Warqad Furan Oo Ku Socota Macallinka Ka Cabanaya In Dhul Laga Qaaday, Dowladda Hoose Ee Hargeysa & Xildhibaan Nac-nac

“Ilma Biixi dhulka ku waayi maayaan Madaxweynaha ayaad isku hayb tihiin, macallinkuna dhul ku heli maayo qoyska Madaxweynaha ayaa dhul igu haysta, labaduna…”

Waxa maalmihii ugu dambeeyey aad iyo aad loo hadal hayay sheekada ku saabsan dhul uu nin macallin ah ka dhisanayey Caasimadda Hargeysa, gaar ahaan Waaxda Ibraahim Kood-buur oo laga joojiyay,  iyadoo halka uu macallinku guriga ka dhisanayey uu ku yaal dhul ay leeyihiin Ilma Biixi Cabdi oo ah dhul dhaxal ah oo ay wada leeyihiin qoyska Madaxweynaha Somaliland, waxaannu macallinku ku doodayaa in dhulkaas laga iibiyey.

Haddaba, ilaa imminka dhinaca Macallinka ayuun baa saxaafadda iyo warbaahinta la hadlay oo cabashadooda soo bandhigay, laakiin weli dhinaca qoyska Madaxweynuhu wax hadal ah oo ay saxaafadda mariyeen ma jiro. Haddaba marka arrinku halkaas marayo, waxa aad mooddaa in la siyaasadeeyey arrinkii dhulka ee labada dhinaca ka dhexeeyey oo laga dhigay in dad masaakiin ah la dhacayo oo dawladdu dhacayso, arrinkuna sidaa maaha.

MACALLINKU MUXUU KA YIDHI ARRINKA:-Waxaan doonayaa in aan halkan idinku soo gudbiyo hadalkii ninka macallinka sheeganayaa uu saxaafada u soo gudbiyay, waxaannu yidhi; “Waxa la iga joojiyay dhul aan guri ka dhisannayay, dhulkaas oo sharciyaddiisu dhan tahay, waxaana iga joojiyay Dowladda hoose ee Hargeysa, gaar ahaan maayirka, sababta la iga joojiyay waxa weeye dhulka oo ay sheeganayaan Qoyska Ilma Biixi Cabdi. Waxa uu hadal na dhexmaray innan uu Madaxweynuhu abti u yahay, (waa Agaasime Ciise Maxamuud Ciise), kadibna waxa uu ii sheegay inay iyagu dhulka leeyihiin oo awoowgii  Biixi Cabdi uga dhintay oo dhul dhaxal ah uu yahay, muddo ka dib ayaa waxa ii yimid inanka uu Madaxweynuhu abtiga u yahay iyo wiil uu dhalay Madaxweynuhu, ka dib waan is garannay oo ardaydii aan macallinka u ahaan jray ayay noqdeen, ka dib si ixtiraam leh ayey iila hadleen oo baabuur meesha taagnaa oo V8 ah ayaan soo fuulay oo maayirka magaalada Hargeysa ayaa gaadhiga saarnaa, ka dib waxay igu yidhaahdeen; ‘arrinka waan dhammaynaynaa ee is deji.”

Horta hadalka macallinku sidaas ayuu ahaa, laakiin sida hadalkiisa ka muuqata haddii innamadii uu macallinka uu ahaan jiray iyo maayarkii magaaladuba ay ku yidhaahdeen arrinkaas waan dhammaynaynaa ee aniga naga war sug, may ahayn in macallinku uu saxaafadda soo mariyo hadallo isugu jira aflagaado iyo ceebayn uu u jeediyey qoyska Madaxweynaha iyo maayirka Hargeysa ma ahayn, inamada uu macallinka u ahaa ee ixtirimaamay sida uu sheegay isagu macallinku ma ixtriraamin inamadii, markaa arrinkaasi waa gef ka dhacay macallinka ee waxaan leenahay macallinka xaal iyo raaligalin ka bixi arrinkaas aad samaysay ee aad warbaahinta iyo saxaafadda marisay.

Markaa anigu waxa aan leeyahay; “Ilma Biixi dhulka ku waayi maayaan Madaxweynaha ayaad isku hayb tihiin, macallinkuna dhul ku heli maayo qoyska Madaxweynaha ayaa dhul igu haysta, labaduna waxay ku kala baxayaan sharciga dalka iyo Maxkamadaha Somaliland.”

DAWLADDA HOOSE EE HAYGEYSI MAXAY KA TIDHI ARRINKA:-Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Golaha Degaanka Hargeysa oo u hadlay Dowladda Hoose ee Hargeysa waxa uu sheegay isagoo ka hadlaya dhulkan lagu muran yahay, in dhulkani uu xayirnaa Ilaa sannadkii 2004-kii oo Maxkamadda Jamhuuriyadda Somaliland ay xayirtay, isla markaana uu ahaa dhul loo xayiray Ilma Biixi Cabdi, isla markaana ay dowladda hoose Hargeysa ka rartay dad danyar ah oo dhulkaas si sharci-darro ah u degay toddobaadyadii uu dambeeyey.

Marka uu arrinku halkaas taagan yahay, macallinkuna waxa uu sheegay in dowladda hoose ee Hargeysa, gaar ahaan Degmada Ibraahim Kood-buur ay u sharciyayeen dhulka, isla markaana ay siiyeen sharcigii dhulka looga fasaxay ee uu  ku bilaabay dhismaha macallinku.

Marka aad labadaas hadal is barbar-dhigto, waxa kuu soo baxayaa in Dawladda hoose ee Hargeysa ay qayb ka tahay muranka dhulkan oo iyadu ay tahay cidda sababtay muranka dhulkan, markaa dawladda hoose ee Hargeysa waxan u soo jeedin lahaa in arrimaha dhulka ee muranka badan dhaliyay ay xalliyaan oo iyagu dib isugu noqdaan oo aanay marna Madaxweynaha sawir la soo galin, marna dhulka Ilma Biixi Cabdi ee dhaxalka ay aanay sharciyadu been ah u samayn oo shacabka aanay muransiin.

ARRINKA XILDHIBAAN NACNAC:- Waxa aan warbaahinta iyo saxaafadda ku arkayay maalmihii uu dambeeyey Xildhibaan Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland oo deeq raashin ah gaadhsiiyay qoysaska dan-yarta ah ee Dawladda hoose ka rartay dhulka lagu muran sanyahay. Waxa aad moodaa in Xildhibaanku lacagtii reer Axmed dhagax iska uruririyeen ee waddada Balli-gubadle ku dhisayeen uu u adeegsanayo olole dad-kicin ah, markaas xildhibaanka waxaan leenahay lacagta reer Balli-gubadle kuu dhiibteen ee ay waddada ku dhisayaan olole siyaasi ha u isticmaalin ee u daa dadka hantidooda ay kugu aamineen.

Waxa kaloo aan dowladda u soo jeedinaynaa, gaar ahaan Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland in uu ka qaybqaato dhismaha waddada Balli-gubadle oo ah waddo muhiim ah dhinaca dhaqaalaha waddanka iyo wax-soo-saarka.

GEBOGEBO:- Waxa dhacdo ugub ah noqotay oo innagu cusub in dadkii sharafka iyo karaamada innaga mudnaa ee waddanka taariikhda ku lahaa ee qaar Madaxweynayaal ka soo noqdeen in hantidoodii iyo dhulkoodii lagu qabsado oo waliba aflagaado loogu daro.

Dhacdadan imminka taagan ee la xidhiidha dhulka qoyska Madaxweynaha, waxa ka horaysay dhacdadii kale ka dhacday Magaalada Berbera, iyadoo ay dad gaar ah sharci u samaysteen, kuna doodeen inay leeyihiin dhul uu lahaa Allaah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ku yaal Berbera, dhulkaas oo uu dhaxal ku helay,   ka dib dadku aad ula yaabay oo la is weydiiyey, muddo ka dib arrinkii dhammaaday oo qoyskii Madaxweyne Cigaal ka tagay loo xukumay.

