka taan ka doortaay,dareenkii wadnahaygaay
diirkii jirkeygaay, dooqeygu tuu raacaay
waxaan kuu soo dirayaa, salaan daacad ahoo debecsan
diiranoo duunyoo idil iyo, doolarka ka qaalisan
Oo dubka sareetiyo, halbowlaha dacaladiisiyo
ku dahaaran qalbiga, Oo diiwaanka wadnihiyo
ku daboolan caloosha ,Ee adigana ha daayicinoo
haygu sii deynin duurkee, I daryeel macaaneey
daa’inkii ina uumayna, waxaan kaaga dalbayaa
deeq inuu ku siiyiyo, caafimaad derejo leh
Intaa dabadeed, aan iska dabro salaantoo
aan usoo daadago, dulucdiyo ujeedada
Inanyahay dartaa baan, duhur iyo habeen
hurdadii u diiday, anfacadiinna u daayay
jaceyl bey duufsadoo ,duufaannada waxqaadiyo
Igu daray dabeylaha, Ee intaanan dulloobinoon
duurka gelin , Idugaaliyoo idaawee
Ila duubo gacalooy!!
muduo markii ay ka soo wareegtay xariirkeeni, waxaa habeen habeenada ka mid ah ay iga soo wacday tel ka, ayada oo igu leh waan yara mashqulay baby sorry ma aana kuu soo sheegin, hoolbaan ku mashquulo, maba aana joogin xaafada iyo halkii aan ku kulmi jirnay, dhib uma aana arkin is badalna uma aana dareemin, balse nin aanwax ogeen alle ma cadaabo, Tinish waa nin wa hore laga tashaday, mudo kadib ayaan soo baraarugay, oon iri saan shaqo kaliya mahanee waa maxay fitnadan imaatay, oo honey aad u maqli la’dahay waxaan u diray Tel waa ay iga qabatay lakin ma calfan in ay ila hadasho markii ay maqashay codkayga, ayna fahantay in aan aniga ahay, hoosha waxayba u badashay Anser meshin oo la igu yiri IDIL ma joogto wixii fariin aad u heyso halka ugu dhaaf waxaa igu baryay waaga waxaan is iri shalayba markii lagu rabay mala weynin waqti iyo firaqo fariin la igu soo gaarsiyo mana jirin tel la iigu xiro mashin ama la igu dhageesto, ee maantay marki la iga daba tagoo la ogaaday in aana ka maarmin miyaa waqti la’aaniyo broblem imaaday, waxaan fikiray E-mail baadi goob ah in aan udiro islma markaana aan ku ogaado halka fitnada ay ka socoto iyo cida mas’uulka ka eh , aniga oo leh ,,
walaaley sanku neeflaha oo idil,
Intuu Alle uumay, subaxaan tii ugu sarreysay
samaantii u dhalatay suuraddaada wacaniyo
Sidii qaabkii xuurul cayntii,
sunniyaha indhaha iyo sanqaroorka shuban, iyo
sinnaanshaha ilkaagiyo, si markaan u eegaba
In leygu saaqay ma ogtahay, suntii jaceylkaa I gaartoo
seben hore I haleeshay, hadaadan I saacidin
caashaqa si wanaagsan aadan iila qaban
maxaa ii danbeyn doono ?
aduunkaanu joogno hadduu qof ku amaano
abaal uu kuu galo Lama ag maro,
asaagey ayaad tahay, Ifka aan ku jeclahay
dadkaan kaa ishaartay kaa arkooday dumaro koo idil
Ee daadka caashaqaa Igu beertay,
afka ka awoodi waayey uurka siduu tebaayo,
aduunyada Illaaheey marba waa ayaan si ah
aadamigu sidiisana qofba waa ayaankii
mar buu anfac leeyahay !!
mudo markii aan aqbaar ka waaye IDIL anigana aan u xiiso qabo baa, waxaan maalin maal maha kamid ah isku aragnay MSN ka, iyada oo igu qancineyso in ay hooyo xanuun satay isbitalna ayla gashay waxaan ahay ruux ubaahan gabadha, qalbigedana aan ka maarmin, ma awoodo in aan xanaaqo, ma awoodo in aan qalbigeyga nabsi aan ka galo, oo xumaato iyo is fahandaro aniga iga timaado, uu ku waayo gabadha waqtiga dheer uu u dhafraaye, una duleesnaa, waal kiisan ku iloobay, isla markaana aana ku dhihin wax xanaaq leh iyo cuqdad iyo edeeyn intaba, ee waxaan ku qancay warkii ay igu tiri balse waxay iga diiday wax aan ka codsaday, waxaan ku iri baby isma aana maqlin ku dhawad 5 week, taasna waa ii ayaan daro, waxaan ka codsanaa in aad isoo wacdo hada, marka aad qadka ka baxdo, lakin waa maalinti iigu horesay ay igu tiri hada anaaba kula jogaa he maxaa ku falee Tel, waa filin iyo fitno bilow geed aniga oo is dajinaayo baa waxaan ku iri honey, halkani waa qoraal sida aad ka ahina iskuma dareen siin karno dhawaca yada jaceyl, daawoyinkooda ee isoo wac waad ku qasban tehee,aniga saas waxaan u leeyahay waxaan heystay, kalsooni la igu maqlo, codsigeygana lagu tix galiyo, lakin nin waa hore filin kisa la laabay in aan ahay isma ogi , si kaftan ah lakin aana kaga baran iyo fara kacayaar bay igu tiri bro ma haayo waqti aan kugu soo woco, lakin waan ku soo wici doonaa !! hadii alle musiibo kula maago waa gooni lakin waxaan la yaaba nahay wajigan qarsonaa ee caawa soo if baxay, si naxdin iyo dhidid leh baan ku iri honey
Go’aan aynu gaarnay hadal aan guntiisii kuu soo gabagabeeyay goormuu gefkani dhacay, guul baan filayee godol baan ka sugayee goormad fitnada ulabisatay , miyuu guray wanaagii..? ma adaa gooyay nabadii.? mise nacab gur-guurtoo godobteena jeceloo ina kala gudbinayaa jira, anna geerideydiyo guul darrooyin ila raba, adna gacan shisheeyiyo in aad guurba seegto guumowda kula raba, si qosol leh oo ana kaga baran IDIL in ay ii isticmasho aniga ay tiri loooolkkkkkkkk
waad hadleysa weliba waxaa ku fiican tahay in abwaan lagaa dhigo bro aniga waan fikiray weli sidagan oo tar tiib ah aan u fikiray, waxaana ii soo baxday in aana is haleyli karin maxayelay aniga waxaan rabaa boy friend kayga in uu akta iga fadhiyo kol kasto oo aan isku baahano mana awoodo intaan ka badan in aan ku sii lug gooyo , ee sorry bro , waagaa igu bar yay lug gooyo iima harin meesha Bomka uu iiga qarxaayona ma ahan gurigayga iyo ayada horteeda midna ee waa Net Cafe oo umado badani ay fadhiyan hareeraheyga, ku kasto oo isoo eegana ilmadeyda wuxuu yiraahdaa madhibaa lagaaga soo shegay reer kii muqdisho, lool cidoo dhan haday dhintaan oo ay dhamaadan ma u maleenayo sida duul kan ilintisa ay ii xanuujisay in ay ii xanuu jineyso uurka, lakin aniga oo hadlayo misana isleh kolba way ku tijaabine oo dumar qayanadii lagama salgaree inaa iska ordeyso iyo in kale ay tijaabine naagu wa balaaye ee is celi baleey kuu danqataa , markaas ayaan waxan iri
IDiley dooqiyo jaceylkuba dadka wey wadaagaan,
damac iyo xishoodna dumar lagama waayo,
diintiyo qur’aankuna culimadu ma deyso,
anna doonistaadii kama daallin inanyahay,
Inaan kuu dandaranahay adba waad dareentaye
Maad ila dadaashid?
IDiley cowsha duurka joogtiyo , dugaagiyo waraabahaan
maalmahan la deris noqday , waan daahayaayoon
waan duulayaayoon ,adiga kuu duleysnahay
degenaanshihii diidayoo ,cishqi kale igama degaayo
Ee hadaan leygu kaa dirin ,ama dooqu xumi ku gelin
maxayna kala dareershay?.
waranka duxdiisiyo , waxa adiga kuu daran
anba kuguma daayeen
Ee maxaad iiga durugtay?
marhadii alle wax kula doono ama garab kaaga oow ka boxo umada uma ekid qofkii naxaris iyo af macani iyo danqasho cashaq iyo darenkisa iyo suntisa in aana lagu ca cayaarin iga waanin jirtay ee weligeed igu dhihi jirtay sida aan kuu jeclaaday aadane koonkaan joogo ee aan u jecladay maleh ayaa caawa aqristow waxa ay igu lee dahay bro iga rali noqo!!!!!! runti aniga saxib wan lahaa lakin adiga marka aan ku baranaaye asiga ayaan ku xumeenaaye oo qilaaf inoo dhaxeeyay, hada markii aan heshiinayna adiga waxaan diidaaye in aan muraayada kaa jabiyo maadaama aan ogahay in aad Zaa’id ii jecesha hay, marka saas ayaan qadka u soo gali waaye, weliba saxibkay ayaan farimaha adiga aad soodirto tusay aqristayna, marka bro adiga waxaa tahay qof muhim ah qof fiican bro nabsi in aan kaa galay, oo aan qalad kaa galay oo aana cafis leheen waan ogahay, lakin bro aniga lafteyda waan iskaga kaa ciyaaraye!!! oo saxiib kay xarash aan u haaye ayaan adiga kaala so dul dhacay ee bro wax aan sameyona ma kasaayo weligey haben kuma sexan jaceyl aan adiga kuu qabo intaas oo waqti aad igu lumisayna ka raali noqo!!! runti ma jeclen in aad dartey u waalato ama u noqoto mid ka dheeraado jaceyl kiisa runta ah dhib aniga aan kuu geestay dartiis, ee bro waa iska caadi waa iska aduunyo ha u bixin, intaas marka aan afkeeda ka maqlay,!!!!!!!
aqristow maxaa ila gudboon in aan sameeyo?
aqristoow qofkani asigana waxa uuba taagan yahay waan kugu tijaabinaye, oo cayaar bayba iga eheed ana waxaanba taaganahay saacad dharka hadaan tuurana, aan u heesto in aan weli xaragonayo, lakin waxan ku iri ,,,,,,,,,,,,
idileey ogoow irid baa furmeysa, nasiibkaa isxaami ilaa aakhira saacaha, Ifkaan kuugu jeclahay, inaan ku waayo waa ii ayaandaree ,inteed joogtaa kuu ooyaye,
Inteed joogtaa kuu ooyaye, ilmadu iga qubatayee ,Ideecadaha aduunka, akhbaaraadka cusub Ogeysiisyad iyo wararka, isgaarsinta caalamka Joornaalada afka dheer , ee abaara runta ,aaladaha internetka, web siteyada emailada iyo Chat inka lagu qoro afaraha Romance iyo Is araga MSN ka, miyaadan ka akhrinin ereyadeyda Jaceyl ,Inaan wacadkii iloobinoo, wali kuu oomanahay, Adigoo kala laguma uumin aduunkee, mana arki doonee ololkii caashaqa ee oofaha i gooyay, miyaadan ii ogeyn,
axdigiyo jacaylka ururada caashaqa ee aduunka ka jira ajendaha ay qoreen asxaabtii la aasey ee caashaqu idleeyey ,abwaanada wax alifee suugaanta abuura miyayna ku ogeysiin inaan wacadkii iloobinoo wali kuu oomanahay ,,
Ifaalaha jacayl ubixii aan beerey, udgaayee carfaayay Idiley magacaa amaan iyo aamin ilaaliye dhaartii wadnahayga aamin ii iftiinshe aragaaga, adimihiyo xubnaha Diidey iney irdheeyaan axdigii adkaa igu yiri aduun iyo aakhiro iilkii xabaasha asxaabteyda runtaa oon taariikhdeyda iloobeyn miyaysan Ku ogeysiin inaan wacadkii iloobin oon wali ku oomanahay, aduun waa calaf ogow dartaa ama aduun ama aakhiro,
aqristoow ma garanaayo cid aan nabsi ka galay si aan ugu duceysto, waan hurdaa waana soo jeedaa IDIL darteed, misna waan socdaa aniga oo aanan garaneyn halka aan u socdo, waana ka haraadsanahay wax kasta oo aan cabo, mana garanaayo waxa aan ku oon bixi karo, mar hadaad garab keyga ka baxday waxaanse qalbiga ku hayaa alle in uu u adeego adoomadisa masakinta,
waxaan dareemayaa in aan ahay qof si wax ka yihiin, gocoshaduna ku weyn tahay, waxaan qirayaa in aan qalbiga kugu qoray, laabtana kugu sawiray la’aantaana nolosha ay san ii dha dahmen, in kastoo igu tiri wax aana kaa astaahilin qof muslin ah kugu dhaqan iyo diin ah na aan lagu dhihin, lakin nabsi waa kii soo if baxaa ana nabarka aad igu dhifatay waa mid xisaab tisa ay imaan doonto !!!!!!
aqristow xayi adag ma ihi, xabaal weli ma gelin, waan xanuunsanahoo xigto & dadkii ma xushmeyn karo, xishood waan ka tegay, xad dhaaf waali & nin xir-xiran ma’ihi tii aan xusahana xero dhaaftaye, maxaad igala soo doontay asal kaagii hore qalbi meelesan, maxaadse caashaqa qoobka cayaarka iigu dishoo miraayadeyda ugu qarxisay , maxaadse qalbi aadan ii heynin iyo niyada iiga dhigtay mid ii baahan, jaceyl aadan ii qabina maxaa iigu beertay, mise filin ayaad dhigeysay oo qarash baa kuu socday, mise Sheeko ayaad igu alifeysay, mise Musal Sal ayaad sameyneysay mise Entertaimanti wax eh ayaad i mooday aniga miyaadan ogeen Romance gu in loo jiisobo loo sakaraaday duulal badanina naftu ay u wayeen, mala socotaa nabsiga aad geesatay sida aan unoqday mase u jeedaa xaalka aan ku suganahay mise dareen santahay. IDIL maalin ima soo marto illaa waan ooyaa adiga owgaa lakin dhibkaad hor marsataahi waa ku kuu danbeeyo ee
IDILEY miyaadan rabi leheen oo beer danqadaahi kugu oolin ?!!!!!!!!!!
aqristo meel kasto ood caalamka ka joogtaan, qisadan xaqiiqda ah ee aan farsamo iyo caqli isku tagay ku imaan ee qof ay si rasmi ah live ay ugu dhacday qalbigisa oga qoray, waxaan aqristow idin kaga digaa Dad kaan badalmay iyo duun yadan halow day ee qabiil kiyo aanfada u ban baxday, ee lug gooyada iyo dhibaatada u istaagtay,iyo dumarkaan ibtiloboo hawadooda raacay, in dhalin yarooy imaankiniyo qalbigiina aysan aan fayninee, oodnaan u dayicin mustaqbal kiinee oodnaan isa siininee ood ka digtoonaataan hagar daamada haweenka maantay jira, si aad naan ugu dhicin dabinka an ku dhacay iyo sida aan ku suganahay maantay, dhibaatoyinka Singal Mum iyo Girl paltalk ku jirto iyo Chat rom I.W.M ee ka danestoo dantiina aqoon sadoo nin walbo mehradii loo dirsaday haka faa’ideystoo ha iska yiraahdo niyada dib baa loo noqon donaa oo xal iyo daganaasho waa soo car fayahe maxaad qabsan doontaa, maxaadse ku nolaan doontaa mustaqbal ka soo socdo, ee caashaqan qawda maqashii waxna ha u qaban ta ah iska indha xiroo iska dhaga tiroo danahiina muhiimka ah ka raacda.
anaa go’oo firinbi igu yeroo i aamino tilbada i qabsatay adigaba way kugu soo socota, dhilinyaroy is jiroo maankiinana celiyoo dadbaa hortiin caashqu aan feyoo ibtileyee baan dheeyay awgiise lana il daran ilaa maantay ee taarikh yesan ku qabsan adoo indha ku fiiqan yihina ha iska dhigin nin aan wax ogeenee…
Waxaa ay qisadan ka dhax dhacaday wiil iyo gabar kala joogo Egypt iyo Holand qisadaan waxaa sihagar la aan ah qalinka ugaqaatay wariye m.c.c iyo waliba waxaa gacan weyn kageysty jaamac xusen jaamac nimbuzz2

Sheeko Jacayl ah Xusuus iyo Murugo Qalbigaaga ku….
Waa habeen xasuus mudan qofkasto oo ibnu aadan ahna uu ku qasban yahay in uu qoro ama uu xuso dhibatooyinka iyo qisooyinka ku dhaco , waxaan ahaa wiil somaliyed oo ka hela in uu is ticmaalo aalada INTER NET ka si daran waqtigiisana ku bixiyay aniga oo jeclesanaayo xariirka aan la samey nayo dad badan aniga oo ula
jeed kayga markaasina uu yahay in aan ka barto bulsho iyo asaxab qiimo leh ba.
waxaa habeen habeenada kamid ah, aan kula kulmay meelaha lagu shekesto ee aalada Net ka, aniga oo markasto jeclaa in aan galo qolol ka diiniga iyo tar tanka Qur’aan ka karim ka, ayaan waxaan kula kulmay, qol aan ku jiray ee paltalk gabar igacodsatay in ay i weydiiso su’aalo badan waana u ogolaaday, waxay i weedisay magaceyga iyo halka aan dunidan baaxada weeyn aan kaga noolahay, waxaana ku iri waxaan ku noolahay dalka Egypt, waxa ay i weeydiisay waxa aan ku haayo egypt, waxaan u sheegay in aan u joogo in aan ku dhamesto leeman, waxaa ay i wediisay wax xariir ah in aan lee yahay, waxaana sida runta ah uga waramay in aana leheen wax xariir iyo reerba, waxa ay iga codsatay in aan xariirno weliba aniga oo xaqiiqda ka hadlaayo, sida runta ah aniga ma ku xeel dheeri isticmaalka Chaat roomka iyo qaab kiisa shukaansi, mana ihi sida aan maantay ahay oo aan qisada daabacayo, sida markii aan is baraneeynay gabadha, waxaan meshii ku gaarnay go’aan kaas oo ahaa indho aan ayada eheen in aana yeelan waqti kastona aan kulano,
waxayna ii sheegtay magaceda oo ay itiri IDIlL iyo addres ka wadanka ay dagan tahay iyo weliba Tel keda, intaas kadib waxaan u bandhigay gabada, in aana xariir siin karin ilaa ay ayada soo bandhigto waxa ay codsaneyso in ay hesho, waxaana ku xujeeyay in ay isoo wacdo isoo xariiriso mar kasto, maadaama ayada ay horeyso intaa ka dib waxaa na dhex maray xariir maalmo socday, kadib waxaan u diroba waa ay sameysaa tilaabo kasto oo aan ka codsado in ay ii sameysana waa ay ii sameysaa, ayada oo sawiradeeda iyo hadiyado Romanceba iigu soo dirtay posto fariimo badan oo aan hada qori doonona iigu soo dhiiibto live ahaan, aqristoow gabadhu ilaah waa uu ka dhameestiray dhan walbo, indhihii mar eegaahina dib u ma jalee caan, dhibaatooyinkan ziyaada da noqday ee maantay jira iyo sida ay maantay beenta iyo dhibatoyinka ay u jiraan uma jirin xiliga aan la kulmaayo gabadhaas, mana aysan eheen dhalinta maantay sida ay ugu cayaaraan caashaqa iyo xariirkaba markaas aan aniga gabadha baranaaye,
aqristoow hadal badan haan ma buuxsho, waxaan gabadha kala kulmay, wado kasto oo rumeyneysa xariir keda, kana dhab shegeso qalbigeda, aqristoow, waxaa tahay ibnu aadan waxaad leedahay dareen, aan is celin karin mar hadaa hesho wax aad is ledahay anfac bay lee yihin, waxaan qalbiga si sugan oga soo gooyay in aan helay qofkii mustaqbal keyga, ayada oo aan dhan walbo ka eegay dibna aan u raacay dabcigeeda iyo qiimenteda, iimana soo bixin wax aan ehen 100 %, aqristoow, nin meelu u cadahay meelu ka madoow, wwaxaa si lama filaan ah iigu baaxay iiguna saaqay ka helitaan aan u qaaday gabadha, aniga oona jecleen marka ay iga soo dib dhacdo, isla markaana aniga aan galaayo waqtiga aan la balan sanahay sacad ama labasaac ka hor, mudo markii aan wada soconay, ayaa waxaan gaaray in aan dhibsado kista yarta ay iga soo daaheyso iyo mararka qaar oo card ka telfonka ay igu soo weceyso oo yaraanayo, ayadu waa ay danesataa, waa ay sahqeysata, waxna waa ay barataa, ana waa ii daney neysa , oo aniga dartay waxay u gooynyesa mararka qaar howleheeda, aqristow, waxaan si dhab ah u jeclaaday gabadhii, IDIL waqti kasto waxaan dul taaganahay INTER NET ka , miir aan IDIL eheen malihi, hadal aan idil eheena iguma socdaan , gabadhii aan arkaa ama aan maqlaa waxay iila muuqataa IDIL, aqristoow, waan seexanayaa oo weliba gam’ayaa waase su’aale miyey riyadeedu i deyn.? waa riyada mida aan ku farxo, mida aan ku salalo, habeen walba ku hadraayo,waqti walbo aan u dul taagnahay halkani, way i daashatay si aad ah weliba, xusuus, sheeko & hadal-ba ayada ayaa ii noqotay, waan ka fekeraa mar walba, aniga oo wax walba ka hormarinaya raali ahaanteeda waxaanse qalbigayga kula yaabanahay sida ay ugu weenaatay IDIL waxaan mar kasto oo aan u xiiso oon la har sanwaayo aana la hoyaadi waayo dabka ka shidan qalbigayga, waxaan isku sa sabaa ayada oo offline ah in aan Message u dhaafo aniga oo leh.
Ka: Tinish yare
Ku: qalbigayga nuur kiisa IDIL
iga gudoon salaan loo hago mida loo hanweyn yahay una horeysa hablaha maanta dunida jooga, habsami & wanaag, heybad & asluub, hanaan & qurux, hamuun & kalgacal middii aan u hayay, hubaashii waxaad tahay inan tusalaaha ku haboon, hareerta kale ka eeg, heerka sixadeyda waa hagaag, adigana sidaa iyo si ka haboon ayaan had & jeer rabbi kaaga baryayaa , salaan kadib honey marna ha u maleyn in, inta aad iga maqan tahay in aan moogahay xusuustaada, markaan ku garwaaqsadana waa damqashadii & halkeedii, qalbigeyguna waa qalbigii dunida oo idil kaa yaqiinay, waa qalbigeygii gacan saarka uusan igala tashan kula lahaa, waa qalbigeygii aad wax walba u aheyd,waa qalbigii had iyo jeer xiliga uu kuu xiiso aad xubnihisa ku saaqi jirtay waa qalbigii mar kasto oow niyada kugu qabto ku la kulmi jiray asiga oo wax kasto iyo hurdo kasto ka hor marinaayo kulan kaaga iyo balan kaaga ,IDIL gacaliso waxaan ku Jeclaaday, Jaceyl aan qof sidaa loo Jeclaan, waxaan kuu hibeeyay kalsooni mida ugu weyn oo uusan walaal u hibeyn walaalkii ama aabe uusan u hibeyn wiilkii, been kuuma sheegin weligey, naftuna waxay ku talax tagtay Jaceylkaagii oo mar walbo aan niyada ku haayo,aqristow, mudada aan IDIL la socdo waa mudo ku dhawaatay 1 sano intaasna weligey dib u dhac iyo been balan ka bax iyo wax keeni karo qilaaf kuma aana arkin, aniga majirto wey aan u dib dhicikaro maadaama nin wax jecladay aan ahay, isla markaasna maantay asiga aana awoodin in birta loogu dhifto, mar kastona waxaan ka dadaali jiray been iyo is badal in aniga la iga helo aniga oo kalsoni aan ayada ka sameysanaye siiyay baswer ka magaceyga iyo wax kasto oo INTER NET oon ka is ticmalo oon heysatyba aan farta ka saaray, si ay ugu cadaato in aan kili u ahay, anigana waxaan la ama kaag sanahay, riyada aan ku jiro iyo mar walbo sida aan ugu dhoho hadalada macan, si ay iigu dan qato, waxaana iraahdaa xili kasto waxa ay iga mudan tahay, aniga oo macaanka aan u qabo malinba malinta ka danbeyso oow igu sii kor dhaayo, aniga oo leh ,
IDILey dhaayahaaga buluugga ah dhabanadaada guduudan
timahaaga dhuxusha ah ilkahaaga dhalaalaya
dhabarkaaga toosan iyo dhexdaadan la qoraan
IDILeey la dheygagay dumarkaad wax dheertahay
dhismaha jirkaagaa dhaayihii mar arkaa
dhinac u jeeso oggoleyn hadal iyo dhamaantii
yey ila dhaqaaqin amaantoo adna aanan wax kuu dhimine
murtideyda ila dhuux , dhimbil baa igu dheggenoo
maalmahan idhibeysey , Jaceyl bey dhaawacoo
dhinacaaga iga helay , caashaqa dhibkiisana
qofka laguma dhaafo , dhaawaciisa culusaa
dhaqtarkiisu yaraa , dhimashadiisu fududaa ,
dhadhan waan ka go’ayoo, hurdo dhinac ma seexdo
adaan kuu dhararayaa ee dheyl warkayga hamoodin,
intaa iyo in ka macaanba kama daalo in aan la xariiro IDIL, isla markaana uu ugaaro xariir kena weynaantisa labada dhinacba, isla markaana aniga laftayda aana qabin wax shaki iyo dhib aan ku qabo xariirka IDIL, isla markana aysan jirin wax aniga xageyga ka imaado oo dhib ah, oo keeni kara in aan niyad jabo, run ahaanti mana awoodo in maantay dhib aan kala kulmo IDIL maxaayeelay waxaan ka jeclaaday wax kasto oo kasoo haray allaha abuuray adunkaan iyo rasuulka usoo dirsaday iyo kitabkisa ,