Haddaba, Cigaal isagu wuu dhintay oo isagoo dhintay ayaa dhulkiisii lagu murmaye, waxa iyadu dhacdo la mid ah noqotay arrinkan dhulka Ilma Biixi Cabdi ee waliba iyagii oo nool oo Madaxweynihii Muuse Biixi nool yahay in dhulkoodiii sharciyo been-abuur ah loo samaystay. Markaa waxaan u soo jeedin lahaa bulshada reer Somaliland in ay ixtiraamaan madaxdooda oo ay sharfaan, isla markaana aanay budhcadnimo iyo boob ula iman hantida ay Madaxdeennu sida gaarka ah u leedahay.

 

Qore: Cabdalle Ismaaciil Yaasiin (Baallo)

Togdheer & Sanag Waxay U Baahan Yihiin Rayaale Oo Kale.

Tan iyo intii ka dambaysay doorashadii madaxtooyadu waxay dadku kala noqdeen rufucyo, siyaasi waliba wuxuu meel ku xidhay xaafadiisii hoose, taas oo keentay in bulshado furfuranto, illaa haddana sidii xaaladdu ahaato.

Bulshada Awdal oo tafaafuruqu ku yaraa waxa saameeyey doorashadii dhowayd, taas oo sidii beelaha kale noqotay sii aanay iyo rufuc rufuc, waxay madax dhaqameedkuna kala raaceen uun siyaasiyiintooda arrintan ku hogaaminaysa.

Doorashadani waxay sababtay in xitaa qoysas badan ku burburaan oo nin iyo naagtii kala raacaan musharaxiinta, ka dibna ay halkasi ku kala tagaan, waana doorashadii ugu saamaynta xumayd ee qoysas kala dira.

Madaxweynihii hore Daahir Rayaale waxa uu isku dayey inuu xal u helo tafaraaruqa siyaasaddu sababta u tahay ee gobolka Awdal, waxaanu dhamaan isku keenay madax dhaqameedkii gobolka si bulshada loo mideeyo.

Maadaama oo Daahir Rayaale loo arko nin dhexdhexaad ah waxay keentay inay ayidaan arrinkiisii oo isku raacaan oo khilaafyadii beelaha la soo afjaro, waxaanay hortiisa kaga dhowaaqeen in sidii hore xaalka lagu celiyoo oo la iska wada saamaxo oo dhaqankii fiicnaa ee walaalaha lagu ahaa dib loogu noqdo, siyaasadduna aanay bulshada gobolka kala qaybin.

Hadaba, mar haddii Rayaale u kacay Awdal, waxa loo baahan yahay in Togdheer iyo Sanaag ka soo dhex baxo shakhsi dhexdhexaad ah oo bulshada isku keena oo xurguftii doorashadu keentay dib u masaxa oo bulshada walaaleeya.

 

Barkhad-ladiif Cumar

 

Maqaal: Dadka Maxaa Ka Dhaxeeya ? (Kali Kali illaa Koox Koox) !!

Dadka bilowgii soow keli-keli duurka uguma ay nooleeyn. Dabeedna, koox-koox, bulsho-bulsho ama beel-beel umay deggin. Bilowgii nolosha cid kasta, iskeed bay ugaadhsi iyo qabaadhsi ugu nooleeyd… Bulshada oo markastaa sii kordhaaysay, kheeyraadkuna uu yahay isla kii, dadkii waxa mideeyey dantooda u weeyn oo aheeyd biyo iyo baad.

Tirada dadka oo markaste kordhaaysay waxa ay keentay in bulshada kala xigsato biyaha iyo baadka. Si loo kala ceshadana waxa sal (base) noqotay in intii biyo iyo baad ka dhaxeeyaanba is gaashaan-buureeystaan, si ay kheeyraadkooda u dufaacdaan. Kuwii kale ee baahnaana sidoo kale, waxa ay u midoobeen in ay kheeyraadka rabaaniga ah laga ceshan ee ay qeeybtooda dhacsadaan.

Markaste oo dadku bato, waxa isna korayey wacdiga, fikirka, garaadka iyo hal-abuurka. Wax kaste oo la soo marayba waxa la gaadhay in ay dadku ka heshiiyaan waxa la wada yeelanayo iyo sida loo wada yeelanayo iyo aminta/xiliga la wadaagayo… Nolasho wax ay socotaba dadku wuxu gaadhay heer iyagoo kala beel iyo deegaan ah in ay is maamulaan, dawladdana sameeystaan.

Is riix-riix, is-fahan-waa iyo is-diidooyin kale oo badan, kuwaas oo xididkoodu yahay, kala badsashada xilalka, fursadaha iyo dhaqaalaha, dabadeed wuxuu xalku noqdey in dawladnimada ahaato mid bulshada ka wada muuqato, si sinaan ahna (Equity) wax loo qeybsado, fursadaha dhaqan-dhaqaale iyo kuwa siyaasadeedna loo qeeybsado si isku jaan-go’an oo ka turjumaaysa qaabka bulshadaa nolosheedu iyo deegaankeedu yahay iyo waxa markaa lagu heshiiyey ee sharciga iyo xeerarku mus-danbeedka u yihiin. Iyada oo dulqaadka tanaasulku u yihiin biyaha waraabinaya waxa lagu heshiiyey.

Haddaba, sida aan qabo, middan aan kor ku sheegnay baa ah ama qeyb weyn ka qaadatay in Adduunku xasilooni iyo nabad ku wada noolaado, soona baxaan bulsho is ogal dhinacna u wada jeedda. Haddii tani ay dhacdeena jiritaanka iyo korniinka dunidu sida hadda uu yahay wuu ka duwanaan lahaa.

Si kaste oo dadka loo dirqiyo, WAXA KA DHAXEEYANA loo kala badsado, qof kali ah ama koox kali ahi (afka aan ku ballaadhshee ama “REER KALIYA”) dawladnimada isa siiyo, awood dhalanteed ahna is bido, dadka kalena la dhagaaysan waayo, la diido in lala fadhiisto, rabitaankoodana la tix-gallin waayo… Haddaba markaa waxa dhalanaya soow maaha cadho, xiqdi, ciil. Waxa kaliya ee ku xigayana soow maaha is abaabul iyo is urursi irbadda turqeeysaa tahay kacdoon bulsho heerka uu doonaba ha ahaadee, taasi oo ay hagaayso rabitaanka dadkii la dhagaysan waayey.

Tusaale waxa inoogu filan Soomaalidii midowday 1960kii ee kala tagtay 1991, waxa tusaale nool ah gu’gii carbeed oo ay ugu danbeysay, siina qoyan tahay tii Suudaan. Waana dariiq xun oo shar-wadaayasha iyo kuwa “qaska” ku naaxaa ay ka faa’ideysan karaan, oo wax kaste ku burburaan. Tusaale nool, waxa ah Libya iyo Yemen waxa ka socda. FANAANKA CAANKA AH EE MAXAMED BK WAA WADNAHA QARANKA SOMALILAND!

class=”aligncenter wp-image-9454″ srcset=”http://www.dhamaysnews.com/wp-content/uploads/2019/07/Mustafe-dheereeye-Iyo-BK.jpg 545w, http://www.dhamaysnews.com/wp-content/uploads/2019/07/Mustafe-dheereeye-Iyo-BK-300×182.jpg 300w, http://www.dhamaysnews.com/wp-content/uploads/2019/07/Mustafe-dheereeye-Iyo-BK-500×303.jpg 500w” sizes=”(max-width: 476px) 100vw, 476px” v:shapes=”_x0000_i1025″>Fannaanka codka toolmoon ee arlada Soomaalidu degto laga jecelyahay Maxamed Siciid Cabdi PK ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay garoonka kubada cagta caasimadda waddanka Somaliland ee Hargaysa.

Maxamed Siciid Cabdi oo loo garan ogyahay PK waa fannaan ka soo mudh yidhi degelkii lagu maamuusi jirey horyaalka heelooyinka Soomaalida, waa magaalada Hargaysa.

Dadyowga Soomaalidu waxay lahaayeen dhaqan iyo hidde lagu yaqaan oo lagu gudbiyo hab nololeedkooda iyo qurxinta mabaadii’dooda oo si farshaxanaysan laysugu tebin jirey.

Haddaba, markii laga soo gudbey xiliyadii ugaadhsiga iyo qadhaabsiga waxaa soo if baxay baahida loo qabo hanaan la isugu gudbiyo suugaanta, taas oo lagu  sheegato xaddaarada iyo fikirada  ay waaridayaan.

Waxaa la bilaabay ciyaaraha hiddaha oo hal odhaah-doodu ay saameyn jirtay meelahaas lagu abuurnaa.

Heelooyinka Soomaalidu waxay ku soo siqeen magaalooyinkii oo xiliyadaas bilow ahaa waxaa la casriyeeyay heesahii ciyaaraha, kuwaas oo lagu daray qalab la tumayo oo odhaahda ku ladhaya sawaxan u yeelaya dhadhan  una ah dhextaal yo kala rogasho u beddeshay halkii jiibta iyo guurowgu lahaa.

Qalabkaas muusiga oo ay keeneen dadyowgii reer Cadmeedka ahaa ama Hindidii, Kiiniyaankii iyo shaqaalahii mustacmaradaha la soo shaqeeyay ayaa hurumariyay muusiga heesta ku ladhan oo saameyn weyn ku yeeshay waddanka Somaliland.

Boorama iyo Hargeysa ayay ka soo baxeen dhallinyaro magacyo ku yeeshay heelooyinka Soomaalida waxaana aan ka xusi karaa Cabdi Silimoo iyo Cabdillaahi Qarshe  oo ka mid ahaa raggii wax ka bilaabay waqtigan oo lagu qiyaasay 1940 kii, Walaalo Hargeysa iyo dhallinyaro xiliyadaa hormood ka ahaa heesaha iyo heelooyinkaas casriga ah sida Kabacaddii iyo qaar kale oo badan ayaa soo saaray heeso caashaq ah oo laga daba dhacay xiliyadaas.

Meertooyinkaasi waxay seeska u dhigeen in hoyga suugaanta lagu bokhro gobollada waqooyi, gaar ahaan magaalada hargeysa taas ay qaybta ugu weeyn lahayd, Idaacadii Radhiyow Hargeysa oo soo saartay Fanaaniinta ugu caansan ama loogu jecelyahay dhulka Somali degto.

Mxamed Siciid Cabdi PK waxuu hide tirsanayaa aataartaa qaddiimka ah ee hibada u leh fanka gaamurey ee soo sheegnaa.

Fanaankan codka baxsan ee PK  waa raga ugu caansan xiligan oo kaas oo lagu majeerto nin hibadiisa u adeegsada kalsooni uu kaaga kasbanayo in aad dhegaha u raariciso erayada laxamaysan,legden ee uu ku luuqeeyo. Fannaankan waxaa lagu wada sheegaa ana aan ku aqaanaa fannaan ku qab iyo han-weyn halka ay suntadeen Qarankiisa Alalah ka beerey ee uu dhib iyo dheefba la wadaagay.

Maxamed PK  marka uu fagaarayaasha ka balweynayo dadka badankiisu waxay la jiboodaan heesahiisa xamaasadda badan ee uu ugu hiiliyo calankiisa iyo waddankiisaba meerisyada lagu xusuusto waxaa ka mid ah.

HOREY GOD MADOW GONDAHA DHIGATOO

TALADA GURACANI GUNAAD KA TAGEE

HADUU GALABTABA XOR YAHAY GEYII

WALEE MA GAM-EE GUULOOW MAHADA( laabsaalax)

Fannaanku waxuu leeyahay heesaha ugu caansan ee mucaashaqiintu isku dhayaan xiliyada ay gayaankooda ku xulanayaan nolol-wadaagooda, sida arooska ama meherka,  heesahiisa kale fannaanka waxaa ku jira qaar ka hadlaya nolosha qaybaheeda kala duwan ama waayaha adduunka.

Heesahiisa laga daba dhacay waxaa ka mid Ah ISTAAHIL, HOODIYO-AYAANLEY, DHULKA SOCO IN KUGU FILAN,NOLOSHA CUSUB, YAA ISIIYA LABA BAAl,SHAADIYA,DHAQAN, QOF-WEEYN IIMA TIHID iyo qaar kaloo fanaan Maxamed PK wxuu sameeyaa kulano ama Show laga dalbado Africa, Asiya, qaarada yurub iyo gudaha Somaliland,

Fannaanka ayaa dhawaan u baxay in uu ka heeso waddanka Kenya, oo taageerayaal badan u joogaan inkasta oo ay tashuush ay ku fureen dadyow ka xun sida uu maanta sheegey, Calanka dalkiisa hooyo ee uu ballanqaadey in uu luxudka la gelayo.

Fannaankan ayaa ku soo barbaarey fannaaniinta ciidamada qaranka markii danbena ka mid noqdey kooxda caanka ah ee Xidigaha geeska  Somalilnand

Qormadan waxaan ku soo afmeerayaa Fannaanka Maxamed PK fankiisu maaha mid cadceedda sacab lagaga qarin karo xasadkaasna wuu ku sii ifi doonaa.

QALINKII; Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye.

Warbixin: Sheekada Nin Soomaali ah oo si Caddaalad-darro ah Loogu Daldalay Waddanka Ingiriiska

Safiya Maxamed, ayaa la yaabtay markii ay ogaatay in qofkii ugu dambeeyey ee lagu daldalo gobolka Wales ee dalka Britain, uu ahaa nin Soomaali ah, waxayna ka diyaariyey sheekadan.Inta badan Soomaalida tagtay dalka Britain, ayaa halkaasi gaadhay wixii ka dambeeyay sannadkii 1990-kii, Safiyana ma qiyaasi karin in Soomaalida ay halkaasi ku sugnayeen muddo gaadheysa boqol sanno.

Sheekada Maxamuud Mataan, ayaa marka aad u fiirsataba, waxay ku tusineysaa arrin weyn oo midab-takoor iyo caddaalad-darro Maxkamadeed ah, taasoo ahayd nolosha Soomaalidii bad-maaxiinta aheyd ee u tallaabay dhinaca waddanka Ingiriiska.

Sheekada ayaa bilawgeedu waxay aheyd wada-sheekeysi kulan casho ah. Ma garan karo sida uu mawdhuucu u bilawday, ha yeeshee innagoo ka sii baxeyna goobtii makhaayadda, saaxiibadat ayaa soo hadal qaaday magaca Maxamuud Mataan, kaas oo la daldaley sannadkii 1952-dii, markaa – anigu indhaheyga waxay ku dhaygageen saaxiibadday, halkaas ayeynu ka amba-qaadnay sheekadan qotada-dheer, ee aadka u qalafsan – maxaa xiga markaa.

Aad baan uga argagaxay, haddana way i soo jiidatay sheekada. Saacadihii ka dhinnaa habeenkaas, waxay sheekadan ka dhex baadhney wixii laga hayo aaladda wax lagu baadi goobo ee Internet-ka ee Google, innagoo isku dayeyna in aan ogaano xogta iyo warbixinnada ku saabsan sheekadan murugada leh.

Markaan sii akhriyaba sheekada Mataan, waxaan ogaanay taariikhda dheer ee ay leeyihiin dadkayga ku nool dalka Ingiriiska. Markii aan ku soo dhex barbaarayey, qoysaska Soomaaliyeed dhexdooda, kuwaas oo xooggoodu yimid halkan sannadihii sagaashameeyadii (1990-kii) illaa iyo labadii kun “2000”, ma maqal qof soo hadal qaadayo in Soomaalidu joogeen in ka badan qarni, oo arrintaasi waxba kama ogayn.