Idiley wad iyo calaf waxaan ahayn,inay nakala weeciyaan jacaylkeenaa kaweyn,waqtiga wuu soconayaaye,inaan wiigba ceyn ahaano jaceylkeena aa kaweyn, koley wadnayaal israacey,waxaa weerara was waas,wax kastoo oo nagu yimaado,ma wiiqaan jacaylka-oo,jac
aylkeenaa kaweyn, nafba waxaa u qaali ah qoftii ay jeclaatee, nin uu caashaq qalaayana sir maqarin karaayee, indhuhu quusan maayaan waanada maqaataan talo kuma qancaayaane , qallaa layga marayaa qiiq baa leygu shidayaa hadana waa qar qarayaa oo waa qaboo babahay , qeys baan ladiris ahay qabri baan ku dhawahay,
gacalisadaan jeclaayeey,guud ahaan adduunyada
adaan kaa garwaaqsaday,gaduudkaaga dhiinka ah baa
gebigeey isaaqay
axdigii hagarabmarin Guursanmaayo inan kale
god inaad gasho mooyee Ama aad igoysaa
garaadkey wuxuu isiiyey guur inaan yagleelnoon gurigeey ku geystoon
gogol kugula seexdo Ee gef miyaa gacalooy?
intaa hadal iyo af macaani ee aan gaarsiinayo, aqristoow is ma dhihin hal marna ma dhici karta in qofkaan aad cal fan weyso, ma dhici kartaa in aysan eheen mida aad kula dakeyn doonto dunida dusheeda, mar kasto oo aan dad aan ka maqlo naagu waa sir kaliya, waa dabin xun yihin, naftayda, waxaan ku sa sabaa, waxa beenta iyo boro bogan daha isku sheego e caashaqa beenta ahna isla dhiso in ay yihiin wax islaam nimada iyo imaan kuba uu ku yar yahay, xikmaduna waa tan oraneyso, Tilaabo aan loo dhalan lextaako ma dhaafto , sidaa darteed anigana waxaan aamin sanahay beentu in ay raad gaaban tahay, qof mudodaan aan is wadnona in aysan waqtigaas oodhan aysan been iyo lug gooyo aysan ku bixineen, sidaa darteedna aana dhag u dhigin dilaaya yaasha caashaqa oo markasto noqon karo afka saxibadaada iyo bulsha daada ayaga, oo inta badan ay jeceyl yihin in ay kaa booriyaan sida aad isku raacisay , lakin laba kala bariday kala warla , waxa aan dha dhan sanaayo, iyo macaanka aan qabo ma ay u jedaan hee!!!
ana kama daalo in aan maalin kasto diro E-mail kii la iiga bartay, aniga oo E-mail ka aan diro usan u ekeen kii shalay aan diray, waloo meel yar xitaa aysan iska soo galin, ee uu yahay maalin kasto Message aan diro mid kasoo go’ay qalbi macaan iyo dareen caashaq leh, waxaana iraahdaa markasto oo aan fariin u diraayona hadalo la jeclesan karo, hadaa aqrisana aadan is celin karin hadaa wax jecesha hay ama lagu jecel yahay,
Idiley dadka taan ka doortaay,dareenkii wadnahaygaay
diirkii jirkeygaay, dooqeygu tuu raacaay
waxaan kuu soo dirayaa, salaan daacad ahoo debecsan
diiranoo duunyoo idil iyo, doolarka ka qaalisan
Oo dubka sareetiyo, halbowlaha dacaladiisiyo
ku dahaaran qalbiga, Oo diiwaanka wadnihiyo
ku daboolan caloosha ,Ee adigana ha daayicinoo
haygu sii deynin duurkee, I daryeel macaaneey
daa’inkii ina uumayna, waxaan kaaga dalbayaa
deeq inuu ku siiyiyo, caafimaad derejo leh
Intaa dabadeed, aan iska dabro salaantoo
aan usoo daadago, dulucdiyo ujeedada
Inanyahay dartaa baan, duhur iyo habeen
hurdadii u diiday, anfacadiinna u daayay
jaceyl bey duufsadoo ,duufaannada waxqaadiyo
Igu daray dabeylaha, Ee intaanan dulloobinoon
duurka gelin , Idugaaliyoo idaawee
Ila duubo gacalooy!!
muduo markii ay ka soo wareegtay xariirkeeni, waxaa habeen habeenada ka mid ah ay iga soo wacday tel ka, ayada oo igu leh waan yara mashqulay baby sorry ma aana kuu soo sheegin, hoolbaan ku mashquulo, maba aana joogin xaafada iyo halkii aan ku kulmi jirnay, dhib uma aana arkin is badalna uma aana dareemin, balse nin aanwax ogeen alle ma cadaabo, Tinish waa nin wa hore laga tashaday, mudo kadib ayaan soo baraarugay, oon iri saan shaqo kaliya mahanee waa maxay fitnadan imaatay, oo honey aad u maqli la’dahay waxaan u diray Tel waa ay iga qabatay lakin ma calfan in ay ila hadasho markii ay maqashay codkayga, ayna fahantay in aan aniga ahay, hoosha waxayba u badashay Anser meshin oo la igu yiri IDIL ma joogto wixii fariin aad u heyso halka ugu dhaaf waxaa igu baryay waaga waxaan is iri shalayba markii lagu rabay mala weynin waqti iyo firaqo fariin la igu soo gaarsiyo mana jirin tel la iigu xiro mashin ama la igu dhageesto, ee maantay marki la iga daba tagoo la ogaaday in aana ka maarmin miyaa waqti la’aaniyo broblem imaaday, waxaan fikiray E-mail baadi goob ah in aan udiro islma markaana aan ku ogaado halka fitnada ay ka socoto iyo cida mas’uulka ka eh , aniga oo leh ,,
walaaley sanku neeflaha oo idil,
Intuu Alle uumay, subaxaan tii ugu sarreysay
samaantii u dhalatay suuraddaada wacaniyo
Sidii qaabkii xuurul cayntii,
sunniyaha indhaha iyo sanqaroorka shuban, iyo
sinnaanshaha ilkaagiyo, si markaan u eegaba
In leygu saaqay ma ogtahay, suntii jaceylkaa I gaartoo
seben hore I haleeshay, hadaadan I saacidin
caashaqa si wanaagsan aadan iila qaban
maxaa ii danbeyn doono ?
aduunkaanu joogno hadduu qof ku amaano
abaal uu kuu galo Lama ag maro,
asaagey ayaad tahay, Ifka aan ku jeclahay
dadkaan kaa ishaartay kaa arkooday dumaro koo idil
Ee daadka caashaqaa Igu beertay,
afka ka awoodi waayey uurka siduu tebaayo,
aduunyada Illaaheey marba waa ayaan si ah
aadamigu sidiisana qofba waa ayaankii
mar buu anfac leeyahay !!
mudo markii aan aqbaar ka waaye IDIL anigana aan u xiiso qabo baa, waxaan maalin maal maha kamid ah isku aragnay MSN ka, iyada oo igu qancineyso in ay hooyo xanuun satay isbitalna ayla gashay waxaan ahay ruux ubaahan gabadha, qalbigedana aan ka maarmin, ma awoodo in aan xanaaqo, ma awoodo in aan qalbigeyga nabsi aan ka galo, oo xumaato iyo is fahandaro aniga iga timaado, uu ku waayo gabadha waqtiga dheer uu u dhafraaye, una duleesnaa, waal kiisan ku iloobay, isla markaana aana ku dhihin wax xanaaq leh iyo cuqdad iyo edeeyn intaba, ee waxaan ku qancay warkii ay igu tiri balse waxay iga diiday wax aan ka codsaday, waxaan ku iri baby isma aana maqlin ku dhawad 5 week, taasna waa ii ayaan daro, waxaan ka codsanaa in aad isoo wacdo hada, marka aad qadka ka baxdo, lakin waa maalinti iigu horesay ay igu tiri hada anaaba kula jogaa he maxaa ku falee Tel, waa filin iyo fitno bilow geed aniga oo is dajinaayo baa waxaan ku iri honey, halkani waa qoraal sida aad ka ahina iskuma dareen siin karno dhawaca yada jaceyl, daawoyinkooda ee isoo wac waad ku qasban tehee,aniga saas waxaan u leeyahay waxaan heystay, kalsooni la igu maqlo, codsigeygana lagu tix galiyo, lakin nin waa hore filin kisa la laabay in aan ahay isma ogi , si kaftan ah lakin aana kaga baran iyo fara kacayaar bay igu tiri bro ma haayo waqti aan kugu soo woco, lakin waan ku soo wici doonaa !! hadii alle musiibo kula maago waa gooni lakin waxaan la yaaba nahay wajigan qarsonaa ee caawa soo if baxay, si naxdin iyo dhidid leh baan ku iri honey
Go’aan aynu gaarnay hadal aan guntiisii kuu soo gabagabeeyay goormuu gefkani dhacay, guul baan filayee godol baan ka sugayee goormad fitnada ulabisatay , miyuu guray wanaagii..? ma adaa gooyay nabadii.? mise nacab gur-guurtoo godobteena jeceloo ina kala gudbinayaa jira, anna geerideydiyo guul darrooyin ila raba, adna gacan shisheeyiyo in aad guurba seegto guumowda kula raba, si qosol leh oo ana kaga baran IDIL in ay ii isticmasho aniga ay tiri loooolkkkkkkkk