Sheekada Mataan ayaa ku bilaabantay fiidka maalintii ay ku beegneyd 6-da March, 1952-dii, markii la dilay haweeney ka shaqeysata dukaankeeda oo la yidhaahdo, Lily Volpert, kaasoo ku yaalay degaanka xeebta ah ee Butetown, Cardiff. Ciidanka Booliiska ayaa durbadiiba markii uu falka dhacay joojiyey dhammaan maraakiibtii ka baxeysay dekedda, waxay bilaabeen inay ugaadhsadaan gacan-ku-dhiiglihii.

Degaanka Xeebta ee la yidhaahdo Butetown, waxaa sidoo kale loo yaqaanay Tiger Bay ama The Docks. Waxay aheyd goob ay ku nool yihiin dad kala dhaqamo ah, taas oo mahaddeeda ay lahaayeen bad-maxiintii, kuwaasoo halkaasi u tegay inay ka xoogsadaan, kana kala yimid qeybo kala duwan oo ah goobihii ay ka talineysay Boqortooyadii Britain – oo ay ka mid ahayd Somaliland.

Soomaaligii ugu horeeyey ee yimid magaalada Cardiff waxaa la diiwaangaliyey inta la ogyahay qarnigii labaatanaad, ka dib markii la furay Kanaalka Suez. Ha yeeshee way yaraayeen illaa iyo intii laga soo gaadhayey 1914-kii, markii uu bilawday dagaalkii koowaad ee dunida, waxaa kordhay baahida loo qabo dadka xoogga leh, si loogga faa’iideysto xooggooda shaqooyinka adeegga ku saleysan.

Ragga ayaa ka shaqeyn jirey maraakiibta ganacsiga kala daabusha, kuwaas oo matoorradooda ay isticmaali jireen dhuxusha. Waxay awood u heleen raggani inay shaqeystaan, oo lacagihii ay heleen dib ugu diraan dalkoodii, adduunyadana goobo kala duwan oo badan ay arkaan.

Raggani waxay ahaayeen dad reer guuraa ah, wax dhib ah kuma aysan qabin safarka ku saleysan guur guuridda. Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo odhaneysa; “Nimaan dhul marin, dhaayo ma leh.’

Intii lagu guda jiray sannadihii dagaalka koobaad ee dunida, 1914 illaa iyo 1918-kii, Warsame aabbihii iyo Soomaalidii kale ee ay bad-maaxiinta isla ahaayeen way hodmeen, sida ay sameeyeen kuwii kale ee tegay Yemen iyo qeybaha kale ee dunida ee hoos tegi jiray Boqortooyada Britain.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaadkii dagaalka, waxaa dib u soo noqday bad-maaxiin badan oo Britain u dhashay, waxay sidoo kale u baahdeen shaqo. Taasina waxay sababtay in markii ugu horreysay ay billawdaan dibed-baxyo midab-takoor ku salaysan oo ka dhacay magaalooyinka Cardiff iyo Liverpool ee dalka Ingiriiska.

Raggii caddaanka ee shaqo-doonka ahaa waxay weerar ku ekeeyeen dadkii madoobaa iyo guryihii ay ku noolaayeen, ayey tidhi Nadifa Maxamed, oo ah qoraa asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeddo, balse British ah, taasoo ka shaqeyneysa sidii ay u soo saari laheyd buug ka hadlaya Maxamuud Mataan, “halka Soomaalidii, iyo madowgii kale ee ku dhaqnaa goobtii uu weerarka ka dhacay ay iska caabiyeen kuwii soo weerarey”. Waxaa muuqatay in weerarka kadib dadkii qaarkood ay isaga tagaan goobtaasi, laakiin kuwa kale ayaa ku hadhay goobtii, kuna adkeystay inay sidoodii u sii noolaadaan, waloow shaqooyinkii la heli jirey ay hoos u dhaceen.

“Noolaanshaha Cardiff, waxay badday raggii bad-maaxiinta ajnebiga ahayd inay ku ekaadaan guryo ay lahaayeen shirkadihii maraakiibta, kuna hoos noolaadaan nidaam ku dhisan faquuq, kaasoo xaddiday fursadaha shaqo ee ay heli karayeen, goobaha ay tagi kari lahaayeen,” ayey tidhi Nadifa Maxamed.

Waxayna intaas ku dartay; “Inkastoo ay nooloshu adkayd, waxay halkaasi ka abuurteen noolol hor leh, taas oo ka dhalatay goobaha ay degganaayeen dadka dhaqamada kala duwan leh. Waxay sameysteen maqaayada, masaajiddo, iskuullo ku dhisan nidaamka Islaamiga ah, iyo hannaan ay isku garab qabtaan.”

Maxamuud Mataan, ayaa Butetown gaadhay sannadkii 1940-kii. Wuxuu ku dhashay maammulkii Somaliland ee Britain hoos tegi jiray ee sannadkii 1922-kii, isagoo raacayay raadka dadka kale ee bulshadiisa, taasoo sababtay inuu shaqo ka helo markab.

Sannadkii 1945-kii, waxey is barteen Laura Williams, oo aheyd gabadh 17 sanno jir ah oo ka soo jeeda dooxada Rhondda, taas oo ka shaqeyneysay warshad sameysa warqadaha, saddex bilood, kadibna wayba is guursadeen.

Tacaddiyada ka dhanka ah qoyskan ayaa noqday kuwo aad u sarreeya. “Xiitaa waxaa dhibaato noqotay inay waddooyinka wada socdaan, sababtuna waxay ahayd waxaa dhibaateynayay ragga iyo dumarkaba,” ayey intaa raacisay Nadifa.

Labadan qof ee is calmaday waxay dhaleen saddex carruur ah, ha yeeshee waxaa aad ugu adkaaday inay helaan goob ay si wada-jir ah ugu wada noolaadaan oo bulshaduna u ogoshahay. Markii uu dhacayay fal lagu dilay haweenay lagu magacaabi jiray Lily Volpert, qoysaskani may wada nooleen.

Gabadhan la dilay ee la odhan jiray Lily Volpert, waxay ku jirtay da’da afartameeyada, waxay lahayd dukaan ku yaalla waddada Bute, kaasoo aan ka fogeyn xeebta ay ku soo xidhaan Maraakiibtu. Xilli fiid ah oo taariikhdu ahayd 6-dii March, 1952-dii, meydkeeda ayaa laga helay dukaanka, iyadoo dhiig-baxday, oo goorta lagaga gooyey mindi. Lacag lagu qiyaasay £100 oo haatan u dhiganta £3,000 – ayaa laga xaday dukaanka.

Ciidanka Booliiska ayaa su’aalo waydiiyey dad badan, oo uu ku jiray ninkan Soomaaliga ahaa ee la odhan jiray Mataan. Wuxuu u sheegay in aanu ku sugneyn jidka Bute maalintii uu dilku dhacay, oo uu ku jiray shaneemada illaa iyo 7:30 fiidkii, kadibna uu tegay gurigiisa, ayuu u sheegay booliiska. Laakiin ma jirin qof laga heli karo caddeyn ah halka uu Mataan ku sugnaa 8.15 fiidkii, markii uu dhacay falkii dilka ahaa.

Qof u dhashay dalka Jamica (Jameeka), oo la yidhaahdo Harold Cover, ayaa siiyey booliiska warbixin aroortii xigtay, isagoo sheegay in uu arkey nin Soomaali ah oo ka sii baxaya goobta uu falka dilka ka dhacay ee dukaanka Volpert – kaas oo lahaa ilig dahab ah, koofiyad iyo jaakatna aan xidhnayn.

Ha yeeshee, Mr. Mataan ma aannu laheyn ilig dahab ah, dadkii arkay maalinkaasi, ka hor falka dilka, waxay sheegeen inuu xidhnaa koofiyad iyo jaakat. Waxaa dib laga ogaaday in ninka Jamaikan-ka markuu booliiska warbixin siinayey uu sidoo kale sheegay inuu arkey nin kale, kaas oo uu ku sifeeyey Taher Gass.

Mr. Mataan waxaa la xidhay markii Cover uu siiyey booliiska warbixin labaad, taasoo ka hor imaneysa tiisii koobaad – qoyskii ay ka dhalatay Volpert ayaa ballanqaaday £200 oo abaalmarin ah ciddii soo gudbisa warka arrintaasi la xidhiidha. Markii la gaadhay Maxkamaddii, Cover wuxuu sheegay inuu arkey Mataan oo ka sii baxaya dukaanka markii ay saacaddu aheyd 8.15 fiidnimo.

Ciidanka Boolisku waxa ay qareenada difaacayay Mataan ay ka qariyeen in afar qof oo goobta ku sugnayd marka uu dilka dhacayay ay dhammaantood sheegeen in Mataan aanay goobta ku arag iyo weliba in gabadh 12 sanno jir ah oo meesha joogtay ay sheegtay in Mataan aannu meesha tegin maalintaas.

Waxaa sidoo kale nasiib-darro ahayd in xiitaa qareenkii difaacayay Mataan T E Rhys-Roberts, hadalkii ugu dambeeyay ee Maxkamadda ka jeediyay uu ahaa in Mataan yahay “canug dhiman oo ilbaxnimadiisa aysan kaamil ahayn.”

Mr. Mataan waxaa lagu helay dambi, waxaana lagu xukumay dil, waxaa laga diiday inuu xukunka ka qaato wax racfaan ah, iyadoo lagu daldalay xabsi ku yaalla magaalada Cardiff taariikhdu markii ay ahayd 3-dii September, 1952-dii.

Harold Cover, oo ahaa ninkii ku marqaati furay Mataan, ayaa muddo kadib la xidhay, isagoo lagu xukumay xabsi daa’in, ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu isku dayey inuu gabadhiisa qoorta ka gooyo, isagoo adeegsanaya mindi, halka Taher Gass, oo ahaa isagana ninkii lagu tilmaamay inuu ku sugnaa dukaanka uu dilka ka dhacay, lagu soo oogay dambi ah inuu qof toorrey ku dilay, balse wax dambi waa lagu waayay.

Xaaskii Mataan, Laura, looma sheegin markii la dilayey ninkeedii, waxayna ogaatay mar ay booqatay xabsigii uu ku xidhnaa. Markaas kaddibna iyada waxaa u bilawday dedaal sannado badan socday oo ahaa sidii ay ku caddeyn lahayd in ninkeedu aannu gelin dembiga loo daldalay.

“Wuxuu hubay in la ogaan doono in meel un ay wax iska daba-mareen, afka Ingriiska si wanaagsan kuma hadli karin, balse waxaa ku celcelinayay “qof dumar ah ma dilin”, sidaasi ayay Laura u sheegtay wargeysaka The Independent sannadkii 1997-dii.

Waxayna intaas ku dartay; “Ilaa maalintii ugu dambeysay waxaan aaminsanaa inay sii deyn doonaan, laakiin ma aanay sameyn, oo wey daldaleen. Markii falkaasi daldalaadda ay ku kaceen kaddib, waxaan isku xidhay qolkeygii anigoo ay i wehliyaan carruurteedii, muddo dheerna waxaan u maleyn jiray inaan mar un arki doono, wuxuu ahaa nin wanaagsan iyo aabbe wacan ah, badda ayuu ka shaqeysan jiray, si uu nolol u kasbado, markii dambena wuu iska dhaafay oo wuxuu ii sheegay inuu rabay inuu la joogo carruurtiisa intay ka korayaan.”

Isku daygii ugu horeeyey ee ay qoysku ku doonayeen in xukunkii dhacey la baabi’iyo waa laga diiday, laakiin kiiskani wuxuu noqday kii ugu horeeyey oo loo gudbiyo guddiga dib u eegiska kiisaska ee la dhisay sannadkii 1990-kii.

Ugu dambeyntii, xukunkii waa la buriyey sannadku markii uu ahaa 1998-dii. Lord Justice Rose ayaa ku tilmaamay kiiskani “mid ay caddahay inuu khaldanaa,” isagoo sheegay in ay meesha ka maqanayd wax caddeyn ah oo Mataan la xidhiidhinayey inuu isagu dilay Lily Volpert.

Qoyskii Maxamuud Mataan ayaa waxaa loo xukumay magdhaw gaadhaya 1.4 milyan oo giniga Ingriiska ah, Waa markii ugu horeysay oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ingiriiska magdhaw siiso qoyska qof si khalad ah loo daldalay.

Xaaskii Mataan, ee Laura, waxay dhimatay 10 sanno kaddib xukunkaasi. Dhammaan carruurtiina waxay wada dhinteen, balse waxaa weli Cardiff ku nool carruurtii ay sii dhaleen.

Sannadkii 1996-dii, labo sanno ka hor intaan Mataan la bari-yeelin, ayaa meydkiisa laga soo bixiyey qabuuro khaas ah oo ku yaalla xabsiga, waxaa lagu aasay qabuuraha Cardiff.

Waxaa qabrigiisa lagu dhejiyay dhegax lagu qoray; “caddaalad-darro ayaa lagu dilay.”

Warbixin: Quruxda Degaanka Ceel-Sheekh iyo Dhibaatooyinka ay Dadku ka Cabanayaan

Hargeysa (BBC) – Deegaanka Ceel-sheekh oo ku yaal dhinaca xeebta woqooyiga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ka mid yahay meelaha dabiiciga ah ee quruxda badan, isla markaana ku habboon dhinaca dalxiiska.Hasayeeshee, Degaanka Ceel-sheekh oo ku yaal dhul buuralay ah oo weliba leh xeebo ku habboon dalxiiska, waa dhul aad u qurxoon, kaasoo u dhexeeya degmada Lug-haya oo dhinaca galbeedka ka xiga iyo degmada Bullo-xaar oo dhinac bari ka xiga, waxaannu degaanka Ceel-sheekh qiyaas dhan 105 kilo mitir dhinaca woqooyiga kaga beegan yahay caasimadda Hargeysa ee dalka Somaliland, iyadoo ay bulshada halkaas ku dhaqan ka cabanayaan baahiyo kala duwan oo la xidhiidha dhinaca adeegyada bulshada.

Haddaba, weriyaha BBC, Cabdullaahi Jaamac oo dhawaan booqasho ku tegay deegaanka Ceel-Sheekh ayaa waxaa uu la kulmay qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la daalaa dhacaya dhibaatada ka jirta halkaasi.

Maamulaha dugsiga Ceel-sheekh Mr. Axmed Cabdullaahi Aadan, ayaa sheegay in labo macallin oo kaliya ah ay Iskuulka ku dhigaan, isla markaasna aanay helin wax mushaar ah oo ay si tabbarucaad ah cilmigooda ugu deeqaan ardeyda.

Waxaannu maamuluhu intaas ku daray in xiliyo sii horeeyey ay dowladdu u ballanqaaday in macalimiinta sida tabarucaadka ah ku shaqeyn jiray la siin doono mushahar, balse aanay taasi weli dhicin.

Deegaanka Ceel-sheekh oo ay cimiladiisu kulushahay, haweenka ku nool ayaa ka cabanayaa in aanay helin adeegyada caafimaadka, arrintaasi oo ay dhibaato kala kulmaan gaar ahaan haweenka oo aanan heysan goobo caafimaad ay ku umulaan

“Ma lihin goob caafimaad oo ay dumarku ku umulaan, mana heysanno Ambulance oo aan dumarka kula cararno, awooddayadu aad ayay u hooseysaa, waxaan jeclaan laheyn in wax naloo qabto caafimaadka.” Sidaa waxa tidhi Muuna Maxamed Cabdi oo ah umuliso dhaqameed ku sugan degaanka Ceel Sheekh.

Waxay intaasi ku dartay in kaalinteeda ay ka qaadato caawinta haweenka umulaya, balse wixii awoddooda ka baxsan ay faraha ka qaadaan.

Guddoomiyaha Ceel Sheekh Mr. Maxamad Jaamac Xirsi Nageeye ayaa jeediyay codsi ah in laga caawiyo dhisitaanka xarumaha ay ku umulaan haweenka, si loo badbaadiyo nolosha hooyooyinka.