waad hadleysa weliba waxaa ku fiican tahay in abwaan lagaa dhigo bro aniga waan fikiray weli sidagan oo tar tiib ah aan u fikiray, waxaana ii soo baxday in aana is haleyli karin maxayelay aniga waxaan rabaa boy friend kayga in uu akta iga fadhiyo kol kasto oo aan isku baahano mana awoodo intaan ka badan in aan ku sii lug gooyo , ee sorry bro , waagaa igu bar yay lug gooyo iima harin meesha Bomka uu iiga qarxaayona ma ahan gurigayga iyo ayada horteeda midna ee waa Net Cafe oo umado badani ay fadhiyan hareeraheyga, ku kasto oo isoo eegana ilmadeyda wuxuu yiraahdaa madhibaa lagaaga soo shegay reer kii muqdisho, lool cidoo dhan haday dhintaan oo ay dhamaadan ma u maleenayo sida duul kan ilintisa ay ii xanuujisay in ay ii xanuu jineyso uurka, lakin aniga oo hadlayo misana isleh kolba way ku tijaabine oo dumar qayanadii lagama salgaree inaa iska ordeyso iyo in kale ay tijaabine naagu wa balaaye ee is celi baleey kuu danqataa , markaas ayaan waxan iri
IDiley dooqiyo jaceylkuba dadka wey wadaagaan,
damac iyo xishoodna dumar lagama waayo,
diintiyo qur’aankuna culimadu ma deyso,
anna doonistaadii kama daallin inanyahay,
Inaan kuu dandaranahay adba waad dareentaye
Maad ila dadaashid?
IDiley cowsha duurka joogtiyo , dugaagiyo waraabahaan
maalmahan la deris noqday , waan daahayaayoon
waan duulayaayoon ,adiga kuu duleysnahay
degenaanshihii diidayoo ,cishqi kale igama degaayo
Ee hadaan leygu kaa dirin ,ama dooqu xumi ku gelin
maxayna kala dareershay?.
waranka duxdiisiyo , waxa adiga kuu daran
anba kuguma daayeen
Ee maxaad iiga durugtay?
marhadii alle wax kula doono ama garab kaaga oow ka boxo umada uma ekid qofkii naxaris iyo af macani iyo danqasho cashaq iyo darenkisa iyo suntisa in aana lagu ca cayaarin iga waanin jirtay ee weligeed igu dhihi jirtay sida aan kuu jeclaaday aadane koonkaan joogo ee aan u jecladay maleh ayaa caawa aqristow waxa ay igu lee dahay bro iga rali noqo!!!!!! runti aniga saxib wan lahaa lakin adiga marka aan ku baranaaye asiga ayaan ku xumeenaaye oo qilaaf inoo dhaxeeyay, hada markii aan heshiinayna adiga waxaan diidaaye in aan muraayada kaa jabiyo maadaama aan ogahay in aad Zaa’id ii jecesha hay, marka saas ayaan qadka u soo gali waaye, weliba saxibkay ayaan farimaha adiga aad soodirto tusay aqristayna, marka bro adiga waxaa tahay qof muhim ah qof fiican bro nabsi in aan kaa galay, oo aan qalad kaa galay oo aana cafis leheen waan ogahay, lakin bro aniga lafteyda waan iskaga kaa ciyaaraye!!! oo saxiib kay xarash aan u haaye ayaan adiga kaala so dul dhacay ee bro wax aan sameyona ma kasaayo weligey haben kuma sexan jaceyl aan adiga kuu qabo intaas oo waqti aad igu lumisayna ka raali noqo!!! runti ma jeclen in aad dartey u waalato ama u noqoto mid ka dheeraado jaceyl kiisa runta ah dhib aniga aan kuu geestay dartiis, ee bro waa iska caadi waa iska aduunyo ha u bixin, intaas marka aan afkeeda ka maqlay,!!!!!!!
aqristow maxaa ila gudboon in aan sameeyo?
aqristoow qofkani asigana waxa uuba taagan yahay waan kugu tijaabinaye, oo cayaar bayba iga eheed ana waxaanba taaganahay saacad dharka hadaan tuurana, aan u heesto in aan weli xaragonayo, lakin waxan ku iri ,,,,,,,,,,,,
idileey ogoow irid baa furmeysa, nasiibkaa isxaami ilaa aakhira saacaha, Ifkaan kuugu jeclahay, inaan ku waayo waa ii ayaandaree ,inteed joogtaa kuu ooyaye,
Inteed joogtaa kuu ooyaye, ilmadu iga qubatayee ,Ideecadaha aduunka, akhbaaraadka cusub Ogeysiisyad iyo wararka, isgaarsinta caalamka Joornaalada afka dheer , ee abaara runta ,aaladaha internetka, web siteyada emailada iyo Chat inka lagu qoro afaraha Romance iyo Is araga MSN ka, miyaadan ka akhrinin ereyadeyda Jaceyl ,Inaan wacadkii iloobinoo, wali kuu oomanahay, Adigoo kala laguma uumin aduunkee, mana arki doonee ololkii caashaqa ee oofaha i gooyay, miyaadan ii ogeyn,
axdigiyo jacaylka ururada caashaqa ee aduunka ka jira ajendaha ay qoreen asxaabtii la aasey ee caashaqu idleeyey ,abwaanada wax alifee suugaanta abuura miyayna ku ogeysiin inaan wacadkii iloobinoo wali kuu oomanahay ,,
Ifaalaha jacayl ubixii aan beerey, udgaayee carfaayay Idiley magacaa amaan iyo aamin ilaaliye dhaartii wadnahayga aamin ii iftiinshe aragaaga, adimihiyo xubnaha Diidey iney irdheeyaan axdigii adkaa igu yiri aduun iyo aakhiro iilkii xabaasha asxaabteyda runtaa oon taariikhdeyda iloobeyn miyaysan Ku ogeysiin inaan wacadkii iloobin oon wali ku oomanahay, aduun waa calaf ogow dartaa ama aduun ama aakhiro,
aqristoow ma garanaayo cid aan nabsi ka galay si aan ugu duceysto, waan hurdaa waana soo jeedaa IDIL darteed, misna waan socdaa aniga oo aanan garaneyn halka aan u socdo, waana ka haraadsanahay wax kasta oo aan cabo, mana garanaayo waxa aan ku oon bixi karo, mar hadaad garab keyga ka baxday waxaanse qalbiga ku hayaa alle in uu u adeego adoomadisa masakinta,
waxaan dareemayaa in aan ahay qof si wax ka yihiin, gocoshaduna ku weyn tahay, waxaan qirayaa in aan qalbiga kugu qoray, laabtana kugu sawiray la’aantaana nolosha ay san ii dha dahmen, in kastoo igu tiri wax aana kaa astaahilin qof muslin ah kugu dhaqan iyo diin ah na aan lagu dhihin, lakin nabsi waa kii soo if baxaa ana nabarka aad igu dhifatay waa mid xisaab tisa ay imaan doonto !!!!!!
aqristow xayi adag ma ihi, xabaal weli ma gelin, waan xanuunsanahoo xigto & dadkii ma xushmeyn karo, xishood waan ka tegay, xad dhaaf waali & nin xir-xiran ma’ihi tii aan xusahana xero dhaaftaye, maxaad igala soo doontay asal kaagii hore qalbi meelesan, maxaadse caashaqa qoobka cayaarka iigu dishoo miraayadeyda ugu qarxisay , maxaadse qalbi aadan ii heynin iyo niyada iiga dhigtay mid ii baahan, jaceyl aadan ii qabina maxaa iigu beertay, mise filin ayaad dhigeysay oo qarash baa kuu socday, mise Sheeko ayaad igu alifeysay, mise Musal Sal ayaad sameyneysay mise Entertaimanti wax eh ayaad i mooday aniga miyaadan ogeen Romance gu in loo jiisobo loo sakaraaday duulal badanina naftu ay u wayeen, mala socotaa nabsiga aad geesatay sida aan unoqday mase u jeedaa xaalka aan ku suganahay mise dareen santahay. IDIL maalin ima soo marto illaa waan ooyaa adiga owgaa lakin dhibkaad hor marsataahi waa ku kuu danbeeyo ee
IDILEY miyaadan rabi leheen oo beer danqadaahi kugu oolin ?!!!!!!!!!!
aqristo meel kasto ood caalamka ka joogtaan, qisadan xaqiiqda ah ee aan farsamo iyo caqli isku tagay ku imaan ee qof ay si rasmi ah live ay ugu dhacday qalbigisa oga qoray, waxaan aqristow idin kaga digaa Dad kaan badalmay iyo duun yadan halow day ee qabiil kiyo aanfada u ban baxday, ee lug gooyada iyo dhibaatada u istaagtay,iyo dumarkaan ibtiloboo hawadooda raacay, in dhalin yarooy imaankiniyo qalbigiina aysan aan fayninee, oodnaan u dayicin mustaqbal kiinee oodnaan isa siininee ood ka digtoonaataan hagar daamada haweenka maantay jira, si aad naan ugu dhicin dabinka an ku dhacay iyo sida aan ku suganahay maantay, dhibaatoyinka Singal Mum iyo Girl paltalk ku jirto iyo Chat rom I.W.M ee ka danestoo dantiina aqoon sadoo nin walbo mehradii loo dirsaday haka faa’ideystoo ha iska yiraahdo niyada dib baa loo noqon donaa oo xal iyo daganaasho waa soo car fayahe maxaad qabsan doontaa, maxaadse ku nolaan doontaa mustaqbal ka soo socdo, ee caashaqan qawda maqashii waxna ha u qaban ta ah iska indha xiroo iska dhaga tiroo danahiina muhiimka ah ka raacda.
anaa go’oo firinbi igu yeroo i aamino tilbada i qabsatay adigaba way kugu soo socota, dhilinyaroy is jiroo maankiinana celiyoo dadbaa hortiin caashqu aan feyoo ibtileyee baan dheeyay awgiise lana il daran ilaa maantay ee taarikh yesan ku qabsan adoo indha ku fiiqan yihina ha iska dhigin nin aan wax ogeenee…
Waxaa ay qisadan ka dhax dhacaday wiil iyo gabar kala joogo Egypt iyo Holand qisadaan waxaa sihagar la aan ah qalinka ugaqaatay wariye m.c.c iyo waliba waxaa gacan weyn kageysty jaamac xusen jaamac nimbuzz2