Degaanka Ceel-Sheekh waxaa sannadkii la soo dhaafay ee 2018 ku dhufatay duufaantii loogu magac daray ‘Sagal’ oo saameyn ku yeelatay deegaankaas, balse waxay u muuqataa inuu ka soo kabtay khasaarihii ka soo gaadhay duufaanta.

Inkasta oo deegaanku oo horumar gaadhay sida helidda korontada iyo biyaha, haddana dhinaca kale waxaa heysata dhibaato dhanka helidda nolosha aasaasiga, sida adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

W.Q: Faadumo Buuni
Naxdin ayaan fadhiistay haddana kacay, wareegay gurigii marba qol baan galaa, waxaan ka soo qaadayeyna garanwaayey! Shaydaankaan iska naaray. Xasuustaydu waa mid soo celcelisa in badan waayahaan isla soo marnay isaga. Haa waxan isla soo marnay waayo’ badan wanaag iyo walbahaarba leh. Calafku waa halkiisee Wayne wuxuu ii dooray isaga dookhaygana wuu noqday dadka wuu iiga duwanaa, waayo waa lammaanahaan nolosha la wadaagi jiray ee aan carruurtan iftiinkayga noqotayna u dhalay. Nolol been iyo ballan burin ku dhisnayn ayaanu ku noolayn muddo badan.

Waa arooryo hore oo dadku waxay wada tageen shaqadoodii mid kastaa hawshii u taalay ayuu u kallahay. Isaguna sidaas si la mid ah ayuu uga soo jarmaadday gurigiisa si uu u soo guto hawl maalmeedkii u taalay intuu dalka joogay. Carruurtuna ka hor isaga ayey u baxeen dugsiyadoodii. Hadduu iga sii maqnaa 3 saacaaddood oo toban la’ waxa igu soo dhacay Alleen aan kala go’ lahayn! Si baraadla’ baan u qabtay. “Haloow….Haloow, xaaskii Deeq miyaa?” Ayuu nin aanan codkiisa garanayni igu yidhi. “Haa” Haddaan ugu werceliyeyna, wuxuu ii sheegay in uu Deeq isagoo shaqadiisii ku jira uu Koomo galay oo hadal iyo huguntoona lahayn cisbitaalkana loola cararay.

Naxdin ayaan fadhiistay haddana kacay, wareegay gurigii marba qol baan galaa waxan ka soo qaadayeyna garanwaayey! Shaydaankaan iska naaray haddana Bisinkaa cugsaday. Cid lamaan hadline horaan gaadhiga ka soo kaxaystay. Waddadu cidhiidhi badanaa ma anigaa la i eeganayaa!? Saacad buuxdaan ku soo jiray jidka.

Cisbitaalkii ayaan imi anigoo harraad, daal, naxdini ii dhammaatay. Waan soo dul istaagay, mise waabuu neef tuurayaa! Markeliya ayaan quus qaatay. Waxan isku maaweeliyey in uu Eebbe isaga leeyahay adduunkanna uu keenay noolaysiin karo dilina karo. Waxan go’aansaday in aan u sheego arrinkan dhiillada leh reerkayagii iyo reerkaanu xididka noqonnay. Way i soo gaadheen intii i soo gaadhi karaysay.

Deeq hal maalin ayuu ku jiray cisbitaalka. Eebbe mahaddii koomadii wuu ka soo baxay. Dadka wuu kala garanayaa hase yeeshee awood badan ma laha, shaybaadhkii la mariyey wuxuu sheegay in uu wadne xannuun ku soo booday! hadda se’ wuxuu go’aan ku gaadhay in loo qaado dhinacaa iyo guriga. Anigu waxaan jeclaa in uu ku jiro cisbitaalka hase yeeshee markuu ku adkaystay waxan ku qasbanaa inaan ogolaado. Xummadda haysaa umay ogolaan inuu dhinaca dhulka saaro, fadhiisto ama uu qaato wax cunno ah. Cunno kamay degin cabitaanna hadalkiisa daa! “Jihada ii jeediyaa.” ayuu hadalkiisu ahaa. Waan u adkaysan kari waayey xannuunka uu ku jiro Haddana waxaan isku maaweelinayey inaan rumaysnaado wixii Eebbe keenay ee uu qoray oon marnaba la dhaafayn. Carruutaydana sidaa si la mida ayaan u maaweeliyey.

Haddii aanu baxnaaninnay laba caano maal, tii Eebbaa u timi naftiina way ka baxday. Waanu samirnay kana samirnay isaga. Waayo haddii wax kasta aanu samaynno marnaba ma soo celinkarno isaga. Ballaayadu maalinna ma qaddo, hadba maalinba meelbay dul yuururtaa. Dakharo badanna ku dhufataa. Maantaba waa maalin madow, oo gabal baa u dhacay reerkaygii. Tani waxa marag ka ah madasha la joogo, cidina ka maqnayn. Waxaa loo fadhiyaa waa geeridiisa berrina gogol-laabkiisa. Waa gole murugo badani ka muuqato. Waa la maydhay lana aasay isaga xaggii loo badnaana waa la geeyey. Godka loo nuur waa la galbiyey gurigiisii aakhirana waa la geeyey. Eebbe ha u naxariisto.

Hadday ka soo wareegtay 4 billood iyo tobon habeen ganbadiina aan dhigay, odayaal cummaadaysani ha i soo bookhdaan. Waxad mooddaa inay ii tirinayeen intaan ganbada siday! Soo dhawayn ka dib, arrinkay u socdeen ha ii furfuraan.” Duco qabtaad ahayde ma doonayno inaad reerka ka baxdo wanaag badaneey dee waxan doonaynaa maanta inaad Deeqii ku deeqay ee ina wada deeqay walaalkiisii Dahab aad maantaba ooridiisa noqoto oo uu carruurtana u noqdo aabbohoodii labaad dayacnna arki maayaan debadii Degeneey.” Ayey hadalkii iigu furfureen!

Anigoo yaaban ayaan ugu hal celiyey weliba odhaahdooda ka murugaysan, “Waxan ka marag kacayaa in aanay arki doonin dayac, markay arrintani timaado waa mar aan ka dafiray, indhahana ka daboolay dayrkii noloshayda naftaydana u diidday korinta ubadkayga tani se’ dhici mayso. Anigaaba tan naftayda ka ogolaanayn.” Markay arkeen in uu go’aankaygu isbeddel lahayn ayey iska carraabeen iyagoo ii ducaynaya ilayn qasab iguma lahee! Haa wuu dhintay isagu adduunkanna wuu ka tegay balse aniga iyo carruurtaydaba wuu nala noolyahay iyo weliba dadkooda, wadnahaygana wuu ku dhex noolyahay oo wuu warraabiyaa. Jacaylkiisu wuxuu noo ahaa sida; geed ka soo baxay carro si fiican loo warraabiyey lagana saaray wax kastoo sadhaydhsan.

Jacaylkiisu ma aha mid shaashoon doona, shillintana laga guri doono weligii, ma arag anigu intaan noolaa aabbe la mid ah mana arki doono, ma ilaabi doono siduu noo wada jeclaa ma ilaabi doono siduu ubadka iila korin jirin ee uu u koolkoolin jiray marnaba aanuu u dhibsan jirin. Ma ilaabi doono siduu iila shaqayn jiray ee uu iila caawin jiray shaqada guriga, ma ilaabi doono siduu reerkooda iyo kaayagaba u soo dhawayn jiray iskuna xidhi jiray. Ma ilaabi doono siduu ii dhagaysan jiray marka aan u sheekaynayo. Ma ilaabi doono siduu u ilaalin jiray farxaddayda geedkii jacaylka is taakulaynta, istiirinta, istoosinta ku dhisnaa waa mid ka beeran dhammaan xubnaha jidhkayga. Sayigayga oo keliya muu ahayn waxa kaluu ii ahaa; tusaale tolmoon oo aan ku daydo, walaal wanaaga wehel u ah, saaxiib iga samato bixiya wax waloo sadhaysan. Deeq wuxuu nala joogay muddo ka badnayn saddex billood intuu dalka hooyo joogay. Saddexdaa billood se’ waxay ii ahayd soddon sanno in aanu wada noolayn.

Weligii xanaf ima taabsiin xanaajinna hadalkeeda daa’. Saddexdayda carruur ahi waxay iila mid yihiin soddon ubada. Muu iman jirin weligii isagoo wax cusub noo sida mooyee, ma ilaabi doono siduu ubadka ugu ahaa macallin iyo weliba tabbobare. Hal maalin hadduu naga maqnaado waxay noo ahayd malaayiin maalmood inuu naga maqnaa! Beddelkii, maya! Ma ogoli in aan isaga debedii guursado.

Eebboow jannadaada nagu kulansii dhammaantayo. Amiin….Amiin.

W.Q: Faadumo Buuni

Hargeysa, Somaliland

Hordhac; infekshanka kaadimareenka ama Caabuqa kaadimareenku waa caabuq ama infekshan ay keento badanaa noolaha ilma aragtayda ah ee Bakteriyada nooyo kamidi, waxaanu ku dhacaa dhuuma ay kaadidu marto ee loo yaqaano Kaadimareenka, Kaadimareenku waxa uu ka koobanyahay laba dhuumood ama tuumbo oo kadida kasoo qaada kalyaha oo ah halka kaadida lugu sameeyo, labadaa dhuumood waxay soo maraan xagadambe ee uurku jirta meel inyar koone ka xigta laf dhabarta waxaanay ku soo xidhmaan Kaadihaysta oo lagu ururiyo kaadida ilaa ay kaadidu kabaxayso kadimareenka hoose oo usaara kaadida jidhka dibadiisa, hadaba sidaa aynu soo sheegnay kaadi mareenku waxa uu ka koobanyahay laba qaybood oo kala ah;

  1. Kaadimareenka sare; oo ah laba dhuumood oo kaadida kasoo qaada kalyaha keenana kaadi haysta.
  2. Kaadimareenada hoose; oo ah laba qaybood; Kaadihaysta iyo dhuunta kaadida dibada usaarta oo loo yaqaano kaadisaare ama kaadimareenka dibada.

Hadaba infekshankani wuxuu ku dhacaa dhumahaa aynu kor kusoo sharaxnay ee kaadimareenada.

Erayaga Kalyo xanuun; wuu kaduwanyahay infekshankan aynu ka sheekaynayno oo waa in shaqada kalyuhu hoos u dhacdo oo ay soodaariwaayaan kaadi ama qashinkii.

Infectionka kalyuhuna waa lamid uun infekshanka kaadi mareenka.

Baahsanaanta xanuunka: xanuunkani waa xanuun aad ugu baahsan aduunka gaar ahaan afrika, waa xanuunka ugucaansan ama ugu badan ee lagudaweeyo qaybaha bukaan socodka ee xarumaha caafmaadka, wuxu aad ugu badanyahay dumarka, inkasta oo ragu marka ay ka yaryaryihiin halka sano iyo marka ay ka waawaynaadaan 60 jir oo badanaa qanjidhka dhalmadu uu bararo uu xanuunkani ku badan yahay raga. Marka aan eegno dumarka waxan odhankarnaa 50% ayuu kudhacaa xanuunkani dumarka uguyaraan haljeer, oo kadhigan in labadii dumara midkamida uu kudhaco xanuunkani.Nugleeya yaasha:- xanuunkan waxa dadka unugleeya waxyaabo badan oo ay kamidyihiin kuwan soo socdaa;

  • Kaadihaysta oo xidhan ama afkeedu xidhanyahay oo aanay kaadidu caadi ugasoowada dhamaanayn.
  • Dhibkajira neerfaha sida neerfaha oo macaan waxyeeleeyay.
  • Kadihaysta oo kadida kucelinaysa kaadimareenka kasareeya.
  • Katiitar lagaliyey qofka
  • Difaaca qofka oo hooseeya sida macaanka ama dawooyinka kortikoisterodh ka oo uu isticmaalo qofku
  • Nadaafada gaar ahaan ciyaalka yaryar oo istijada xaga dambe kagayimaada
  • Wiilasha aan la xalaalayn

Calaamadaha Xanuunka: Kaadida oo qofka gubta, kaadida oo badata oo kolba qofka qabanayso oo uu kunoqnoqonayo suuliga, isagoon xajin karayn ee lacararaya kaadida, qofka oo habeen kii dhawr jeer u kaca kaadida, qofka oo marka uhoraysa ee uu bilaabayo kaadida ay ku adagtahay, ciyaalka yaryar way isku kaajaan habeenkii, way ooyaan markay kaadinayaan, marka hore way kameermeeraystaan inay suuliga tagaan, mararka qaar midabka kaadida ayaa isbadala oo noqda casaan ama bigays, qofku wuxuu garaac ka dareemaa kalyaha dushooda xagadhabarka, ama kaadihaysta dusheeda.

Mararka qaar waxa lagayaabaa hadiiwaliba ay jirto; caabuq badan ama malax ku samaysantay kaadimareenada sare in qofku uu yeesho xumad badan, qadhqadhyo, matag, yalaalugo.

Sidee loo baadhaa; badanaa hadii ay tahay mid aan cuslayn oo qofku calaamado kooban oo cad leeyahay, ay tahayna markii ugu horaysay, waxa macquula in dhakhtarku aanu shaybaadhsamaynn ee uu kaliya dawo siiyo, hadii shaybaadh loo baahdana dhakhtarku wuxuu dirikaraa waxyaabo kaladuwan isagoo kolba eegaya waxa keenay iyo waxa ay la xidhiidho infekshanka jiraa, waxaase ugu caansan in qofka loo diro shaybaadh ah in kaadida labaadho, iyo in dhiig laga caado loo yaqaano CBC iyo macaanka qofka la’eego, mararka qaarna waxa dhicikarta in qofka loodiro sawiro sida Ultrasound, Xray IWLM.

Sidee loo daweeyaa: badanaa waxa lagu daweeyaa kiniin mararka qaar uu dhakhtarku arko waxyaabo khasbaya in irbad lagudaweeyo mooyaane, badanaa waxaa loo isticmaalaa dawaynta xanuunkan dawada Ciprofloxacin 500mg kiniini ah oo shan cisho ama 7 cisho ah, sidoo kale waxa la isticmaali karaa Bactrim kiniin 3 cisho melahaa, ama nitrofurotain kiniin. Tusaale ahaan Somaliland imika waxaa ku soo batay dadka sadexdan dawaba aad u isticmaalay si aan haboonayn oo bakteeriyada keenta xanuunkani ay la qabsatay dawooyinkan dadkaasoo ay dhibadantahay in ladaweeyo, waxaanay dadkaasi u baahanyihiin in kaadidooda la beero si loo koriyo bakteeriyada ku jirta kadib la eego dawooyinka dilikara kadibna qofka looqoro kuwaa.

Fariingaara;

  • Xanuunkan hadii aad iskaga shakido iskuday inaad dhakhtar lakulanto oo aanad dawooyin iska iibsan ama iska isticmaalin
  • Iskuday in aad dawooyinka laguuqoro sidooda u qaadato oo aanad kala jarjarin si aanay bakteriyadu ula qabsan dawadan.
  • Istijada biyo fiican isticmaal kagana kaalay xaga hore oo kaadida ka istijoo marka hore
  • Cabitaanka badso oo biyaha maalinkasta cab ilaa laba litir ama kabadan.
  • Hadii xanuunkani kugu soonoqnoqdo kala tasho dhakhtarkaaga sidii looga hortagilahaa soo noqnoqoshada

Qoraalkan waxaan u qornay wacyigalin iyo waxbarid bulshada ah, ee qofna maaha inuu u isticmaalo inuu dawooyinkan qaato kaligii waxaa sidoo kale muhiima in la ogaado calaamadahan inay keeni karaan xanuuno kale oo aan ahayn infekshanka kaadimareenada oo kaliya taasina ay ka dhigantahay qofku waa inuu latashado dhakhtarkiisa ee aanu kaliya latashan qoraalkan.