5:00 galabnimo ayey si kadisa u kulmeen khaalid iyo hoodo, islamarkaa waxay ku kulmeen goob hotel ah oo uu khaalid ka shaqayn jiray wuxuna ka ahaa (witer) mudalab.

khaalid wuxu ahaa wiil aad u wanaagsan wuxuna ka mid ahaa aradayda loogu jecelyahay jaamacada, khaalid waa bulshaawi xadaari ah, khaalid waa danyar balse kama muuqato oo qalbiga ayuu qani ka yahay, khaalid galinka hore wuxu tagaa jaamacada galinka dambana wuxu ka xoogsadaa hotelkan, hoodo marnaba kamay filayn inay halkan oo kale ku aragto, balse waxay u khushuucday siduu iskugu kalsoonyahay una ilaashanayo shaqadiisa iyo waxbarashadiisa inkastoy markii hore qalbiga iskala hadashay oo ay is tidhi khaalid muu iska kaa qariyo.

Khaalid wuxu aad ugu farxay aragtida hoodo wuxuna u arkayey inay tahay fursad dahabi ah, sababtoo ah wali qalbiga khaalid muu soo ban dhigin ujeedadiisa uu ku doonayo hoodo, khaalid wuxu isku dayey inuu hoodo u sheego inuu arin muhiima u leeyahay balse waxa jaaniskii uu quud-daraynayey ka dhicisaysay gabadh habaryar u ah hoodo oo la socotay oo uu meel uu ka maro waayey, fursadaasina halkaasay ku dayacantay.