Kala-dirista Golayaasha Deegaanka iyo Kalsoonida Shacabka

Haddiiba ay dhacdo saadaasha ah in la kala diro Golayaasha Deegaanka dalka Somaliland, waxa dhici doonta inay shacabka ku qaabilaan sacab iyo mushxarad ka duwan ka aroosyada lagu qaabilo ee farxadda muujisa. Shacabku waxa ay ka ducayn doonaan qalbiga. Eedda kuwan la doortay ee keliya soo kordhiyey culays dhaqaale iyo dantii guud oo si shakhsi ah loo cunay, waxa qayb ku leh dadka ka cabanaya oo waa kuwii soo doortay ee shalay markay isa soo sharaxayeen hor-yaacayey ee codka, lacagta iyo reernimada wax ku dooranayey. Ilama aha inuu jiro amaba way yartahay reerka keliya ee murrashaxiintiisa ka fikiray inay yihiin kuwa ummadda wax tari kara, laakiin aan ahayn tuug Ilaahay ay safaaradaha kala qaateen oo hore taariikhdiisa loo ogaa. Bal adigu qiyaas khaayin awood helay oo cod shacab ku fadhiya ama codka reerkooda oo aan cidna waxba isaga tirinayn. Xisaabtii Alle ayuu sugayaa oo keliya.

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Duqii la Magacaabi jiray

Maayarradii uu Madaxweynuhu magacaabi jiray, waxa ay ahaayeen kuwa lala xisaabtamo oo aan iska qaadan jirin go’aan dhib ku keenaya shacabka ay maamulayaan. La xisaabtanku wuxuu keeni jiray haddii ay badato ashkatada laga qabo Maayarkaasi inuu xilka ku waayi jiray. Tiro ma leh inta Maayar lagu eryey cabasho dadweyne. Waxa aynu halkan ku xusi doonaa saddex qiso oo ku dhacay Maayarradii la magacaabi jiray iyo sida ay masuuliyadda ku ahaayeen:

  • Mid ka mid ah Maayarradii soo maray caasimadda Hargaysa sagaashamaadkii wakhtigii dawladdii Cigaal, Allaah ha u naxariistee, ayaa waxa dhacay inay dad shacab ahi ku dibad-baxaan dhul dan guud ahaa oo ay isku rasaaseeyeen nin la siiyey oo dhisanayey iyo nin degennaa goobta, rasaastii ayey dhawr qof ku dhaawacmeen. Dadkii ka ag-dhawaa goobta ayaa isugu soo baxay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan dhibta dhacday iyo ninka goobta danta guud laga iibiyey oo xoog u adeegsanayey ka kale ee meesha degennaa. Warkii ayuu sii baahiey Telefiishankii keliya ee wakhtigaasi jiray ee Hargaysa T.V, haatan se la baxay Space Channel. Madaxweyne Cigaal, ayaa warkii daawaday, markiiba wuxuu degdeg ugu yeedhay Maayarkii, Ku-xigeenkiisii, Xoghayihii Dowlada Hoose iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha. Kulan dheer ka dib Madaxweyne Cigaal kumuu qancin dooddii madaxda dowladda hoose, wakhtina iskamuu lumin ee isla habeennimadii ayuu soo saaray war-saxaafadeed xilka lagaga qaaday dhammaan masuuliyiintii sarsare ee dowladda hoose. Waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay inay madaxdu ku kacday iska horkeen ummadeed. Subaxnnimadii ayey wargaysyadii Hargaysa ka bixi jiray qoreen “MADAXDII DHULKU GALLAAFTAY”.
  • Waxa kale isna jiray Maayar soo maray Caasimadda Hargaysa oo ay dad kaga dibad-baxeen, meel sariibad ah oo dan guud ahayd oo qayb ka mid ah uu gancsato si hoose uga iibiyey. Ka dibna gancsatadii ayaa dadkii lacag qaali ah kaga kiraysay. Markaasay dadkii isla sariibaddii mudaharaad ka dhigeen. Ka hor intii aanu dibad-baxu xoogaysan ayaa Maayarkii lagu wargeliyey dibad-baxa. Markaasuu orod kaga soo baxay gurigiisii, isaga oo macawistii faraqa haysta oo xidhan kabo sandal ah ayuu soo gaadhay sariibaddii. Markaasuu dadkii ururiyey isaga oo beerlaxawsanaya.

Waxaanu u ballanqaaday inuu yeeli doono siday doonayaan, basle ay mudaharaadka joojiyaan. Laba saxafi oo goobta ka ag-dhawaana wuu la heshiiyey. Sidii ayuu ku badbaaday. Marka la soo koobo labaadaa qiso Maayarradii la soo magacaabi jiray xilka qaadistoodu waxa ay ku xidhnaan jirtay cabashada iyo fal-celinta dhabta ee aan dhalanteedka ahayn ee ay shacabku soo gudbiyaan. Waxa se beddelay Gole Deegaan iyo Maayar leh waxa aan ku fadhiyaa codka reerkayga oo waxa aan doono ayaa samaynayaa. Nin baa laga hayey; ‘WADAAD WELIMAYSTA WAXA BEDDELAY WAHAABI SHAQAYSTA.’ Sidaasi oo kale Maayar laga cawdo oo la eryo waxa beddelay Maayar aan la eryi karin.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Somaliland

Cabdillaahi Fadal, Waa Hoggaamiye Ciidan Ee Abwaankii Weynaa & Abwaannada Yaryari Maxay Arkeen ?

Bulshada Somaliland guud ahaan inta badan didmo iyo Cuqdad ayay muujiyaan markay arkaan Askari dirays xidhann guud ahaan, balse Cuqdadaas iyo Didmadaas waxay ka dhaxleen gumaadkii iyo Cadaadiskii Ciidammadii keli-taliyihii Siyaad Barre, haddaba Anigoo ah muwaadin inta badan ka hadla daryeelka Ciidammada Dalkeena qaybahooda kala duwan, waxaan leeyahay Bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan ee dhismaha Waddanka Xog-ogaalka u ah, gaar ahaan kuwa Hal-abuurka ama Suugaanta iyo guud ahaanba waxa keliya ee Somaliland ka wada dhexeeya ee hormoodka u ah, Dawladnimadeena iyo Madax-bannaanideena waa Ciidammada Dalka qaybahooda kala duwan.

Sidaasi awgeed waxaan leeyahay Abwaannada yaryar Casriga ah iyo Abwaanka Suxufiga ah Cali Seenyo waxay ahayd inaad Shacabka u soo bandhigtaan Barnaamijyo Wacyi-gelin ah oo kor loogu qaadayo Daryeelka iyo Taakulaynta Ciidammada Ciidammada Dalkeena, Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliiska, Ciidanka Asluubta iyo guud ahaan Ciidammada dalka. Waxaan leeyahay Abwaannada aan kor ku xusay waxaad tihiin kuwii Bulshada ku jihayn lahaa Daryeelka iyo Taakulaynta Ciidammada Cadowga Hor-taagan iyo kuwa Nabadgalyada gudaha Dalka u heeganka ah ee Booliiska iyo Asluubta. Sidaasi darteed waxa la idinka sugayaa waa Wacyi-gelin taas, balse nusqaan iyo sharaf jab bay idinku tahay inaad Warbaahinta Dalka iyo kuwa dibeddaba uga gudbisaan af-xumo iyo eedayn qaawan Taliyaha Ciidanka Booliska, Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Ciidammada Booliiskaba.

Waxaan ku soo af-meerayaa Qormadan Cabdillaahi Fadal waa Hoggaamiye khibrad iyo adkaysi u leh Ciidammada Booliska, ee waxaan leeyahay Shacabka Somaliland waxa innagu waajib ah inaynu daryeel iyo Taakulo la garan galno guud ahaan Ciidammadeenna.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here