Hoodo waa gabadh khaaligu ku manaystay qurux oo jidhkeega laga ilaaliyey xubin la noco, hoodo waa gabadh xishood badan oo hadal gaaban isla markaana waalidked ku soo koriyeen tarbiyad wacan taas oo dhalisay inay noqoto gabadh had iyo jeer asturan, waana hablaha dhifka ah ee ugu ixtiraamka badan jaamacada.

koox uu khaalid ka mid yahay waxay abaabuleen in ardaydu u baxdo dalxiis, sidaa darteed professor aadan arintaa wuu ansixiyey waanuu ka ogolaaday dalxiiskaa.
Abaaro 5 subaxnimo ayuu khaalid u kacay tabaabushe iyo is diyaarin uu isku diyaarinayo dalxiis la magac baxay (dalxiiskii caashaqa ) waa koox dhalinyaro ah isla markaana ku bahoobay jaamacad ay wada dhiganayeen, waxayna ka koobnaayeen 15 wiil iyo 10 hablood, waa dalxiis si farshaxanimo leh loo soo diyaariyey, waxa kooxda dalxiisaysa hogaaminaya professor ka mid ah macalimiinta jaamacada.

dhamaan kooxadani aad ayey u xiisaynayeen dalxiiskan, waxayna in badan sugayeen wakhtiga la baxayo oo ku beegnayd 14/6/2010 waana maalin salaasa ah, qof kasta oo ka mid ahaa dalxiisayaashu aroor horaba wuu is diyaariyey, xiisaha iyo xamaasada ay u hayaan awgeed, waxa isna diyaar ahaa gaadiidkii ay raaci lahaayeen oo kala ahaa bas iyo lankaruusar.

Wakhtigu waa gu’ dhulkuna aad ayuu u roobanyahay, goobta dalxiiska loo tagayaana waa dhul badanaa dadku u dalxiis tagaan, waxayna caan ku tahay bad, buuro, durduro iyo dhul cagaaran oo geedo leh.

saacadu markay maraysay 6 subaxnimo wuxu qof kastaa heegan ku ahaa kursiga gaadhiga, professor aadan markuu hubsaday in ardaydu dhantahay ayuu fadhiistay kursigii loogu talo galay, 6:30 subaxnimo ayey ka ambabexeen magaaladii ay joogeen.

Dhamaan dalxiisayaashu waxay sitaan sahaydoodii, aad ayey ugu faraxsanyihiin dalxiiskan, intay jidka ku sii jireen waxay gudaha baska ka bilaabeen hadalo kaftan ah, dhamaan waa dhalinyaro waxa farxadooda u dheereyd labiska quruxda badan ee ay xidhan yihiin, muddo 3 saacadood ah ayey ku qaadatay inay gaadhaan meeshay u socdeen.

Markay dhamaantood dhulka cagaha soo dhigeen waxay indhaha la raaceen muuqaalka yaabka leh ee dhulkani leeyahay iyo neecawda macaan ee ka dhacaysa, waa goor barqo ah jawiguna aad u macaan yahay, professor aadan wuxu ardayda ku war galiyey inay fasax u yihiin bilowga dalxiiska wuxuna uga digay meelaha khatarta ah, kadib ardaydii iyagoo isku qaybiyey dhawr kooxood ayey koox waliba jiho u dhaqaaqday.

Khaalid wuxu ka mid ahaa ardayda ugu mudakarsan jaamacada, isla markaana wuxu ka mid ahaa xubnihii fikrada keenay in dalxiis loo baxo, balse khaalid maalintani waxay u ahayd maalin ka duwan maalmaha kale, sababtoo ah waxa maalintan ku cusbaa dareen xiiso galiyey naftiisa, oo markuu baska ka soo dagay indhihiisu waxay si toos ah ugu dhaceen hoodo, oo intay ardaydu dhulka daawanaysay isagu wuxu ku jeeday gabadhan, falaadhaha cadceeda iyo laydha macaan, jawiga xasiloon iyo labiska qurxoon ee ay hoodo wadato iyo farxada ka muuqata, ayaa mar kaliya iskugu beegmay, waxa halkaa ka dhalatay in khaaalid uu dareemo xiiso iyo kalgacal saayid ah.

Maadaama ay hoodo tahay gabadh aad loo ilaaliyo waxa maalintana la socotay habaryarteed, waxana adkaatay siduu khaalid ula kulmi lahaa hoodo, Waxa galinkii hore la soo wareegaba waxay gaadhay duhur, islamarkaa waxa dalxiisayaashii lagu war galiyey inay dhamaantood iskugu yimaadaan geed damal ah oo aad u wayn hadhkiisuna wanaagsan yahay, si loo qadeeyo, khaalid wuxu codsaday inuu isagu qaybiyo cuntada waayo wuxu wali raadinayaa fursad uu kula hadlo hoodo, khaalid wuxu cuntadii qaybiyaba wuxu soo gaadhay bartay fadhiday hoodo wuxuna la kulmay hoodo iyo habaryarteed iyo wiil kamid ah dalxiisayaasha oo gooni u fadhiya, isagoo qalbiga ka naxay ayaa waxa dhagihiisa ku soo dhacay hadalo ay is waydaarsanayeen 3 qof oo ah (habaryar wiilkan inaad aqbasho ayaan kula jecelahay) !!!!!

Khaalid isagoo ka biyo diiday wiilkan hoodo loo sasabayo ayuu cuntadii u dhigay, marku dib u laabtay ayey la hadashay hoodo waxayna ku tidhi walaal waxba maad cunine nala fadal, khaalid intuu yidhi mahadsanid ayuu iska dhaqaaqay, markii la qadeeyey ayaa waxa la bilaabay sheekooyin iyo kaftan goos goos ah, balse khaalid kamuu qayb galin, goor ay casarkii tahay ayaa loo dareeray dhulkii lagu dalxiisayey, balse khaalid kamuu qayb galin wuxuna kaligii joogaa baabuurta agtooda, hoodo waxay dhalintii ka dhex wayday khaalid waxana loo sheegay in khaalid ku sugan yahay baska dhexdiisa, hoodo intay habaryarteed ku tidhi waan soo noqonayaaa ayey khaalid oo kaligii ah u timid.

Khaalid isagoo isla maqan ayey hoodo ku soo jeedisay cod dabacsan, khaalid wuu farxad naxay waxa madaxa ka fuqday qolof wayn tin iyo cidhibna wuu jidhidhicooday, kadib waxay hoodo su’aashay waxa dadka ka reebay, isagoon jawaabin ayey hadana waydiisay dhawr su’aalood, balse khaalid intuu qalbiga iskala hadlay ayuu go’aansaday inuu badheedhihiisa cadeeyo, wuxuna yidhi:  Walaal hoodo muddo sanad ahba waxaan rabay inaan kula hadlo balse iimay suuro galin, hayeeshee waxaan maanta kuu sheegayaa inaan aad kuu jeclahay, waan ogahay inaad wadanka ka dhoofayso, waxa kaloon ogahay in reerkiinu doonayaan inay kuu dhisaan wiilkii aad qadada wadaagayseen, hase ahaatee waxaan ahay qof kuu boholyoobay oo ilaa xad ku jecel, balae go’aanka adigaa iska leh, hoodo waxa ku duxay hadalada khaalid iyo kalgacaylka uu la hoos joogo, isla markaa hoodo kumay dagdagin go’aankee waxay khaalid usoo jeedisay inuu sheekadaa dib u dhigo oo uu ka qayb qaato dalxiiska.

Khaalid waxa qalbigiisa saaqay dareen farxadeed wuxuna ka ogolaaday inuu dalxiiska ka qayb qaato.

Khaalid iyo hoodo way wada socdaan, socod qabaw ayey ku laafyoonayaan, waxayna is waydaarsanayaan kaftan kalgacayl ka muuqdo, iftiinka cadceeda oo jihada galbeed ka xigta iyo dhulka cagaaran iyo jawiga xasiloon iyo neecawda macaan ayaa muujiyey shacnigooga, oo midba midka kale ayuu hoosta ka eegayaa, waxa kusoo lug daray koox ardaydii ka mid ah oo aad ugu khushuucay siday iskugu soo baxeen, markiiba waxa lala boobay sawiro, farxada iyo qosolka iyo raynraynta ka muuqataa waa mid saa’id ah, wiil ka mida ardayda ayaa si kaftana u yidhi dalxiiskeena waxa aad u nuuriyey khaalid iyo hoodo, inta la qoslay ayey gabadh kalana tidhi wacnaan lahaydaa haday lamaano noqdaan, waxay tamashleeyaanba waxa meel gaaban kaga soo baxday hoodo habaryarteed iyo wiilkii lala rabay, waxayna dareemeen in labadan xidhiidh ka dhexeeyo.

Wiilkii hoodo lala doonayey wuxu isku dayey inuu hoodo gaar ula baxo balse intaanuu la hadal ayey ardaydii su’aalo kala hor tageen wiilkii, waxayna waydiiyeen ka waran siday iskugu nuurayaan khaalid iyo hoodo? isagoon jawaabin ayaa arday kale ku yidhi saaxiib haday lamaane noqdaan sideed ugu hambalyeyn lahayd? wiilkii markuu arkay halkay xaaladi marayso ayuu si dhab ah u qancay, wuxuna yidhi farxadiinu waa farxadayda.

Ardaydii oo farxadoodu xadka dhaaftay, khaalid iyo hoodana dhoola cadayn isku jaleecaya, ayaa abaaro 5:30 galabnimo professor aadan dhamaantood ku war galiyey inay si dagdaga u diyaar garoobaan, isla markaana baabuurta fuulaan.

waxa goor habeenimo ah ay soo galeen magaaladii, qof waliba isagoo farxad la il daran ayuu gurigiisii tagay, khaalid laftiisuna isagoo kolba xasuusanaya farxadii dalxiiska, isla markaana is waydiinaya jawaabta kasoo bixi doonta hoodo ayuu gurigoogii tagay.

balse hoodo waxa markiiba su’aashay habaryarteed waxayna waydiisay waxa labadooda ka dhexeeya, hase ahaatee hoodo may jawaabin, markay guriga fooda galisayna waxa lagu salaamay in fiisihii usoo baxay oo 3 cisho dabadood baxayso, hoodo wax waliba kadis bay ku noqdeen, waxayna wayday wakhti ay go’aan ku gaadho.

Ardaydii markay markay maqashay in hoodo wadanka ka dhoofayso waxay abaabuleen xaflad sagootin ah, oo lagu macasalaamaynayo hoodo, khaalid wuxu ku go’aansaday inuu caawa war cad kasoo qaado hoodo, aad ayuu u labisanyahay wuxu gacanta ku sidaa ubax guduudan iyo hadiyad uu ugu talo galay hoodo.

Hotel ayaa layskugu yimid ardayduna way dhantahay hoodana kama maqna, laakiin waxa la sugayaa khaalid oo ahaa shakhsi aad loo taageero, cabaar markii la sugayey aadna loo raagsaday, ayaa lagu tashaday in xaflada la bilaabo wakhtiga oo yar awgeed, hoodo u qaadan waa ayuu ku noqday maqnaanshaha khaalid, sababtoo ah waxay doonaysay inay khaalid go’aan cad ku kala tagaan oo ay hubsato inuu caashaqu ka dhab yahay, maadaama ay bariba 10 ka subaxnimo diyaarada ku qoran tahay.

Xafladii way dhamaatay waxayna ardaydii si meeqaam sare leh ku sagootiyeen hoodo, waana lagu kala dareeray.

Wiil iyo gabadh ardayda ka mid ahaa ayaa is waydiiyey maqnaanshaha khaalid waxayna tageen gurigii khaalid balse dadkii guriga joogay waxay yidhahdeen khaalid intuu labistay ayuu fiidkii naga baxay, labadii arday waxay damceen inay baadidoonaan laakiin meel ay u dhaqaaqaan ayey garan waayeen.

khaalid cid ka warhaysaa ma jirtee qadarbaa ku dhacay, oo fiidkii isagoo xaflada ku soo socda ayuu la kulmay laba nin oo budhcad ah oo isku dayaya inay gabadh xoogaan, khaalid damiirkiisa ayaa siin waayey inuu iska dhaafo miskiintan budhcadu heshay, wuxuna ka damqaday dhawaaqa kasoo baxaya gabadhan oo ah (ala walaal iga qabo) khaalid wuxu bilaabay inuu difaaco gabadhan, aad ayey u dagaalameen, laakiin khaalid waxay madaxa kaga dhufteen dhagax, wuxuna ku dhacay dhulka waanuu miir doorsoomay, budhcadii markay aragtay in aanuu far dhaqaajinayn ayey baxsadeen iyagoo ka baqday in naftuba ka baxdo, khaalid waxa halkii ka qaaday niman ay u yeedhay gabadhani waxana la dhigay dhakhtarka.

3 habeenimo ayuu indhaha kala qaaday khaalid oo uu soo miiraabay, wuxu isku dayey inuu kaco balse kalkaaliyihii dhakhtarka ayaa ku yidhi waa saqdhexe waanad dhaawacan tahay ee intuu waagu baryayo ma bixi kartid, 5 tii subaxnimo waxa khaalid u yimid gabadhii uu daraadeed halista u galay oo ay la socdaan dad badani, markay xaaladiisa arkeen inuu nool yahay ayey gabadhii waydiisay khaalid reerkooga iyo meel lagala xidhiidho, laakiin khaalid wuxu gabadhii ka codsaday inuu fariin u dhiibo, fariintaas oo ku socota hoodo, way ka aqbashay waxayna u dhaqaaqday gurigii hoodo oo uu usoo tilmaamay.

Waxay raadisaba goor ay 8 dii aroornimo tahay ayey aragtay guri baabuur hor taagan yahay oo gaadhiga alaab lagu gurayo, waxayna waydiisay dadkii gabadh hoodo la yidhaa, waxa lagu yidhi gudaha ayey ku jirtaaye hore u soco.

gabadhii markay gudaha gashay waxay isha ku dhufatay laba hablood oo wada hadlaya, midi waxay leedahay ninkaasi waa beenaale oo way cadhaysan tahay, mida kalana waxay leedahay walaal hoodo shaydaanka iska naar, laakiin gabadhii fariinta siday ayaa tidhi idinkoo raali ah hoodo waatee, intay labadooduba soo jeedsadeen ayey hoodo tidhi waykan, gabadhii waxay tidhi isma garanaynee fariin ayaan kuu sidaa !!!!

Hoodo ayaa tidhi yaa kuu soo dhiibay???? gabadhii ayaa tidhi wiil khaalid la yidhaa ayaa iisoo dhiibay, hoodo markii horaba way cadhaysnayd markay magiciisii maqashayna waxay tidhi ma arki karo mana maqli karo ee u celi fariintiisa, balse hoodo saaxiibadeed ayaa tidhi hoodo waa ku sidee ma adoon waxba hubsan ayaad cadhoonaysaa, hoodo iyadoo cadhaysan ayey saaxiibadeed ku hor akhriday fariintii, waxana ku qornayd (walaal hoodo hadaan ku calfan waayey waa nasiibe ducaan kugu ogahay) hoodo markay kalmadaasi dhagaheega ku dhacday ayey qalbiga ka naxday, daqiiqado markii la aamusnaa ayey gabadhii fariinta siday isku dayday inay iska noqoto, laakiin intayna dhaqaaqin ayey dib usoo jeedsatay waxayna tidhi walaal hoodo khaalid iimuu sheegin gurigooga ee kiina ayuumbuu ii tilmaamay ee ma ii tilmaami kartaa, si dadkoogii uga war helaan waayo dhakhtarku wuxu sheegay in qaliin dagdaga lagu samaynayee, mar labaad ayey naxday hoodo, hadalna wuu kasoo bixi waayey oo shoog ayaa qabsaday, laakiin hoodo saaxiibadeed oo iyaduna naxsan ayaa tidhi walaal waxa dhacay maad noo sheegtid, gabadhii way u warantay siday wax u dheceen iyo xaaladuu ku suganyahay imika, iyo siduu hoodo uga warwarayo.

Hoodo jacayl oodihiisa wataa dabarka ku soo goostay, wuxu beerkeegu hayn waayey waxa la sheegayo, kalgacayl aan yaraynbaa ku habsaday, tin iyo cidhib dhidid baa qooyey, kal iyo laab jidhidhico jacaylbaa isku jabisay, indhahana ilmo aan xad lahaynbaa kasoo daadatay.

Hoodo iyadoon dhana eegin ayey dhakhtarkii gashay, waxay aragtay ardaydii jaamacada oo dhamaan wada jooga oo aad u murugaysan, waxay is tidhi malaha wuu dhintay, oo qof ay wax waydiiso ayey garan wayday, balse professor aadan ayaa si dagan ula hadlay, wuxuna u sheegay inuu noolyahay balse qolka qaliinka uu ku jiro.

Hoodo iskadaa diyaarad iyo dhoofe nafteedii ayey ilowday, habaryarteed oo ka daba timid una sida fiisihii iyo baasaboorkiina intay ka qaaday ayey halkii ku googoysay.

nasiib wanaag khaalid wuu soo kacay waxa usoo galay ardaydii oo dhan waxa ag fadhida hooyadii, hoodo farxad iyo yididiilo ayaa gashay, laakiin waxay wayday awood ay qolkii ku gasho, balse professor aadan ayaa niyada u dhisay oo ka caawiyey in mar uun indheheegu qabtaan.

ugu dambayn waxay noqdeen lamaane nolosha qaybsada isla qaybsada, waxa u bilaabantay nolol cusub, sanad walbana waxay u dalxiisi jireen goobtii la magac baxday (dalxiiskii caashaqa)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here